Home » Faallo »

Xasuusasho sanad kadib Qaraxii Hotel Shaamoow!

“Qurac Jabay sidiisii Qarankii ma u liicay”
03 December, 2009 waxa ay aheyd maalin murugo, tiiraanyo, qalbi-jab iyo uur gutaalo ku reebtay dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay ka joogaan Dunida balse waxaan is waydiiyay ilaa goorma ayay sii socon doontaa dhibaateeynta shacabka?, Mustaqlka dalka Soomaaliyana muxuu noqon doonaa.? Walina Jawaab uma helin, waana filayaa in aqriste adigana aad is waydiineeyso su’aalo intan ka badan.

Magaaladda Mogadishu oo dhibkan uu ka dhacay wali dhibkii wuu ka
socdaa, kadib qaraxii shaamoow waxaa qalbigaada ku soo dhacaya Qaraxii
Masjid ku yaala Baraakaha iyo qaraxii Hotel Muna ayna ku dhinteen dad aan waxba galabsan.

Wali Rajo ayaa jiro

“Waad dili kartaa shaqsi balse marnaba ma dili kartid Fikrad” sidaa
waxaa yiri Medgar Evers oo ah African-American u dagaalami jiray
xoriyadda dalka Madow isla markaana ugu danbyentii la dilay.
Dadkii ku geeeriyooday Hotel Shaamoow iyo Maamul-ka Jaamacadda
Banaadir  waxa ay aaminsanaayeen in wax barashadda ay tahay arrinta
kaliya ee bulshada lagu badbaadin karo, walina fikirkaas ma dhiman ee
waxaa geeriyooday shaqsiyaaad Bulshada aysan hilmaami doonin.

“Umadeey kaca toosa waad qalibanteenee” waxa ay ka mid aheen erayadii heestii Qaylo dhaan ee Kooxda Qaylo dhaan ay sameeyeen, wali waxaa jiro rajo iyo yididiilooyin soo if baxaya waxaana la joogaa xilligii dalkan iyo dadkan la badaadin lahaa.
Shaqiyaadkii Hotel Shaamoow ku shahiiday..
Wixii ka dhacay Hotel Shaamoow waa tahluugo iyo dhibaato u soo hoyatay
shacabka Soomaaliyeed, shaqsiyaadkii ku geeriyooday waa dadkii ugu
Muhiimsanaa ee u shaqeenayay Dowladda Madaxwaynaha uu ka yahay Shariif Sheekh Axmed ka mmid ah
1- Wasiirkii tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow
2- Wasiirkii waxbarashada Dr. Axmed C/laahi Waayeel
3- Wasiiradii caafimaadka Drs. Qamar Aadan Cali.
4-Wasiirkii Isboortiga iyo Dhalinyaradda Suleeymaan Colaad Rooble oo
dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday dalka Sacuudiga.
Sidoo kalle dadkii halkaas ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa Dhaqaatiir
ay ugu caansanaayeen Dr. Shahiid iyo Dr. Bushkuleeti Allaha u wada
naxatiisto dhamaantood.
Arrinta la yaabka leh waxa ay tahay dhamaan kooxihii lagu eedeeyay in
ay qaraxan ka danbeeyaan way iska fogeeyeen, sida caadiga ahna wali
cidii qaraxsan ka danbeeysay lama ogaan balse dalbiilayaasha qaraxan
geestay way is ogyihiin.

Wasiiradda qaraxaas ku geriyooday waa wasiiraadii ugu fiicnaa,
tusaale Prof. Ibraahim Xasan Caddow iyo Dr. Axmed C/laahi Waayeel
waxaa ka go’need in ay wax ka qabtaan Jahliga iyadoo dhalinyaro badan dalal dibada ah ugu diray wax barasho lacag la’aan (scholarship) ah si ay dalka wax ugu soo bartaan.

