Home » Warar »

Warbixin dheer oo ku saabsan nin Jarmal ah oo falal anshax xumo ah ku sameeyey Haween ku nool Magaalada Hargeysa

“Siilaanyo ma wuxuu raaligelin doonaa Reer Yurub Mise Shacabka Somaliland”

Waxaa isa soo taraya carada dadweynaha ee ku aadan nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Gunter Bischos oo mudo 13 sano ah ku noolaa maamulka Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa kadib markii la helay Canjalooyin Video ah oo uu ka duubay dhowr Haween oo ku nool Magaalada Hargeysa, waxa uuna Video-gaasi ahaa mid muujinaya anshax xumo uu ninkaasi kula dhaqaaaqay haweenkaasi, waxaana arrinkaani kashifay nin dhallinyaro ah oo horey ugu shaqeynayey ninkaasi kadib markii uu si farsameysan ku qaaday canjaladihii anshax xumada ahaa isagoo gaarsiiyey ciidamada Booliiska ee Maamulka Somaliland.

Arrintaan markay gaartay ciidamada Booliiska ayaa ninkii oo goob ganacsi ku lahaa Magaalada Hargeysa waxaa soo weeraray ciidamada Booliiska kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana markiiba la tusiyey Aflaantii anshax xumada ahayd ee uu kula kacay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed, waxa la sheegay in uuna ninka Jarmalka ahi qirtay in uu isagu sameeyey arrintaan isagoo tilmaamay in falkan ay ogoshahay Dimuquraadiyaddu maadaama ay Somaliland horey u sheegtay in ay qaadatay habka Dimoqaraadiyada, waxa uuna sii raaciyey “Wax heshiis ah ilama gelin oo ku aadan shuruucda wadankaan iyo dhaqanka uu leeyahay wadankaan, taasina waad mid aan ku saxsanahay oo aanan ka been sheegin”, markii arrinkaasi uu ka soo yeeray ninka Jarmalka ah ayaa waxay la yaab ku noqotay ragga gacanta ku haya kiiska ninkan.

Falkaan oo ay ku lug lahaayeen Todobo Haween ah oo afar ka mid ahi yihiin Gabdho halka saddexda kalana ay yihiin Haween la qabo ayaa si xoog leh ugu shaac baxdey deegaanada hoos taga maamulka Somaliland, waxaana Masaajidda waaweyn ee ku yaal Somaliland aad looga hadlay dhacdadaasi foosha xun ee uu ku kacay ninka Jarmalka ah, waxayna qaarkood ka dalbadeen maamulka Siilaanyo in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ninkaasi loo hor keeno Maxkamad kadibna lagu fuliyo waxay ka qabto shareecadda Islaamka, sidoo kale waxaa la codsaday in uu maamulka soo qabqabto Haweenkii falkaasi lugta ku lahaa, arrintaan oo ay wax laga xumaado ku tilmaameen dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland waxaana si weyn looga hadal hayaa Dhacdadaas foosha xun goobaha la isugu yimaado, waxayna iyana dalbadeen in la dilo ninkaasi.

Maamulka Somaliland oo uu haatan Hogaamiyo Axmed Siilaanyo ayaan wax war ah oo Rasmi ah ka soo saarin falkaani, waxaana dhawaan dhacday in Maxkamad si hoose loo hor keeno ninkaasi, iyadoo si aad ah loo ilaalinayey Maxkamaddaasi, waxaana loo diiday in ay goob joog ka noqdaan dadweynaha iyo waliba saxaafadda, waxayna wararku sheegyaan in Maxkamadeynta ninkaasi dib loo dhigay ilaa iyo waqti aan la cayimin taas oo ay shaki weyn ka muujiyeen dadweynaha ku nool Magaalada Hargeysa oo iyagu ka cabsi qaba in si hoose loo sii daayo ninkaasi ama loo masaafuriyo, iyadoo dadweynaha ay si aad ah ugu soo horjeedaan in ninkaasi jarmalka ah la Masaafuriyo, waxayna dalbanayaan in meel fagaare ah lagu toogto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Dr Gaboose oo ka hadlayey arrimaha ku aadan ninka Jarmalka ah ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aysanba marnaba ogolaan doonin cid kasta oo ku xadgudubta sharafta, Diinta iyo dhaqanka Dadka Somaliland, waxa uuna u soo jeediyey shacabka Somaliland in ay isdejiyaan oo ay ka war sugaan inta ay Maxkamaddu ninkaasi kaga caddeyneyso in uu yahay nin galay dambigaasi, waxa uuna sheegay in dowladda ay u qaban doonto ninkaasi garyaqaan haddii uusan la imaan.

