Home » Warar »

Gabar Agoon iyo Rajo ah oo Ninkeedii Gubey oo Gargaar degdeg ah u baahan

“Waxaan ahay 17 sano jir. Ninkayga ayaa i gubey, kaddib markii uu iga masaysary..” ayey tiri Faaduma Axmed Macallin oo sharaxaysay sidii arxan darada ahayd ee uu u gubey ninkeeda.

Ayadoo hadalkeeda sii wadatey waxay tiri “Subax ayey ahayd oo markii aansoo kacay anigoo jikada ku jira oo quraac karin-rabey ayaa waxaa ii soo dhacay Telefoon. Telefoonkii ayaan qabtay. Telefoonkii intaan ku sii jeedey ayuu gaas inta uu igu shubay igu daaray tarraq, dabkii dirica ayuu iigaga dhegey waana holcay, albaabkuna waa xinaa,” ayey tiri.

Ayadoo sharaxaad ka bixineysey sababta uu u gubey waxay tiri “Waxa uu ka masayray nin hore oo aan kala tagnay oo isoo wacayey. Ninkaas hore anigoo 14 sano jir ah ayaa la igu daray, waana kala tagnay, ninkaas hore oo Maraykanka ku maqan.”

Faatuma waxay sheegtay markii uu gubey in uu cararay oo dhuuntay, ayadoo arrintaas sharaxaad ka bixinaysa waxay tiri “Ninkii i qabey markii uu i gubey waa dhuuntay.”

Dhibtaada dabkaasi gaarsiiyey oo si weyn uga muuqata jirkeeda ayadoo ka sheekaynaysa waxay tiri “Dhibaato weyn ayaa i haysata. Gacahayga wax kuma qabsan karo. Aabahay iyo Hooyaday waa dhinteen, cidna meeshaan iima joogto. Gacmaha waa isku dhegeen dabkii awgiis oo ma fidin karo. Waxaan codsanayaa in la i caawino, anigu rajo iyo agoon ayaan ahay.”

Waxaa ummadda Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay gabadhaas u fidiyaan gargaar bini’aadaminimo, oo laga caawiyo sidey u heli lahayd daryeel, xannaano iyo dhakhaatiir daweysa. Waxaana toos loogala xiriiri karaa telefoonkan:

Telefoon: 2547-2228-3295
Nairobi, Kenya

Fadlan Flayer-kan Print ka samee oo sii qaybi GUJI HALKAN

Faatuma Axmed Macallin

Walaalaha Soomaaliyeed Sawirada aad arkeysaan Waa Faatuma oo ah Gabar Soomaaliyeed oo 17 jir ah, Muddo Bil ka hor ayaa waxaa Gubay Nikeedii kaddib markii u ka Masayaray.

Faatuma Way dhibanatahay, Jirkeeda oo dhan wuu Gubatay. Intaa Waxaa u sii dheer Waa Gabar Agoon iyo Rajo ah Mahaysato ehelo . Waxay Joogtaa Faatuma Magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya.

Waxaa Sawirada iyo Video ka soo Qaaday Faysal Cabdi Samad , Walaalaha Soomaalida Waxaa laga codsanayaa in aa Caawisaan Gabadhaan Dhiban, Waxaa kala Xiriraysaan Faysal Cabdi Samad Teleefan Nambar 004551320725

Faatuma waxaa toos loogala xiriiri karaa
Telefoon: 2547-2228-3295, Nairobi, Kenya.

VIDEO: WARAYSIGA HOOS KA DAAWO

Fadlan u gargaar: Faaduma Axmed Macallin waxaa toos loogala xiriiri karaa
Telefoon: 2547-2228-3295, Nairobi, Kenya.

Fadlan Flayer-kan Print ka samee oo sii qaybi GUJI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Gabar Agoon iyo Rajo ah oo Ninkeedii Gubey oo Gargaar degdeg ah u baahan "

  1. Ilahay caafimaad deg deg ah ha ugu badalo fadumo dhibka u u geystay ninkii qabay isagana maalin malmaha ka mid ah ayaa loo soo tagayah arxaan daradah uu u geystay gabadhan miskinta ah mideeda kale wax u ka maseeray ma jirteh wuxuu ku arkay ineysan ehel iyo qaraabo u joogin laakiin taas ilahay baa kala xisaabtamidoonah walalahayga kale o muslimiinta ah o is qabah waa iney ka tigtoonaadaan waxan o kale o foosha xun

