Home » Warar »

Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib loogu soo celiyey Gacanta Ummadda Soomaaliyeed.

“Iibkii Safaaradda Soomaalida waxaa laga dhigay waxba kama jiraan … Somalia embassy sale voided” Kenya Daily Nation….

Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi oo waayadan uu ka taagnaa muran kadib markii la sheegay in uu dhulkaasi iibsaday nin ganacsi ah oo u dhashay dalka Kenya waxaana arrinkaan aad uga carooday ummadda Soomaaliyeed, waxaana Dowladda Federaalka lagu cadaadiyey in arrintaasi ay u guntato sidii dib loogu soo celin lahaa dhulkaas oo ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba Maxkamad ku taala dalka Kenya oo waayadan dacwaddaan kiiskeeda haysay ayaa shalay go’aan ka soo saartay dhulkaasi la isku haystay waxayna maxamaddu dib gacanta ugu gelisay Soomaaliya kadib markii dacwado ka dhan ah iibsashada safaaraddaasi ay gudbiyeen ummadda Soomaaliyeed, waxaana xukunkaan soo dhaweeyey ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana maxkamadda horteeda isugu soo baxay dadweyne fara badan oo u dabaaldegayey dib u soo laabashada dhulka Safaaradda Soomaaliya.

Dhulkaan oo uu iibsaday nin u dhashay dalka Hindiya 1994 ayaa waxaa la sheegay in uu kala baxay lacag aad u yar waxaana ka iibiyey sida la sheegay safiirkii xiligaasi Soomaaliya u fadhiyey Kenya, waxayna safaaradda Soomaaliya wixii xiligaasi ka dambeeyey ay ku shaqeyneysay guryo kiro ah, haddaba safiirka Soomaaliya ee haatan Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay xukunkaasi mid taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sidoo kale fanaaniin soomaaliyeed oo ay hor kacayaan Kooxda Waayaha Cusub oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ayaa iyana dabaaldegyo iyo xaflado ku dhigay safaaradda Soomaaliya horteeda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda dib loogu soo celiyo dhulkaasi gacanta ummadda Soomaaliyeed.

Markii ay dhacday Dowladdii Max’ed Siyaad Bare safaaradihii ay soomaaliya ku lahayd dalka dibaddiisa ay intooda badan noqdeen baylah waxaana qaarkood la sheegay in ay iibsadeen ganacsato u dhashay hadba dalka ay ku taalo safaaraddu, halka qaarkoodna ay noqdeen qashin qub ay ku hoydaan Soomaalida tahriibta sida Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga ku taal.

Isku soo wada duuboo ma ahan safaaradaha oo keliya waxa baylahda noqday balse sidoo kale waxaa baylah noqday badda Soomaaliya oo maalin walba khayraadkeeda ay iska guranayaan maraakiib shisheeye xitaa waxaa dhacda in qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya laga iibiyey dowlado shisheeye, sidoo kale waxaa baylah noqday Marakiibtii Kalluumeysiga oo qaarkood haatan ay ku shaqeystaan dad shisheeye ah, qaarkoodna ay hawlgab ku noqdeen qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Wararkii hore iibinta Safaaradda: https://somalitalk.com/tag/safaarad/

Wararka iibinta Domaika SO: Akhri https://somalitalk.com/tag/domain/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

###

“Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy
…….

Judge nullifies sale of Somalia embassy

By Evelyn Kwamboka

Somalia government has reclaimed its Sh28 million embassy premises in Nairobi.

The property in Spring Valley, Nairobi, was returned by the High Court after it emerged it was illegally sold to a couple.

The court also ordered the foreign government to refund the couple the Sh15 million purchase price plus Sh600,000 paid for stamp duty.

Attorney General Amos Wako, the Registrar of Titles and Commissioner of Lands are to ensure the title deed is reverted to the Somalia government, the court ordered.

Justice Msaga Mbogholi yesterday said a former diplomat who carried out the sale had no authority.

Former ambassador to Kenya Ahmed Sheikh Mohammud carried out the sale transaction in 1994 when there was civil war in Somalia.

He then left Nairobi and was given asylum in the UK.