Culima’udiinka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyagu si aad ah uga hadlay dhacdada foosha xun ee ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen in ay waajib tahay in ninkaan la marsiiyo waxay Diinta Islaamku ka qabto falkaan noocaan oo kale ah, waxayna u soo jeediyaan shacabka Somaliland in arrintaani ay si aad ah uga dhiidhiyaan, waxaana si weyn la isku weydiinayaa talaabadda uu qaadi doono Madaxweyne Siilaanyo in ay noqon doonto mid raagelisa Reer Yurub ama Shacabka Somaliland, iyadoo falkaan uu ku soo beegmayo xili Somaliland ay mashaariic badan ka heshay Midowga Yurub halkaas oo laga filan karo cadaadis uga yimaada Madaxweyne Siilaanyo.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

27 Jawaabood " Warbixin dheer oo ku saabsan nin Jarmal ah oo falal anshax xumo ah ku sameeyey Haween ku nool Magaalada Hargeysa "

  1. ismail says:

    to all somalis i think it s time to think lil more deeper

  2. SADE says:

    waxay utaal walalaheen reer waqooyi gaalka ugu yaraan waa lamassfurin
    wixii hadda kadanbeeyana Ajnabiga waa in fiiro gara loo yeeshaa
    Dhamaan kuw hay,adaha ushaqeya xataa
    waligeen iska ilaaliya ciyaalka ,gabdhaha, way dhaqan xun yihiin Gaalada

    waana hawl utaal madaxda ,culimada,iyo waxgaradka mesha ay wax kadhaceen
    Somaliyeed cunsuriyada dhaafa dadku waa walaalo dhibkaan dhacayna ww wax laga xumaado meel kasto oo uu kadhacaba

  3. axmed says:

    asalaamu calaykum walaalayaal dhamaantiin salan kadib
    waa wax aad uxun waxani waana wax tusinaya anshax xumada ay gaaladu dariska layihiin mar walba
    xalka arintaan waxay ilatahay inay dadka xukumka hayaa sifiican ugafiirsadaan ogaadaana somali oo dhan inay ceeb kutahay xadgudubna kutahay diintooda iyo dhaqankona lagana qaado go’aan kusalaysan diinteena sharafteenana u aargudaya ninka iyo naaguhuna cadaalada way isumanyihiin markii aan ilaahay kabaqayno lakin waxan aaad uga baqayaa daciifnimo inay nahesho oo laga wareegto xukumka saxda ah.

    walaalaha arinta qabiilka kula ordaya koofur iyo waqooyi tay doonaan hanodeene waxaan usheegayaa waa waxa meeshan inidhigay qabyaalad waxad ugaataan ninkani hadu xamarjoogo ama boosaaso joogo ama meel kasta ee somalia kamida wuu sameyn lahaa xumandan haday suuragal unoqoto ee aan iska dayno aragti xumada hoos udhaca ah

    reer koofur ayan ahay waxanan igahay in dhalin yarada waqooyi joogta inbadan laysku dayey in somalia cadow looga dhigo waxan leeyahay walaalyaalow “kuudarane walalkaa cidi kuuma dhaanto ” ee sharafteena iyo midnimadeena mawada ilaalinaa .
    ugu dambayn ninkii koofur ah ee waqooyi neceb iyo kii waqooyi ah ee koofur neceb lacadiinuba waxad adoomo unoqon doontaan cadowgiina wax isku fala oo ilaahay kabaqa oo ufakara sidi dad walaalo ah oo isjecel hal cadowna leh ilaahay tawfiiqda hana waafajiyo amiin

  4. SADE says:

    ACW runtii maxumo in arrin la baraarujiya laakiin waxaa reeban cay am aflagaadada
    Gobolada waqooyi wa dad somaliyeed Siyasiyiinta iyo Dadkana way kala
    duwan yihiin walaalaheen waqooyi waa wayna nooga qiiro badan yihiin arrintaan dhacday raallina kama aha Siyasiyiintu waxay rabaan hasameeyaan

