Home » Warar »

Boosaaso: Xeer ilaaliyahii Maxkamadda Derejada Koowaad oo la diley

Tacsi Iyo Cambaareyn –

Golaha Xisbiga Daryeelka iyo Horumarinta waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Saalax Shirwac oo lagu dilay magaalada Boosaaso (Isniin 29 Nov 2010). Cabdullaahi oo ahaa xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada 1aad ee Boosaaso ayaa waxeynu leenahay Allaha u naxariistee, Allahayoow ka waraabi  janatul ferdowsa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodeyna waxeynu leenahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sidoo kale goluhuu wuxuu cambaareynayaa falalka waxashnimada ah ee lagu ugaarsanayo waxgaradka, aqoonyahanad iyo dadka qiimaha leh ee deegaanada Puntland, taasoo ah mid aan marnaba loo dulqaadan Karin. Goluhu wuxuu ku adkeynayaa maamulka iyo dowladda Puntland in ay tallaabo deg deg ah ka qaadaan wuxuushtaas had iyo jeer ugaarsanaya dadkii hormuudka u ahaa bulshada. Sidoo kale macquul maaha in had iyo jeer la yiraahdo qaatiliinti wey baxsadeen oo lama hayo, dowladdu waa inay sare u qaadaa tayada booliiskeeda iyo ciidamadeeda si ay arimahan ugu feejignaadaan.

Xisbigu waxaa uu leeyahay oo ku baaqayaa in amniga iyo nabadda Puntland laga wada shaqeeyo, taasoo aan cidina laga ogolaaneyn in ay amniga Puntland qal qal galiso.

Afhayeenka Xisbiga Daryeelka iyo Horumarinta Puntland

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Leicester UK

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Boosaaso: Xeer ilaaliyahii Maxkamadda Derejada Koowaad oo la diley "

  1. xalaa axmed says:

    Aad iyo aad ayaan uga xumahay dilka loogaystay marxuumka
    waxaana leeyahay dhamaan dadka ku nool gobolka bari inay ka qayb qaataan amniga boosaaso oo ay noqdaan dad midaysan oo qabta wixii
    amni daro ku haaya gobolka bari iyo dhamaan puntland sidoo kale bolisku waa inuu gacanweyn ka qaataa amniga puntlan