Home » Warar »

Lacagtii Mubaarak iyo Wiilkiisa u taaley Bangiyada Swiss oo Xanibaada la saaray

Xusni Mubaarak intii uu madaxweynaha ahaa wuxuu xaqiijiyey in shirkad kasta oo imanaysa Masar ay soo marto wiilkiisa Gamal Mubaarak..

ABCTV ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku ay ABCNEWS u sheegtay in qoyska Xusni Mubaarak ay bangiyo shisheeye ku shubteen lacag lagu qiyaasay 1 ilaa 5 BILLION oo doolar. Waxaana Saacaddo markii ay ka soo wareegtay is casilaadii Mubaarak ay Dawladda Swiss xanibaad saartay koontoyinkii bangiyada Swiss ee lacagtu ugu kaydsanayd Mubaarak iyo inta musuqmaasuqa jaalka kula ahayd.

Telefishanku waxa uu soo bandhigay sawiro muujinaya  noloshii ka badbadiska ahaa ee uu u noolaa Mubaarak iyo qasriyada uu ku lahaa magaalada xeebta ah ee dalxiiska ee Sharm el-Sheikh iyo guriga ay ku baxday malaayiinta doolar ee ku yaal London oo uu ku qoran yahay magaca wiilkiisa Gamal Mubarak.

ABC TV oo baarintaan ku sameeyey qaabkii ay u noolaayeen qoyska Mubaarak ayaa tibaaxay in ay ahayd hab ka badbadis ah, ayagoo u nolaa sidii boqortooyo, halka shacabka reer Masar ee caadiga ah uu qofkii ku nool yahay maalintiiba 2 doolar.

Mid kamid ah Qalcadaha Qoyska Mubaarak

Dukumiintu uu helay TV-ga ABC ayaa muujinayey, sida Telefishanku sheegay, in dawladda Maraykanku ay ku caawintay intii uu xilka hayayey Mubaraaka lacag gaareysa $335 million oo uu ku iibsaday sagaal diyaaradaha lagu dalxiiso oo khaas u ah madaxweynaha Masar. Waxaana TV-gu sheegay in Mubaarak uu lacagta jeebka ku shubto ay soo bilaabatay xilligii uu ciidanka ahaa oo uu dalka xukumayey Anwar Saadaat.

Sawir Mubaarak iyo qoyskiisa

Mubaarak xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa uu xaqiijiyey in shirkad kasta oo dalka Masar imanaysa ay shardi tahay in ay soo marto wiilkiisa Gamaal, ayuu yiri ABCtv. Wiilka iyo aabahiisna waxay jaal ku ahaayeen in ay la macaamilaan dhammaan shirkadaha imanaya dalka masar oo ayagu toos ula xaajoodaan sidaasna ay ku urursadeen lacago aad u xad dhaaf ah.

Guriga dabaqyada ah ee London, kuna qoran magaca wiilka uu dhalay Mubaarak, wiilkaas oo ah kii uu u diyaarinayey in uu xilka kala wareego ka hor kacdoonkii shacab.

TV-gu waxa uu sheegay in dawladaha Maraykanka iyo Britain in aysan jawaab ka bixin waxa laga yeelayo maalka Mubaarak uu ku leeyahay dalalkooda. Laakiin koox qareeno reer Masar ah iyo kuxigeen hore ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxay dalbadeen in Xusni Mubaarak iyo qoyskiisa maxkamad lagu saaro dalka Masar xatooyadii ay dhaceen hantida qaranka Masar awgeed. Hantida loo malaynayno qoyska Mubaarak in ay qaateena waxay u dhaxaysaa qiyaastii 1 ilaa 5 Billion oo doolar.

Xusni Mubaarak waxa uu madaxweyne ka ahaa Masar intii u dhaxaysay 14 October 1981 ilaa 11 February 2011 markaas oo is-casilay kaddib kacdoon shacab oo socdey 18 maalmood oo ay shacabku dhinacna uga dhaqaaqi waayeen barxadda xorriyada ee faras-magaalaha Qaahira. Shacabka ayaa kacdoonkaas sameeyey kaddib markii ay u dul qaadan waayeen gacanta birta ah iyo caddaalad darrada Mubaarak uu dalkaas ku maamulayey 30 sano.

Isha: ABCNews, Feb 11, 2011 | Daawo


Waa kuma Madaxwayne Xusni Mubaarak, Maxaase ka Taqaan Taarikhiisa?

Madaxwaynihii dalka Masar xukumayay 30-kii sano ee ugu danbeeyay ee Jimco February 11, 2011 isaga tagay Xilka Madaxtinimo ayaan jecleestay in aan aqristayaasha la wadaago nolashisa oo kooban inkastoo qoraal iyo wax la mid ah aan lagu soo koobi Karin taariikhda Xusni Mubaarak.