    Haddaan nahay Reer koonfureed waxan kahadleenaa sawir laqaaday aaway
    20 kii sano dhiigga muslimka oon xalaaleesanay,kufsiga ,dhaca boobka
    Kuwa aan HERO unaqaan ama aan hogamiyayaal ku tilmaano
    Cadow ayey waddanka keeneen oo ilmahooda malin iyo habeenba dilaaya
    waxaan iibinay Badihii ,Dhulkii,Dadkii
    ayadoo waxaas dhacayaan ayaan KRAAS isku haysannaa iyo wasiiro Qabiilkeyda lama siin
    Waa dulmi wayn inaan kahadlnaa Sawir laqaaday( waa danbi ) laakiin waxa aan sameenena ayaa kaxun.
    dadka yaan lakala saar saarin waa dad walaalo ahe somalidu waxay tiraahdaa (DOQON MEESHII LAGU KAFTAMO IN LAGU KALO TAGAY AYAY MOODDAA) one day dadku way heshiin

  5. MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SOMALILAND ha kuxanbaarina wax aysan awoodin. Dowlada ka xoog badan ayaa maxkamad saaray dad udhashay reer Yurub kadibna diyaarad usaaray wadamadooda. Aniga ma ogi inaad gabdhahan dhagax kudilaysaan laakinse ninkaan ticketkiisa waa go’anyahay, balse waxaan kabaqayaa isaga hada xiran inuu habayn kasta falaal xun kusamaynayo dumar hor leh.
    Waxay ahayd in laga adeejiyo wiil yaryar ah inta aan booliska loo geyn ama hada waa nabad galay.
    Waad mahadsantihiin.

  6. ali says:

    ( Pedophilka ) ha laga qaado tilaabo waafaqsan sharci Islaamka .
    Ajaanibta somaliya imaanaya fiiro gaar ah ha loo yeesho .

  7. cabdulqadir says:

    bismiliahi raxmani raxiim.waxaan qabaa inaan ninkaan la sii deyn waayo dadku waa dambaabaan ilahey kaliyaan dambaabin laakiin mid ogaada ninkan markuu gabdhaha wax la sameynayey si qarsoodiyuu uga duubay iyagoon ogeyn waxaan ku noolahay canada oo dhul gaalo ah hadaad gabar ayadoon ogeyn wax ka duubto waa dambi xabsi baad ku galaysaa hadii ayse raali ka tahay kuma galeysid tan kale ninkani amuu xitaa wiilal yar yar fuuley oo wax ka duubay ameey jiraan cajilado kale oo uu u direy website yada aflaanta anshax xumadaa ninkaani waa cadawulaah waa cadawga somaliland waa makhnuud aan waxba xeerineynin yaan la sii deynin.hadaanse aqoon u leeyahay somaliland iyo deegaanka aan kasoo jeedo ee ah puntland nin kani wax weyn lagu sameyn mayo waayo waa maamulo ku dhisan tuugsiga reer galbeedka oo ma doonayaan iney la coloobaan geesi muslima oo wax iska dhicin kara wuxuu joogaa konfurta somalida walahi bilaah waxaan ahay reer puntland waana aqaan karama xumada maamuladaas aan soo sheegay bye all

  8. ziham says:

    marka hore waan idin slaamay dhamaantiin
    hadaan usoo noqdo arintan ku saabsan ninka jarmalka ah, horta somali inay dad xun yihiin qaarkood oo bukaan maxaa keenay rer waqooyi iyo somaliland reer koonfureed waad buktaan ilaahay walaalayaal ha idin daweeyo horta intaad ceebo raadinaysaan idinku is eega oo is baadha,
    arinta ninkan wadanka somali ama somaliland waa dad muslim ah 100kiiba boqol umana dul qaadanayno wixii diinta ilsaamka ku xadgudba dimuqraadiyada somaliland ma aqbalayso gaal baa dimuqraadiyad ula dhaqmaynaa haday yiraagdaana anagoo somaliland shacabkeeda ah kama yeelayno waana jarjaraynaa ninkaa, xataa iska daa inuu somalliland ku sameeyee meel walba oo somaliya ah waa lagu dili lahaa, markaa iska daaya hadal xumada aad moodo inaad somaliga baranaysaan hada qaarkiin dadkoo dhami isku mid maha laakiin waxan la hadlayaa intay calooshoodu bukto waad is garanaysaan oran maayo hebel iyo hebla toona anagu dad xun maninhin hadaan niri waan goosanay ceeb maha idnku xagaad ku danbayseen wlaaalahayo baad tihiin is habeeya sidaad la wada socotaan wlaalaha hooyo wada dhashay baa kala laba magaalo u guura markaa hadaan sidaa dooranay dad nimao baa la idinka rabaa meesha ka kaca somalind ha ku habsaaminee
    alla mahad leh

