Home » Siyaasad »

Sunna Waljameeca : Sun iyo Soordanbeed|Gendisch

Taariikhdu waa sanadihii 80kii . waxaa la assasay ururo badan oo qabiil lagu aasaasay si ay ula dagaalaan una ridaan dowladii kacaankii hungoobay,waxaa marna la is waydiin waxaa ka iman kara asaaskii SSDF,SNM iyo USC. Midkoodna lagama faa’idin oo waxaa hormuud u noqdeen baaba’a iyo burbur shacbi iyo qarankii somaliya, iyo dhalasho kala qaybsanaan iyo in xaydaabyo yaryar goboladii dalka ah oo qoloba ay meel yar ku oodayatay . Waxa ku soo xigay in koofurta laga aasaaso ururdimeed ummada somalida rajo geliyey “ maxaakiimta “ waxaan marna la is wadiin meesha ay Somali ku furi donaan. Maanta waxaa u qaybsan yihiin dhowr firqo oo uu dagaal ka dhaxeeyo. Sanad ka hor markii aan lahaa anigoo ku sifeeynaya waxa gaalo la damacsan tahay kala jabinta ururkaas diimeed waxaan ku iri gabaygii Durqun :

Fakir dabacsan waa doorka Nabadiise.

Waa hadii dulmane daacad loo yahay

Heshiiskeey digaayaan waa dad kale reebe

Waa dawaco hilib u tuur aarka oo dagane

Amxaarkoo dalkaa jooga daabkan waan sidane

Intaa uu duqaa joogo daahir may noqon.

Waxaa dhalatay rajadii dowlad shariif higaamiyo dowlada looga dhigay, waxase soo baxday inaanu sh. Shariif laheeyn karti siyaasadeed, waxaa la yiri malaha tababar ayuu u baahan yahay ee waqti ha la siiyo , waxaa arintussi noqotay inuu waqtiga iskaga lumiyo oday dhaqameedyo wax aan lugooya ahayn aan u keenin, iyo wadaado saaxiib ah oo aan siyaasad iyo dowladnimo wax ka garaneeyn. Allow u ekaa mid isaga la mid ah oo hadda ka hor inaga lumiyey fursad aad qaali u ahayd oo somaliya hore ugu socon laheeyd. Maxaa soomali u keenay inaan mar taageerno. Mid aan kartideedii lahayn oo ummada quus geeya waxaa la is waydiiye wax dhaama miyaa jira.

Markii maqaamka maamulka ay soo fuuleen ARS Waxaa ay markiiba biloowday in itoobiya kala furkeedii iyo in ay sameeyso ururo cusub oo ay sutida u heeyso. W axaa ugu magaca dartay sunna wal jameeca oo lagu habeeynayo dhaqdqaaq ujeedo badan ah oo maxaa ay ka yihiin.

1. in la mideeyo xooogagaga walaalihii galgaduud laba furrina dalka laga soo wajho si loola dagaalo urur diimeedka mayalka adag ee shacabka somalidu ay qaatiga ka istaageen .

2. in ururkaad loo balan qaaday in ay qabsadaan min after gobol loona dhiso labo dowlad gaboleed oo itoobiya istartaji u ah oo aan looga soo duulin , dowlada goboleedka bartahma Somalia ( Central Somalia state oo ka yimaada mudug koofureed, galgaduud, hiiraan iiyo shabeelaha shexe ) iyo dowlada goboleedka Jubbaland state ( jubbada hoose , dhexe , gedo ) oo iyaguna noqda fikirka ugu macquulsan oo itoobiya ku xiran karo inaan somaliya looga soo duulin xudeedkeeda somalida inteeda badana iyaga u hoos timaado

3. in state-ka ugu danbeeya uu iman doono kadib marka ay ladaan dhismaan oo uu noqdo baaylaand ( bay , bakool iy shabeelaha hoose ) shanta somaliya sidaas lagu dhemeeystiro oo ay noqdaan shanta somalida calankeeda ku yaala iyo muqdisho oo magaalo madax ah oo u dhexeeysa .

ujeedada ugu weeyn ay ka laheed itoobiya sameeynta sunna wa jameeca waxaa ay ahayd qorshihii ugu danbeeyey ee lagu kala diray dalkii somaliya la oran jiray oo loo qaybiyo shan state oo mid kasta hoos timaado si toos ah mid aan toos ahaynba . Waxaan shakii ku jirin in ururka alshabaab uu masuul ka yahay in itoobiya sidaas Somali u qaybiso ama uu jiro heshiis sir oo kala dhexeeya itoobiya kuwa hogaamiya alshabaab oo ay wax ka og yihiin ( ethiopian intelegence plan for Somalia ) , alshaab waxaa ay diideen in ay la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo Somali ah oo ka madax banaan kan caalamiga ah rajadooduna halkaas ayeey ku dhimatay.