Yesterday, the judge said a certificate issued by Vice-President Kalonzo Musyoka in a criminal case saved the embassy from losing the property.

The judge said Kalonzo, who was then the Foreign Affairs minister, did not know about the sale transaction when issuing the certificate.

Saving grace

“It has now turned out that this certificate is the saving grace not only for the plaintiffs, but also for Somalia,” he said.

The judge spoke in the case filed by Musa Hersi Fahiye, Mohammed Omar and Republic of Somalia against Suleiman Rahemtulla Omar, Zarina Suleiman Omar, Wako, Registrar of Titles and the Commissioner of Lands.

The letter dated February 25, 1995, indicated Kenya did not recognise the Somalia embassy and its diplomats in terms of the Vienna Convention, following the collapse of Said Barre’s government in January 1991.

The judge said other than three diplomats in the criminal case, the certificate extended to the ex-ambassador, who allegedly executed the sale transaction.

He said the property was sold at Sh15 million.

The judge said the couple who bought the property should have checked with the Ministry of Foreign Affairs if at all Mohammud was still the ambassador.

“The envoy’s names were missing in the diplomatic directory and the property was not sold in vacant position,” the judge said.

The court said an advocate acting for the embassy should not have taken the ambassador’s instructions to sell the property at face value.

It emerged a document purportedly sent from the Somalia government by its Foreign Affairs coordinator allowing the sale was fake.

Relying on evidence produced in person by Somalia Foreign Affairs minister Ali Ahmed Jama, the co-ordinator’s position did not exist in the ousted government.

Jama, who appeared in court to give evidence last year, said the former ambassador would be arrested and charged in court if he sets foot in Somali.

Source: http://www.standardmedia.co.ke/InsidePage.php?id=2000024234&cid=4

…………
Somalia embassy sale voided

The Somali Government scored a major victory on Tuesday when it got back its embassy premises sold to a Nairobi investor 15 years ago.

In a landmark judgement, the High Court quashed the sale of the official house and the parcel of land on which it stands.

Mr Justice Mbogholi Msagha consequently reversed the sale and vested it back to the Somali embassy.

From court, the new Somali ambassador to Kenya, Mr Mohammed Ali Nur, lawyer Fred Athuok and embassy officials drove straight to the property in Nairobi’s Spring Valley area.

Standing on a two-and-a-half acre piece of land, the property was acquired by the Somali Government in 1972 and registered at the Lands Ministry in 1973.

When the government of then President Siad Barre collapsed in 1991, civil strife engulfed the country and all the diplomatic ties with foreign governments ceased.

In 1995 a former ambassador to Kenya, Mr Ahmed Sheikh Mohamud, sold the residence and plot at Sh15 million to Mr Suleiman Rahemtulla Omar and his wife.

Immediately after the sale witnessed by lawyer Stephen Kibunja, Mr Mohamud fled to the United Kingdom.

Mr Omar transferred the property located at the junction of Brookside Drive and Lower Kabete Road. It is estimated to be worth Sh500 million.

However, the sale was challenged by former embassy officials Musa Hersi Fahiye, who has since died, Mr Mohammed Omar and the Republic of Somalia.

On Tuesday Mr Justice Msagha declared in his judgement: “The sale was fraudulent. The former Ambassador should not have sold the property. I cancel the sale and revert the property to the Republic of Somalia.”

The judge declined to vilify the Kenya Government over the sale because Mr Omar, Mr Mohamud and lawyer Stephen Kibunja who acted for the Embassy ought to have known the property was protected under the Vienna Convention and could not be sold until normalcy returned in Somalia.

