Markii la waayey xiligii dayrta oo ay si aad ah u sugayeen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadda soo ifbaxaya in abaar daran ay ka jirto laga soo bilaabo Raas-Caseyr ilaa Raas-Kambooni, sidoo kale abaartu waxay saameysay dadka Soomaaliyeed eek u nool kilalka shanaad ee ismaamulka Soomaalida iyo waqooyi bari Kenya, waxayna saadaasha ka bixiya arrimaha abaaraha waxay sheegayaan in abaarta xiligaan ka taagan deegaanada Soomaalidu degan tahay ay tahay middii ugu xumeyd ee soo marta 10-kii sano ee ugu dambeeyey haddii aan alle si dhaqsileh raxmaddiisa loo helin.
Waxaa bilowday in xoolaha oo isugu jira Geel, Ari, iyo Lo’ ay u le’daan abaartaasi, sidoo kale meelaha qaarkood gaar ahaan deegaanka Hobyo ayaa lagu waramay in ay dhowr qofood abaarta darteed ugu dhinteen, waxaana bilowday in dadku ay ku soo qulqulaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyagoo raadinaya wax ay afka geliyaan, waxaa kale oo iyana magaalooyinka xoolo lagala cararay abaarta kadib markii ay waayeen daaqii iyo biyihii, waxayna dadka qaar xoolahaasi hadda siiyaan geedka loo yaqaano Tiinka, Geed Yahuudka iyo badarka laga bixiyo kijinada qaarkood, waxayna dadka xoolaleyda ah ay ka iibsadaan dadka cuntada la siiyo cuntada laga bixiyo kijinada.
Iyadoo abaartani ka jirto Soomaaliya ayaa haddana waxaa jirin dowlad gargaar u fidin karta dadka dhibaateysan madaama ay tahay dowlad ku eg degaano fara ku tiris ah oo ka tirsan Muqdisho, inkastoo ay Dowladdu soo saartay baaq caalami ah oo ay kaga dalbaneyso beesha caalamka in dadka abaartu waxyeelaysay gargaar lala gaaro sidoo kale maamul gobaleedyada ka jira Soomaaliya iyana ma awoodaan in xaaladdaan oo kale ay la tacaalaan.
Xarakada Shabaab oo inta badan gacanta ku haysa Koonfurta Soomaaliya ayaa iyana waxaa ka soo yeeray baaq la mid ah kan ka soo yeeray Dowladda Federaalka balse baaqeedu waxa uu ku wajahnaa in Ganacsatada iyo dadka soomaaliyeed wax haysta u istaagaan in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaartu saameysay, sidoo kale waxaa iyana baaq loo jeediyey Walaayadaha hoos taga xarakada Alshabaab in iyana ay magacaabaan guddiyo ka shaqeeya sidii gargaar deg deg ah loola gaari lahaa dadka abaartu ku dhacday
Intaas oo baaqyo ah oo ay soo jeediyeen Dowladda Federaalka, Maamulada ka jira Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab ma ahan kuwo wax ka taraya xaaladda abaarta dalka ka jirta, waayo xiligaan waxa loo baahan yahay gurmad caalami ah oo isugu jira (Biyo dhaamin, Raashin,Daawo iyo xoolaha lala gaaro wax ay cunaan).
Haddaba isku soo wada duuboo xaaladda abaarta Soomaaliya waxaa la filayaa in ay socoto ilaa iyo bisha April ee sanadkaan waana waqti aad u dheer, waxayna maanta taagan tahay hadalkii reer waqooyiga oran jireen (Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna), halka reer koonfur ka yiraahdaan marka xaaladda noocaan oo kale ah dareemaan (Geedna uma saarna, Godna uguma jirto),waxayna dadka qaarkood soo jeediyeen in dadka Soomaal iyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa in ay sameeyaan gurmad la mid ah gurmadkii la sameeyey xiligii koonfurta Soomaaliya maamulayeen Midowga Maxaakiimtii Islaamiga, waxaa sidoo kale kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya loo soo jeediyey in xiligaan meel iska dhigaan siyaasadda lagu dagaalamayo oo ay u soo jeestaan sidii dadka abaartu saameysay gurmad caalami ah loogu fidin lahaa oo isku xiran gudaha iyo dibadda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
EMail amiinkhasaaro@hotmail.com
Assalaamu Alaykum. Waxaan layaabahay aamuska hay’adaha Somalida ee laga aqoonsanyahay dalka dibidiisa. Waa inaay dalabaad soo qoraan oo ay usoo gudbiyaan hay’adaha caalamiga.
Tankale, qolooyinka faraha badan ee dalka meelooyin kala duwan kaxukuma waa inaay umuujiyaan bulshada aduunka inaay nabadgalyadooda kamas’uul yihiin.