  9. Togane says:

    Aniga waxay ila tahay ninkaan in lagu qaado xeerka ciqaabta ee u degsan wadanka Somaliland. Wadan walba waxuu leeyahay xeer , Somalilandna aniga kuma ogeyn in diinta islaamka xeer ahaan looga dhaqmo , marka kuwo leh diinta halagu xukmiyo ninka dambiga geystay waan la yaabanahay waxa ay ula jeedaan.

    Mida labaad waxay tahay ninkaan gaal ha ahaado ama ajanabi kale (oo noqon kara muslim ama gaal) kuu doonaba waa in loola dhaqmaa sida loola dhaqmi lahaa nin Somaliland ah ama Soomali ah haddii uu galo dambiga noocaan oo kale ah. Micnaheygku waxuu yahay in aanan ninkan loo targed gareynin diintiisa awgeed. Haddii diintiisa awgeeda loo xukmiyo waxaan qabaa in cadaalad daro badan ay meeshaas ka imaaneyso oo gef ku ah diinta loo nisbo sheeganayo.

    Waxaan kaloo qabaa in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo dhaqan kaanoo kale ku sameeyay isla Soomaaliya dhexdeeda (hanoqoto hargeysa, muqdisho ama boosaaso) ama wadamada kale ee Soomalida u qaxday (ee afrika, eeshiya, yurub iyo ameerika) arintu ugub ma ahan ee horey ayay u jirtay hadana socotaa beri , beridambe iyo ilaa intii la doono way sii socondoontaa ilaa iyo inta Soomalida caabudista qabiilka ka joojiso!
    Wasalaam

  10. WAA LA SIIN DEEN KARAA HADII MASLAXDA QARANKA AY GASHO..

    haa waa in la iska saamaxaa..hadaan nahay bacaaaaaaaaaaaaaacda…iska daaya reer xamaroow..waan qaadanay dimuqraadiyada hadii la doono waa cafis madaxwayne iyadoo la eegayo danaha maslaxada guud ee qaranka..lakiiin kuwiina koonfurtaay..rooma ka jaasa ka hadla..dumned….xukuumada ayaan dooranay si dimuqraadiya oo codka shacabka ku soo baxday shacabkuna qiiradoodu maha ta koonfurta ee alshabaab..gowraca…balse waa la siin dayn karaa ninkan hadii maslaxo keensato…danqaran waa la eegi karaa walaa alshabaab..walaa caalacal walaa gudhugudhu…walaa mid somaliland ka xun hore markeeda buuqa.com

  11. c/risaaq axmed says:

    walaahi waa yaab soomaali dhibaa heesto hada ma waxeey maree in reerhenii gaalbuurya qab ah uu fal xumeeyo waxaan maqli jiray nin walaalkiis fageeyoow waraabe ayaa meel cidla ah ku cuna koonfur in taat ku heey seen ayaad dayacdeen wax idinkugu qiima badneed oo ah haweenka waxaan layaabanahay ninkii koonfur ka yimaado 10 muqaabaraad ah ayaa daba galeeyso ee gaalkan maxaa loo baari waayay mise aqoonsi ayaa laga rabaa gaalka walaahi xaalka somaliland warkeeda ma bislo

  12. gaashaanle says:

    gabadha la baxday ibraahim somaliland , adeer afkaaga xun ka daa somalitalk , wa webka keliya ee aan qabiil ku shaqeyn webebka soomaalida , hadi ay jiraan wax khalada ah uu ka qorey gabdhaha la faraxumeyey adeer bal nala qaybso oo so sheeg aan kula aragne .

    Dhamaan war baahinta soomaalidu isku si bay wax uga qoreen ninkaan jarmal ka ah ee gabdhaha reer waqooyi galbeed la galmooday , xataa warbaahinta waqooyi galbeed sidaan is lamid ah bay wax uga qoreen.

