Home » Maqaallo »

Siyaasadda Cusub ee Dalka iyo Mustaqbalka Geedi socodka Nabadda

Sooyaalka taariikheed ee laga dhaxlay dagaaladda sokeeye ayaa ah mid murugo badan sida ka muuqata siyaasadda dalka Soomaaliya oo maalinba jaha cusubi u janjeedha, taasina waxaa ka markhaati ah waddamo fara badan oo Soomaaliya uu mar ka wada dhacay dagaalka sokeeye oo maanta nabad ah. Soomaaliya oo 100% isku dhaqan isku diin ahina weli waxaa ka jira dagaallo iyo xasuuq aad u darran ,waddamo Afrikaan ah oo qaarkood aan diin lahaynina way heshiiyeen oo nabad ayaa ka jirta waa nasiib darro, dhab ahaantii sababtu waxa weeyaan kalsooni darro, qabiil, iyo qalbigii oo khalalay.

Waxaa is weydiin mudan xageebay xaaladu ka xun tahay? dhisitaankii hore ee Baarlamaanka FKMG ahi lagama fiirsan oo Dadka iskood isu sharxay oo ka mid noqday Goloha Dhexe ee Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya cid garanaysa meel laga soo doortay ma jiraan, Soomaaliya waa la yaqaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo sida uu shacabku u degenaa
Dhibaatadaani waxaa abuuray Urur goboleedka IGAD oo dana gaar ahi ka lahaa Dalka Soomaaliya iyagoo u adeegsaday
Qorshaha (4.5) four point five taasoo macnaha ka dambeysaa ay tahay Dal aan Dowlad lahayn oo hoggaanka loo hayo.

Magacaabidda madaxda sare ee dalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhisan tahay hab qabiil iyadoo taasi uu macnaheedu yahay in aysan nabadi si sahlan aysan u helin Shacabka Soomaaliyeed oo uu khilaafku noqdo mid aan marna laga dhex waayin madaxda sare ee Dalka taladiisa gacanta ku haysa. taasina waxaa inooga markhaati ah 20kii sanadood ee la soo dhaafay inta Dowlad KMG ahi ka dhalatay Dalka iyo khilaafyadii ka dhex dhashay madaxda sare ee Dalka maamulaysay
iyo guul darrooyinkii ay kala kulmeen ,taasi waxay ahayd qorshooyinkii IGAD ay ku gaareen in Dalku uusan ka xuroobin

Haddaba, gobolaysigu ujeedadeedu way caddahay oo wax daahi ma saarna kala qaybinta gobolada iyo degmooyinka Dalka ayaa ah danaha ugu horeeya ee ay u adeegsanayaa gumaysayaasha dalka weerarka ku soo qaaday waxayna u adeegsadeen Dad Soomaaliyeed oo ay mar hababiyeen si ay ugu sahlanaato in gobol waliba ay si gaar ahi ugu faa’idaystaan Shacabka waxay isu tuseen inay yihiin cadow, guulaha gumaystaha waxaa u sabab ah Dabadhilka lagu adeeganayo ,hub aad u culus ayaa dalka la soo geshay iyadoo ay jirto cunaqabataynta hubka oo ay Qaramada Midoobay Soomaaliya ku soo rogtay hubkaasi oo lagu laayey malaayiin dad rayd ah oo aan waxba galabsan qaarna ay barakaceen.

Maxay tahay siyaasadda cusub ee Dalka Soomaaliya ? magacaabidda R/Wasaaraha FKMG ahi wax macna ahi ma samaynayso haddii ay jiraan dhammaan arimahan aannu kor ku soo xusnay soomaalidu beenta way sheegtaa laakiin run bay ku maahmaahdaa ayaa hore loo yiri “Horeba roore ma aan ahayn hadoo ay runtii timina ruugagaa i jaban” macnaha ka dambeeyaa qof waliba waa uu garan karayaa , guri aasaaskiisu xun yahay ma raago si waliba oo ay wasiiraddu u yar yihiin wax maca ahi ma samaynayso waxaa jira qorsheyaal degsan oo ay Dowladaha deriska ahi wataan oo caqabad ah geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya, xadgudubka xuduudaha badda iyo berriga ee Dalka Soomaaliya.

Mustaqbalka geedi socodka nabadda ee Dalka soomaaliya ayaa ah mid ay rajadiisu ay aad u xun tahay marka loo eego caqabadaha taagan ee aannu kor ku soo tibaaxnay awood qaybsiga oo madaxda sare ee Dowlad goboleedka Puntland ay ka muujiyeen rajo xumo iyo masuugid aad u darran abuuri kartana in Puntland oo hore ula shaqayn jirtay DFKMG ahi ay ka gaarto go’aan, dagaallada mucaaradku ay ka wadaan gudaha dalka ee aan joogsiga lahayn ee aysan kala reebayn xasuuqu qofna dad fara badanina ay xasuuqeen qaarna ay xukumeen iyagoo aan Dowlad ahayn xadka ma Oogi karaan waxaa u bannaan keliya inay hayaan ilaa ay dalka oo dhammi ka xukumayaan hadii kalese ay siidaayaan si deg-deg ah.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd, Siyaasadda Cusub ee Dalka iyo Mustaqbalka geedi socodka nabadda ayaa waxaan ku soo koobayaa in dib loo eego awood qaybsiga, tanaasulka, xuquuqda siyaasiga Soomaaliyeed, ka fogaanshaha danaha gumeystayaasha ee gobolka geeska afrikada bari, burburinta caasimadda Dalka ee loo adeegsanayo Ciidamada Shisheeye lana xasuuqayo carruurta iyo maatida, Soomaaliya waa in loo furaa bog cusub oo siyaasadeed oo bedela wixii hore loo soo maray sidaa ayaana Dalku uu horumar ku gaarayaa mustaqbalka geedi socodka Dalkuna uu u hirgelayaa.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.