Home » Warar »

Xildhibaano Farriin adag u direy Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Markii dhawaan xildhibaanada Baarlamaanka codka kalsoonida ay siiyeen Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay u soo jeediyeen Ra’isul Wasaaraha DFKMG in uu soo dhiso dowlad tayo wanaagsan leh isla markaana dalka ka samatabixin karta dhibaatooyinka maanta haysta.

Xildhibaan Axmed Cumar Gaagaale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Ra’isul Wasaaraha DFKMG  Max’ed C/llaahi Farmaajo u soo jeediyey in uusan dowladdiisa ku soo darin wasiiradii Ra’isul Wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaake isagoo sheegay in wasiiradaasi ahaayeen kuwo aan waxba ka qaban arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo sheegay in qodobadaasi ahaayeen kuwo muhiimad u leh bulshada Soomaaliyeed ee la daalaadhacay dagaalada aan dhamaadka laheyn.

“Haddii aad ku soo darto wasiiradii hore Golaha Wasiirada cusub waxay keeni kartaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay is hortaagan isla markaana ay kugu celiyaan ama kugu diidaan wasiiraddaasi horey uga tirsanaa oo sheegay in Ra’isul Wasaaraha looga baahan yahay in uu yareeyo tirada Golaha Wasiirada, maadaama Dowladda Federaalka aysan sinaba u awoodin dhaqaale ku filan Golaha Wasiirada.

Hadalka ka soo yeeray xildhibaanadaan ayaa loo badinayaa in uu noqdo mid aan dheg jalaq loo siinin, madaama sida wararku ay sheegayaan ay saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda FKMG ay horey u qaybsadeen xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah ay soo “wada halgameen”, qaar kalana ay saaxiibo yihiin.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Ra’isul Wasaaruhu ma u hogaansami doonaa baaqa ka soo yeeraya qaar ka mid ah xildhibaanada ee ah in aan liiska lagu soo darin Golihii wasiirada ee hore mise Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u hogaansami doonaan in uu qaato talooyinka ay u soo bandhigayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, maadaama wararka qaar ay sheegayaan in sababaha lagu ansixiyey Ra’isul Wasaaraha ay ahayd in uu aqbalo wixii u soo jeediyaan labadaasi mas’uul.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xildhibaano Farriin adag u direy Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo "

  1. Mohamed says:

    ascww
    Meesha Shariif Sikiin iyo Shariif af-guduud Duqa ka yihiin Ina Farmaaje Waxaa u Qummanayd inuu iska Joogo Dibaddiisa,
    Ilaahoow Somali Talada u hagaaji!! Aamiiin

  2. dalmar cali says:

    amiin saxiib waxaan kaa iloobay oo aan aad ugu qoslay gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa xildhibaanada isku sheegaya markeey arkeen nin ilaah aqoon siiyayay sharcigana bartay iska daa ee uuba isga laftigiisa jamacad ku taal bufalo n.y ka dhigo ayeey waxaay is dhaheen war nin wadani ah nagana aqoon badan baa soo socdee see uga hor tagnaa intuusan na ceebeen oo maqaayada noo shidan naga dudumin koodii ugu qli badnaa baa yiri sharciga hoosaadkii xabashida ee qorsoodida ahaa aan ku ridno saan wajiyadeena loo arag ileen wasiiro ayaan rabnaa inaan noqonee sharcigana waa dimuquraadi sharcigaan tiigsaneynaa hadalkaasina waa yiri cabdishakuur oo ka mid ahaa afhayeenka xildhibaanada isagoo ka hadlaayo voa malintii reysal wasraha la rabay in loo cod qaado nin kale oo xidig la yiraahdo oo isna xildhibaanada ka mid ah ayaa yiri dee hadii aad baarlamaan fadhido oo aad madaxweynaha ama reysal wasaraha ka soo horjeedaan dimoqoraadinimadeey ka mid tahay in aad sharciga la tiigsataan cidaad wax ku tuhmeysaan jawaabtiisana anoo kuugu soo noqaayo cabdishakuur wuxuu yiri qaar naga mid ah baa wasiiro rabo ma rabno in nala arko kkkkkkkk tuug ma dahiro taa waxaa ka darn 1960 somalia sharcigeey isku maamulaysay ilaa iyo maanta ahaa waa axdiga iyo jabtarka oo jabtarka hadaad ka weyso sharcigaa loo vote gareeyo waxaad u noqonaysaa axdiga ee xeer hoosaadka waa sharci tuug sameesatay oo umada lugu maran habaabiyo waxaana soo dhisay ethopia sharciga xeer hoosaadka adis ababa ayaa lagu soo sameeyay dadkaan xildhibaanka isku sheegayo maba yaqaanaan sharciga iyo jaartarka wadanka u dhigan sida habeenkaas uu ku doodayay midka cabdishakuur la yiraahdo uuba u haystay sharciga iynuu yahay xeer hoosaadka xabashida 10kii sano ee lasoo dhaafay sameesay cabdishakuur waxaa igu maqaal ah inuu u toobat keenay pm mr prf maxamed cabdulaahi farmaaje isagoo barlamaanka ka qiray inuu ka noqday hadaba amiin afartaan tuugta aha ee aqoonta aan laheen ee umada xoolahooda isbaarada u dhigtay seeftii kacaanka ayaa iyagana ku soo socota coming soon ha sugi waayin

