Home » Faallo »

Weerarka Internetka dhankeyguu iga heley: Digniin

Assalaamu Alaykum.

Passwordka oo aad garanwaydo waxaa kaxanuun badan marka lagaa xado…Xanuun badana marka uu qof magacaada sida uu doona kayeelayo oo aadan waxba kaqaban karin … waa dagaal nooc kale oo ubaahan in loo diyaar garooba. Mushkiladu waxay sii labo jibaarantahaa marka  lagu soo Waco oo lagu yirahdo: Maxaad noogu ciyaaraysa oo Emailada noocaan ah noogu soo direysa? Ama qolo kala kuyirahdan: Waa inaad dadka udigtaa niinyahow! Sidii anigoo awooda inaan dadka oo dhan wada gaarsiiyo.

WIKILEAKS WAR: Qof waliba wuxuu kawarhaya dagaalka cusub ee xaga Internetka oo ay hor kacayso shabakada WIKILEAKS. Waxan kamid ahaa dadka usacabo tumaayEY oo ladhacsan waxyaabaha ay aduunka usoo bandhigtey ee  sir hoosaadKa ah- ilaa aniga lafteyda la’iheley oo mudo 48 saacadood ah emailka abuzuhri1@gmail.com sida ladoona loo maamushay.

Sideey wax udhaceen?

Waxaa laygu soo waaley Email sidaan oo isdaba joog ah . Dhowr jeer haddii aan iska indha tirey ayaan maalintii dambe talo iseegtey oo aan godkii kudhacay waayo waxaan aaminsanaa Gmail  account inaan sidaan lagu aqoon. Ha’ila yaabin aqoonta aan Internetka ama computerka uleeyahay ayaa iskayar, Start and shut down:

***

From: Gmail <acctaccess.verifing@gmail.com>

Date: Sun, Nov 28, 2010 at 9:03 PM

Subject: Your Account

To: support.info@google.com

We are shutting down some accounts due to congestion in our database system and your account was chosen to be deleted. If you are still interested in using our email service please click reply and fill in the space below for verification purpose:-

Full Name:

Pasword:

Occupation:

Year of Birth:

State of Origin:

Note: This email is only for Gmail users (Users should reply within 48 hours to avoid “Permanently Lockup” Account)

Thank you for using Gmail !

The Gmail Team

***

Maxaa ka danbeeyey intaas?

Tuugtaan oo sida Gmail report igu siisey kala jooga Mareykan iyo South Africa,Waxaa gacanta ugalay inkabadan 3 email oo aan hal password kuwada galijirey oo ugu muhiimsanyahay abuzuhri1@gmail.com. In kabadan 600 oo contacts oo aan aruurinayey mudo 10 sano ah oo aan ukala isticmaali jirey ujeedooyin kala duwan oo gaalo iyo muslimba leh- ayaa gacanta lagu dhigey. Waxaa xigey email dheer oo cunwaan looga dhigey sidaan:

***

Emergency Request <Response Needed Please

On Thu, Dec 2, 2010 at 9:52 AM, Adam Abuzuhri Al-Hasani <abuzuhri1@gmail.com> wrote:

Hello,

“Hope you get this on time? Sorry I didn’t inform you about my trip to Spain for a project, I am presently in Malaga here in Spain  and am having some difficulties here because i misplaced my wallet on my way to the hotel where my money and other valuable things were. presently my passport and my things are been held down by the hotel management pending when i make payment….”

Your help is much appreciated,

Thanks

Adam

“Indeed,deeds are by the intention”

انــما الاعــــمال بالنـــيات

***

Dadkii emailkan gaaray, wixii telephonekeyga hayey islamarkiiba waxaa laygu soo waaley telephone iyo messages. Laakinse dadka inta aan telephonekeyga haynin waxay  emailo shaki kujira isdhaafsadeed qofkii emailka soo direy oo isku sheegayey inuu yahay Adam Abdi Abuzuhri oo safar deg-deg ah kutagay Spain sida emailka ku qoran.

Laakinse umada Ilaahay kala dabeecad duwan, ninba ilgooni ah ayuu wax ku eega. Qofba shakiya had iyo jeer ilaa uu hubsado; qofna waa aniga oo kale oo hoos wax uma eego; dhaqankana waa lagu kala duwanyahay.

Maxamad Xaaji, nin Murataani ah oo aan isku meel kawada shaqeyno islamarkiiba lacagtii ayuu deyn kusoo qaaday isagoo isleh: Ninkii Aadam ahaa maanta ayuu kusoo mutay oo ragii oo dhan ayuu kaa soo dhexsaarey ee adigoon cidi usheegin ka gaarsii lacagtaas.