Magaciisa oo dhameestiran waa Maxamed Xusni Mubaarak wuxuu ku dhashay deegaanka Kafr-El Meselha ee ku yaala Waqooyi dalka Masar sanadkii 1928 waana 82 sano jir.

Waxbarashadiisa.

Kadib markii uu dhameeyay Dusigisa sare wuxuu ku biiray Egyptian Military Academy oo uu shahaaqada Bachelor’s degree ka qaatay isagoo bartay Military Sciences sanadkii 1949, Xusni Mubarak kadib wuxuu ku biiray Air Force Academy isagoo sanadki 1950-kii noqday Duuliye, sidoo kalle Xusni Mubaarak wuxuu wax barasho dheerad ah oo dhanka Ciidanka ku soo qaatay Midowgii soviet (Dalka Ruusha).

Shaqooyinka uu soo qabtay kahor inta uusan Madaxwayne noqon.?

Shaqooyinka uu Xusni Mubaarak soo qabtay waxaa ka mid ah.

1-1950 Waxaa loo doortay in uu noqdo Taliyada Ciidamada Cirka ee Magaaladda Cariisha ee ah caasimada Gobalka Siinaa,

2-Dagaalkii la magac baxay Dagaalkii October ee Masar iyo Suuriye oo isku dhinac ah iyo Yuhuuda ee sanadkii 1973 wuxuu ahaa Taliyaha Ciimadda Cirka ee dagaalkaas qeyb weyn ka qaatay.

3-Madaxwayne Anwar Saadaat ayaa sanadkii 1975 u doortay in uu noqdo Madaxwayne ku xigeenkiisa iyadoo intii u dhaxesay Sanadihii 1975-1981 uu ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka Masar.

4-Markii uu Anwar Saadaat Madaxwaynihi hore ee Masar uu sanadkii 1978 aas aasay Xisbiga Wadaniga Dimoqraadiga ee dalka Masar wuxu Gudoomiye ku xigeen u doortay Xusni Mubaarak, iyadoo Xisbigan oo dalka wax badan xukumayay!

Xusni Mubaarak iyo Madaxtinimada dalka Masar!

Sanadkii 1981 markii toogasho lagu dilay Madaxwane Anwar Saadaat waxaa xilka Madaxtinimo ee dalka Masar la wareegay Madaxwayne Xusni Mubaarak oo ahaa Madaxwayne ku xigeenka dalka.

Xusni mubaarak wuxuu dalka Masar Xukumayay 30 sano iyadoo xilkiisa uu ugu ekaa bisha September,2011 dad badana ay aaminsanaayeen in uu xilka wiilkiisa ku wareejin doono.

Dowladda Masar oo mudo badan sharciga Xaaladda dag-daga ah ku jirtay “Emergency law” ayaa intii uu Xusni Mubaarak ahaa Madaxwaynaha waxaa dhibaato loogu geestay Shacabka dalka Masar oo ugu danbeyntii Banaanbaxdo socday 18 Maalin sababtay in uu Madaxwayne Xusni Mubaarak isaga tago xilka Madaxwaynaha.

Xusni Mubaarak intuu ii ahaa Madaxwaynaha dalka Masar wuxuu reer galbeedka ka caawiyay Duulaankii Dalka Iraq ee sanadkiii 1991 iyo Dulaankii labaad ee sanadkii 2003 sababay in Dowladda Mareekanka iyo Xulafo ay Hogaamiso ay qabsadaan dalka Iraq halkaasna uu Xukunkii Madaxwayne Sadam ku dhamaaday.

Yuhuuda hadii aysan taageero ka heeysan Xukuumadii Xusni Mubaarak dhibaato ma aysan u geesan laheyn Haweyn-ka, caruurta iyo guud ahaan Shacabka dhibaateeysan ee Falastiin.

Waxa loogu yeero Dib u heshiisiinta Carab iyo Yuhuuda ayuu kaalin Muhiiim ah ka ciyaaray oo wuxuu dhameestiray Heshiiski qabyadda ahaa ee Madaxwayne Anwar uu bilaabay.

Shacabka Masar iyo Xusni Mubaarak.

Shacabka Masar woo tiro ahaan gaaraya 80 Milyan ayaa dhibaato ku qabay horumar la’aanta Xukuumadii Madaxwayne Xusni Mubaarak, shacabka Masar oo u badan Dhalinyaro ayaa shaqo la’aan, Caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin kalle ay soo wajaheen.

