Home » Warar »

Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool (No. 28)


Nayroobi, 30 Diisembar 2010

Saaxiibayaasha qiimaha badan,

Waxaan dhammaantiina idiin soo gudbinayaa salaan diiran oo ku wajahan  Sannadka Cusub. Ugu horeyntii, waa inaan iraahdo dhibaatooyin adag iyo mixnado badan baa nala soo gudboonaaday bilihii ugu dambeeyay, taasoo, nasiib darro, aan waqti ii siinin inaan xiriirkeygii caadiga ahaa la yeesho saaxiibadayda xubnaha Jaaliyadda qurbaha ku nool. Muddo aamusnaan ah oo aan hawl ku maqnaa ka dib, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan hadda warqaddan idiin soo qoro anagoo ka soo gudubnay qalalaasihii siyaasadeed ee dhowaanahay jiray, anagoo diiradda saarayna hawlaha na horyaalla, si kastaba ha u adkaadeene.

Waa inaan fursaddan ka fa’iideystaa si aan ammaan ugu soo jeediyo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo xubnaha barlamaanka sidii xasilloonida ahayd ee ay u xalliyeen ismariwaagii siyaasadeed una ansaxiyeen magacaabidda Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Sidoo kale, waxaan ku faraxsanahay in Barlamaanka, isagoo raacaya Axdiga Federaalka Ku Meelgaarka ah, uu ugu dambeyntii ansaxiyay 18 kii xubnood ee Golaha Wasiirada Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Waxay ahayd maalin aad u muhimsan iyo fursad ay madaxda Soomaaliyeed ku muujiyeen kaalintooda oo ah inay yihiin wakiillo sharaf loo siiyay inay metelaan dadka Soomaaliyeed. Golaha Wasiirada Cusub waa mid aan horey loo arag xagga yaraan tiradiisa iyo waxgaradka farsamo ee ay leeyihiin, taasoo aad ugu habboon waxqabadka natiijada ku saleysan ee laga filayo bilaha soo socda.

Waxaad xusuusataan in intii u dhexeysay 27kii ilaa 28kii bishii September ee sannadkan 2010, Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ay kulankeedii 18aad ku qabatay magaalada Madrid. Markii ugu horeysay, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka qaybgalay kulankan saddex-biloodlaha ah. Bulshada Caalamku waxay codsatay in Dowladda Soomaaliyeed ay muddo 60 maalmood ah ku dejiso Qorshe Hawleed wata istaraatiijiyad lagu fulinayao hawlaha mudnaanta leh ilaa inta aan la gaarin dhammaadka xilliga ku meelgaarka ah bisha August 2011. Nasiib darro, waxaa hawshan hakiyay ismariwaa siyaasadeed oo dhashay ka dib markii uu iscasilaaddii ra’iisal wasaarihii hore,  Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Ismariwaagu wuxuu kaloo Xafiiskayga iyo bulshada caalamka ka hor istaagay inay ku kaalmeeyaan Dowladda Ku Meelgaarka Soomaaliyeed inay dejiso oo ay fuliso hawlahan muhimka ah iyadoo ay meesha ka maqnayd xukuumad la soo magacaabo. Waxaa farxad u ah bulshada caalamka in, ka dib markii la ansaxiyay xukuumadda cusub, Ra’iisal Wasaarahu uu soo saaray Qorshe Hawleed lixdan maalmood ka dib shirkii Madrid.

Qorshe Hawleedku wuxuu diiradda saarayaa arrimaha mudnaanta ugu weyn leh oo ay ka mid yihiin dibuheshiisiin siyaasadeed oo la xoojiyo, maamul wanaag, tallaabooyin amaan iyo nabadgelyo, geeddisocodka dastuur dejinta iyo dhisidda tayada hay’adaha adeeg bixinta. Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ayaa hadda wada dhammeystirka Qorshe Hawleedka, qorshehawleedyada wasaaradaha iyo miisaaniyadda oo la soo saari doono billowga sannadka.

