Home » Warar »

TUSKER MIYAA BADASHAY TUSMADII QARANKA?

Waxaa maalintii Isniinta taariikhduna ahayd 29-ka bisha Nofember ee 2010 lagu soo daabacay ama laga sheegay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed in ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubadda cagta ee dalka Soomaaliya ay ka badbaadeen shil baabuur. Shilka baabuur oo ka dhacay magaalada Darsalaam ee dalka Tanzania. Nasiib wanaag waxa uu dhaawac fudud uu gaaray afar ciyaartoy oo kali ah, halka saddex ciyaartoy oo kale uu shoog ku dhacay.

Haddaba arrintan oo ah arin laga naxo ayeey warbaahinta Soomaaliyeed soo tabiyeen sawiro badan oo muujinaya shilka baabuur iyo heerka uu gaarsiisnaa khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Aniga oo shaqsi ahaan aad oga naxay shilka baabuur ayaa haddana waxaan arkay arin aad iyo aad iiga nixisay markii aan u sii fiirsaday sawiradii laga soo qaaday shilka baabuur ee ay ka muuqdeen ciyaartoydii matalayey kooxda kubadda cagta ee qaranka Soomaaliya iyo bus-kii ay kooxdu saarnaayeen.

Arrinta naxdinta leh ee aan anigu shaqsi ahaan arkay waxay ahayd in baabuurka lagu waday ciyaartoyda Soomaaliyeed horay looga dhajiyay calanka Soomaaliya iyo maro lagu xayaysiinayo khamri la yiraahdo (Tusker). Waxaa kale oo sawiradda ka muuqda in ay dhamaan ciyaartoyda Soomaaliyeed ay xirnaayeen funaanado ay horay oga qorantahay ama lagu xaysiinayo khamriga (Tusker), iyada oo midabka funaanadaha ay ciyaartoygu xirnaayeen ay iskugu jiraan cadaan iyo guduud. Khamriga Tusker ayaa shirkada samaysa waxaa laga leeyahay dalka Kenya, waxayna shirkada khamridu taageertaa koox kubada cagta Kenya ka ciyaarta oo la yiraahdo Tusker, FC.

Mar aan la hadlay oo aan u soo bandhigay arrintan dhalinyaro asxaabta cayaaraha ah, iyaga laftigoodu aad ayay uga xumaayeen arintan. Mid kamid ahina wuxuu yiri, “Saaxiib goorma ayaa la badalay maaliyadii iyo midabkii qaranka Soomaaliya”. Halka aan aniguna u maleeyay in kooxda Tusker ee ka dhisan dalka Kenya ay ciyaartoy Soomaali ah soo gateen, kooxdana Soomaali ay ka dhigeen gabi ahaanba.

Haddaba su’aasha is waydiinta lahi waxa ay tahay, maxaa ku kalifay ciyaartoy xul qaran oo matalaya wadan Muslim ah in ay gashtaan funaanado lagu xaysiinayo khamri? Maxaase sababay in ciyaartoy xul qaran ay xirtaan funaanado aanan mataleynin midabadda calanka wadankooda? In kasta oo ay ciyaartoydu u socdeen tobabar ciyaareed oo ay san qasab ahayn in ay xirtaan maaliyaddaha dhabta ah ee ay ku ciyaaran, balse waxaan garan waayey sababta kaliftay ciyaartoy xul qaran matalaya, wadan muslim ahna u dhashay, in ay xayeeysiiyaan khamri ama shirkad dal shisheeye.

Maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, ma waxay garan waayeen ama ay hilmaameen in ay matalayaan dad iyo dal Soomaaliyeed oo muslim ah, calan iyo calaamad lagu gartona leh. Ciyaartoyda Soomaaliyeed ma waxay yeelan waayeen geesi nimaddii uu muujiyay ciyaartoyga Omar Frederic Kanoute oo u ciyaara qaranka dalka Mali iyo kooxda kubadda cagta ee Sevilla, dalka Spain.

Frederic Kanoute ayaa bishii sebtember ee 2006-dii wuxuu diiday in uu xirto maaliyadda kooxda Sevilla. Funaanada uu diiday ciyaartoygani in uu xirto ayaa waxaa lagu xaysiiyaa shirkad khamaarka ka ganacsata, shirkadaas oo isticmaasha shabakada internet-ka gacansi ahaan(www.888.com). Haddaba geesinimadda uu muujiyay ciyaartoygan ayaa waxay kooxdu uu u ciyaaro u ogalaadeen in uu ku ciyaaro funaanad aan lahayn xaysiiska, halka ciyaartoyda kale ee garoonka kula jira ay xirtaan funaanado lagu xaysiinayo shirkada ka ganacsata khamaarka.

