Home » Warar »

Qaraxii Shaamow : Xasuus Ma Hadho Ah

3-da December 2009 waa maalin shacabka Soomaaliyeed xasuustooda ay ku dheertay waayo waxaa xiligaasi dhacay qarax aad u weyn, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday ilaa iyo dhowr iyo labaatan qofood oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay si aad ah isugu dhawaayeen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Dhakhaatiir, Saxafiyiin iyo Arday ka qalin jabineysay Jaamacadda Banaadir iyo waliba dadweyne lagu martiqaaday xafladdaasi.

Dhacdadaan oo aad u murugo lahayd ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay ka muujiyeen dareen aad u xoogan, waxayna sheegeen in qaraxaasiuu ahaa mid la doonayey in lagu baabiyo ummadda Soomaaliyeed oo iyadu mudo 20 sano ah ku soo jirtay dagaalo sokeeye iyo Dowlad la’aan, waxaana markii uu dhacay qaraxaani ka hadlay ma’suuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyey Madaxweyne Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo sheegay in mar ay ahaataba lala xisaabtami doono ciddii ka dambeysay. “Waxaan ku weynay qaraxaasi raggii ugu firfircoonaa Dowladda, waxaana ku weynay Wasiiro, Dhakhaatiir, Suxufiyiin iyo Arday mudo dheer soo baranayey cilmiga caafimaadka, waxaana ku baxay waxbarashadooda qarash fara badan iyadoo la og yahay in waalidiintooda ay waxbarashadooda ku bixiyeen qarash badan iyagoo aan waxba haysan doonayana in mar un ay arkaan carruurtooda oo ummadda Soomaaliyeed wax tareysa iyana wax tareysa, balse nasiib daro taasi ma aysan dhicin” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wareysi  bixiyey qarahaasi kadib ayaa waxa uu sheegay in xisbigiisu uu aad uga xun yahay dhibaatada loo gaystay bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay dhacdo xanuun badan oo aan sinaba loo hilmaamin Karin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyana waxay sheegeen in qaraxaasi ay ka dambeysay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, “Marnaba suuragal ma ahan in aan dhibaato gaarsiino dad shacab ah oo u badan Arday” ayuu yiri mas’uul u hadlay xarakadaasi oo si aad ah iska fogeeyey in ay wax lug ah ku lahaayeen qaraxaasi.

Raggii muhiimka ahaa ee ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ahaa Afar Wasiir oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Xasan Caddow, Axmed C/llaahi Waayeel, Suleymaan Colaad Rooble iyo Qamar Aadan Cali, waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday Dhakhaatiir uu ka mid ahaa Dr. Max’ed Aadan Warsame (Shahiid) oo ahaa hormuudkii Jaamacadda Banaadir, waxaa kale oo si xun ugu dhaawacmay Dhakhaatiir dhowr ah oo ilaa iyo hadda lagu daaweynayo wadanka Sacuudiga, sidoo kale waxaa ku dhintay Saxafiyiin ay ka mid ahaayeen Xasan Subeyr Fantastic oo Filim Qaade u ahaa Taleefishinka Al-Arabia, Mohamed Amiin Aadan Cabdule oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeele iyo qaar kale oo ka mid ah ardaydii ka qalin jabineysay Jaamacadda Banaadir.

Dhacadadaan xanuunka badan shacabka Soomaaliyeed badankoodu dareen xoog leh ayay ka muujiyeen, waxaana meelaha qaarkood lagu sameeyey baroordiiq, waxaana dalka Suudaan ka dhacday xaflad baroordiiq ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda jaamacadaha dalka Suudaan dhigta, sidoo kale waxaa laga xusay maalinta 3-da December qaar ka mid ah wadamada Dibadda, hase yeeshee Magaalada Muqdisho oo ay dhacadadaani ka dhacday ayaa wax xus ah uusan ka dhicin, balse Warbaahinta gaar ahaan Idaacadaha ayaa sii deynayey barnaamijyo ka hadlaya maalintaasi, waxaana ka mid ah dadkii la wareystay ee qarixii 3-da December ee shamow ka dhacay ka badbaaday Dr. Cusmaan Dufle waxa uuna sheegtay in dhacdadaasi ay ahayd mid Quluubta Soomaaliyeed marnaba aysan ka go’i doonin, waayo dhacdo lagu xasuuqay dhallinyaro da’ yar ah oo wax u bartay dadkooda iyo dalkooda.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Qaraxii Shaamow : Xasuus Ma Hadho Ah "