Dhammaan dadka ku lug leh iyo la wadaagayaashuba waxay diiradda saarayaan inay isugeeyaan dadaalkooda istaraatiijiga ah ee lagu taageerayo Dowladda Ku Meelgaarka ah si ay u hirgeliso hawlaha kala guurka ah si ay saameyn weyn ugu yeeshaan geeddisocodka nabadda loona diyaariyo hanaanka siyaasadeed ee soo socda marka la dhaafo bisha Agoosto 2011. Hase yeeshee, iyadoo ay siddeed bilood keliya ay hadhay, Hay’adaha Federaalka Ku Meelgaarka ah waa inay muujiyaan dadaal xoog leh oo joogta ah oo xasilloonida lagu adkeynayo si looga soo baxo hawlahan. Hawlaha kala guurka waxaa kaloo ka mid ah in isafgarad laga dhex dhiso dhammaan dadka arrant ku lug leh oo ay isku afgartaan sidii loo soo afjari lahaa xilliga ku meelgaarka ah loona sameyn lahaa hanaan siyaasadeed ee cusub bisha Agoosto 2011 ka dib.

Arrinta iminka ugu muhimsan waxaa weeye in xaqiijiyo in wadtashiga ugu ballaaran laga yeesho geeddisocodka dastuur dejinta. Waxaan sidaa u leeyahay tallaabadan ayaa fududeyn doonta horumarka laga gaaro arrimo badan oo muhim ah oo lagama maarmaan u ah horumarinta geeddisocodka siyaasadda. Geeddisocodku waa inuu ahaado mid laga wada qaybgalo. Waxaan laga doonayaa Dowladda Federaalka ku Meelgaarka ah inay la xiriirto dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaamlida, ma aha mucaaradka keliya, balse maamullada degeenada maxalliga ah, kuwa goboleed, kuwa beelaha, bulshada ganacsatada iyo Jaaliyadda qurbaha ku nool si looga soo ururiyo la isuna geeyo fikradohooda ku aadan sida uu noqon doono habka dowladdooda ee soo socota. Hase yeeshee, waa in la garowsadaa in hirgelinta Qorshe Hawleedku uu aad ugu xiranyahay xaaladda amaan ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo inta ka baxsanba.

Xafiiskeygu wuxuu soo saaray istaraatijiyad la doonayo in lagu hago dadaallada ay wado bulshada caalamku laguna taageero dowladda si ay uga soo baxdo hawlaha kala guurka. Waxaa ka mid ah in sare loo qaado wada shaqeynta iyo isku duubnaanta ka dhexeysa dowladda, in la ballaariyo salka siyaasadeed, iyo in la gacanqabto dhammeystirka geeddisocodka dastuur dejinta. Waxay dhiirrigelinaysaa iskaashi dhexmara Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo maamul goboleedyada. Waxaa sidoo kale muhim ah in la dhiso tayada hay’adaha Federaalka Ku Meelgaarka iyo in la fududeeyo bixinta adeegyada asaasiga ah laga billaabo magaalada Muqdisho si sare loogu qaado sharcinimada dowladda.

Si arrintan loo helo, waxaa 5tii bishii November la qabtay Kulan Hawleed looga hadlayo Qorshe Istaraatiyad Wadajir ah oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska UNPOS oo la kaashanaya UNDP oo ujeeddadiisuna ahayd in sare loo qaado taageerada ay Qaramada Midoobay siiso geeddisocodka dastuur dejinta, waxaana lagu soo gunnaanaday qorshe hawleed midaysan kaasoo ugu dambeyntiina ansaxiyay Guddiga Federaalka Dastuurka ee Madaxa Banaan (IFCC). Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka (IGAD), oo ah wadaagayaasha gobolka ayaa ka soo qaybgalay kulan hawleedka kana soo jeediyay talooyin qiimo leh.

Waxaa kaloon ka qaybgalay shir u maalgeliyay Midowga Afrika soona qabanqaabiyay AMISOM, laguna qabtay Bujumbura 15kii bishii November si looga doodo arrimaha muhimsan oo xasaasiga ah ee dhowrka bilood ee ka hartay xilliga ku meelgaarka ah ee xukuumaddan hadda jirta. Shirku wuxuu soo saaray talooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in loogu baaqay Dowladda Ku Meelgaarka inay dedejiso hawsha dastuur dejinta; taasoo loo adeegsanayo qalab lagu gaaro wadahadallo qaran iyo dibuheshiisiin iyo wadahadallo lala yeesho bulshada caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, si ay Dowladda federaalka Ku Meelgaarka ugu bixiso kaalmo ku filan, ha ahaato mid lacageed iyo mid farsamo intaba,  si ay hawsha uga soo baxdo waqtigii loogu tala galay.