Ciyaartoy Frederic Kanoute ayaa waxa uu diidmada uu diiday in uu xirto funaanada lagu xayeysiinayo khamaarka ku saleeyay in aysan diintiisa Islaamku u ogolayn ficilka noocaas oo kale ah, isaga oo yiri “Khamriga iyo khamaarkuba waa fal shaydaan, Quraanka Kariimka ahina wuu naga mamnuucay”.

Sababta kaliftay in ciyaartoy matalaysa wadan iyo dad muslim ah loo xiro funaanado lagu xaysiinayo khamri, ma mid ku salaysan dhaqaalo la’aan, aqoon daro la’aan, mise marxallado kale oo qarsoon miyaa?

1. Haday dhaqaale la’aani sabab u tahay falkan foosha xun, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagtu wuxuu xubin ka yahay ururka kubadda cagta ee FIFA ilaa 1962-dii. Ururka FIFA ayaa waxa uu dakhli aad u tiro badan ku bixiyaa horumarinta, kaalmo dhaqaale, dayac tir xarumaha iyo garoomadda wadan kasta oo xubin ka ah. FIFA ayaa sidoo kale kaalmo tobobar iyo taageero dheerad ah siisa wadan kasta oo xubun ka ah, isaga oo waliba leh mashruucyo arrimahan aan kor kusoo xusnay loogu talagalay in lagu fuliyo. Sida labadda mashruuc ee la kala yiraahdo, FAP (Financial Assistance Programme) iyo Goal Programme.

2. Ururka FIFA ayaa sidoo kale waxay lacag iyo dhaqaale aad u badan ku kharash gareeyaan mashruucyo tababar iyo tacliin iskugu jira oo lagu taageero maamulka, macalimiinta, ciyaartoyda iyo garsoorayaasha ka socda wadamada xubinta ka ah Ururka FIFA.

3. Ma fahmi karo marxallado kale oo qarsoon oo maamulka xiriirka kubadda cagta iyo macalimiinta matalaysa Qaranka Soomaaliya ku kalifi kara in calanka iyo maaliyadaha quruxda badan ee cadaanka iyo buluuga cirka u eeg ka kooban, in lagu badalo xayeeysiis khamri.

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa walaalahayga is xil qaamay ee maamulka iyo mas’uuliyada xulka qaranka iyo xiriirka kubadda cagta xambaarsan, in ay qabanayso maahmaahdii ahayd, “Nin xil qaaday, eed qaad”, marka waxaa iga xasuus ah in dal, dad iyo diin aad matalaysaan, taageero, hiilis, sacab tun iyo dhaliil badan la’idiin soo jeedinayona marar badan.

Waxaa dad badan, dhalaan, da’yar iyo waalid badan u ah astaanta dhabta ah ee wadanino calanka iyo maaliyaddaha isboortiga ee ka matalaya middabada calanka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira ubad badan oo lagu ababiyay cayaarah iyo astaanta calanka, rajona ka qaba in ay maalin maalmaha kamid ah ay matalaan dalkooda, maaliyada qarankana dhexda u xirtaan, marka TUSKER ha noogu badalina SOOMAALIYEEY TOOSOO…

Ugu danbayntii, haddii ay jirto dhaqaale xumo, fadlan hadaad ka fursan waydaan xaysiis, oo ay dantu idin baday, ganacsiyadda Soomaaliyeed fursada siiya oo soo caan bixiya, caano geel, ciir iyo ciwaan astaan caafimaad wata ciyaartoyda noogu xira. waanada, guubaabada, dhaleecaynta iyo wanaag is xasuusintana walaaltinimo, wanaag iyo waayo aragnimo u arka.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Waalid, Wadani ah Soomaali taageera ciyaaraha, ciyaartoyda iyo calanka Soomaaliyeed

Abdirahmanmukhtar@gmail.com

Xigashada Sawiradda: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " TUSKER MIYAA BADASHAY TUSMADII QARANKA? "

  1. sulaymaan says:

    Bismillah.
    assalamu calaykum. salaan kadib,walaal aniga ma qabo in loo cudur daari kari dhamaan kooxda ma taleysey xulka qaranka,maxaa yeeley waxaa ku jira kuwo aqoon leh oo ka yimid qaarado kala duwan .
    waad aragtaan sawirka ninka islamka qaatey (kanuti) oo diidey inuu xirto funaanad lagu xayeysiinayo qamri!!! ( qofkii calamkiisi dib dhigo nasabkiisa ma hor mariyo ) islaamkaan ku dhashey oo af ah wax tari mayso waxaana kaa qiimo badnaanaya qofka diinta qaatey oo hadana ka run sheegey.
    s/africa waxaa jira nin Muslim ah oo asalkiisa hidni ka soo jeedo una ciyaara wadanka ciyaarta cricket-ka ,ninkaan oo haashim amla lagu magaaco wuxuu diidey inuu xirto funaanad lagu xayeysiinayo qamriga laga soo saaro dalkan (castle lager) ,sidaas ayuuna sharaf iyo magac ku heley waliba loogu codeeyey ciyaar yahanka u fiicnaa sanadkan(2010)!!.
    hadaba eeda ma lahan ciyaartoyda kaliya , ee waxaaa howsha wax ka og maamulka xirirka kubada cagta kuwa matalaya .

  2. Ordaaye says:

    Qof goob joog ahaa ii sheegay in khamrigu uu ka cabid badnaa shaaha markii lagu shirayay Mbagathi (nairobi) oo la dhisay barlamaanka maanta dalka xukuma. Waxaan filayaa inay Tusker ku qancday in Somalidu aad ugu baahan tahay khamrigeed meesha ugu horaysa oo laga bilaabi karo xayaysiintana ay tahay ciyaaraha maadaama dadka badan fiirsanyaan.
    Dhanka kale, kooxda Somalida ee meesha loo keeno in lagu gool badsado maxaa loola jeeda sanad walba.

  3. Ismael says:

    ASC WB WB,waxaan u mahad celinayaa bogga.Samalitalk.com iyo gaar Abdurahman Mutkhtar,waayo waa bogga keli si gaar u xusay arrinta naxdinta leh ee shilkii ka dhacay Darasalam-Tanzania 29.11.10, sidoo waxaa mahad leh dadweynaha faraha badan ee wadaniyiinta jawaabaha ay ka bixiyeen arrinta,hadal dhan waliba intaa ayaa ku filan Madaxda Qaranka iyo ciyaartooyada.
    Ismael

  4. CABDUL says:

    war kuwaan 25 jir baa u weyn dagaalku markuu bilowdayna 1991 kii 5 saney jireen kuwooda u weyn wax ma qoraan waxna ma akhriyaan magaca tusker xitaa ma fahansana waxay tahay in company khamriga sameeya yahay hala yaabina wiilashaan yar yar

  5. Magan says:

    Waxaa la dhahaa qofka aanan waxa soo socda garanin waxa hadda taagan ma garto war horta astaan qaran iyo qaranka aad ka hadlaysaan saw ma ahan kuwii aanu dhulka ku jiidnay ee anagu aanu u dhamaynay.
    maxaan isu yeel yeelaynaa qaranka waxaa nooga qiimo badan qabiilka saw ma aha??? wali ma is waydiinay dawladaha yar yar ee halka qabiil dhistay xagee calankii somaliyeed iyo astaantii qaranka ku dam baysay??
    saw qabiilkasta calan gaar ah ma samaysanin. maxaa looga hadli waayay,
    maxaa loo suaali waayay, nimankaan dhalin yarada ah iyo kuwii isku keenayba way dadaaleen hadayba is leeyihiin somaliya magaceedii dib ha usoo noqoto. waxaa fiicnaan lahayd inaan caruurteena barno somaliya iyo taariikhdeedii intaan barayno qabiillanyada aan samaysanay .

  6. Ina Xuseen says:

    Salaam

    Waa mare, waxaan u mahad celin walaal qoraaga Cabdiraxman Mukhtar ee ku hadlay afka dadka leh damiirka iyo qaacidooyin asaasi ah ee umaduhu ka duulaan. Waa mar kalee waxaan la yaabaa oo iraahdaa yaa iskool ku celiya dadka qaarkood ee aaminsan dunida inay waligood joogeen, siina joogi doonaan (sida walaal Naasirdiin – faalada hoose), isla mar ahaantaana qofkii usheega arin xaqiiqa oo sababaysan ku canbaareeya ‘Inay dunida kadhacsan yihiin’!