Sidoo kalle labadan Wasiir oo ahaa Aqoonyahano Cilmiga Diiniga iyo kan
Maadigaba wax badan ka bartay ayaa fahamsanaaa in dagaaladda iyo
Kooxaha sheegaya in ay Diin difaacayaan in aysan Diin wadin ee dano
kalle ay leeyihiin.
Allaha u naxariistee Drs. Qamar Aadan Cali oo ka mid aheyd qurba
joogtii dalka dib ugu soo laabatay si dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay
wax ugu qabato ugu danbeyntii ku geeriyootay xilli ay ka qeyb galeesay
Dhalinyaro Jaamacad ku dhameestay Magaaladda Muqdisho si ay u dhiiri
galiso.
Allaha u naxariisto Suleeymaan Colaad Rooble oo aan saaxiib gaar ah
aheyn iskuna baranay magaaladda Nairobi,Kenya ayaa ahaa shaqsi daacad
ah isla markaana in uu jeebkiisa ka buuxsado lacago uusan damaciisa aheyn ayna ka go’need in uu horumariyo Isboortiga Soomaaliya oo dhibaatoxoogan ay ka heesato dhankahorumarinta iyo isku duba ridka.
Inta uu xilka hayay Suleeymaan Colaad Rooble wuxuu soo nooleeyay
magacyadii Naadiyadii Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waxa uu sameeyay
gudiyo lagu horumarinayo Isboortiga Soomaaliya isagoo bil walbana soo saari jiray Wargees looga hadlayo wax qabadka Wasaaradda Isbooriga iyo Dhalinyaradda.
Allaha u naxariistee Suleeymaan Colaad Rooble ayaa igu yiri habeyn aan
ku kulanay Nairobi sidan “Haddii Dhalinyaradda Wax barasho, Shaqooyin
iyo Isboortis ay helaan waxaa meesha ka bixi lahaa in dhalinyarada
lagu dhiiri galiyo in ay wax dilaan ama la qaldo”, runtii hadalkaas
marka aan soo xasuusto waxaan is dhahaa haddii qof walba oo sidan u
fakirayo la dilo dhalinyaradda soo sida hadda ay yihiin ma ahaan doonaan?.
Kooxda Qaylo Dhaan iyo Qaraxii Hotel Shaamoow.!

Kooxda Qaylo dhaan oo soo caanbaxday kadib Qaraxii Hotel Shaamoow ayaa
ah  Koox kulansatay dun-xariireed Soomaalinimo & dareen garasho
oo durugsan, Waa dhallinyaro mudan in wax laga barto, ereyadooda &
hoga-tusaaleyntooda deeqsinimada lehna lagu camal falo, “Ummad aan
xusuus durugsan & waayo fog oo ay wax ku oddorosto lahyni ma yeelato
aragti dheer & jiritaan togan”.
Heesta Qaylo dhaan oo waxyar kadib Qaraxii Shaamoow ay sameeyeen waxaa ku jiro erayo iyo Murti ah kana hadlaya xaladda hadda lagu jiro iyo waxa laga damacsanyahay dalkan iyo dadkan erayadda ku jirana waxaa ka mid ah “Qaybi oo xukun”.

Erayadda aan u arkay in ay muhiimka yihiin waxaa ka mid ah “, “Qurac jabay sidiisii qarankii ma uliicay”, “Qalbiga oo galnaa dhaanta qaabka aan nahay, Umadeey kacatoosa waad qalibanteenee”. “Qiil danbe ma harin iyo diintoo lagu qaraabtaaye”, waxa ay ka midahaayeen erayadda Heesta Qaylo dhaan oo aan runtii aad ula dhacay,sababtoo ah dad badan ayaa Dhiiga shacabka ku dadaadiya Magaca Diinta

Dhamaad.

Dowlad La’aan, Dil, Dhac, Dhaawac, Qax iyo dhibaatoyin kalle oo intaas ka badan ayaa wali ka socda meelo badan oo Soomaaliya ah, dadkii Soomaalida meel walba oo ay joogaana dhibaato ayaa ku heeysa, haddaba Xalku waa maxay? Adiga oo sida dagan u fikiraya bal is waydii dalkan hadduu sidan ku sii socodo maxaa ka dhalan doono?

