Home » Warar »

Shacabka Soomaaliyeed oo ku tilmaamay Boor isku qaris hadalada ka soo yeeray Beesha Caalamka ee ku aadan xilli kordhisashada Baarlamaanka DFKMG

3-dii bisha Feebaraayo ayaa Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya kalfadhi uu yeeshay waxa uu ku daraday Mudo saddex sano ah kadib markii sidaa ay kula taliyeen wadamo ka tirsan urur gobaleedka IGAD iyo guddiga dastuurka ee Dowladda Federaalka hase yeeshee arrintaani ayaa waxaa ka soo horjeestey Beesha Caalamka ayagoo ka bixiyey aragtiyo kala duwan oo ku saabsan xilli kordhisashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay xilli darsashada Baarlamaanka mid la doonayo in Soomaaliya aysan ka dhicin wax isbedelo ah, waxa uuna Mareykanku ku tilmaamay arrintaan mid keeni karta in Soomaaliya qalalaasihii ka jiray uu sii laba kacleeyo, waxa uuna u soo jeediyey Baarlamaanka in ay dib u eegaan arrintaasi si loo helo sida uu sheegay wada shaqeyn dhex marta Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, waxaa kale oo iyana arrintaan qaylo dhaan ka diray Dowladaha Midowga Yurub oo sheegay in xil kordhisashada Baarlamaanka Soomaaliya aysan waxba soo kordhineyn isla markaana ay Xaaladda Soomaaliya uga sii dareyso.

Dowlada Ingiriiska ayaa ku tilmaantey xilli kordhisashadaas mid laga qoomameeyo isago sheegey in Go’aankii uu qaatey Baarlamaanka uu ahaa mid aan laga sameeyn wax la tashi ah  wuxuuna keeni doonaa in uu xumaado  xiriirka Beesha Caalamka iyo Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka

Beesha Caalamka oo iyadu bixiso kaalmada ugu balaaran ee Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waxaan arrintaan ka hadlay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Agostino Mahigo oo sheegay in xilli kordhisashada Baarlamaanka Soomaaliya ay ahayd mid lagu degdegay isagoo sheegay in loo baahnaa in mudo laga baaraandego si loo helo wadashaqeyn u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan intii uusan ka ambabixin Garoonka Diyaaradaha xili uu ku sii jeeday dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Sababaha ay ugu darsadeen xili kordhisashadaasi ay tahay mid Baarlamaanka uu ku doonayey in uu sii laba-laabo hawsha uu u hayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo meesha ka saaray in xili dambe uusan Baarlamaanka Soomaaliya ku darsan doonin waxa uuna hoosta ka xariiqay in saddexda sano ee soo socoto uu Baarlamaanka Soomaaliya ka shaqeyn doono sidii loo ansixin lahaa dastuurka Soomaaliya iyo u gogol xaarida afti Doorasho oo dalka ka dhacda.

Dowladda Talyaaniga oo xiriir dhow la leh Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in xili kordhintaan Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya ay tahay mid aad looga xumaado, Talyaaniga waxa sheegay in tani ay keeni karto in Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya faraha kala baxaan Soomaaliya isla markaana ay joojiyaan kaalmadii ay siin jireen Dowladda Federaalka, sidoo kale Midowga Afrika ayaa si taxadar leh uga hadlay xili kordhisashada Baarlamaanka isagoo sheegay in loo baahnaa in si weyn looga fiirsado xili kordhintaasi.

Ugu dambeyntiina dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu qaba in xili kordhinta Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay mid ay ka warqabeen beesha Caalamka waxayna ku tilmaameen hadalada kasoo yeeray beesha caalamka kuwo boor isku qaris ah oo la doonayo in ummadda Soomaaliyeed lagu jawhareeriyo, waayo ayay yiraahdeen labo maalin ka hor intaan lagu dhawaaqin xili kordhinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wadamada laysku yiraahdo IGAD waxay soo jeediyeen in ay haboon tahay in xili kale loogu daro Baarlamaanka Soomaaliya waxay shacabka soomaaliyeed ay yiraahdeen “ Waa ka xunahay , waa lagu deg degey , waa laga fiirsanaa iyo ereyo kale oo dhamaantood ah kuwa Boor isku qaris ah” waxayna sheegeen in aysan jirin Dowlad  ama  Ururada Caalamka iyo Dowladaha Daneeya mid toos u tiri Waa in Barlamaanka soomaaliya uu dib uga laabto Xilli kordhisashadaas iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu beesha Caalamka hore uga dhaadhiciyey  in ay adag tahay in mar kale dib loo soo xulo Baarlamaanka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

HeshiiSKA Saddex Aflaha ahaa ee Dhexmaray TFG iyo Shirkadda SKA

Mubaarak ma bixi doonaa siddii Bin Caligii Tuuniisiya??