    Walaal Naasirdiinow, hadaad qoraalka si fiican u akhrisay, tahayna dadka qoraalada dhuuxi og, waxaa meeshaan laguu soo bandhigay mushkilad-shil laga xun yahay, fal foolxun oo kudhex jiray (Tusker), isla markaana walaalku wuxuu soo qabtay tusaale ( Frederic Kanoute) oo ay dhalinyaradaas Somaliyed kudayan kareen, sidoo kale canbaarayn & eed kaliya maahane, wuxuu soo bandhigay xalal wajiyo badan iyo fikradaha dhaqaale lagu heli karo min FIFA ilaa ganacsato.

    Marka inaad iskala boodo intii qoraalka ugu danbasay waa arin muujinaysa qaarkeen inaysan lahayn asaasiyaad ay ka duulaan iyo fahan xeel dheer oo aysan ku kala sooci karin qofku muxuu katanaazuli karaa, kana tanaazuli karin. Hadaan doodaada ku eegno xaqiiqaha jira, waxaan ognahay Soomaliya oo dhan inay tahay NGOs iyo wadan projects lagu cuno, kubadda cagtuna tahay midda ugu xiisaha iyo maalgelinta badan projects-yada la cuno dibad iyo gude.

    Sidaa awgeed, tusaalaha Faransiiska ee dadka rootiga waayay usoo qaadatay, meel uusan ku haboonayn ayaad lasoo aaday, ee arin walba dhig meeshii loogu tala galay. Dhalinyaradeena Qaranka matalaysa, dhaqaale la’aana mahayso, hadii gaajo haysana ma aysan ciyaareen kubad ee beerka ayay dhulka kudhajin lahaayeen. Ee sxb kala saar sharaf ilaalsiga, lahaanshaha qiyam fadhiya oo qofku ka duulo iyo waxyaalaha qofka ku kalifa markii ay ku yimaadaan duruufo adag.

    Hadaad dhimanaysana, cayga waa la iska duwaa, arinkaana waana wax laga xumaado sida ay walaalaha dhamaantood u tilmaameen. Waxaanse iswaydiiyay inaad wax ka ogtahay mashruuca dhalinyaradaas looga il-duufiyay calaamadoodi Qaranimo oo aan aaminsanahay inaysan yeeleen, laakin Soomaaliya oo dhan caado qaate ayay qumaati uga istaagi la’dahay.

    Salaam
    Ina Xuseen

  7. saido abdi says:

    asc aad ayaan oogaa xumahay ciyaartooy sheeganeeso qaran muslim ah hadan tusker company xiran waa arin aad ufool xun oo laga xishoodo hadii aad ibsateen sharftiiq aranka ma xasuusan weeseen sharfata ay leedahay diinta isklamka nafsadiina ku kalasoonaada ayana idin dhahi lahaa aniga dadkahogaaminaya ayaa heshiis la saxiixday oo lacag sooq aatoy waxaan idin kula talin lahaa in aad illaahay kacabsataan oo aad diintiina iyo qaranimadiina iidan iibsanin hadii la dhimanaayo dhareerka waa laiska duwaa waan ogsoonahay in aad ku jirtaan marxalad sacab ah hadan ha is dhigina meel aad uliidato oo aakhiradiina iyo adduunyadiina dileeso ilaahay hanaga qaado daaha nasaaran oo sharafteeni iyo qaranimadeeni hanoo soo celyo aamiin……aamiin w

  8. SADE says:

    WAXA SOO SOCDA AYAA KADDARAN HADDAYSAN SOMALIYA TASHAN

    ASC Salaan kaddib waxaan kaxumahay in laceebeeyo Xul qaran
    Ciyaalkaan masaakiinta ah ee lagu qaraabto wax danbi ah malahan
    Ee waxaa Qaladka leh kuwa Ku qaraabanaaya magaca Sportiga ama Xulka Qaranka Somaliyeed waa kuwo aan Damiir laheen waxay lamid yihiin Kuwa Badda iibsaday macnaha TUSKER Xataa ma yaqaanaan waa bahdil Muslinimada iyo Somalidaba wax udhimeesa
    Ciyaalkaan masaakiinta ah waxbo looma qabto wax sporti ladhahana mayaqqniin caan ayey kayihiin Africa 7 gool ayaa looga badiyaa markasta
    Adduunkaan hormray markay Fadeexaddan soo baxdo way is casilaan kuwan laakiin Islanimadii iyo somalinamadii way katageen Aduunyadaan hormartayna maysan gaarin
    ceeb maqabato,oo maxishoodaan allaha ceebeeyee
    ilaahay hanna dhaafiyo kuwaan