    Qofkasta wa oo soomaali ah waxa waajib ku ah inu ka damqado gabdhaha reer waqooyi galbeed ee marna ethopianka loo geynayo hadan ay faraxumeeyta ay ugeysteen reer YURUB , dabcan somalitalkna waxa kamid tahay umada soomaliyeed ee ay ku jirto weli dhiig damqasho iyo qaranimo soomaliyeed ba.

    waxa aad ugu boorinaya bahda xirfada badan ee somalitalk inay ka jeesteen ra ayida dad caqliga xun ee maangaabka ah ee qadiyada qabiliga ah iyo wax lamid ah aaminsan.

    ugu danbeyn waxa leeyahay intii soomaali ah oo dhiig soomaali oo wadani ah ku jro , waxa idin taal tacsi , wa ujeedaan waxa waqooyi galbeed ka dhacay , malaha wa dimoqraadiyada casriga ah in gabdhuhu laga ganacsada weliba reer yurub lo geeyo.

    mahadsnidin…..

  13. murjaan says:

    Caddalada waqooyi wax wayn oo hurumar ah kama rajeenaayi

    xaaladda haddaan dhinac kafiirinno Walalheen waqooyi wa somali ayaga haba diidane waana jecelnahay wayna ku mahadsan yihiin Nabad gelyada ay sameeyeen 20 kii sano ee koonfur qasneed
    garsoorka waqooyi rajo wayn kama qabi
    aaway xaaladdii GABDHAHA Somaliyeed ee xabsiga lagu fara xumeeyay?
    xaaladdii ZAMZAM waan ogeen say kudhamatay
    markaa ninkaan waa QABIILOOYINKA waa wayn waa JARMAL
    Waan ogeen xaladdii MARYAN MURSAL ee iskoolka ay rabtay inay udhisto QABIIL Qabiilada waqooyi dega iyo ihaanadii ay kala kulantay
    Reer waqooyi manecbin ee Siyasadooda wax haka bedeleen
    hana kashaqeeyaan isu soo dhowanshaha umadda somaliyeed

    walalaheen waqooyi Dib ha,ufiiriyaan

  14. Walaalayaal gabdhaha reer somaliland maahan in ay ismoodaan dad yurub ah oo ay dhaqankooda raacan hada ninka asaga u shaqayn jiray haduusan ahaan lahayn waxay ka mid noqon lahaayeen dadka aflaanta xun xun jila hada waxaan dhihi lahaa anigu ninkaa kaligii yaan dambi lagu qaadin ee wixii asaga lagu rameeyo ayagana ha lagu sameeyo

  15. Daa'uud From Denmark says:

    Salaan Badan ka Dib…
    Waa Yaabee Ninka Jarmalka Kaliya Maxaa Eeda Dusha Looga Wada Saaray!!!. Fal Xumadda Hargeysa ka Dhacday Gaalka Kaligiis Mu uusan Sameyn. Mana uusan Qasbin Dumarka uu Sida Qarsoodiga ah Filimka uga Duubay ee Weliba Qaarkood Yihiin Sida La Sheegay Kuwa Waxbartay oo Guur Xalaal ah ku Jira, Marka Maxay Tahay Soomaaliyey Waa Wareey-da Badan & Alla Gaalka Gaalka?
    Haa, Waxa Dhacay Filim Ha Laga Duubo ama Yaan Laga Duubin Waa Ficil aad u Xun oo Ka Soo Horjeeda Diinteena Furqaan íyo Weliba Dhaqanka Wanaagsan ee aan leenahay. Laakiin Xaqiiqdii Aniga Ma Fahmin Waxa aad Looga Qeyliyey. Qoraal Walba oo aan Akhriyaa Waxaa iiga soo Baxa oo Kaliya in Website-yada Soomaalida, Guuxa Shacabka Hargeysa/Somalia iyo Faalooyin Kale oo aan Arkay ay aad uga Naxeen oo Filan Waa Ku Noqatay Filimka uu Ninka Cadaanka ah ka Duubay Dhacdada oo Kaliya. Weli Ma Arkin Gilgilasho kale oo si Cadaalad ah ugu aadan Dhacdadii Dhacday & Dhamaan Xubnihii Sida “Iskaa Wax U Qabso” oo Kale uga Wada Qeyb Qaatay Dhacdadda Foosha Xun.
    Soomaaliyey Sidaan Cadaalad iyo Diin Ma aha ee Ka Baraaruga Riyada Aduunka Idinka Reebtay ee Diintana aan Waafaqsaneyn.
    Nabadgelyo