Source: Kenya Daily Nation

Source:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib loogu soo celiyey Gacanta Ummadda Soomaaliyeed. "

  1. asc waraxmatullah wabarakatuh
    way mahadsan yihiin wixii kahadlo soo dhiciya Badaha ,Guryaha Somalinimada,wadaninimada
    waxaan jeclan laha in webkaan Qofkii Qof kale kuxadgudba in lagasaaro Qormadiisa

    Dowlad wanaagsan Allaha nasiiyo waayadan waxaa batay dad aan dowlad aqoon waayo siduu Kismaayo sheegay Qofkii xataa 10 sano jiray maanta waa 30 jir in badan mafahmaayo dowlad
    Kuwii hore iyo kuwan danbaba Xumaan iyo saman way leeyihiin
    Cadaaladdu ma diideeso dhinicii wanagsanaa ee dowlad laheed dadka lagu bararujiyo

  2. juxaa says:

    Ugu horayn waxaan u mahadcelinayaa somalitalk fursada ay noosiiyeen in aan jawaab soo qorno iyo dadaalkooda. Qofka isku magacaabay Kismaayo oo sheenaya in uu dadka ka da’weyn yahay hala weydiiyo in uu isagu ka qayb qaatay dhibaatada Soomaaliya inta uusan dad kale afka ku taagin. Waxaan u malaynayaa in uu ninkani soomaali ahayn, waayo maalin hore ayaan xasuustaa isagoo dhehaya hebel Dameerahayagu isma kudaan, waana la ogyahay Soomaalidu waa dad wada dega oo dameerahoodu daaq wadaagaan raaska ilaa xaafka.

    Haddii aan BADDA laga hadli lahayn oo somalitalk hormuud u noqon lahayn sow lama qaateen inta u hartay soomaalida. Tan kale malaha sidii lagugu sheegay kombutuutark ayaa kugu cusub ee dib taariikhda ugu laabo. Waa laga hadlayaa badda, waa laga hadlayaa dhulka, haddii aad xoogaa lacag ah soo qaadatay cid ku maqlaysa ma jirto.

    Tan kale qofku waxa uu qaban karo maxaad ugu diideysaa in uu qabto, haddii somalitalk kuusoo dhicisay Gurigii safaarada, kuu difaacdey badda, markaas inta dhiman ee nababdda ah maad adigu qayb ka noqotid oo si guud magacaaga interetka ugu qortid adigoo taageeraya shariifka badda iibsadey..

    ma difaacayo websita gaar ah ee Kismaayo ayaan xasuusinayaa dhibaatada in uu qayb ka yahay oo qofkii wax qabta int ayar oo uu qabtay aan lagu xushmayn oo meel kala lala aado.. Maxaad khasab ugaga dhigeysaa somalitalk in ay taageerto dawladaada, halk adawladdu aysan doonayn maslaxadda guud ee ummadda… Maslaxadda waxaa ka mid ah in aan muran la gelin badda soomaaliya.

    somalitalk waxay kuu soo dhicisay baddii ee adigu bal xal ka keen dawladan lagu taageeri karo.. marka ha dhehin dawladda kuwa maamula dameerahayagu ism ayaqaanaan ee haddii aad soomaali tahay xal ka keen iyaga lagu taageero haddii kale iska aamus da’ waxba kuu tari meyso markaas’e.

  3. KISMAAYO says:

    ASC salaan kaddib waad salaman tihinn dhamaantiin salan kaddib Somalida sideedaba waa dad Xamasad badan oon meesha xalka jiro aan raadin Sida saaxiib hore usheegay Kama aysan fiirsan Markey Dowladooda iska Duminayeen,Kama aysan fiirsan Markay Hogamiye kooxeed yada daba socdeen,kama aysan fiirsan markay Maxaakimta usacaba tumayeen
    Waxa labuun buuniyaa ayamahan BADDA,GURIGA,DOMAIN,GURIGA Safaaradda
    meesha marka ay Albaabada jabinayeen ay Dhowr kun oo somali ah kuxiran yihiin xabsiyada Nairobi dumar odoyaal dhalin yaro
    waa nasiib darro inan ubarooranaa Guri Dadkase agteenna qiimo ku lahaan
    Webebka Somalida waxay yaqaaniin in ay soo bandhigan waxaan dadka faa,iido ulaheen Somalitalk wali maysan soo qorin dhibka shacabka somalyeed lagu hayo Nairobi
    soow lama jooga xilligii aan Taageeri laheen Dowlad xataa ha xumaatee
    waayo Guriga aan hadda u booyeena waxaa Dhisay ama Gaday kii aan ladagalanay
    Goormaan noqonay wadaniyiim soo kuwii Dalka gubay oo fiiqday manihin?
    aaway warshdihii,cisbitaaldii,Jamacadihii,
    markaasaan maanta ubooyeenna Guri dhawr qol ah ooba baaba,ay??