  1. aamina says:

    inaa lillah wa inaa ileeyhi raajicuun waa maaalin mugdi ah maalinta 3 December umada soomaaliyeedna baalasha madow ugu jirto maxaa yeelay waxaan weynay walaalo aad qaali ugu ahaa quluubta kutabarta yar kuwa dhibanayaasha ahna u gargaari jiray iyo kuwa dhib iyo xabad dhexdeed geesinimo ugu muujiyeen in eey wax ku bartaan si eey u caawiyaan kuwa dhiban ilaah ha u naxariisto intii ku nafweeyday dhacdadaas foosha xun.kuwii masuulka ka ahaana illah aduunka ciqaabtooda ha ugu soo dadajiyo. naarta jahanama haka waraabiyo qofwalba oo somali ah oo damiir iyo somalimo iyo wadaninimo ku jirto xusuustaas waa mid aaney iloobi karin waxaana soo jeedinaa in la iloobtan waligeed maalintaasna calanka soomaliya hoos loo dhigo si aan ugu baroor diiiqno walaalaheen aan aadka ujecleyn

  2. Gabalaax says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileehi Raajicuun
    geeriyu waxay kugu dishaa xusuus halyeyyadii somaaliyeed geeridii ku timid samir iyo iiman allaha nagasiiyo aakhiro iyo aduunkaba waxaan alle ugarajaynaynaa janadu fardowsa runtii taariikhda baaldahab ah ayey uga jiraan badankoodu sida Dr cadow iyo waayeel iyo digtoorayso intaba allaha u naxariisto aamin aamin

  3. Yahya Ali says:

    Weyna kaxunahay umadan la iska lenaya unbaan ku jirna hada dadka qar cadi ayey lanoqotay in aqonyahanada iyo ardeyda la layo, hotell shamow waxa lagu xasuqay arday muda dheer wax so baraneysay ila iyo 20sano kudhawad xita waxa ku jiray macalimin dhaqatir aheyd iyo pro cadow oo aqon yahan aad uweyn ahaa, arday dad iyo diin . Dal intaba uso baxday iney wax u qabtan ayey ahayen, si goni ah waxa lola firsaday xili dadka somaliyed dhibato dhaqatir la,aan ka jirto, kuwii ka dambeyey falkas ilahey iqab dagdag ah haka so saro, ardeydi lagu layey iyo dhaqatirti iyo shacabki xafladas ka qeybkaley alaha janada firdowsa ka warabiyo amin, falkan wuxush nimada ah wa in warbixin dag dag ah laga so saro si umadu ay ugu cadado cidleneysa isha umada, si umada ukala garado cida codowka u ah, marki u falkas dhacay cidkasto
    Hubeysan wey inkirtay, (1)su,aashu waxey tahay mucarad iyo muxafad hadey inkiren falkas ardeyda iyo dhaqatir lagu xasuqay hadaba dadkan qimaha laha yaa xasuqay. (2)Umada sidan wuxush nimada ya ula dhaqmaya, umada somaliyed waxan ugu baqaya iney ayahod ka dashtan cidna uma maqna celna uma qodna arintu halkas ayey ku biya shubatay,

  4. Dr Abdulkadir says:

    marka hore waxaan tacsi tiiranya leh u dirayaa jaamacadeydii benadir iyo saaxibadey anoo kamid ahaa dufcadii ugu horeysay ee kaqali jabiyay kuliyadda caafimaadka ee j.Benadir.
    Runtii waxaanan wali maskaxdeyda ka go’i la’ madaalihii jamacada benadir prof.shihid oo ahaa shaqsi qaali ah oo runtii maadada uu jaamacadda kadhigayay (Pathology) aysan jirin cid taqasus ku leh marka laga reebo prof. Maxamed macalin muuse oo ah gudoomiyaha jamacadda oo hadda hadda isagu dhiga maadadaas kaligiis. waad garan kartaa laba ayay wadnka dhan ku ahaayeen mid ayaa baxay kan kalena waqti ayuu leeyahay yaa noo maqan? waxaan ugu baaqayaa saaxibadey iney buuxiyaan booskas garabka kajabay.
    Runtii qofkasta wuu dhimanayaa laakin mamudneen in sidaas niyadda looga jabiyo iyagoo waday dhisida maskaxda umadda. Prof. shihiid wuxuu ahaa maskaxdii kadanbeysay in lafuro jaamacad caafimaad.
    Maalin inagoo dhiganeyna jaamacadda prof salaad farax gutale( janune) oo markaas ahaa hormuudka kuliyadda caafimaadka wuxuu inagu yiri ”geerideydu waa xaq haddan soo saaro loodka ugu horeya ee jamacadda”.
    allaha naga samir siiyo. waxaana kudadaali doonaa haddan nahay mirihii ay abuureen inaan buuxino baaskoodii sharafta lahaa.