  16. BOROORTU ORGIGA KAWAYN
    waxan marka hore salmayaa dhamaan umada somaliyeed meelkasta
    oo ay joogto, waxad mooda wallahayg kofureed in ay waxa xun ee somaliland ka dhaca uun inay carabka si fiican ugu adkayn yaqaanin, oo ay ku celcelinyaqaanin, falka hargaysa ka dhacay ee uu ku kacay ninka jarmalka ahi, runtii waa fal xun oo ceeb ku ah diinta islaamka iyo dhaqankaba. waxa si wayn uga hadlay dhamaan culimaawdiinka somaliland iyo inta wanaaga ka talisaba, waxan xasuusinayaa wallahay kofureed in meelkasta iyo bulsho kastaa leedahay in xun, waxan umalaynyaa qolyahiinan kofureed wanagayaba ma sheegtane in aad ugu faraxdan dhibkastoo ka dhacda somaliland , aad ayaan uga xunahay arintaa.hadaba maxay tahay u jeedada ka danbaysa somalitalk oo aan wali wax wanagsan ka sheegin somaliland in ay halka ugu horaysa ku soo qorto arinka ninkan jarmalka ah, nin baa laga hayey maxad u malayn geela duqdisu durduriso aarankiisana. waxay u muuqataa oo arinkaasi marag ma doon u yahay in aqoonyan, suxufi , shacaba ay ka siman yihiin in ay niyada ka jeclaadan dhibka soo gadhaya somliland. waxan u sheegaya falkani in uu ka dhici karo meelkasta oo muslin joogo, waxan u sheegayaa wallahayga kofureed in ay iska dayaan waxaas oo cuqdada umada somliyeedna haday dawlada kala noqoto ama wadajoogtaba marna kala maarmimayso.waxan arkayey nin lahaa waxay soo dhaweeyaan gumaysiga madaw ee ethiopia,waxan xasuusin lahaa ninkaas in hargaysa ku nool yihiin dad kor u dhaafay sedex boqol oo kun oo ka yimid muqdisho kaliya, ma dhacaday qof ama dad ka qaxay hargaysa barigii siyaad xasuuqayey umadaan waxab galabsan in muqdisho lagu soo dhaweeyo. iska daa soo dhawayne waxa la xasuuqay intii ku hadhay oo habeen madaw guryahooga lagagala baxay oo lagu xasiiqay , ninkaas waxan u malaynayaa in intaasi tusaale ugu filan tahay,waxan sidoo kale u sheegyaa
    mamulayasha websitka somalitalk in ay iska daayan cadifada oo simiyirqabta wax ugu gudbiyaan , wabilahi tawfiiq

  17. ali says:

    Haddii ay jirto wax la yiraaho wadan nimo ama dhaqan ninkaan xukunkiisa waa cad yahay sababta oo ah waxaa jooga aqoon yahano cilmi maadi iyo diinba leh. Dimoqradiyada la sheegaayona maba qabto in ninka gogol dhaaf sameeye uu xil qabto ama uu meel ka soo muuqdo waxaan oo kalena dunida dhan ayay mab nuuc ka yihiin war haday maamulka somaliland ay caado qadatayaal yihiin oo aan dadkooda iyo dhulkooda ka jeclaysanaayo wax yar oo loo tuuray sida lacag ninka la sii dayn haday yihiina wadani yiin dhab dadka xukunka haaya ninkaan waa dil

  18. asha says:

    Ninka Gaalka ah yaan ladayn hala qisaaso anshax xumo iyo diinta meel kaga dhacay Soomaali oo dhan, inkastoo reer waqooyi ay jecel yihiin gaalka sabaabtoo ah, intaas dhaqan xumo baa lagasheegayaa gaalladuna waa jeceshahay waanna arrin siyaasadeed iyo diinta gaboodfal lagu sameeyo weeye ujeedada reer Yurub. War neceybka Puntland iyo Konfurta beelaha aan idin ladhiig-waagin waad cenebtihiin si qayaxan oo qaawan idinkoo ladhiig ah la dhaqan ah lana diin ah lana dal ah. Isku xishooda gaalla jeceylka isdaaya iyo gabaadfal diinta islaam. Aaway raggii culumada ahaa ee reer Burca ma hal bacaad lagu lisay baa diintuuna war ninka hala qisaaso. Naagaha maxkamad hala soo taago. Waa arrin fool xun wax laga naxo baa intaas kadhaca Somaliland. Democratic xaal qaado. waxaa hubaal ah in Gaaladu raaligalinayso arrintaan haddii ninkaas lasii-daayo.