    aaway mashruci MAGAMBOW,MAREEREEY?
    waxaan umaleeni Dadkaan webebka Qora in ay yihiin Dadkii iyagoo 5 sano jira ay Qabta dhacday oonba soo gaarin waxa aan kahadlaayo inkasoon anigaba markaa jiray 20 sano
    ma,iga rumesaneesiin Dowladda aan kahadlaayo xilligaas iyo kuwa hadda jooga Ninka iigu dhow 15 awoowe ayaan isugu imaannaa
    just waxaan rabaa dowlad waayo midda aan hadda lanoolahay NABI AADAM ayaan isugu imaanna oon wali kala diin nahay
    si xoriyad ah ayaan ugu noolahay oon ooga xamashaa wax ooga bartaa
    marrabo ciyaalkeyda inay waddn kale kunoolaadaan
    GO EAST WEST HOME IS BEST

  4. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, annigu waxaan fahmi waayey Soomaalida marka ay muujinayaan farxadooda maxay ugu fakiri waayeen in ay is xakameeyaan oo ay dib ugu eegaan waxa ay sameeynayaa waxa dhib ah ee gadaal ka iman doonno.
    Nasiib darro waxaan TVga Universal ka daawaday iyo Websaadyada Soomaalidaba Safiirkii iyo Qunsulkii dalka Jamhuuriyada Soomaaliya u joogay dalka Kenya, isla markaana hoggaaminayey dadweyne sitay Calanka Soomaaliyeed uuna safiirka amray in laga taago dhismihii Safaaradada Soomaaliyeed ee waqti kooban ka dib loo xukumay in gacanta Soomaalida ku soo noqoto dhismahaasi asaga ah, ayaa waxaa halkaasi ka dhacay arrimo ka hor imanaya maamulka dalkaasi Kenya ayadoo lagu dhaqaaqay in la jabiyo Albaabkii Dhismaha, si xoog ahna lagu galay Dhismihii Safaaradda ayadoo aanan la sugin Nidaamka iyo kala dambeynta, arrintaasoo ay hoggaaminayeen Labada qof ee ugu sareeya Dibulamaasiyada dalkaas noo joogay, taasoo aan filayo in ay meel ugu dhaceen Labadaa qof Ixritaamka ay leeyihii Safiir iyo Qunsul.
    Sidaa darteed, hoggaanka sare ee dalka Jamhuuriyada Soomaaliya waa in uu arritaa ayada ah dib u eegaa, laguna dadaalaa in laga reebtoonaado Xamaasadda ka dareeyda ah ee Masuuliyiinta dalka sameynayaa, arrintuna waa in aysan noqon Istustus, safaaradaha dibaddana waa in dowladdu u magacawdaa dad ayaga matali kara Ummadda Soomaaliyeed, waxaan filayaa in ay Dowladda arrintaa dhacday fiiro gaar ah u yeelan doonto.

    Allaa Mahad Leh

  5. c/risaaq axmed ibraahin says:

    waa farxad wax ka dhimanyihiin waayo dadkeeynii waa kaas la iska xirxiranaayo oo waxii xunba xaawaa iskaleh lagu haayo alloow noo dhameestir wanaaga adaa caadil ah