Jaaliyadaha qurbaha ku nool waxay yeelan doonaan kaalin muhim ah bilahan ka haray xilliga ku meergaarka. Wadahadallada laga yeelanayo qabyo-qoraalka dastuurka dalka gudihiisa, gobolka iyo dibaddaba waxay noqon doonaan fursad iyo munaasabad ay Jaaliyaduhu kaga qaybqaadanayaan dibuheshiisiinta, qaabeynayaan saameyna ku yeelanayaan sida sharci ahaan loogu guuri lahaa hanaanka siyaasadeed ee soo socda, iyo weliba hababka mustaqbalka ee dowlad qarameedda Soomaaliyeed. Jaaliyadaha waxaa kaloo laga filayaa inay noqdaan lafdhabarka shaqaalaha dowladda iyo inay sii wadaan taageerada ay siiyaan qoysaska iyo qaraabada Soomaaliya jooga iyadoo abaar kale oo aad u ba’an ay khatar ku hayso Soomaaliya oo dhan sannadka 2011.

Anigoon iska indha tiraynin muhimadda ay leedahay iyo xiriirka ka dhexeeya waaxaha amaanka, horumarinta maamulka iyo baniaadanimada, ayaan waxaan 24kii bishii November magaalada Qaahira ku la kulmay Dr. Maxamad Zeyd iyo Danjire (hawlgab) Xamdi Salax ee ka socda Hindisaha Carabta iyo Afrikaanka. Waxaan ka wadahadalnay inay dhici karto in shir la abaabulo bartamaha sannadka 2011 si uu u noqdo dabagalka shirkii Istanbul iyadoo diiradda la saarayo kaalinta ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ku yeelan karaan dibudhiska iyo horumarinta Soomaaliya. Waxaan isku afgaranay in loo baahanyahay in lala tashado Dowladda Turkey iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo wada-shirguddoomiyay Shirkii Istanbul bishii May 2010. Tan waa arrin ay Jaaliyadaha qurbaha ku nooli ay horeba u muujiyeen geesinimo iyo waddaninimo oo ay maalgeliyeen waaxaha qaarkood meelaha ay xasillooni ka jirto. Waxaan idinku baaqayaa inaad sare u qaadaan hindisooyinka iyadoo la raacayo hanaankii Istanbul.

Waxaan magaalada Qaahira kula kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Dowladaha Carabta (LAS) Md. Axmed Ben Xili. Jaamacadda Carabtu weligeed waxay taageeraysaa dadaallada nabadda Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay u aragtaa iayada, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD inay wadaagayaal muhim ah ka yihiin hirgelinta Heshiiskii Nabadda ee Jabuuti. Saddexda ururba waxay ka mid ahaayeen hay’adihii caalamiga ahaa ee dammaanad qaaday Heshiiskii Jabuuti, waxaana ka mid ahaa Qaramada Midoobay iyo Ururka Dowladaha Islaamka.

Dalkiina, waxaan booqashadaydii rasmiga ahay ee ugu horeysay ku tagay Puntland iyo Somaliland 10kii iyo 11kii bishii November taasoo horey dib loogu dhigay ayna ugu wacnayd dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jiray Muqdisho oo iiga baahnaa inaan ka warhayo. Waxaan si gooni gooni kulamo miro dhal ah ula yeeshay Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Silanyo, oo ku saabsanaa sida ugu wanaagsan ee aan uga wada shaqayn lahayn sare u qaadidda nabadda iyo horumarka iyadoo lala kaashanayo ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo weliba wadashaqaynta dowladda iyo ganacsatada gaarka ah. Labada maamul waa in lagu ammaanaa sida ay u abuureen jawi ku habboon in maalgelinta ganacsata gaarka ah ay fursad u helaan inay ku hormaraan soona jiitaan maalgelin shisheeye oo dheeraad ah. Waxaan ku hanweynahay in shirka dabagalka shirkii Istanbul uu gacan ka geysan doono sare u qaadidda hindisooyinkan. Xafiiska UNPOS wuxuu joogaa oo xiriir shaqona la leeyahay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland,

Dhanka amaanka, iyadoo Guutadii afaraad ee ka timid dalka Burundi la geeyay magaalada Muqdisho, tirada ciidamada AMISOM waxay gaadhay awooddii loogu talagalay ee 8,000 askari. Waxay jecelahay inaan garwaaqsado go’aanka iyo dadaalka labada dowladood ee Burundi iyo Uganda ay kaga qaybqaateen ciidanka AMISOM.  Go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaatay inuu taageero dadaallada goboleed ee nabadeynta iyadoo loo qoondeynayo miisaaniyad waxay muujinaysaa in bulshada caalamku ay ka go’antahay in nabad iyo xasillooni dib loogu soo dabaalo Soomaaliya. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu 22kii December qaatay qaraar uu ugu kordhiyay xilliga ciidamada AMISOM ilaa iyo bisha September 2011 kuna ogolaaday in awoodda ciidan ee AMISOM oo hadda ah 8000 la kordhiyo oo la gaarsiiyo 12000.