    Mahadsanid

  19. Abdul says:

    Asalaamu caleykum.
    Anigu waxaan qabaa in 7 todobada haweenkaa la soo qabqabto ayaga iyo ninkana maxkamad Islaami ah lasoo wadataago kadibna lagu fuliyo shareecadu waxay kaqabto loona kala saaro wixii guur soo maray iyo waxaan soo guursan.Tankale ninkaan in labaaro in uu wadanka gudihiisa cajalada hore ku soo sameeyay iyo inkale, sidoo kale in la ogaado in dadkale kala qaybqaateen iyo inkale. Arintaanu waa meelkadhac dhinaca diinta, dhinaca akhlaaqda, iyo dhinaca sharafta Soomaalinimada.sideedana Ummadi waa AKHLAAQ. Mana aha waqooyi iyo koonfur SHEEKADU, waayo waxa Hargeysa kadhaca maant bari waxay kadhicikaraan Muqdisho iyo Boosaaso, iyo meelo kale waana arin taabaneysa qof kasta oo Somali ah.Tankale Soomaalidu aduunka wadankey danbi kagalaan baa lagu maxkamadeeyaa makaa xaq baan uleenahay in aan qofkii fasaad noo keena sharciga la marsiino.
    Waad mahadsantihiin.

  20. Osman says:

    waxanaan ku warersanahay sida maxkamad Somaliland ahi ku xukumi doonto ninkan.
    waayo qofka waa in lagu xukumaa wax u qoran oo qodob a oo uu jabiyey.
    Somaliland waxay tiri waxan nahay dal xora oo dimoqraadi ah.
    maxakamdahana waa calmaani ku shaqaynaya xeerka ciqaabta Somaliland.markaa marna inaad tiraa ninbaan diin uu jabiyey oo uu meel uga dhacay ku ciqaabayaa marna ad tiraa mabda’a cilmaaniyadda iyo dimoqraadiyadda ayaan qaadanayaa bal meel isugu geeya.
    Midda kale ninki la xidhye meeye dumarki iyagu akhlaaq xumada kula kacay ama la wadaagay oo iyana diinta iyo anshaxa suubban burburiyey Somalilandna ceebeeyey, oggolaadayna in cajalado laga duubo ayagoo qaar xaasas aad ku sheegteen.
    miyaanay isku xukun ahayn mise waa tolla’ayy iyo yaa reer hebela meshu? mise xaquuqda dumarka ee casriga ah ee Somaliland gaadhay ayaa iyaga ka sarreysiinaysa caddaladda?
    Ok haddii arrinku yahay dambi qof ama kooxi gashay maxaa loogu dayn waayay cadaladda iyo maxkamdaha oo lo siyaasadeyey oo buuqa iyo qaylada loo kicinayaa? Haddise ay tahay munkar laga qiirooranyo maxaa khamriga iyo qadka lagu geerasheeyanayo iyo hablaha da’da yar ee la fara xumaynayo looga kici waayey mar hore?
    Mise ninka diirka cade ka dhex muuqda ayaad xasaasiyad ka qabtaan?
    haddad ka qabtaan maxaa marki hore idin soo dhex geliyey oo habalaha ugu darsateen.meeshana u degsatee?
    waarbal horta dhan isugu baydha intaanad caddalad qaadin.

  21. Waa sida aw walaalkeey Saylici sheegay waa sax , Gumaysiga madoow maanta inagii ayuu isku kaana jeedshay si aan isaga uga mashquulna , ogaawna reer Waqooyi gaar ahaan kuwa Somali+Land sheeganaa waxaa lagu riday jid waxaana loo sheegay in jidkaa lagu helaa Ictiraaf , balse waxa ugu wayn walalahood ayaa lagu diray lana nacsiiyay!! Walaalheen Etoobiya , Cadawgeena Punt+land ayaa idaacadaha Somaliland si cad looga sii daayaa . marka Allaha u gagaaro umaddaa walaahi reer Koofur Gaal meel bay iska saareen Xabashi+ American iyo gaalo madoow galaba meel ayay iska saareen ee walaalaha waqooyiyoow , Gaalka gabdhaha waa naga dhexeeyaane nooga celsha!!!