Waxaan jecleestay in aan ku goo gunaanado qoraalkeeyga tix ay tirisay Khadiijo Ciise waana sidan.

Markeey daallin iyo tuug,

Iyo nacab is daawaday,

Da’yarteeda dhalatiyo,

Doorroonayaashii,

Dogobbada u shidilaa,

Danabkeeda kacay iyo,

Ubadkeeda dooxaan,

Ee digasho aawgeed,

Darxumooyin lagu falo,

Misna dibadda loo waro,

Wali damac Adduunyiyo,

Nolol doonisteedii,

Yaan lagaaga darin bey,

U dagaal la’aataa!!!

Mar haddeynaan dedi Karin,

Ceebahakan daalacay,

Haddeeynaan dugsiin Karin,

Dahabkiyo dhasheennii,

Duugoobay sharafkuye,

Nolosha maysku duugnaa?!!

Salama

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Facebook:- Sayfudiin Abdalle

Kuala Lumpur, Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuusasho sanad kadib Qaraxii Hotel Shaamoow! "

  1. DU’AAL; XAGEY KUQORANTAHAY
    Ass. Alaykum. Maya weli ma’anaan hilmaamin maalintaas.Weli waan xasuusanaa aqoonyahantii Somaliyeed ee meesha lagu gumaadey.

    Su’aal, xagey kuqorantahay in aqoonyahan ladilo xitaa haddii uu gaal cad yahay? Cilmiga ay dadkan xanbaarsanaayeen waxay aheyd laga xanbaaro oo meel lagu xirto inta laga baranayo sida Nabiga SAW uu kusameeyey gaaladii lagu soo qafaashey Badar oo markaas ahaan aqoonyahaniin marka loo eego reer Madinah.Sow maxasuusataan heshiiskii lalagalay: waa inaad 10 wiil oo reer Madiinah ah wax bartaan si la’idinsiidaayo!.

    Waa nasiib daro haddii aan kusocono mabda;a uu kudhisan:Qoorta udheeree maadama uu kaa soo horjeeda… waa arin guracan gafna ku ah diinta iyo dhaqan Somaliyeed.

    Dadka meesha lagu gumaadey, Dr. Cadow ayaan ugu aqoon roonaa. Runtii maalintii uhoreysey ee uu igu soo maray Doha isagoo usocda Somalia waan layaabey waayo ninka aqoontaan leh ee hadana diidey dhowr shaqo loo soo bandhigey.
    Waxaan kuxasuusta isagoo kumashquulsan sidii uu meel isug keeni lahaa xoogagii maxaakimta ee isku khilaafey siyaasada dalka.
    Waxaan kuxasuusta isagoo leh mar ladajiyey hotelka ugu caansan dalka Qatar ee Sheroton: Ii soo raadiyo guri yar oo aan ugu guura waayo meeshaan waa feel fisqi badan oo lama joogi karo.
    Waxaan kuxasuusta isaga iyo wafti uu kamid ahaa Sh. Shariif ayaa lagu marti qaadey casho, inta bismillaahi yiri ayuu isaga kacay oo faraxashay taas oo kutusinayso inuusan reero aduunyo iyo hunguri raadis aheyn.

    Waxaan Allah Kariim ah uweydinaya isaga iyo umadii meesha lagu gumaadey dhan inuu janadiisa kawaraabiyo, umadana siiyo badiil ubuuxiyo meeshii ay kabaxeen.

    Codsi:Dadka lagu tuhunsanhay inaay kadanbeeyeen gumaadkaas dadkaas gaar ahaan intooda diinta sheeganayso, waxaan ugu baaqaya inaay bayaan soo saaran ay ku canbaareynayaan waayo dilka dadkan oo kale looma helikaro wax marmarsiiyo.
    “Somali ha israacdo Rabigeedna ha utowbadkeento’