Nasiib wanaag, bangiga isagoo usii socdo ayey is arkeen ninkale oo aan saaxibo nahay markaas ayuu kuyiri: Ninkii Aadam ahaa goormu aaday Spain?  Aadam fasaxbuu kujiraa laakinse Spain ma’aadin oo saakey anigaaba arkey oo Doha meel uma dhaafin. Markaas ayuu shaki kudhacay. Halkii ayuu telephone ii soo direy oo igu canaantey inaan dadka wada gaarsiiyo inta ay goori goor tahay oo aan lacag ladirin.

Marka emailkan waa iga ogaysiin inaad kuqaldamin haddii lagula soo xariirey iyo inaad ogaatid emailada noocaan ah inaad kadiyaar garowdid inta aanay kugu imaanin.

Xariir la’aan wixii intaas kadanbeeyey

Marka hore emailkii  abuzuhri1@gmail.com ahaa dib ayaan usoo ceshaday dagaal qaraar kadib Al-Xamdu lilaah hase yeeshe  cid aan laxariiri karo majirto oo contacyadii oo dhan waa lamasaxay; dadkiina waxaa lagu waaley email baryo doon ah. Tankale dadkii Emailkan abuzuhri1@gmail.com gaaray oo dhan inta udhaxaysa 30/11/2010 ilaa 2/12/2010 waxay uqaateen inuu emailkan lala wareegey sidaas darteed  igu sameeyeen block ayagoo ugudbieyey ‘Report Spam’. Kadaroo dibi dhal, dad ila soo xariirey marka aan ujawaabo emailka magaarayo waayo!

Intaas waxaa dheer maadama aan emailkaada kamid ahaa ‘my contacts’ waxaa dhici karto inaay tuugtaas kula soo xariirto oo ay kugu dhacdo waxa igu dhacay oo lagu fara madoobeeyo.

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Weerarka Internetka dhankeyguu iga heley: Digniin "

  1. khadar cilmi says:

    wan salamayaa dhamaan walaalaha muslimiinta ah meel ay joganba
    waxanaku salamayaa salaanta islaamka walal wanka xumahay arintan
    aadan kudhacday waa arin khatarteeda leh oo loobahan yahay inlaga
    digtoonaado waa arin aan dad badan ookasheekaynaya aan maqla
    oo aykudhacda marka walal aad ba ugu mahadsantahay in aad kadigtid

  2. zeeshta says:

    a/c/w suldaan naayruus xaaji aadan ayeey hada kahor ku dhacday arintaas waa nin ku nool dalka pakistan oo sxbkeey ah marka sidaan oo kale ayaa inta loo jabsaday waxaa laga soo diray warbixin been abuurasho ah waxaana warkaas loo soo diray somalitalk waa sanadihii 2004 ama 2005 marka gabar lagu been abuurtay oo la leeyahay waxaa lagu kufsaday magaalada karachi laakiin arintii waxaa beeniyay suldaanka oo si dag dag ah ugu soo diray email somalitalk marka weey dhacdaa mararka qaar

  3. Abdimalik says:

    Sorry sxb aniga toban sano ka hor ayaa la iga dhacay emailkeeyga ilaa iyo hadana ma aqaano meel jaan iyo cirib uu dhigay laakiin nasiiib wanaag waagaa isticmaalka emailka waa uuu igu cusbaa oo wax badan iiguma keedsaneeyn aan ka ahaayn family contacts, waxaa caawisay qolada tuugada ah inaaan fara fududaa oo aan ku cusbaa technoligiyada ooo aan filaayo inaan iska buuxiyay form sida sxbkeey oo kale.

    Any how take care

  4. ASMA ALI says:

    WALAL WAAD KU MAHADSAN TAHEY SIDA AAD UGU DIGTEY INTERNET USERS KA WELIBA MAHAD AAD U WEEN WALAL TUUG TAAS WAA JIRAA ANI FACEBOOK AYEY IGU GAARTEY TAAS LAAKIIN SIRMA QABE ALE AYAA U SAHAN AH EE MAR KIIBA WAAN OGAA DEY INEY TUUG YIHIIN IN KASTOO AY QAATEEN MY INFORMATION KKAYGII IN TII BADNEED BA OO AY KA MID YIHIIN CIWAANKA GURIGA LAMBARKA TELEFOONKA EMEELKA TELEFONA IYO EMEELKA INTERNETKA DAD WAQTIGA DHALASHADA IYO CARDKA BANKIGA LAKIIN WAXAN REPORT U DIREY BANKIGII IYO INSURACE KII CAAFIMAAD KABA WAAN REPORT GAREEYEY TUUG TAAS OO IGU YIDHI WAXANU NAHEY SPECIAL AGENCY OO KA YIMI MADAX WEYNAHA MAREEKANKA EE OBAMA O CAAWINAYA DADKA AAN DHEGAHA WAXBA KA MAQLIN SI AY UGU GUULEESTAAN LACAG DHAN BILLIONS MARKANA ANIGA FACEBOOK EMAIL IIGU SOO DIREY EMAIL KAASNA WAXA ISKA LAHAA SOCIAL WORKER ILA SHAQEEN JIRTEY LAAKIIN HADA AAN SAXIIBO NAHEY TUUG TAAS WAXEY IGU DHAHEEN BIXI LACAG SI AAD U GUULEE SATO LACAG TAAS WAA $900 KU GUULEESO $35,000,000,000 MARKII AAN KU DHAHEY MID IN TAAS KA YAR MA BIXIN KARAA WAXEY DHAHEEN WESTER UNION AAD OO LACAG DHAN $400 U DIR DALKA NEW YORKIGA MARKAAS BAA WAX IGA SI NOQ DEEN OON WACAY SOCIAL WORKER KII IYADU ISKA ALHEED FACEBOOK EMAILKAAS WAXEY II SHEEGTEY GABADHI INAYSAN FACEBOOK GAAS IYADU LAHEEN EE QOF KALE KU SHAQEESTO WELIBANA IGU TIRI PLEASE VERY CAREFULLY WELIBANA IGU RAACISEY ANIGABA WEY I HEESA TAA WAA TUUG WAA MAHADSAN TIHIIN

