Home » Warar »

“Soomaalidu Waxay Tiraahdaa Gudin Yahay Ima Goyn Lahayn Hadaan Gabalkeygu Kugu Jirin” Waraysi Taariikhi ah

Sidaas waxaa tiri Allah Ha u Naxariistee Marxuumad Wasiiraddii Hore ee Caafimaadka DFKMG Drs. Qamar Aadan Cali oo aan waraysi kula yeelanay Jabuuti 29/07/2009-kii… “Ummadda Soomaaliyeed Ayaa Loo Xilsaarayaa Dhibka Haysto, Annagoo Og Ummadda Soomaaliyeed Inuusan Dhibku Ka Socon” wareysi taariikhi ah

Bishan aynu ku jirno (December) waa bil si gaar ah ii xasuusineysa, in badan oo ka mid dadd aan xushmad weyn u hayey oo horarku boobey, islamarkaana ahaa heeganka dalka iyo dadka oo ay huwiyeen huwan aan hayb lahayn iyo kuwo jid khaldan ku socda.

03/12/2009-ka waa maalin Allah ugu talo galey sida uu doonay, haddana waa maalin aan ilmadeyda aan xifdin waayey, waxaana ku sugnaa, xiliga aan maqley xaafadeyda, balse waan rumeysan waayey waxa dhegahayga ku soo dhacey, waxaan tegey goobaha netka, waxaanse heley xaqiiqada dhibaata dhacdey, waxaa hadley in badan oo aamusnaa, waxaa naxay in badan oo aan diyaar u ahayn naxdin, waxaa xanaaqey in badan oo xanaaqi jirin, waxaa xujoobey, kuwo aan xujeysneyn, waxaa xiiqay kuwa xalkoodu fogaadey.

akh-riste waxaan diyaarin la’ahay xiligan qormo aan doonayey in aan ku faaqido foolxumadii dhacdey 03/12/2009-ka, inkastoo maalmuhu ay is gurayaan waxaan u deynayaa waqtiga iyo waayaha Soomaaliya, ardeydii, maclimiintii, waalidiintii, wariyeyaashii iyo wasiiraddii lagu laayey maalintaasi si aan marna bani’aadamka maskaxdiisa looga dhaadhicinkarin wixii dhacey, balse waxaan doonayaa in aan idin maqashiiyo wareysigan oo ahaa mid aan si gaar ah u qaadey, islamarkaana doonayey in aan raaciyo kuwo kale, si aan ugu soo bandhigo ciwaan gaar ah oo aan u xushey, waxaan u soo joogey, balse waxay igu noqontey in aan xajin waayo xanuunka aan ka qaadey tilmaamaha ay bixineyso marxuumada oo anniga si gaar ah ii taabatey geerideeda ilaahay janadii fardowso haka waraabiyee

Allah ha u naxariistee marxuumad Drs, Qamar Aadan Cali oo wareysi kula yeeshey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti 29/07/2009-kii, islamarkaana xilligaas hawlo shaqo u timid dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey xaalada guud ee dalka Soomaaliya, maadaama ay jiraan cudurada cusub ee ku soo siyaadey caalamka qaabka wasaaradda caafimaadka u wajahayso

“haddii uu yahay cudurka aad iga wareysanayso (H1 N1), Hargabka Doofaarka, waa wax laga muujiyey iclaamka oo dhan Ummadda oo dhan in ay ka hortagto, cudur Global ayuu noqdey 40 sano kadib, halka cudur oo ugu weynaa hadaan laga hortagin Ummadda badan oo bani’aadam ah oo aduunka ku nool ayaa dhimanaysa runtii, ilaahay waa naga najeeyey, laakiin caalamka oo dhan waa isku xiran yahay, baddihii ayaa isku furan, diyaaradihii ayaa isku furan….”

