Home » Warar »

Shir Dib u Heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qaban doono Kampala, Uganda?

Maxaa ka jira in Beesha Caalamka ay wado Qorshe lagu Abaabulayo Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo Cusub…

Markii is mariwaagu dhex maray madaxda sare ee dowladda federaalka isla markaana uu weli codka kalsoonida uusan helin Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamka ay wado qorshe lagu qabanqaabinayo shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed kaas oo la filayo in laga qaybgeliyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey ee soomaaliya Mr Mahiga oo Arbacadii (Oct 27) soo gaaray magaalada Muqdisho kadibna kulamo la qaatay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxyaabihii kullankaasi la iskula soo qaaday waxaa ka mid ah sida wararka lagu helayo in lagu wargeliyey in la qaban doono shirweyne dib u heshiisiin ah oo lagu soo dhisi doono Dowlad Soomaaliyeed maadaama uu is qabqabsigu ka dhamaan la’yahay madaxda sare ee Dowladda kumeelgaarka ah.

Wararka aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in shirkaasi ay garwadeen ka noqon doonto Qaramada Midoobey, waxaana la filayaa in lagu qabto horaanta sanadka 2011 ee soo socda Magaalada Kampala oo noqon doonta in markii ugu horeysay ay martigeliso shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed maadaama Uganda ay ugu horeyso wadamada ay ciidamada badan ka joogaan Soomaaliya, isla markaana ay tahay Dowladda ay ciidamadeedu difaacayaan Dowladda Federaalka ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya.

Wadamada deriska la ah Soomaaliya waxa ay inta badan martigeliyeen shirar dib u heshiisiin Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah wadamadaasi Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo laba jeer martigelisay, waxaana haatan qorshuhu yahay in Magaalada Kampla ay iyana martigeliso markeeda shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo la isugu keenayo qaybaha kala duwan ee  Bulshada.

Maxay tahay ujeedada ka dambeysa in waqtigaan la qabanqaabiyo shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed kadib markii Dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti dhawaan uu waxqabadkeedii noqday mid kooban isla markaana madaxda ugu sareysa Dowladda dhowr jeer uu soo kala dhex galay khilaafaad taasoo sababtay in la eryo ama uu iscasilo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee hore Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh Aadan madoobe) iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaana haatan is haysta labada mas’uul ee ugu sareysa Dowladda FKMG ee kala ah Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh oo aysan hadda muuqan saansaan ay ku heshiinayaan inkastoo ay dhawaan sheegeen in ay heshiiyeen haddana waxaa laga dhandhansan karaa in khilaafkoodu weli uu jiro markii uu Muqdisho soo gaaray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mr  Mahinga.

Beesha Caalamka ayaa waxa ay wadaan qorshayaal kala duwan oo ku saabsan in Baarlmaanka hadda jira ee ka kooban 550-ka xubnood laga dhigo 220 xildhibaan, Golaha Wasiirada ayaa iyana lagu wadaa in laga dhigo 18 xubnood kadib markii beesha caalamka ay u weysay mushaaraadkii isla markaana Baarlamaanku uu noqday mid hayaacdo ah, marka la qabto shirkaan dib heshiisiinta ee warkiisu soo baxay ayaa waxaa lagu wadaa in Qaramada Midoobey ay yeelato fadhi ay ku ansixineyso in Soomaaliya loo diro 20-kun oo Ciidan ah.

Aan dib u qooraansano dowladihii horey loo soo dhisay gaar ahaan middii lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Madaxweyne loogu soo doortay C/qaasim iyadoo u harsan tahay hal sano iyo dheeraad ayaa Beesha caalamka waxa uu qabanqaabiyey shir dib u heshiisiin ah sidoo kale Dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa iyana waqtigeeda dhameysan waxaana lagu dul abaabulay shir dib u heshiisiin ah, waxaana haatan muuqata in dowladda Federaalka ee haatan jirta oo ay u harsan tahay dhowr bilood in iyana lagu dul qabanqaabiyo shir dib u heshiisiin ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com


IIDHEH:

Boss Supermarket, Kampala, Uganda

Bishaaro Bishaaro: Boss Supermarket oo yaala Magaalada Kampala ee Casumadda Dalka Uganda, gaar ahaan Kesenyi gaar ahaan soonaha xaafadda Buddonian Vilage LC1, ka soo horjeedka Xafiiska cusub ee Jubba Airways, waxaana Boss Supermarket kuugu diyaar ah shaqaale aqoon iyo khibrad u leh hawsha, kuulana diyaar ah adeeg hufan oo ku qanciya.