Maxaa la gudooboonaa dowlada somalida

Dowlada uu hogaamiyo sharif /omar Sharmake waxaa u cad in alshaab dagaal lagu qaado la tirtiro maadaama aanay yeeleeynin heshiis iyo wax qaybsi , sidaas ayeyyna u danbeeyn doontaa lakiin waxaa qarrsoon oo aan wali la sheegin waxa tahay sida laga yeelayo ALSHUNNA , Marka ay guuleeystaan kuwo u ooman in aan dowlad waligeed la helin, kuwo rabo inta ay nool yihiin xoog ku haytaan dhul iyo dhaqaale Somali u shexeeya. Iyo faragelinta toos ah itoobiya . waxaan shaki ku jiri in ay is ogyihiin kuwa dabada ka riixaya SUNNA WAL JAMEECA iyo rag badan oo dowlada ku biiray dano qaas ah awgeed ay dowlada ugu jiraan hadii ay sunna qabsato Jowharna ay dowlada ka bixi doonaan. Mar uu Jeneral ka Yimid somaliya warbixina siinaayey saraakiishii cidanka somalida ee ku shiray washington waxaa uu yiri “ ragii la loodin waayey ee alshabaab waxaa dabada uga dhacay rag yaqaana oo ka yimid gobolada dhexe lana yiraahdo AHLU SUNNA , iyaga oo kaliya ayaa dalka ka qaban kara “ waa yaabe xagee sunna ku socotaa marka ay alshabaab meesha ka saarto. Ma la is waydiiyey yeey u shaqeeyaan, maxaa ay dowlada ugu biiri la yihiin, yaa hogaamiya ururkaas xageese lagu dhisay , maxaa uu la egyahay influence ay itoobiya ku leedahay, Danta ummada somaliyeed waxaa ay ku jirtaa in sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso ciiidankii xooga dalka somaliyeed oo ay hogaaminayaan rag soomali ah oo ka madax banan hanaanka boobka iyo dilka ee dalka ka dhacay 20 sano ee la soo dhaafay kuwo ka madax baanaan faragelin itoobiya , kuwaasi waxaa ay ka soo iftiimeen Washington. Miyaaneeyn ahayn in lagu soo dabaalo in ay dowlada ka mid noqdaan hogaamiyaan ciidankii dalka ka saari lahaa alshabaab. ( waa shirkii uggu horeeyey ee Somali loo qabto oo aanay itoobiya hogeeynin markii ugu horeeysay)

War laga helay ilo xogogaal aha ayaa sheegay in markii madaxwaynaha iyo shariif xasan tageen itoobiya dhowr bilood ka hor , madaxda itoobiya soo hor dhigtay in shaqada laga eryo laba wasiir oo itoobiya u aragto in cadow ku yihiin danahooda , waxaa ay noqdeen labada kaliya oo dowlada sh. Shariif ka shaqeeysa marka laga reebo Col. Omar xaashi Aadan oo alaha u naxariistee ,oo showr bil ka hor lagu dilay beledweyne. Hadii wararka la isla dhexmaro rumoobaan in ragaas la badelayo ama shaqada laga eryo waxaa iman doonta in la rifo baalashii kaliya ee ay ku duuleeysay dowlada. Halkaasna ay ku burburto dowladii shiikh shariif iyo omar cabdirashid sharmake ama ay noqon doonaan mid magac ahaan u taagan oo si taas oo la amar uga qaatay xoogaga somalida ee sunna waljameeca ee salka ku haya maamulka itoobiya. Shacabka waxaa ay sugayeen bedelka rag ah waxba qaban wax aamin karana ay jirin. oo ku fadhiya magaca wasaarado aanay shaqadeeda garaneeyn. Una baahan aqoon maadi ah iyo mid karti aqoon dowladnimo

Waxaa diyaariyey

Hussein abdikarim ahmed gendisch
Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sunna Waljameeca : Sun iyo Soordanbeed|Gendisch "

  1. ugaas says:

    ASC, slaaan ka dib aad ayaad ugu mahadsantahay sida wanaagsan ee aad u cabirtay tubta dalku ku socdo iyo dhagar wadayaasha, balse mid ayaan ku leeyahay oo ah kalmado aan af Somali aheyn ayaa ku jira qoraalka, sida “Influence” aniga waan fahmayaa balse ma haboona in luqadeena kalmad ku jirta aan meel kale u doonano. waad mahadsantahay Mudane: Xuseen

  2. mohamud says:

    sheikh Hussein intabadan maqaalkaagu waa sax laakiin waxaad isbar bardhig kusamaaysaa haddii ay amxaaro kuwaas ay dabada kawado ay dalka qabsadaan meesha arini gaadhi doonto iyo inay dalkii gacanta ugelaayo Etoobiyaan. Isla markaa aadan meesha kasaarin ururka AL-shabaab waayo haddaad lacolowdo iyaga oo aan umuuqan inay waxcilaaqa ah laleeyihiin amxaaro iyo waxa lasafan aana kaxigsano cadowgaaga caddowgiis waa saaxiibka.
    Iyaguna way la imandoonaan siyaasada midaysa ummadda ee weli waxaanay helin fursaddii lagu meel marin lahaa, waxayna balan kuqaadeen inay horta sugaan meshanna kusoo celiyaan wixii ummadda kalumay 20kii sanno ee ugudanbeeyey waayo wax qaldama mooyaane wax lamasixin mudaada iyada ah waxaadna milicsataa dhulka ay hayaan waxa kajira. Waad mahadsantaha

  3. as wr wb.

    Mahadsanid Huseein runtii Qoraalkan cidii si fiican u aqrisa ayaa Fahmi karta xilliga aad sheegeeysid ee 1980-kii aniga ayaaba dhashay waana xilliga u dalka bur-burka ku sii socday.

    marka walaal runtii qoraalkan waa mid Muhiim ah. Midda kalle qoraalkan waxa uu ka hadlo waa Meesha ay Somalidu ku socoto haddi ay Al-shabaab meesha ka baxan.

    anyway Qoraalkan waa mid dhaxal gala ah.