Sidoo kale mar aan weydiiyey soomaaliya beyskeeda caafimaad guud ahaan waa uu burbursan yahay, sidaad adigu hore khudbadaada ugu sheegtey,  meel eber ah ayaa laga soo bilaabayaa ayaa tiri, maxaa diidey in dhakhaatiirtii Soomaaliyeed la hawlgaliyo, isbitaalkii weynaa ee Digfeer la hawlgaliyo, maadaama isbitaalada kale ee muqdisho ku yaala ay yihiin kuwo shaqeeya?

ayaa waxay tiri  “ waxaas oo dhan waxaa hirgelin waayey dareen la’aanta Ummadda Soomaaliyeed, caafimaadka sidiisaba waxaa weeye adeeg guud oo ay ka qayb qaataan, canshuuraha shacabka laga qaado dowlada… waxay ku shaqeynkaraan deegaan aan colaad ka jirin…”.

Mar ay ka hadleysey waxa u qabsoomey inta ay xilka haysey ayaa waxay tiri “wax badan ayaa inoo qabsoomey,waxaa inoo qabsoomey inaan dadkii dhex joogno, inaan u hadleyno… ”

Waraysigii 29/7/2009 oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/qamar_adan_cali.mp3]

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " “Soomaalidu Waxay Tiraahdaa Gudin Yahay Ima Goyn Lahayn Hadaan Gabalkeygu Kugu Jirin” Waraysi Taariikhi ah "

  1. Dalmar says:

    Wareysi xusuus leh waaye Somalitak keyd badan wey heysaaa oo anfaci doono umada soomaaliyeed markaaas, runtii Marxumamad Qamar mas uuliyad fiican bey eheed oo qiiro wadaninimo leh allaha u naxariisto:

  2. Ahmed says:

    Assalamu Alaikum wa Rahmatullahi wa Barakatuhu,

    Bahda Somalitatk waxaad ahaydeen dad wax walba ilaaliya. Waana idiinku mahadnaqeynaa. Waxaanse idinka codsanayaa marka la qorayo magaca Allah in aad markasta aad ka bilowdaan capital letter, sidan ilama qumana: allah waxaa ka quman: Allah
    Mahadsanidiin

    Wassalam.

  3. Khayre says:

    Allaha u naxariisto maalintii arintaa dhacday waxay ahayd 20 kii sano ee qarbudaada maalintii noogo madoobeed!!!!
    Waxaa hubal ah in ay sedexdaa wasiir ahaayeen 3 dii ku jirtay Dawlad isku sheega!! Balse waxaa lagu qoonsaday in au Damiir lahaayeen in ay jiil cusub soo saarayeen, balse waxaa aniga xaqiiqsanahay in gacan shisheeye ku baxeen. Allaha qabriyaashooda u nuuriyo iyga iyo Ubixii dalka ee isagoo mirihiihii soo muuqdaan la gooyay, idim Alla la idin gooy wixii gooyayoow.

  4. Abdalla says:

    ALLAH waxaan uga baryayaa Naxariistii janno inuu ka waraabsho dhammaan hormuudkii dalka ee ku dhintay 3-december.. Wusaradii , ardaydii ,saxaafadii, masuuliyiintii iyo shacabkii dhammaan..
    dadkay ka tageena samir iyo iimaan ALLE ha ka siiyo ..

  5. Said says:

    waad mahadsantihiin rabi janadii yo raxmad haka waraabiyaa allaa yaa rahma, yaa rabi faqfirlahaa. Dr. Qamar waxeey aheed qof aan la heli karin, waa kaas qofkasta kan ugu qiimaha baddan beey dilaan. Waa mashruuc loogu talagalay Somalia ninkii laga dareemo wadaniyada iyo dib usoo celinta Somaliya in la dilo wada kasta haloo soo maree. Somaali baa ba’day oo aan damiir laheen, welina waxeey isku sii dilayaan meel kasta waxa ay udhimanayaan mawa garanayaan waxeey ku faraxsan yihiin dhulshisheeye ineey kuwada noolaadaan dhulkoodana cadaabta iska waraabiyaan.