Hadaba wixi intaas dheer kala Xiriir Maamulaha Supermarketka Boss Mr Asad Yusuf Afkab Telefon 0791507214 ama telefonka kale 0794466774 ama E-Mailka Xaashixasan99@hotmail.com

Hadaba kii imaaanaya dalka Uganda iyo kii joogaba bulshoy balanteenu waa Supermarketka weyn ee Boss ee Magaalada Kampala.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Shir Dib u Heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qaban doono Kampala, Uganda? "

  1. Dr Yusuf says:

    Aniga waxaan qabaa in shir dib uheshiineed loo qabto qurba joogta,looguna qabto London kadibna Dawlad lagu dhiso Somalia gudaheeda sidaa waxaan u iri aan isku qancino inayno Cadaalada abaarno,oo la sameeyo sharciyo loo raaco midnimo iyo Dawlad,ugama jeedo Dastuur,balse waxaan ujeedaa waxaa la heli kara qodobo kooban oo looraaci karo dib uheshiin,anigu waxaan aminsanahay 3-5 qodob oo asaas laga dhigto in lagu gaaroi karo Dawladnimo iyo Midnimo
    Qodobadan in ladheho wey fududahay in la fuliyona wey fududahay laakiin dhibka ugu weyn ee na haysta MA DOONEYNO MIDNIMO IYO DAWLAD
    markaas waa sida Maxamed dhehay fursad baa ka banaan Kampala

  2. Mohamed says:

    KKk waa fursad ii banaanaatay! Hada waxaan jooga qurbaha oo cayr iyo job centre-ka ayaan ku rafaaday! markii aan akhriyey maqaalka ayaa waxaaba ii soo carfay kursiga. Sedexda shardi ee ku xiran inaan noqdo madaxweyne waan ogalahay; seddexda shardi oo kale ah:
    1) Wax ma cuni kartaa (corruption)
    2) Ethiopia ralli ma u tahay
    3) khilaaf joogta ah; oo aan u jeedo laheyn- ma abuuri kartaa si dadweynaha ugu mashquulaaan riwaayadaas.
    Ayuutada ama hagbada waa inaan dhaqso u soo qaata, si xildhibaanada aan codkooda u helo. Mida kale xilliga la qaban doono shirka hala soo xaqiijiyo…….

  3. GARYAQAAN says:

    asc, dhamaan akhayaaerta fikirkooda ka dhiibatay arrintaan iyio kuwa kale ee wanaaga jecel ab, intaas ka dib anigu waxaan oran lahaa hadii shir la qabanayo somlina loo qabanayo somalia dhexdeeda ha lagu qabto gaar ahaan gobolada nabadu ka jirto sida puntland, sxb yaal marka taas leeyayhay macnahweedu waxuu yahay somalia baa u kharshyar dadka somaliyeed ayday imaan karaan mida kale shirka ahlo daayo odayaasha dhaqanka siyaasiyiinta kalintooda waa aargnay oo wax badan soo siyaadin mayaane,

  4. kamaal says:

    Marka hore ugandha maxay somaliya ka rabtaa??? aan iswaydiino. musaveni waa calooshiis u shaqayste ku naaxay dhiiga ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ee qabiilkiisa u badan …si uu mushahar ugu helo…

    tankale waxaan ku raacsanahay hanad…..waxa ishaya waa inta kursiga jecel ee ku naaxday dhiiga umada somaliyeed marka inta kuwaas meel la iskugu keeno gaas iyo taraq halagu daaro…..markaas ayaa wadankeenii qururxda badnaa iyo walaaltinimadii somali iyo jaceelkii ka dhexeeyay soo noqonaysaa insha allah…

  5. SALAAN KA DIIB SOMALIA WAXAY U BAHAN TAHAY IN SHIIR LOO QABTO SHIRKAAS OO LEH SHURUUDAHAAAN HOOS KU QORAAN
    1)WAA IN SHIRKA LAAGU QABTA SOOMALIA GUDAHEEDDA
    2)WAA IN SHIRKA AY HOGAAMINAYAAN ODAYASHA DHAQANKA SOMALIA
    3)WAA IN LAGA ILAALIYAA FARAGELIN SHISHEEYE IYO MIDA SIYASIYIINTABA
    4)WAA IN SHIRKA LA SIIYA WAAKHTI KU FILAAN OO UGU YARAAN SANAADD AH
    4)WAA IN SHIRKA AY KA SOO QAYB GALAAN DADKA METELA DHAMAAN GOBOLADDA SOOMAALIA EE AH 18KA
    5)WAA IN LA RACAA WADADDII AY MAREEN MAAMULADA SOMALILAND IYO PUNTLAND TAAS OO KU TIIRSAN QABKA DHAQANKA EE GUURTIIDDA .