  3. axmed ibrahin gaagaale amiin voa maka dhageesatay markii la weydiiyay sababtaa ugu weyn ee aad ku mucaradeysaan pm prf maxamed cabdulaahi farmaajo jawaabtiisa waxay aheed isagoo kuwa 92 xildhibaan afhayeen u ah ayuu yiri dowladaan mushaarkeey jeebka gashataa halkaa qosol baa ku jira waxaan is weydiiyay reysal wasaraha mr maxamed cabdulaahi farmaajo goormuu dowlada ku jiray waxaan kaloo is weydiiyay 92 dowlada eey shegayaan miyeeynanan ka tirsaneen taa qosolka badan markaan ka gudbo adeer amiin adigu ma xildhibanadaas ayaad ka mid tahay taa waa iga su’all intaa waxaa ii dheer qoraalkaada aad ugu gaftay prf pm maxamed cabdulaahi farmaajo oo aan u maleenayo ineey kaa tahay aqli gaabnimo waa nin labada nin iyo somalida maanta joogtaba nin u nigmaa uu yaryahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida wax loo maamulo oo dowlada marekanka ka soo shaqeeyay xilalbadana kasoo qabtay soona bartay sida wax loo maamulo iyo sharciyada dastuurka waa nin aan aqoon u leeyahay jecelna in uu umadiisa wax u qabto qabiilna ka fog waxaa somalida sanadkaan caado u noqotay ineey ka maseeraan qofka markuu aqoon leeyahay faaniyaana kaan aqoonta laheen ee xoolaha umada dhacaaya gudoomiyaha baarlamaanka waa nin aanu hadafkiisa iyo ujeedkiisa ka dharagsanahay oo aan ognahay xoolaha umada inuu xitaa guryo kaga iibsaday usa california waa nin aan aqoon laheen oo aan dugsi hoose xitaa ka bixin hadalkaas maxaad ka wadaa qaar baa i oranayo waxaad ka heli kartaan isagoo ka hadlaayo inuusan dugsiga hoose xitaa dhameen waxaad ka heli kartaan youtubka inta aad magaciisa ku qortaan ninka noocaas ah waxaa hadaba cad amiin inuu aad u naxay markuu arkay gacantii birta aheed ee qaban laheed ee aqoonta laheed markuu arkay isaga iyo tuugadiisana xildhibaan kusheega ahaa ee ku fashilmay sharcigii cusbaa ee xeer hoosaadkii xabashida keentay hadama amiin waxaan sugnaa waa no more musuqmaasuq iyo xoolaha umada guryo iyo garaabo lagu gato wabilaahi towfiiq

  4. Cumar says:

    Asc,
    Mahasanidiin kooxda Somalitalk. Farriintaan adag haddii ay fuleyso wacnaanlaheydaa!, laakiin sow kama sii fiicnaan laheyn inuu barlamaanku ugu horeyn laf ahaantiisa is tayeeyo tiradiisana aad u yareeyo. Ileyn kala hufka iyo kala haadinta sal iyo baar inay ahaato unbaa wax ku hagaagayaane.
    Daadxoorka iyo buunshada mar quraata inay wada qubtaan wacnaan laheydaa !!! Allow mar un miid saafi ah ma isku soo hari….