  5. Hamaada says:

    Asc Wr Wbr awalan wa qabla kulla shay, naxmadullahllah wa nashkuruh,, akhil xabiib horta inta dhimatay oo dhan allah ha u naxriisto, laakiin mida aan la yaabanahay ayaa waxay tahay oo umadda maalin walba lagu laynaayo madaafiicda amison ma ahan miyaa soomaali marka si gaar ah loo eegaayo kuwii Shaamow, mise kuwa amison disho xisaabta kuma jiraan yaanan been la isu sheegin soomali hadaanu nahay waxa naheesto waa musiibo ee allah ha inag qaado musiibadan na aafaysay,, mida 2aad markii itoobiyaanga uu duqeyn jiray muqdisho waxaa meel walba oo yurub ka mid ah ka sameyn jirnay mudaaharaad oo hada amison maxaa loo mudaaharaadi waayey mise amison kuwa ay maalin walba madaafiic ku laayo soomaali mahan miyaa, ama mudaaharaadka waxa uu ahaa mid looga soo horjeedo cabdullahi yuusuf, oo aaway kukii shalay mudaaharaadka samayn jiray ,, war soomaaliyey iska daaya munaafaq nimada ee allah aan ka cabsano,, wa billahi towfiiq,, waxaan galoo si gaar ah idinku sheegayaa aniga shariif iyo shabaab midna ma raacsani taasna la oscda,,,wsc wr wbr

  6. Ma mudna inaan ku qorno wax ka sokeeya khad DAHAB ah taariikhdii iyo wanaagii ay reebeen halyeeyadii aan ku weynay qarixii shaamow.

    Qofkii yaqaanay ama arkay waxqabadkooda uun baa dareemi kara dadkii aan meeshaas ku weynay. hubaale waxay ahaayeen xidigihii umadda.

    Waa gocasho xanuun badan dhacdadii shaamoow, waa uur-ku-taallo aan abid quluubta somaliyeed ka go’ayn.

    Dhabtii dadkaasi waxay ahayeen indhihii, nuxurkii, miiddii iyo weliba xulkii dadka, wixii xasuuqayna waxay rabeen inay indhaha shacabka tiraan lakin sidaas kuma indha tiri karaan, TILKA AMAANIYUHUM, waxay ahayd uun riyadooda inkastoo aynaan illoobi karin dadkaas qiimaha badnaa hadana aqoonyahan iyo wadani weli wuu haray ayaan leeyahay.

    Shuhadadii Shaamoow iyo asxaabtii Dr. Shahiid, Prof Cadow, Dr. Qamar, Axmed Wayeel iyo dhakhaatiirtii da’da yarayd iyo intii kalee ku dhimatayba, Alle ayaan uga baryayaa inuu u aqbalo shahiidnimo kuna duulaan jannada sida haadda samadu u duusho Aaamiin.

    Waxaan ku gunaanadayaa Halku dheggii Mandella ee ahaa FORGIVE BUT NOT FORGET. waan cafin karnaa lakin ma illoobi karno.

    Illoobi mayso taariikhdu, illoobi mayno dhacdadaasi.

  7. Magan says:

    Runtii waa arin laga naxo dadkii shacabka indhaha u ahaa in la bartilmaamaysto oo xasuuq aan caadi ahayn loo gaysto cid loo raacdona aanay jirin oo qolo masuul ka ah aan farta lagu fiiqin. haddaba si aanay arimahaan oo kale aanay u dhicin mustaqbalka waxaa haboon in aqoon yahanka somaliyeed inay feejignaadaan inkasta oo qofwalba waqtigiisa uusan dhaafaynin hadana tiro intaa le’eg oo mutacalimiin ah yaanay meel isiugu imaanin haddii ay dhacdo inay isugu yimaadaana si fiican amaanka meesha ha loo sugo. ha la feejignaado cadawgu waa badan yahay.