  2. Farxan says:

    Awb

    Waa wax jidhku kadido waxa gabadha ku dhacay rabi ha u fududeeyo. Ninkii gaystayna maxkamad rabaani ah ayaa sugaysa. gabadhaa hala caawiyo.Zakariya waxan isleehay isna meesha wax u ka eegay waa meel mudan in lagu foorarsado oo arintan fooshaxunle ee walaasheenkudhacday waxa sababay waa Masayr tani way dhacdee sideen kuwakale ubadbaadinaa waa arinmudan in laga hadalo nasaa ixna la iska siiyo.Gabadhani waa barii inshaa allaah laakiin waxa jira xaalaad kale oo xaqiiqi ah in ninka ama gabadha soomaliada ah ee xaaskalihi maraka qaar intaas oo nin ay isdhex wadao ama ninku intaas oo naagood aw isdhexwado marka ay kalsoonidu luntana siyaabo kaladuwan ayaa loo tasarufaa ragbaa iska socdaa naagtana iska siidaaya ama naagaa iska socda ninkana faraha kaqaadaa/ qaar ayaa anan taas ku qancin oo jecel in aw ruuxa kale gaadhsiiyo dhib mararka qaar keensata geeri iyo dhagar.waa arin akhlaaq calaaqa laleh waa xunuunmudan in daawo loo helo si dadka isqabaa ay kalsoonidu uga lumin. ninka naag u furay soo wawacayaane isna mayara fiicno.Raali ahaada Walaasheena hala caawiyo waxay daxiyo u tahay dhaqankaas xun ee somalida e

  3. siciid says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, QADARALLAHU WAMAA SHAA’ FACAL somaliyey wixii alle qadaray Qaado mooyee qaylo malaha, waa axmaqnimo sida waxani u dheceen wixii falayna masayr may ahayne waxay ahayd waali xisaab ayaana aakhiro ku sugaysa ilaahayna waa caadil.

    waxa Hadda inala Gudboon waa inaynu faadumo u gurmano sidi loo caawin lahaa, runtii anigana waxay ila tahay in hawshaas ay ka qayb qaataan Dadka magaca iyo Muuqa ku dhex leh ummada somaliyed Rag iyo dumarba gaar ahaana CULIMADA,GANACSATADA,IYO QURBA JOOGTA

    , Wallaahu fii cawnil Cabdi Maadaamal Cabdu Fii cawni Akhiih.

    wassalaamu calaiuk w w

  4. Alxamdulillaahi waxdah wasalaaatu wasalaamu calaa man laa nabiya bahdah. Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh… inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Marka hore abaayo iska samir qadarullaahu wamaa shaa’a facal ilaah wuxuu qadaro uun ayaa dhaca khayr badan ayaa kadanbeen doono iyo jirkaagii oo sidiisii kusoonoqdo markii laguu daweeyo inshaa ALLAAH!!! ogowna aduunka waxaa ugu imtixaan badan anbiyada waxaa kuxiga dadka saalixiinta ah… hada wixii waa dhaceen khayr ayey kudanbeen insha ALLAAH sabarka badi oo quraanka aqriso oo dhageeso iyo adkaarta iyaga ayaa quluubta dajiya… insha ALLAAH ilaah ayaa adoomadaada kuuqasbidoono waxaa awoodno kaa hagran meyno insha ALLAAH… Marka labaad walaalihii sooduubay iyo walaalaha webka qolkan jazakumullaahu khayran…Marka 3aad WALAALAHA islaamkow walaashaas naftaada kasooqaad oo aadan gacmahaaga aadan wax kuqabsan karin jiifkana kudhibayo iyo saaid… walaalayaal wax udira walaasheen hadaa wax awoodin xitaa soodeenso dadka intaa awoodo gaarsii iney caawiyaan gabadhaan insha ALLAAH qof hadaa kaqaado kurbo saaran aduunka qiyaamaha ayaa kurbada lagaa qaadayaa… qof walboo ilaah utoobadkeen dabkaas gabadha sidaa kunoqotay maxaad moodaa cadaabta ilaah way kasiidaran tahay waayo 3kun oosano lashidaayey, kunkii ugu horeeyey gaduud ayey noqotay, kunkii 2aad cadaan ayey noqotay, kunkii 3aad madow ayey noqotay hadana way madowdahay al aana wahiya soodaa’ul mudlimah. gabdhaha kenya joogaan walaashiin daryeelkeeda isku xilsaara maadaama ay gacmaha waxka qabsan karin adinkey idiin dhowdahay una muxaadareeya qalbiga udajiya insha ALLAAH ajar baad kaheleesaan wabillaahi towfiiq asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