  6. Wadaniyad says:

    Asalama Caleykum!
    Marka hore Ilah (swt) baa mahad leh ,nabad galyo iyo naxariis nabigeenii suubanaa korkiisa ha ahaato. Ka dib waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta hantidii Soomaaliyeed qaar ka mid ah gacanteena ku soo noqotey. Umada Soomaaliyeed intooda damiirta leh GUUl weeyn baay u tahay arintaan. Waa ku mahadsan yihiin dadka had iyo goorba u taagan difaaca hantida dalkeena .Laakiin wali yaa is gaaray waxaa war igu soo gaaray in xataa safaaradihii Soomaaliya ku lahaayeen Germany iyo Bulgen la gatay. Waxaan dhihi lahaa arintaas baaritaano ha lagu sameeyo hana la soo xaqiijiyo cida iibsatey. Somalitalk oo aay qoraan dad aqoon sare leh waxaan jaceylaan lahaa in aay arintaan galaan ee raadiyaan meesha safaaradihii kale ee Soomaaliya ku danbeeyeen. Waana ku mahadsan yihiin da’daal kii hore oo aay sameeyeen iyaga iyo muwaadin kasta oo soomaali ah, caqli , damiir iyo wadaninimo ku jirto. Arintaan kaliya uma taal dad gaar ah balse umada Soomaaliyeed oo dhan baay u taal. Waxaan rajeeynayaa in damiir laawayaasha hunguriga xun oo hantida qaranka bililiqaaysanaya meel looga soo wada jeensado. Taas baa hora mar lagu gaari karaa. Waa Bilaahi taawfiiq

  7. said says:

    Guul, waa wax aad loogu farxo, waxaan rajynayaa in xuquuqda badan ee somalida ka maqanna, ay sida safaradaas mid mid usoo noqon doonto insha allah.

  8. am says:

    asc wr wb
    Ilaahay baa mahadleh inoo suurageliyey soo noqoshada dhulkan ummadda Soomaaliyeed leedahay ee wax ma garato ay baylihisay, waxa kale oo mahadleh muwaadiniintii isuxilqaamay in ay dib gacanta ugu soo celiyaan hantidan maguurtada ah ee qaranka soomaaliyeed, waxaan idin leenahay jassaakallaahu khayran… lkn kuwii masuuliyiinta ahaa haddii ay baddii & berrigiiba iibinayaan, arrintuna ay ku socoto xawli ka badan kii hore loogu boobayey soomaaliya maxaa xal ah, nin bad dhan faasaxay yaa u diidaya in uu iibiyo laba acre oo dhul ah ???? … ninbaa waxa laga sheegay “maxaa la iga soo helaa berriba waan hallaabayaaye”. Ilaahow nabad, midnimo & horumar ummadda soomaaliyeed !!!!

  9. Yahya Ali says:

    Asc, hambalyo ayan udiraya umada somaliyed melkasta ay jogan, dhulka safaradena wuxu kuyala xafada ugu qalisan ama ugu qadarsan nairobi, mr, amerco wad mahad santahay sxb, waxadna uqalanta bilad sharaf in lagusiyo, halgan ayad usokashay dib usocelinta hantida umada tnks, dowladan jirto qofka dacada kali ah wa adiga, dowlada rag kamid ah aya qeyb kamid ah bada kadanaya waxeyna kula jogan nairobi usheg plz hantida qaranka iney faraha kala baxan hadey faraha kalabixi wayan ciqab dagdag ah ayey lakulmi donan, malin malmaha kamid ah xaqa aya lahorkeni dona, mr. americo qalin ama af uga qeyb qado socelinta hantida umada somaliyed gar ahan hada waxa dakan gadashada bada qeyb kamid ah plz arintas ka qeyb qado
    Inanan lagadan bada waliba kenya aya qebtas in lagu warejiyo rabto, hadeynu dhalinyara nahay waxa nahay madaxda musdaqbalka qofki iskudaya xita iqab ayeynu marsindona insha,allah, mr, americo waxad dadal ugasha ninki dhulka safarada kaday in maxkamad lahorkeno si ciqabtisa lomarsiyo,
    Raga bada kadanayow sida Ali americo noqdo xita hadidan noqon karin iska dhig dhiga handida umada faraha kala baxa,

  10. hussein fiqi says:

    Hambalyo soomaliyeey, Gulufku waa halkisii Geyiga soomali baaleh Gulufku waa halkisii, Hantidda umadda soomaliyeed waa lama taabtaan markastana waxaa diyaar u ah soomaali weli dhadhan ku haya Danta guud, farxad weeyn ayeey noo wadatahay insha allah qaranimadda iyo karaamadda umadda waa soo noqon Guul Soomaaliya, Allah Habadbaadiyo Soomaliya, Allah ha’ Barwaaqeeyo Soomaliya Sc Wr wb