Home » Warar »

Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo xukun Qisaas ah ku fulisay Askar ka tirsan Ciidamada

iyo Warar kale oo goosgoos ah: Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed oo Doortey Hogaan Cusub iyo mashaariic laga fulinayo Qardho

Xukunka Qisaasta ah ee la fuliyey….

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun qisaas ah ku fulisay seddex nin oo gacan ku dhiiglayaal ah oo ay Maxkamadu horey ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Subaxnimadii Sabtida (Jan 15, 2011) ayaa waxaa barxada weyn ee ka soo horjeeda Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye lagu toogtay Seddex Nin oo gacan ku dhiiglayaal ah kuwaasoo si bareer ah xiliyo kala duwan gacantooda ugu dilay Seddex Muwaadin oo Soomaali ah.

Goobta ay ka dhacaysay toogashada seddexdaasi Ruux ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid ah aa y e en Gud d o omi y ah a Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Xasan Muungaab, Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir General. Axmed Xasan Maalin iyo Dadweyne fara badan oo ka kala yimid Qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir. Seddexda Ruux ee ay Maxkamadu Dilka fulisay ayaa waxaa ay labo ka mid ahi ahaayeen Askar ka tirsan Ciidamada Booliska halka Mid ka kalana uu ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka.

Dadka u daawasho tegey toogashii saddexda askari

Seddexda nin ayaa magacyadoodu kala ahaayeen:

1) C/casiis Muxiyadiin Gacal oo ahaa Dable ka tirsan Ciidanka Booliska, wuxuuna 2/6/2010 si bareer ah u dilay Marxuum la oran jiray Salaad Maxamuud Cabdi, waxayna Maxkamadu dil toogasho ah ku xukuntay 14/12/2010, waxaana xukunkaas lagu fuliyay 15/1/2011 oo ku beegan maanta.

2) Cantoob Caraboow Caddaan oo ahaa Dable ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna 5/06/2009 si bareer ah u dilay Marxuum la oran jirey Xasan Maxamed Jibriil, waxayna Maxkamadu dil toogasho ku xukuntay 18/12/2009, waxaana lagu fuliyay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/1/2011.

3) Mowliid Maxamed Xasan oo ahaa Dable ka tirsan Ciidamada Booliska, wuxuuna taariikhdu markay ahayd 11/5/2010 si bareer ah u dilay Marxuum la oran jirey Aadan Saalax Jaamac waxayna Maxkamadu dil toogasho ah ku xukuntay 14/12/2010, waxaana xukunkaas lagu fuliyay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/1/2011.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale sheegay in Cidkasta oo isku dayda in ay si bareer ah dil ugu gaysato Muwaadin Soomaaliyeed sharciga la horkeeni doono laguna fulin doono waxa uu sharcigu ka qabo, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada Qalabka sida in ay Hubka ka jeediyaan Shacabka taasi bedelkeedana ay ku jeediyaan Caddowga ku soo duuley dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in talabaadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ay dib u soo celin karto nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida xukun dil ah ku fuliso Askar ka tirsan dowladda oo si bareer ah u dilay Muwaadiniin kale oo Soomaali ah, waxayna dhawaan xukun dil ah ku filisay Askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka kaasoo horey u dilay Askari kale.

Isha warka: Wakaaladda wararka ee  DFKMG

Mashaariic laga fulinayo Magaalada Qardho oo la dhagax dhigay

Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmadda Qardho Mudane. Maxamed Siciid Ciise Guul ayaa Khamiistuu dhagax dhigay 7-mashruuc oo la filayo in si rasmi ah looga fuliyo degmada Qardho iyo deegaano hoostaga magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Mashariicda uu dhagax dhigay duqa degmadda ayaa waxaa ay ahaayeen 7 mashuurc kuwaas oo laga fulinyano degaano hoos yimaada Qardho iyo weliba gudaha magaaladda.

Gudoomiyaha oo la hadlayey Saxaafadda ayaa waxaa uu ka hadlay mashriicda ay ka fulinayaan qardho iyo sida ay u kala qeybiyeen.

•    Dib u dhis lagu sameynayo suuqii hore ee dhawaan la dumiyey.
•    Suuq dhar oo laga dhisayo degmada Qardho.
•    Suuq cusub oo laga dhisayo Xaafada Wadajir.
•    Dib u habeyn lagu sameynayo mid kamid ah waddooyinka halbowlaha u ah qardho gaar ahaan wadda hormarta Isbitaalka hortiisa.
•    Mashruucyo laga fulinaayo deegaanada Libow iyo Dhaxan ee magaalada Qardho.