Dhanka siyaasadda, Goluhu wuxuu mar labaad ku celiyay in nabad iyo xasillooni ka dhacda Soomaaliya ay ku xirantahay dibuheshiisiin iyo maamul waxtar leh oo laga hirgeliyo dhammaan Soomaaliya oo dhan, wuxuuna ku dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada Soomaalida ee doonaya inay ka soo noqdaan colaadda inay wada shaqeeyaan dhismaha nabadda iyo xasilloonida. Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in Dowladda Ku Meelgaarka ah ay horumar ka sameyso hawlaha kala guurka ah ee harsan, gaar ahaan geeddisocodka dastuur dejinta iyo adeegyada asaasiga oo la gaarsiiyo dadweynaha.

Dhanka xuquuqda aadanaha, waxaan jecelahay inaan halkan faallo ka bixiyo hadal uu soo saaraya taliyaha ciidamada AMISOM oo uu ku aqbalay mas’uuliyadda dilka laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca lix kale amarna ku bixiyay in baaritaan dabagal ah lagu sameeyo. Arrintan waa tallaabo wax ku ool ah si loo dhiso kalsoonida Soomalida iyo bulshada caalamkaba. Waxay muujinaysaa in AMISOM ay ka go’antahay inay ku shaqeyso si hufanaan ah oo lagula xisaabtamo arrimaha dilka iyo dhaawaca dadka rayidka ah. Qaraarkiisii ugu dambeeyay Golaha Amaanku wuxuu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dhinacyada kala duwan iyo kooxaha hubaysan ee Soomaaliya loo baahanyahay inay ka soo baxaan mas’uuliyaddooda oo ay dadweynaha rayidka ah ka ilaaliyaan saameynta colaadda, gaar ahaan iska ilaaliyaan garaacid aan loo meel dayin ama adeegsi xoog xad dhaaf ah.

Ugu dambeyntii, maadaama uu sannadku dhammaanayo, waxaan jecelahay inaan fursadan ka fa’iidaysto oo ku xusuusto dhammaan Soomaalida naftooda ku wayday dhibaatada Soomaaliya tan iyo sannadkii hore, ciidamada AMISOM iyo ciidamada Dowladda TFG oo ku dagaallamay duruufo aad u adag, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ku dhintay, kuwa ku dhaawacmay iyo qoysaska dhammaan dhibbanayaasha. Sidoo kale, waaa inaan xusuusanaa oo kaalmeynaa dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed iyo barakacayaasha iyo qoysaska kala dhumay colaadda iyo barakaca awgood. Nabad iyo xasillooni uun baa bedeli karta xaaladahan dhibka badan. Waxayna u baahantahay in dadka Soomaaliyeed ay ku midoobaan ujeeddooyinka go’aan adagna ku gaaran si ay u yiraad MAYA dagaal dooni meyno iyo HAA nabad bayno doonaynaa.  Colaaddan labaatan jirsatay laguma xallin karo awoodda qoriga, ee waxaa lagu xallin karaa heshiis lagu gaaray wadahadallo nabadgelyo loo wada dhanyahay. Waa inayna jirin koox keligeeda doonta inay Soomaaliya xukunto maxaa yeelay xukunka waa in la wadaago. Jaaliyadda qurbaha ku nool waxay waqtiga xasaafiga ah saameyn xoog leh ku yeelan kartaa qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaan si dhab ah u rajaynayaa in sannadka 2011 la arki doono horumar la taaban karo oo laga gaaro geeddi socodka nabadda, tayada nolosha dhammaan Soomaalida, iyo horumar laga gaaro nabad iyo xasillooni si loogu gudbo marxaladaha soo socda oo ah soo celinta dowlad-qarameed Soomaaliyeed oo nabad ah oo leh gobanimo buuxda.

Hambalyo wanaagsan,

Walaalkiina,

Danjire Dr. Augustine P. Mahiga

ENGLISH VERSION READ HERE

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi

Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133

Fadlan eeg rugta Internet-ka (website):

www.unpos.unmission.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.