Dhalinyaradda iyo guud ahan Shacbka Masar ayaa muujiyay karti iyo dulqaad kadib markii ay mudo 18 Maalin ay banaanbaxyo aan kala go’in ay ka dhigeen guud ahaan dalka Masar gaar ahaan Magaalooyinka Qaahiro iyo Alexandria.

Xusni Mubaarak oo 82 jir ah ayaa hantida uu heesto lagu qiyaasay in ay gaareeyso $70 Billion iyadoo dalal badan oo reer Galbeed ah ay u taalo hanta fara badan.

Xusni Mubaarak marka uu xilka ku wareejiyay Ciidanka qalabka ayuu u duulay Guri weyn uu ku leeyahay Magaaladda Siinaa ee dalxiiska loo tago.!

Xusni Mubaarak ayaa raacay Wadaadii uu maray Madaxwaynihi hore ee Dalka Tunisia, dalalka xigana waa la arki doonaa iyadoo Beriga dhexe maalmahan siyaasadiisa ay kacsantahay.!

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
sayfudiin@gmail.com
Kedah, Malaysia.


Madaxwayne Maxamed xusni Mubarak oo is casilay , February 11, 2011

Kadib kacdoon shacabka dalka Masar ay sameeyeen ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobay inuu xilka iska casilay madaxwayne Maxamed xusni Mubarak saacadu markay aheyd 6pm ee Jimacadii Febraayo 11, 2011. Waxaan qasriga madextooyada ee laga xukumo wadanka masar warsaxaafadeed ka akhriyay madaxweyne ku xigeenka cumar suleman oo uu ku sheegay is casilada madexweynaha, halkaas oo ay kula waregeen talada wadanka golaha sare ee cidaanka oo uu hoggaamiye u yahay marshaal Dandaawi ilaa inta laga qaban doono dorasho.

qore .c/raxman jamac .
cairo , egypty

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Lacagtii Mubaarak iyo Wiilkiisa u taaley Bangiyada Swiss oo Xanibaada la saaray "

  1. Umu sara says:

    ASC, mabruuk shacabkeena reer masar iyo tuunis, kuwa ka kheyr badan oo danaha bulshadooda, danyartooda, da’yartooda iyo aayatiinkooda fogba ku dadaala alaha ugu badalo oon cadaw la safan sumcad wanaagsanna lasoo baxa oo umada islaamka ahoo dhan madaxooda kor u qaada. 1991 dii siyaasadan shucuubtan walaaleheen ah oo kale aan sameyn laheyn anagoo shacab weyne ah oo isku duuban qabiilna ka fog hadafna noo dheer yahay dhibkan dhanba naguma dheceen, astaqfirullah qoomamada ilahay naguma kalifo kalimada ‘hadii’ na waxey furtaa camal sheydaan sidii rasuulkeenii Naxariis iyo Nabadgelyo eebe korkiisa ha yeelee uu noo sheegey. Ilaahayow Somalideena dhibka ka kor qaad adigaa qaadir ahe, tawradanna alaha ka dhigo mid socota ilaa wadamada muslimiinta ah ay kaga wada xoraabaayaan diktaatooriyiinta karaamadii ka fiiqdey. Soomaaligalbeedna waan u rajeynaa iney kusoo xigto oo kaga xorowdo (Abraha al aslac) Zenaawy.

  2. Hussein says:

    Walaalayaal Ilaahay ayaa mahad leh Nabigiisana NNkH. Walaalayaal waxaa aan aad ugu hambalyeynayaa shacabka Masar iyo Tunisia oo keenay isbedel aan dhiig ku daadaan ay ayagu sabab u ahaayeen maxaa yeelay dhiigii daatay waxaa sabab u ahaa kuwii ku u shaqaynayey kalagii taliska diiday inuu dadkiisa maqlo isla markaana u naxariisto oo uusan ka dhigin sidii Fircoonkii Masar ee ka horreeyey ee ragoodana dili jiray dumarkoodana ku xammaalan jiray, waana wax darsi ugu filan cidkasta oo dulmi samaysa. Haddii aanu nahay Soomaalina waxaan ka baran karnaa in isbedel la samayn karo ayadoo aan hub la qaadan oo dad la layn xataa kuwii dulmiga naga galay!!! Maanta waxaan u malaynayaa nimankii dawlad Soomaali ah oo dhisan oo dalkeeda iyo dadkeeda u adeegaysa ugu horreeyey inay nool yihiin arkaana indhohooda oo furan in inay waxay hubka u qaateen oo dad badan oo dalkoodu u baahnaa ay ku naf waayeen kaliya inay madaxweyne noqdaan ay dhalinyarada Masar iyo Tunis ku gaareen muddo 18 maalmood ah!!