  5. nafiso says:

    bismilaahi walahay waa arin naxdin leh ,, hal wax ayan rabaa in aan ku dhaho zakariye, walaloow u fiirso hadalkaaga ad soo qorayso maxa yeelay bini aadan amase islamka laguma digto sidii la doonana looma hadlo,,, gabadha caawinaad ayey u bahantahay ilaahay xagiisa haloo cawiyo, in ilahay ajarnaga wada siiyooo, anigu wax uma awoodo lakiiin waxan soomaalida ka codsnaya mee;lkata ay joogaan in la cawiyo,, intaas ayan u awoodaa , wanan u soo duceynaya ,, isagana ilaahay aya ka abal marinaya iinsha alah malin ayuu ka shalaynaya,

  6. BISMILAHI RAXMANI RAXIIM ABU SAKARIYE MID OGOOW NINKU XAQ UMA LAHA INUU GUBO GABADHA WUXUU LEEYAHAY DHAQASHDEEDA EE DHIIGEEDA MA LEH,UMADA ISLAMKANA WAXAAN KA BARYAHAYAA QOF WALBA WUXUU AWOODO HA U DIRO CIDNA HAKU HALEEYN WALAHI BILAAHI WAXAAD U DIRTAA KAAGA KHEYR BADAN WAXAAD ACCOUNT ISKA DHIGATO FATIMA MACALIN AXMEDNA WAXAAN LEEYAHAY HA KURBOON WAA KUU SOO DUCEEYEY KU BISKOOW GARGAARNA KU HEL MAGACYADA ILAAHEY FADLIGOODA ASMAA UL XUSNAA FADLIGA QURAANKA FADLIGA NABI MUXAMED SCW IYO FADLIGA MALAKUL JABRIIL CALEYHI SALAAM AMIIN AMIIM AMIIN

  7. ali says:

    INJIYAA KIITU KIDOOGO

    NACASKA FALKAAN GAYSTAY HA LOO DHIIBO BOLISKA INTII LA SIIYO WAXYAR OO SHAAH AH SI LOOGU RIDO GOD MUGDI AH OO WELIGIIS KA SOO BIXI KARIN .

  8. abu sakariya says:

    waan ka xumahay dhibatada gabadha ka muuqata..LAAKIIN FAADUMOOW BARORTU ORGIGA KA WEYN NINKA ODEYGA AH WAXA KA XANAJIYEY MALAA INTA KA WEYN.. DUMARKA SOMALIYODOW RAGGII WAA SOO KARTAY

  9. said says:

    Asalaam calaykum dhamaan Somaalida Qurbaha deggan inta bani aadamnimo iyo wadaniyad soomaaliyeed ku dambeeso waxaan ka codsanayaa ineey Walaashooda dhibkaas ku dhacday u naxaan oo wax uqabtaan waxkasta waxaa ugu daran waalidkeeda alaa yararaxma waa xijaabteen, bal yaa ka xanuun baddan inantaas waxa ku dhacay , waryaa imaan ku harsan oo wax uqabta gabadhaas intaas ciqaab ah la marsiiyey, subxanalaah rabi ayaa abaal marinkaro , baniaadam wax uu qaban karo ayaaba iska yar. war maalmaha aan nool nahay sadaqada aan baxsano. Kuwoo nabiga sheegay al mustadcafiin ayeey gacan qabashadooda ayuu rabi noogu naxariistaa, marka waxaad awoodaan u dira inantaas masaakiinta ah.
    Aniga reer Danmark waan gaarsiin insha’allah. Soomaali ka fiican ma jirta ayaan u maleen reer Danmark waa dadkii caawiyey islaantii labada gabdhood ee mataanaha dhashay ee isku dhegnaa. Waa lagaranayaa Somaalida Danmark sida ay kheerka ugu qeeb qaataan.
    Jaaliyada Somaalida Danmark waa gaarsiinaynaa insha’allah.

  10. Yahya ali says:

    Asc, wan ka xumahay dhibatada heysata faduma, dadka isli dagan ee somalida ah waxan ugu baqa iney gargaran gabadhas yar, ninki sida ugaleyna lasohor istajiyo maxkamad si loga ciqabo dambika u keystay, halaha cafiyo gabadhan yar walalayal melkasta aad jogtan gabadhan yar so cawiya

  11. waalaha wab saydka waad ku mahad san tihiin shaqada aad u qabateen gabadha dhibaataysan ilaahna ha idinka siiyo ajar aad u badan dad kaloo badana oo dhibana waa jiraan marka ilaah aqiro iyo aduun faa iidadeeda haydin siiyo
    faisal abdisamad (faisal karate)

  12. waan ka xumahay dhibaatada ka muuqata gabadha waa in la badbaadiyo oo wax laga qabto xaaladdeeda caafimaad., aniga waxaan leeyahay ilaahoow caafi. dambiilihii sidaan u galayna ka abaalmari dambigiisa