Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxeysa Qarax ka dhacay Goob Basaska laga raaco oo ku taal Dalka Kenya

Goob laga raaco Baabuurta oo ku taala Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka dhacay qarax aad u weyn waxaana markiiba ku dhintay 2 ruux waxaana ku dhaawacmay 41 qofood, iyadoo markii uu dhacay qaraxaasi ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan Wadanka Kenya kuwaas oo xiray goobtii isla markaana ku dhaqaaqay baaritaan aad u balaaran.

Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay tahay goob ay ka baxaan Basaska gaara wadanka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampla, iyadoo mid ka mid ah basaskii halkaasi taagnaa uu soo gaagaray burbur aad u weyn, hase yeeshee saraakiisha ciidanka Booliiska ayaa ilaa iyo hadda war faahfaahsan ka bixin qaraxaasi, dadka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi ahaa mid ismiidaamin ah, halka warar kale ay sheegayaan in qaruxu uu ku jiray boorso saarneyd mid ka mid ah basaskii halkaasi ka baxayey.

Qaraxani waa kii saddexaad oo muddo laba bilood ah ka dhaca kenya.

41-ka qof ee qaraxa ku dhaawacmay ayaa 33 ka mid ah waxaa la geeyey cisbtitaalka KNH, kuwaas oo dhalashadooda lagu kala sheegay Kenyans (19), Ugandans (6), Tanzanians (3), Burundians (3) iyo Sudanese (2).

Booliiska Kenya ayaa laga soo xigtey inay u feejignaayeen digniino sheegaya qaraxyo, sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalooyinka Kampala iyo Bujunbura ayaa waxay sheegayaan in heegan buuxa la geliyey ciidamada wadamadaasi ayna ilaalo xoogan ka qabteen goobaha muhiimka u ah wadamadaasi.

11-kii Luulyo ee sanadkaan ayaa qarax ka dhacay Magaalada Kampala ayaa waxaa sheegtay “Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab” waxayna sheegeen in qaraxyadu kale ay dhici doonaan kuwaas oo ay sheegeen in loogu aargudi doono dadka Soomaaliyeed ee maalin walba ku dhimanaya madaafiicda ay tuurayaan ciidamada AMISOM. Balse wararka haatan ka imaanaya Magaalada Nairobo waxay sheegayaan in Ciidamo Farabadan lagu soo daadshey Magaalada kuwaas oo ilaalo ka haye Goobaha ay isugu yimaadaan Dadka u dhashey Dalalka Uganda iyo Burundi maadaama ay yihiin kuwa Cidamadooda ka jooga Dalka soomaaliya isla markaana hanjabaadyada ka soo yeera Alshabaab ay igu ku wajahan yihiin.

W/D Amiin Yuusuf

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

VIDEO: ku saabsan Qaraxa Kenya:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.