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shacabka Soomaaliyeed oo ku tilmaamay Boor isku qaris hadalada ka soo yeeray Beesha Caalamka ee ku aadan xilli kordhisashada Baarlamaanka DFKMG "

  1. Waddani says:

    Marki uugu horreysay aad fahantaan hagardaamada reer galbeedka oo doonaya in dalkeena ay kula wareegaaan qiyaano, maanta addunka wuxuu dib ugu noqday shirkii Berlin qarnigii 18 dhammadkiisa, Gongo dhul dhan dadkii degganaa shirkado Mareykan inta ay ka kiciyeen ayay ka qotaan Maar Cooper, Somaliyana sidaas ayaa lala damacsanyahay iyo ka xun

  2. s/c dhamaan wallahayga soomaaliyeed bacdu salln wallalayaal waxaan oran lahaa ma waalanahay mise see wax naga yihiin war barlamaankan wax dan ah noo ma wado oo dawladahaan maalin walba meelahaan lagu soo joojoobo dan nooma aha waxaaba ka sii daran kuwa leh dowlada somaliyed waqti looma kordhin karo,war heedhe soo wadnkaan wadankeeni maaha anaga ma uk ama usa baan niraahnaa dowladiina waqti looma kordhin karo ama ninkaas madaxweeyne ha noqdo ninkaasna raysal wasaaro ha noqdo soo ayaga si xornimo ku jirno uma doortaan raysalwasaarahooda ama madaxweynahooda, maxay tahay sababta anaga naloogu doorayo madaxdayada soo anaga ma dooran karno,marka hadaan nahy shacabka soomaliyeed oo fiyoow jecelna wadankooda iyo dalkooda waxaan leenahay dooni mayno dowlada kale oo aad noo soo juujuubtaan waayo bal eeg tii c/laahi yuusuf ama tan shariif waxaan colaad aheeyn kama ana khaadin marka ma wada xun ee nagu wadaan baad nagu wadaysaan,waa diidnay mana rabno.waa in si shardi la,aan ah loogu qabto dalka guduhiisa shir somaliyeed oo loo dhan yahay qabiil yar iyo mid weenba aana ku8 heshiino dooranana dowlad somalieyeed oo naga dhaxeeyso kuna dhisan cadaalad iyo kala danbeeyn,waa joogaan dad wax bartay iyo caaqilo ma rabno war lord danbe oo naloo soo duuduubo.ogaad somaliyey waa shacb soomaliyeed kuwa maalin walbo maydkooda laga aruuriyo wadoonyinka muqdisho ayagoo wali la qawracay sidii xoolihii iyuo kuwa madaafiicda AMISOM laayaan waa diidnay waa in la JOOJIYAA xabadaan iyo dhiiga shacabkeena somaliyeed.warki oo kooban nin ka yimid america ama yurub noo doori maayo madxdeena WHOE IS HE?haduu 4 xiniiyo leeyahay waa ka yeelaynaa ha haystaan 4tooda shilin aan iska aruurino bil walbo 10$ inteen europa,america iyo aus ama inta wax haysata ama ganacsata waa ay ka badan tahaay 4ta shilin ee nala siiyo oo nalagu gumeeysto oo naloo sheego saan u seexan laheeyn ama saan u socon laheeyn,hal bil inta lacag aan iska aruurino yaa ka badan waxa sandki nal siiyo oo deeq ah oo ay halve leexsadaan halve la siiyo tuugada ay soo dhoodhoobeen lagana saxiixo hadhoow oo la yiraa waa ay cuneen lacagtii IDIOTS ka raali ahaada luuqadeeyda laakiin waa damiir laawyaal shilin doon ah oo aan jecleeyn sfhacabkooda. I LOVE SOMALIA.