Home » Faallo »

iibinta Astaanta .SO. ee Qaranka Somaliyeed

1960 Markii u xornimadiisa ka helay waddamada Ingriiska iyo Talyaaniga oo gumeysan jiray Somaliya, waxaa helnay aqoonsi buuxda oo adduunyada noo aqoonsatay in Somaliya aay tahay waddan xor ah. Iyadoo la tixraacayo xornimadaas ayaa Somaliya waxay yeelay labo (2) shey oo lagu aqoonsado oo kala ah

1. Calanka buluugga ah oo xidigta cad aay dhaxda kaga taal (taasoo astaan u noqoto dhinaca aragga).

2. Waxa uu waddanku yeeshay astaan number oo ah dhanka is gaarsiinta (country code 252)

3. Wixii ka danbeeyay sannadkii 1990 waxaa soo baxay astaan seddexaad oo ah dhinaca isgaarsiinta internetka (Country Domain Name). Maadaama aay Somaliya ka jireen dagaallo sokeeya waddankuna uu burburay lana bilileqeystay isgaarsiintii qaranka (Communication Infrastructure; ayaa lama huraan noqotay in astaanka internetka waddanka aanan al isticmaalin.

Waxaa ayaan darro ah sheygii kaliya oo ka nabad galay gacanta ganacsatada Somaliyeed “Magaca Internetka Somaliya .SO” muddo kabadan 20 sanadood in maanta aay shaqsiyaad isticmaalaya magaca dowladda TFG ee xafiiska madaxweynaha ay ka iibiyaan shirkad ka beec mushtarta sii gedidda domain-namaka ee internetka lacag aad u jaban oo ah 5 sano $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Waxay ahayd in aanan la iibin domain nameka Somaliya ee .SO sababah hoos ku qoron aawgood

1. In Somaliya maanta aanay jirin dowlad dhexe oo leh isgaarsiin u gaar ah oo aay ka koontroosha dhammaan aaladaha kala duwan ee isgaarsiineed (Network Operation Center – NOC).

2. Country Codeka waddanka ama furaha waddanka oo aanay hadda maamulin dowladda dhexe 252. Ma jirto waddan adduunka aay kala baxsanyihiin labadaa waayo waa aaladaha is gaarsiineed ee aay dowlad isticmaasho si gaar ah iyo si ganacsiba. DNS and NIS “252 iyo .SO”

3. Inta aanan la iibin xoolo aay leeyihiin ummadda Somaliyeed waxay ahayd in marka hore laga helo oggolaasho golaha wasiirada iyo baarlamaanka. Waa la dhinac maray waxaaney u egtahay in loo iibsaday si shaqsiyan ah .SO.

Waxaan rajeynayaa in golaha baarlamaanka uu arrintan sida ugu dhaqsaha badan uga fariisto sharcigana la horkeeno shaqsiyaadka ka danbeeyay iibinta domainka waddanka ee internetka .SO.

In la baarlamaanka uu baaro cidda fasaxday in la iibiyo domainka waddanka haddii uu ahaan lahaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ama Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta.

Xuquuqda sawirka waxaa leh Amiin Caamar

Shaqsiga u qoran inuu yahay Administrative contact domainka Somaliya waa Dr. Abdikarin Hassan Jama oo ah Agaasimaha Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Maxaa noo haray – in la iib geeyo calanka? Away dadkii lahaa waddankan? Waa ayaan darro kale oo weli na haysata 20 sano kaddib markii uu bilowday burburka wadankeena hooyo ee Somaliya

Eng. Ismail D. Osman

Telecommunication consulting, expert

osmando@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " iibinta Astaanta .SO. ee Qaranka Somaliyeed "

  1. King Kush says:

    Ninka saxiixay iyo kuwa laqorsheeyey hala sheego magacyadooda, degaankooda (key hada degan yihiin iyo midka asaliga ah), muuqaalkooda, telefoonkooda, emailkoda. Magacyadda caruurtooda iyo inta ladhalatay. Arinta waa inaan hoos ugu dhignaa oo an personal kadhignaa. Tuuga sidiisaba cabsi ayuu waxkuleeyahay, hadaan lacabsi galin dukaankisa waa DollarStore. One million emails and phone calls oo wada careysan kawarama. Calacalka daaya oo “Mission Tuug ma’aragtay” aan galno.

  2. AAN OOYEE ALBAABKA II SOO XIR
    Dawladnimo & wadajir ayaa dalka lagu difaacaa.
    Dadyayahow aan raadino dowladnimo, wadaninimo, somalinimo iyo xuduud aan kawada simanahay oo khatul axmar ah(red lines) waa inuu jira oo qofkasta oo Somali ah aan dhaafi karin… calanka, ciida iyo sharafta umada. Haddii aan caado qaato miiran noqonay sow calool xumo ma’aha!

    Dadyahow aan joojino isqabsiga dhexdeena ah iyo kala qaybsanaanta baahday… inta aan isku mashquulsanayn ayaa anagii iyo dalkiiba lawada iibsaday.

    Haddii ay xabada istaagto waxaan heleyna fursad aan kuxisaabino Somaligii iyo ajnabigii wadanka ku xadgudbo intaba. Amaa inta aan sidaan kujirno waxaad sugtaan murugo horleh iyo kadaro dibi dhal!
    “Aan ooyee albaabka ii soo xir” waa hadal horay loo yiri oo hada taagan.

  3. Ibnu Turaab says:

    A/C, Waa sax inay iibsadaan garayna u leeyihiin sababtoo ah xalaal iyo xaaraam uma kala soocna isku si ayay u cunaan waana shaqa reer Galbeed ee cunid wacan. Diyaarna uma aha inay qaabka dalabka rizqi ga wanaajiyaan. Tan kale nin garan waayay inuu caruurta iyo dumar ka ka badbaadiyo nimanka African ta ah ee umada dhameeyay isla markaana cadawga ah, muxuu xumaan ah ee iska ilaalinayaa adinkaba aan idin weydiiyee ?

    Mahadsanidiin.

  4. abdinuur says:

    asalamu aleykum aniga waxaan leyahay wax naga khabta ma la la yahay nimankaan malinkasta wax iibsanaya war walagu wareeray somaliya oodhan an wada iibsano dad gaar ah miya awadanka iska leh seecamalna aqyarey hantida noo dhafa ilahey hada taqaniin

  5. Mohamed says:

    Waad kumahadsantihin sida wanagsan ood ugu duubateen difaaca hantida qaranka soomaaliyeed, runtii waana rajeynaya in taariikhdu idin xusi doonto, soomaaliduna ay idiin mahadcelindoonto marka ay maskaxdu usoo noqoto.
    runtii way dhacday in la gatay hantideenii waxaana kaba siidaran in ninkii beec gaynayay .SO uu hadda u magacaabanyahay w/wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.mark ragga iyaga ah kafilamayno inay kadabatagaane soomaalida fiyow ha isku tashato meel ay joogtaba.

  6. salad ali says:

    ugu horeyn waa nasiib darro . waana wax la filankaro marka aad eegto mas-uuliyiin ku sheega soomaalida ,
    anigu waxaan aaminsanahay hadii maanata cid gadaneysa calanka soomaaliya la helo in lahelayo wasiiro ama mas-uuliyiinta ugu sareysa soomaaliya oo iib waliba xaraash ah la doon doonya