  22. Waxay Soomaalida ku maah maahde ”ninkaan hiil ka waayay goormaan hoo ka helaa” Waxaan uga golleeyahay niman iyaguba ku dhaqmaa Demoqraadiyad , oo gaalo raali gelinteed jecel, oo wadaadii u masaafurinaa xabashida colaada guunka ah naga dhaxayso!! Bal ka suga in ninka Jarmalka ah ee falkaa falay in la dilo warkeed geed ku soo xire 1 bil xitaa ma xirayaan sidaan filaa, waayo ragaan waa rag tababar oo amarka si wacan u qaadanaa ee bal ka suga Shareeco Islaam!!

  23. Ninkan Jarmalka waa in ay cafis u fidiyaan reer Soomaliland maadama ay dimuqraadiyada qaateen kkkkk. Reer Waqooyi inta aqoonsi wax daran raadinayeen ayay xataa ciqaabi karin nin buuryaqab ah oo fal anshax xumo ku kacay oo islamarkaana qirtay laguna hayo cadayn ayay wax ay ka sameeyaan garan waayeen. “Good luck Soomaliwayn”.

  24. alinuur says:

    Asalaamu calaykum
    fikirkayga hadaan kadhiibto waanasiib daro,in nin gaal ahi gabdhaha soomaaliyeed kufaraxumeeyo dhulkoodii welibana Filim kaduubo,Muslimku wuxuu gaalka u ilaaliyaa xuquuq markuu noqdo.
    2-Kaafir Mucaahid
    3-kaafir Mustaman ah
    4-kaafir dimiya.
    kani waa n)+1 waaana kaafir Muxaarib ah waayo wuxuu ladagaalamay,diinteenii oo weliba markasta gaaladda waa samayn jireen waxay doonaane kani wuxuu ku darsaday inuu Falkii Kufsiga ahaa,hadana kufaafiyo shaashadaha dunida markaa waxaan kolay oran lahaa Maamulka siilaanyo reer Hargaysaw idiinkuma maqna ninkaas,mana filayo inay xitaa Maxkamad keenayaan waayo MR Gaboose warkiisu wuxuu hordhac uyahay in laga dhigo ninkaas falkaa sameeyay ninaan denbi lahayn(Not Guelt) sidaa darteed idin oranmaayo waxaa sameeya Reer Waqooyi galbeedaw,waayo tallada waxba kuma lihidin,shajbina waxba idiin tarimaayo arintaasina hadda dhacday waana ujeedaan xaalkiinee,gacmaha uhoorsadda ilaahay inuu idinka dhigo kuwa diintooda ku ilaashadda sharaftooda.

    Waxaana dhaba ah in Caawa ragbadan hadii ay maqlilahaayeen falkan fooosha xun Madhacayso inay maqlaanoo(waa asxaabu qubuuri) ay Xabaasha ka ilamayn lahaayeen Sida halgamaayadii,halyay Barkhadcas,
    Halyay shiekh Bashiir,iyo halyay xaaji aadan afqalooc IWm

  25. suudi says:

    aniga waxaan qabaa ninkaan in la baaro caafimadkiisa oo waliba laga baaro cudurka HIV hadii uu cudurkaas qabo waa in fagaare lagu dilaa haduusan qabin wax cudur ah waan in ugu yaraan 20 sano oo xabsi ah loo jaraa,

    waa hadii la dhowrayo magaca sharafka iyo dhaqanka umada soomaali

  26. Ali says:

    Waa in maamulka Somaliland ay talaabo waafaqsan diinta islaamka ka qaadaa ninkan gaalka ah ee wax u dhimay sharaftii haweenka soomaaliyeed. Sidoo kale waa in culumada iyo waxgaradka ay sameeyaan wacyigelin si aysan mardanbe u dhicin wax la mid ah dhacdadaan.

  27. Saylici says:

    Ninkaan hadduu ahaan lahaa Somali Reer koonfureed ah mar hore ayaa
    sheekadiisa Somali land buun buuni laheed ama argagixiso ku sheegi laheed
    laakiin mar hadduu Ajnabi yahay wax kasto wuu sameeni karaa
    waxaa kabadan Falalka xun eey sameeyaan Eithopianka meesha dhooban
    iyaga iyo Putland

    intay koonfur iska fiirinayaan ayay Ajanabiga wadanka gacanta ugalin doonaan