Home » Announcements »

TACSI KU SOCOTA GUUD AHAAN DADKA REER PUNTLAND


Australian-Puntland Diaspora waxay tacsi u dirayaan ummadda reer Puntland meel ay joogaanba geerida ku timid labada isim Suldaan Ciise Xassan Cumar oo ku geeriyooday magaalada Boosaaso iyo Suldaan Xassan Cali Baale oo ku geeriyooday magaalada Wardheer.

Jaalliyadu waxay si gaara ugu dirayaan tacsi eheladii ay ka geeriyoodeen labada isim waxayna u rajeynayaan labada marxuum inuu janadaii ka waraabiyo.

Jaalliyada reer Puntland ee Australia waxay si gaara uga xun yihiin xaalka uu ku dhintay Suldaan Ciise Xassan Cumar oo la dilay isaga oo ka soo baxay masaajid, isla markaana ka tirsanaa dadka dhaqan ahaan mudan in la nabadgeliyo lana ixtiraamo xataa haddii lagu jiro xilli colaadeed. Waxaa nasiib daro ah in sabab la’aan lagu dilo nin isim ah waana mid ka fog garashada aadamiga . Arrintaani waxay ka soo horjeedaa dhaqanka, anshaxa iyo akhlaaqda ummada Somaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Puntland.

Waxaan uga baaqaynaa Dawlada Puntland iyo shicibka reer Puntland labadaba inay ilaashadaan amaankooda kana feejignaadaan cid kasta oo nabadooda khatar gelinaysa talaaba cadna ka qaadaan cid kasta oo dembi noocaas oo kale ah lagu helo.

Guddoomiyaha Australian-Puntland Diaspora

Omar Mohamud Dhollawaa

Melbourne, Australia.

dhollawaa@yahoo.com.au

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.