Wuxuu intaasi ku daray in mashruucyadaasi ay ku baxayso dhaqaale kor u dhaafaya 100,000 oo doolar isla markaasina uu qayb ka yahay mashruucyada laga fulinaayo deegaanada Puntland.
Maamulka cusub ee Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa, horumarinta ay ka wadaan degaanadda puntland.

Mashaariicdaana ayaa waxaa la filayaa in ay markii ay dhammaadaan ka faa’ideysan doonaan qeybaha kale duwan ee bulshadda degaanka, isaga oo duqa xusay in ay sidoo kale wadaan mashaariic ay ka fulinayaan gudaha Qardho, isaga oo sidoo kale sheegay in dhammaan mashaariicdaani ay yihiin kuwii JPLG iyo D/ Hoose mid ay iska kaashanyaan.

Cabdiweli Xasan
Somalitalk
Qardho-Somalia

Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed oo Doortey Hogaan Cusub

13 Bishaan waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed Somali  Law Society waxaana Shirweynahaas uu ahaa mid la doonayey in lagu doorto Xubnihii hagaamin lahaa ururka  ee labada Sanno ee soo socota  ka dib markii Guddiga qaban qaabada Doorashada ay sheegeen in  Hogaankii hore ay gudan waayey howlahii loo xiisaarey

Intii aysan dhicin ayaa waxaa laga akhriyey warbixin la xriirta waxqabadkii Ururka Garyaqaanada Soomaaliyed iyadoo halkaa laga xusey in Howlahii looga baahnaa ururka intooda badan aysan qabsoomin waana midda keentey in la qabto shirweyne aan caadi ahayn si mar kale loo doorto xubniihii hagaamin laaha ururka labada sanno  ee soo socota  iyadoo dood dheer ka dib waxaa la gudagaley Doorashadii Ururka waxaana Gudoomiye loo doortey Drs Xabiibo Xaaji Jimcaale waxaa Gudoomiye ku xigeen loo doortey Avv Xasan Xayle waxaa iyana Xoghayaha Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed loo doortey Prof Xirsi Xaaji Culusow

Markii ay dhamaatey Doorashadii  ayaa Gudoonki la doorety waxay balan qaadeen in ay si daacad ah u gudan doonaan Xilalka loo doortay  sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Xoghayaha Ururka Prof Xirsi  Xaaji oo aan wax ka weydiiney howlaha uu qabto ururka waxuu sheegey in ururka uu u doodo ama difaaco dadka Dulman islamarkaa wuxuu sheegey in ay xiriir la leeyihiin Ururrada kale ee ka jira Maamulada Soomaalind iyo Pundland isagoo sheegey in ay is dhaafsadaan Xog la xiriirta qaabka sharciyada

Ururkaan oo muddo dhisnaa ayaa ka qaybgaley siminaaro ama tababaro lagu qabtey Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa  kuwaas  looga hadlayey sida loogu doodo dadka Dulman ee la duudsiyo Xaquuqdooda isago sheegey in ururka uu laba laabi doono Howlahiisa  isagoo u rajeeyey Xubnaha la doortey in ay ka soo dhalaalaaan Waajibaadkood  waxaana Goob joog ka ahaa Doorashadaasi  Masuuliyiin ka socotey Ururda Bulshada , Hayadah Samafalka iyo Ururrada u dooda Xaquuqda Aadanaha waxayna Doorashadaas kuu dhamaatey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo xukun Qisaas ah ku fulisay Askar ka tirsan Ciidamada "

  1. xujaale says:

    waad ku mahad santihiin sawarka ninka ladilaayo oo aaden soo sarina waxana idaka codsanayaa inaadan jorlnaka aadan ku muujina sawar meed waayo dhegeheena oo kabatay mid muruga le iyo mid gajo u dhintay waxa kaloo xusid mudan inee madaxada soomaliyeed eey yihiin gacn ku dhiiglayaal kuwa ku jira barlmaanka ee maxa aduunka been loo sheegaa

  2. kismaayo says:

    waa horumar wanagsan ama wax lagu farxo in cadaaladdu shaqeeso