Home » Warar »

Handadaad iyo weerar gabar Soomaaliyeed oo Xijaaban loogu geystey Barxadda masjidka Abuubakar Saddiiq ee Columbus Ohio

FBI oo Baaraysa Weerar loo geystey Gabar Soomaaliyeed oo Reer Columbus, Ohio ah —

FBI ayaa bilowday baaritaan hordhac ah kaddib markii gabar Muslimad ah lagula kacay cabsi gelin, isla markaasna indhaha lagaga buufiyey sunta dadka kaga ilmaysiisa, arrintaas oo ka dhacday barxadda Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio, gabadhaas oo 20-jir ah oo muddo 10 sano ah ku noolayda bartamaha gobolka Ohio, waxaa sidaas warka ku bilowday jariidada Dispatch ee kasoo baxda Columbus Ohio.

Gabadha oo magaceedu yahay Saida J. Said, oo Soomaali ah, kuna lebisay dharka xijaabka Muslimka ayaa sheegtay in Isniintii ay gaariga ay watey markii ay istaagtey meel isgoys ah , qiyaastii 1:30 pm, in ay aragtay nin caddaan ah oo eeganaya. Ninkii gaari ayuu ka soo daba qaatay, ilaa ay gaarigaada istaajisey halka gawaarida la dhigto ee barxadda Masjidaka Abubakar Siddique Islamic Center ee magaalada Columbus, masjidka oo ku yaal jidka Sullivant Avenue.

Markii ay gaarigii istaajisay, ninkii waxa uu isna gaarigiisii istaajiyey barta gadaasheeda ah meeshii ay gaarigeeda dhigatay, durbadiina inta uu gaarigiisii ka soo degey ayuu indhaha waxa uu kaga buufiyey sunta dadka kaga ilmaysiisa ayagoo weli ku dhex jirta gaarigeeda, waxana uu ku dhawaaqayey erayo nacayb iyo hanjabaad ah, isla markaasna gaarigiisii ayuu kaxaystay.

Dhaacadadaas waxaa duubay Kaamarada Masaajidka Abuubakar ee Ohio. Arrintaasna waxaa weli baaraya booliska Columbus Ohio, ayey tiri Jariidaduu.

Video-ga oo muujinaya dhacdaada, oo aad hoos ka daawan kartid, waxa uu muujinayaa gabadha oo gaarigeeda dhiganaysa barxadda iyo islamarkii gaari kale oo soo agdhigtay, waxaana ka soo degaya nin usoo dhaqaaqay dhankeeda ilaa uu soo gaaro daaqada dhanka ay gaariga ka waddey.

Telefishanka NBC4 waxay gabadhu u sheegtay in ninkaasi handaday, una hanjabey. “Wuu in handadey,waxa uu yiri waan ku dirlayaa, dhammaan dadkiina Muslimka ah ku laabta meeshii aad ka timaadeen, haku fekerina in aad dalkan xukunaan, taas ma awoodaan, kani waa dalkaygii,” sidaas ayuu igu yiri ayey tiri. Markaas ayuu igu buufiyey sunta indhah kaga ilmaysiisa, ayey hadalka sii raacisay, waxayn asheegtay in ilaa hadda ay ninkaas ka cabsi qabto.

Sawirka: Gaariga cad oo soke waxaa watay gabadha, gaariga cad ee dambena waxaa watey ninka (Daawo Video hoose)

Sababta masaajiku u leeyahay kaamaro si joogto ah wax u duubaeysa waxaa weeye in hadda ka hor masjidka la weeraray, sidaas ayaa kaamarada loogu xiray, sidaas waxaa yiri Romin Iqbal oo ah madaxa CAIR u qaabilsan Columbus. CAIR waxaa laga soo gaabiyey (Council on American-Islamic Relations)..

Iqbal waxa uu yiri “Sababta gabdha loo weeraray waxaa weeye inay ku lebisnayd dharka Muslimiinta,  loo aqoonsaday ina ay tahay Muslimad”.