  9. Roble says:

    Abdirahman, sida aad ula yaabtay astaanta Tusker ayaan inaga oo dhan ula yaabnay. Marka hore arintan ma’ahan mid la oran karo ma aysan garaneen waxa ay sameenayeen sababtoo ah masuuliyeenta watay ciyaartoydan waa dad qibradoodu dheertahay oo ay ugu tala galeen in Tusker ay ka haleen lacag oo kaliya.
    Ragan waanu ognahay lacag ku filan waa ay heestaan oo FIFA ayaa u qoondeesa lacagtooda oo ay ku jirto transportation, training, travels etc. marka tan kaliye oo ku qasabtay ayaa ah in aysan kala jecleen maadaama ay awalba ka yimaadeen 4KM oo AMISOM ku hareersan.
    wa salaam

  10. ali aar says:

    waxaan idin ku salaameyaa dhamaan umada somaiyed ee aqrisata webkaan wadaniga ah iyo maamulkiisaba salaanta islaamka. Asalaamu caleykum walaalayaal salan ka dib wxaan rabaa in aan halkaan idiinku soo gudbiyo laba maah maah kadibna aan fikir yar idinla wadaago horta waa maah maahda koowaade waxaa ey ku socotaa ciyaartoyda qaranka somaliyeed waxa somaliduu ku maah maahdaa waan (Baahanahey Baqtiga looma cuno) Walaalayaal waa run in aad tirsaneysaan baahi badan dhaqaalo la, aan iyo in ey ka maqantahey meesha wasaaradii isboortiska oo marwalba ka fikiri jirtey aayaha iyo quruxda sportska qaranka somaliyeed. Waa dhab arinkaa laakin waa xaqiiq ayadana in laga gudbi doono oo loo gudbi doono waqti laxasuusto wixii na soo marey waqti qalinbadan uu xusi doono aayaamihii xubaa. Waa xaqiiq in amaan badan dad badan u soo hoyan doonta waana xaqiiq dhaliil badan in ey dad badan u soo hoyan doonta marka waxaan hadalkeyga idiinku soo gaba gabeynayaa walaal waxad aheydeen meesha kali ah ee maanta aduunka magicii somali ka dhex muujineysey marka waxaan idinku xasuusina wxaa lagu jiraa jilaal jilaalkana xataa rer meegu waaxa uu ka xishoodaa in ey ku dhacaan wax hadhow markii laga baxo jiilaalkaan lagu caayo marka walaal waxaan idinka codsanaya in iinaan qaranka somaliyeed u soo jiidin ceeb iyo foolxumo hadii aad noosoo jiiideysaan walba mida aan gaiyin naga ilaaliya sida qamriga iyo wixi la mid ah . Hadii aan u gudbo umada somaliyeed walaalayaal waxa somalidu ku maah maahdaa Ri walbaa shilcilkey is dhigto ayaa lagu qalaa walal waxa loo baahanyahey in aan u fiirsano maah maah daan soomaaliyeed odayaashii soo saarey uma ey san soo saarin in Ri lagula hadlo oo maba jirto Ri ayadu meel isdhigeysa laakiin walaal waxa ey u soo saareen waxaa ey nooga digayeen in hadii aad isdaad sataan cidwalbaa idin hunguriyeyndoonto markaa hada wxaan hadalkeyga ku soo gaba gabeynayaa dhamaan somalidu waxaa ey noqotey Dhacane Mooge walaal aan ka kacno fadhiga aan u istaagno somalinimo aan soo ceshano sharaftii iyo karaamadii umada somaliyed ee qof walbow adigu u istaag in aad muujiso qarannimadi umada somaliyeed . bahda somalitalk waxan leeyahey marka hore waxaan idiinka mahadcelinayaa howsha baaxada leh ee aad u heysaan umadiina qarankiina iyo diintiina iyo dadkiina walaalayaal umadaan waxaa labaatankii sano oo ey ayadu isku jedey loo aasayey miinooyin maalina mid ayaa qarxi doonto ee u dulqaata iskuna daya in aad raad walba meel ku soo saleysaan umadaan cid aan aheyn webseedyada madaxa banaan uu u heysa howshii saxaafada qaranka waa iska yartahey walal waan idiinka mahadcelinaya howsha aad heysan hadii ilaah ka raali noqodo wxaan idiin rajeynaa aduunka baraare iyo in aad umadiina ku dhex yaalataan sharaf iyo magac aaqirana wxan idiin rajeynayaa janatul fardowsa waa walaalkiin Ali Aar hadii aan idinku dheereeryey iga raali noqda . hadasanidn

