Home » Warar »

Cambaareyn aad u kulul oo loo jeediyey Ciidamada Amisom ee Xasuuqaya dadka Rayidka ah

Waxaa isa soo tarayaa Cambaareynta loo jeedinayo Ciidamada Amisom ee maalin kastaa Madaafiicda la dhacaya dadka Rayidka ee ku nool Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyadoo Duqeyntii ugu dambeysey ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 20 qofood waxaa ku dhaawacmey ilaa 80 qofood kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo Guryahooda iyo Goobahooda ganacsiga ugu tagtey Madaafiicda waxayna Cambaareyntii ugu dambeysey ay ka timid Afhayeenka Odoyaasha Beelaha Hawiye Axmd Diiriye Cali oo sheegey in aan loo dulqaadan doonin Madaafiicda Ciidamada Amisom ee ay ku tuurayaan Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan

Mudane Axmed Diiriye wuxuu sheegey in Ciidamada Amisom ay maalin kasta xadgudub u geystaan dad aan waxba galabsan isagoo sheegey in Ciidamada Amisom loo keeney in ay Nabadda Ilaaliyaan balse aan loo keenin in ay Madaafiic la dhacaan dad rayid ah oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin kale

Axmed Diiriye ayaa la yaab ku tilmaamey in Madaafiicdii ugu dambeysey ee ay tuuraan Ciidamada Amisom ay ahaayeen kuwa ula kac loo tuurey maadama aysan socon Wax Dagaal wuxuuna sii raaciyey “waxay ahayd in marka dagaal uu socda ay ku bartilmaameedsadaan kuwa ka soo horjeeda balse ma ahayn in iyadoo aan dagaal jirin madaafiic loo qaybiyo dadka rayidka ee ku nool deegaanada suuqa Xoolaha, Huriwaa , Gubta, Dayniile, Suuqa Bakaaraha , Suuq Bacaad iyo kaaraan wuxuuna ugu baaqey Ciidamada Amisom ay Madaafiicda ka daayaan Goobaha dadka Rayidka ah ee uu degan yahay

Waxaa iyana Cambaareyn taa la mid ah ka timid Xildhibaan Maxamed Cali Diinsoor oo sheegey in Ciidamada Amisom aysan soomaaliya u joogin Nabad Ilaalin balse ay u joogaan in ay Xasuuqaan dadka Rayidka ah wuxuu sii raaciyey “Shacabka ayaan Wakiil ka nahay mana dooneyno in la xasuuqo ciidamada Amisom waxaan ugu baaqayaa In ay madaafiicda ka daayaan Goobaha ay degen yihiin dadka Rayidka ah isla markaana ay madaafiicda ku ridaan Goobaha laga soo weeraro

Sidoo kale wuxu u soo jeediyey Madaxda Sare e Dowlada in ay ka dhiidhiyaan islamarkaana Amisom kala hadlaan Xasuuqa Ciidamada Amisom ay u geysanayaan Dadka Rayidka ee aan waxba galabsan wuxuu sii raaciyey “Ciidamada Amisom waxay dalka ku joogaan ogolaanshaha Dowlada ee ma ahayn in ay xasuuqaan dad aan waxba galabsan

Waxaa iyana Cambaareyn ka timid Gudoomiye kuxigeenka Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Elman Cali Yaasiin oo sheegey in Ciidamada Amisom ay geystaan Xasuuq isla markaan maalin kasta ay madaafiic la dhacaan dad Rayid oo iska jooga Guryahooda wuxuuna Madaxda Sare ee Dowlada u soo jeediyey in Ciidamada Amisom ay kala hadlaan Xasuuqa ay geysanayaan Ciidamada Amisom isagoo sheegey in goor dhow ay soo badhigi doonaan Tira koob ku aadan dadkii ay ciidamada Amisom ku xasuuqeen Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.