Telefishanka WBNS oo sidoo kale waraystay gabadha ayaa yiri “Hadda waxa keliya oo ay gabadhani doonaysaa waa in ay ku dhaqanto Diinteeda, dadka kalena ay taas fahmaan.” Waxayna tiri waxaan doonayaa in ay “Faahmaan diinta Islaamku waa diin nabadgelyo”

VIDEO: Warka iyo Video halkan ka daawo

TV: VIDEO DAAWO: Waraysi kale

SIDOO KALE DAAWO:

FBI Investigating Alleged Hate Crime Outside Mosque

FBI investigates reported assault on local Muslim

Qoraaladdii hore ee Xihaabka Akhri: http://www.somalitalk.com/islam/xijaab.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Handadaad iyo weerar gabar Soomaaliyeed oo Xijaaban loogu geystey Barxadda masjidka Abuubakar Saddiiq ee Columbus Ohio "

  1. asc. salan kakadib.

    runtii waxa modaa dadka somaliyeed ee ku nool dibada,(galbedka) in ay hadiyo jeer ufakaran sidii aw uno layen markii ay wadankoda jogeen, yacni ay isleeyihin ina aderka waxka dhicinaya majogo.

    musliminta. intabadan wa la dhiba. dad iska xamasadaysan buuna inta badan falkas uga yimada, hadaba waxan oran laha horta somaliyey, umada musliminta ee jogta qurbaha isku dara oo arintiina manta meel wacan ee islami ah bay maraysaye ha iska sarinia umadaha muslinka ah ee kunol wadanka ad joogtan. ururada xuquqiga ee musliminta iyo kuwa madaniga ahba, somalidu kama muqato, tasna waxay kenaysaa in ay dhacdo in cidla loo gu xad gudbo meel ka fog warbahinta ,

    musliminta oo dhan manta hal sowd bay leyihin in aad sowdkas isku dartan isku daya.

  2. Hodan says:

    Masha allah gabadha muslimada ee muujisay dharka xijaabka ee u gaarka ah islaamka qof wax ka qaadi karaana malaha oo allah baa waardiyeeynayo, diinta allah iyo qofkii u hogaansamo Rabbiga awooda leh ayaa ilaalsanaayo qofna wax kama qaadi karo gaal walaa mid neceb islaamka intaba, hadii aan nahay dad muslim ah waxaa na looga baahan yahay inaan ka hortagno dhagarta gaalada cadaabta allah ku fogeeyee.

  3. Abdalla says:

    Asc wr wb waxan leeeyahay Allaaahummaxfad banaatinaa wa banaatil al muslimiin meel kastoo ay joogan iyo xili kastoo ay joogan

  4. Togane says:

    Ninkii wadankiis ka tagee,
    Wehelkiis ka dheeraadee.
    Wal-wal ma huro iyo Walbahaaree..

    Dhamaan dhibaatooyinka nagu heysto caalamka daafahiisa waxaa lagu xalin karaa oo kaliya Soomaalida oo ka tagta Qabyaalada.

    Haddii aan sidaas la yeelin waligeed iyo alaheed foolxumo kun jibaar ayaan ku joogi doonaa.

  5. mohamed says:

    ASC ilaahay subxanahau watcaalaa haka bad baadiyo dadka diinta sharaftteda muujinaya sida gabadheena islaamka ah ee walaasheen ah , kuwa cuqdada iyo cusuriyada diin la’anta ah huwan ee ka indha la’ xaqa iyo wanaaga islaamnimo insha allaah ilaahay ayaan ka rajaynaynaa inu noo xafido walaalaheena islaamka ah meel walba oo ay joogaan diinteenana uu kor ka yeelo daadaal ayaa ina wada faran aan ogaano cadaawada la inoo hayo walaalayaal isku xidhnaada meel walba oo aad joogtaan asc

  6. ASC

    waxaan rajaynayaa in falkani uu yahay fal argagixiso oo uu kukacay cunsuri alle diintan sharafta badan ka indha tiray,oo nacaybka diintan aadka uqaboow ay katanbadatay.hablaha soomaaliyeed ee diintooda haysta in labidhaansado ama dumarka islaamka ahba waxay muujinaysaa sida aanay weli qolyaha dhunsani uga waantoobi waxyeelidda dadkeena diinta kudhaqmaya.insha allaah waa lala xisabtani aduun iyo aakhiroba. inantaana waxaan leeyahay alle walaal haku xafido ee diintaada dhibkasta oo kaasoo gaadha kudheganaw allena tala saaro.mar kale alle haku xafido, oo sharka ay kula doonayaan alle hakaa indho saabo.

  7. Said J Awed says:

    Taas waxay ka tarjumaysaa necaybka ay u qabaan dadka muslimiinta ah cadawtinimada iyo nacabku way ka soo daahireen laakiin waxaa laabtoodu qarinayso ayaa ka badan ilaahay baana noo sheegay

  8. Waddani says:

    ASC QOFWALBA MA JIRTO MEEL U DHAANTA DHULKIISI HOOYO EE AAN KU SOO NOQONNO DHULKEENNI HOOYO WAA NAGU FILAN YAHAYE.