  11. naasriin says:

    anigu waan layaabaa dadka qaar aad moodid iney dunida maanta uun ay ku soo biireen, waxaan weydiin lahaa ninka qoray hadalkan kore, inta aadan arag maaliyadda ciyaartooyda iyo xayeysiiska baska, waligaa wax ma iska weydiisay nolosha iyo dhaqaalaha ciyartiyda somaliyeed ku baxa, ma ogtahay sideedaba waxa ay ku socdaan iney tahay wax ajnabi laga tuugay, sidee heybad iyo astaan qaranimo uga muuqan kartaa dad dhaawacooda aan daawo loo heli karin in loo baryo tago mooyee? waxaa hadalkaadu iila egyahay oraahdii loo nisbeyn jirey boqoradii faransiiska qarniya hore oo tiri, dadkan mudaaharaayada hadey rooti waayeen mey doolshe ama cake cunaan.waa ayo ganacsiga somaliyeed eed sheegeysaa? e diyaarka uah iney ciyaartooy kaalmeeyaan. ama wax ku xayeysiistaan? heybad qaran nimo kama hadli karaan mana heli karaan wadan aysan dadkiisu canshuur bixin. marka inta aadan xiriirka kubabadda cagta somaliyeed eedeyn adigu iska bilow astaantii qarannimada oo aheed inaad canshuur bixiso ma gudatey?? haddii aadan gudan ka leexo ha dhaleeceynine wey dedaaleen intii karaankooda ah ee halloo mahad celiyo

  12. jeylaani says:

    Reer Banaadir waxeey dhahaan geel dhalaayo maxaas indhakuul ka kasaa:

    Kuwaan Tusker aa sheegoosaa wax udhow xataa ma yaqaaniin, horta dadkii kale soomaali ma dhinteen, ayaga lee maa somalia matalaayo walaahi dagaalka sokeeyo ciil aas na baday. Waxaa dhihi jirnay sakiin laq, hada somalia Qarankeeda saan maa u dambeesay ineey burcad sport madax u noqdaan oo tuuga wada ah, aaway dadkii caanka ahaa ee u soo halgamay Qaranka Somalia.

    Horta reer Banaadir maxaa u cunsuriyeenaa Somaliland iyo Puntland, doqon nimadeena ayeey arkeen, iyo wax kasta inaan anaga kuwaan xamar joogo iska boobaan, inta kale dhagax miyaa saan aa magaca somaliya loogu shaqa galaa kuligood waa wada corrupt people ka soo bilaaw madaxda doowlada ilaa kan biitooniga.

  13. ali says:

    Kenya waxa ay soo saarto waxaa suuq u ah Somaliya .
    Jaadka , caleen shaah , sabuun , daawo , joodari , sigaar , taraq , bacaha , iyo weelka blastikada laga sameeyo .iwm
    Hadda shirkada Tusker (khamriga ) ayey rabtaa in ay somaliya u suuq gayso , waxaa arintaas lug ku leh somali, iyaga ayaana u ugu lebisay dhalinyaradaan FUNAANADAHA TUSKER .

  14. Abdisamed says:

    Asalaamu calaykum .dhamaan marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan,salaan kadib runtii aad ayaan uga xunahay koox sheeganayso qaran in ay ka socdaan hadana Tusker oo ah company qamriga ka ganacsado in ay u xayeysiiyaan ayagoo ah dhalinyaro muslimiin ah kana soo jeeda wadan muslim ah waa shirqool lala damacsanaa wayna ku dhacday waxaaba suura gal ah shilka xitaa in ula jeedo ka dambeysay si warbaahinta ay usoo qaataan sawirada in lala damacsanaa sidaas marka waan aragnaa fool xumada ka muuqato iyo arga gaxa waxaana leeyahay alle ka cabsada dadka madaxda idiin ah waxay ku qaateen lacag in dharkaas idiin xiraan ileen ma garanayno waxa ay sidaan u sameeyeen! waxay gaalo meel kasta naga soo gashay hada kooxda qaranka dhankeeda ayey naga soo gashay balse ayaga ayaa sumcada iska dilay balse bulshada nadiifta ah waxba uma arkaan Tusker hadaad xirataan iyo hadii kalaba laakiin noqda kuwa qaata waanada walaalkeen soo qoray maqaalkaan talada uu idinsiinayo idinkana u qaata kuwa qaldamay in aad tihiin maadaama aad ka socotaan bulsho idinku faanaysa As.c