  5. Abdirazak says:

    ASC walaal Adam waad ku mahadsan tahay sida aad inoo digtey waxyeelada ay leedahay tiknoolajiyada cusub . Aniga waxaa igu dhacay inta la jabsadey email keyga iigu jireyn xog muhiim ah ayaa bankiga aan akaantiga ku lahaa lacag lagala baxay oo waxaa la baxay qof joogey dalka Ghana inkastoo ay cadada lacagta yareyn oo ay dhameyn $ 50 ..Waxaa kale oo taas ka sii darneyd markii shirkad ceymiska guryaha qaabilsan ay koontadeyda bil kasta lacag yar kala baxijirtey . Bankegii waa uu saxay qaladaadkii dhacay waxayna ii sheegeen in xogteyda laga helay email keyga . Waa in si aad iyo aad la isu ilaashaa .

  6. Hassan Adan says:

    Walaal marka hore aad iyo aad baan ugu xumahay in arin ceynkaas ah kugu dhacdo koley waxay ilatahey intaan in ay kuu noqon doonto big exprience hase ahaate maanta waxaa lajoogaa Technological Age, waxaad ogaataa hadii aalad cusub wax tar leh imminka la soo saaro waxaa daba socota qatarteeda sidees daraadeed waa in Information Securityg-ga la adkeeya oo weliba si weyn looga kakeraa.

  7. hassan says:

    waad salamantihin dhaman umada somaliyed melkst ay joogto
    intakadib sorry bro waan kaxumahy arinta kula kulantahy
    waan dhacadaa wan wax laguwana qatoo arintan qofkastoo somali ahna intii fahansan waba fahansantahee inta aan fahansaneen weliiwaxan u shegya emailkasta oo lagusoo diroo an baalaga leyahy email ama warqad layskama so diyoo ilaa iyo murad laga lehay, hadan waxaa iska ilalisaa email lada badana laso daciyo viroska hackerka iyo spowerrada
    kuwasoo aad u tirabadan intabadana waxalagaga sodiraya melaka sxbka
    ama si xayaysiis ah iwm , marka side ku ogankara melaka an saxda ahen
    waxaa adku garankartaa , badana mesh lagu qoro salan ama subjegtiga waxa kuqoran ,photo,123 ,00x waxaan intabadn ugu danbaysa *exe
    manasokobikaroo waabarnamish dheer ,waxaadka akhrisankartan websaida somalida sida somalitalk,qabta tech.internet,

  8. Xunbul says:

    Waleeeeeee Waa In Albaaaaaabada la Xirto!!!!

    Burcad Internet Ayaa Faaftaaaaay!!

    Qoladaaaaaaan Americankii ka Qaylisiisay miyaa Danyar u Daaaaaaheeeeee?

  9. Keyse says:

    Marka Hore Adam Waa Arin Xanuun Badan Waxa Kugu Dhacay Waxanse KU wadaa In Aysan Wali Ku soo Marin Khatartii runta AHayd Ee Aaladan Netka. Ilaahey Ha Inoo Saqiro DHamaanteen.

  10. shaqlan says:

    a/c bacda salaan aad ayaad u mahadsantihiin,inaan wax ka ogaado wax yaalaha ka dhacayaa NET.aniga qudheyda waa igu dhacdey emailka leyga xadey muddo ma la i ogeyn inaan furo.marka ileyn waa arin aan keligey igu koobneyn. sidaas iyo salama tnx aqyaarta

  11. mohamed Naastaro says:

    ASC walahi waa yaab qof waliba meel bu ku mashquulsanyahay qof bani adam lu gooy waa dabaalnimo iyo caqli yari maxay ka fa’idayaan ..
    walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad nagu soo bandhigtey arrintaan thnks 100%

  12. Magan says:

    Waad ku mahad santahay macluumaadka aad noo soo gubisay Illaahayna ha kaa abaal mariyo runtii waa wax loo baahnaa.