  6. hanad says:

    salan dhamaan akhristayaasha , horta waa su’aale ayaa dagaalsan ,yaasi la heshiisiinayaa waxan oranlahaa anigu somali isma dagaalsana ee kursi doon baa is dagaalsane sharka hala yiraahdo “dib u hesheesiinta kursidoonka somaaliyeed “oo markas inta kursi rabta meesha marka laysugu keeno halaygana xirxiro eleen wadankeenii kursidoon aan axsaan wadan u gelayn buu ka degi layahaye.

    ama dadka dega koonfurta somaliya (not puntland) halays fahansiiyo hana loo sheego in somaliye iyaga u xanibantahay ,ayaguna is dhibaatayntooda iyo is dilkooda ku mashquulsanyihiin ,marka intaydinan dhamaan war is daba qabta walaalihiina idin sugayana u daneeya dalkii somaliyana u daneeya idinkuna isu daneeya hala yiraahdo lacagta shirka lagu bixinayana xamar hala geeyo howshu sidaa haku dhamato .shir hadalaqabtaa dan maynooyahay waa su’aashayda ???

  7. axmed makoma says:

    yaa dib loo heshiisanayaa? yaa hadda ama iminka is hayo? etoobiya,jabuuti,kenya,muqdisho intuba somali way soo mareen si soomaali u heshiiso.
    hadda ama imikadan YAA la heshisiin? Yaa is hayo?
    ALshabaab shirka la qaban doono ma ka soo qayb galeysaa haa mise maya?
    hadda somali waxa la isku hayaa waa MABDA’ ama diin shaarar kala duwan gashan. shabaab shir uganda ma tegeyso, uganda waxaa tegaya kuwii boorsooyinka waa weynaa oo jeclaa in hotellada ay seexdaan, wax ka cunaan, raaxeystaan oo weliba waxay aad u jecel yihiin in muddada shirka ay aad u dheeraato si ay raaxadooda u dheeraato waayo kharashkiisa oo dhan waxaa qaba beesha caalamka.

    amadeo.

  8. Kaahiye says:

    asc salaan kadib shir kale miyaa hadana allow sakhir umuuraha walee tan waan arkaa cidna uma maqna ceelna uma qodna rajo badan koleey malahan dowlad kale oo la soo dhisi doono oo is qab qabsan doonta waa marka kale 3 sanoo kale oo khasaaro ah haloo diyaar garoobo cad weeye laakiin beesha caalamka yaan la eersanin soomaalaay inagaa is dhignay halkaas
    wabilaahi towfiiq

  9. Cali says:

    Shirkaste oo beesha caalamku wadato kuwii hore muxuu uga duwan yahay?
    soo ma joogaan nimanka diidan qancinta iyo ka mid ahaanta waxa loogu yeero beesha caalamka?

    20kun oo ciidan ah maka badan yihiin 50kii kun ee ethopianka ahaa waliba ethopianka dagaalka waa uga fiican yihiin sanka dhuudhigga.

    somalia hal rajo ayeey leedahay iyadoo la taageero oo hiil iyo hooba lala garab istaago dadka sharciga allaah ku maareynaya inta badan dalka ama koonfur somalia walow karihal kaafiruun(gaaladu haba nacdee).

  10. Magan says:

    Beesha caalamku waxay doonayaan nin robot oo kale ah oo beteri lagu buuxinaayo ilaa kaas la helana ma dagayso somaliya , waayo beesha caalamka ayaa dajiyay 4.5 , ayagaa masruufa ciidamada shisheeye ee dadka xasuuqaaya , iayagaa badeena tuban oo nuxurkii ka guranaaya . beesha caalamka waxaa fiicnaan lahayd inay somali isku dayso.

  11. abdalla says:

    bismialaahi alraxmaani alraxiim.

    hadii aan ku darsado fikrad shirka la sheegayo in ay qaban qaabinayaan beesha caalamka oo lagu wado in lagu dhigo wadanka ugaanda ,marka hore ugaandha waxay rabtaa qaybteedi dhaqaale in ay ku hesho sidaa oo maqaar saar u ah somali ayaan shir u qabanay.
    maxaad filaysaa marka waa waxba,mise waxaan sugnaa eretereya,iyo sudaan, iyo tansaniya in ay ayana soo dalbadaan qaybtoodi waa suura gal

    hadaba waxaan dhi lahaa in ay marka hore ugaandha la wareegto talada dalka ka dibna gumaysato muddo markaana somaali ay isu tagaan oo ay walaalobaan sidi( SYL )ay sameeyeen oo kale kadibna iska tuuraan gumaysiga oo ay dowlad loo dhanyahay oo aan ka badneen 240 iskujirkeeda ah ay samaystaan dastuurki 60kana ay qaataan ,goboladana ay u sameeyaan dolad goboleedyo ay ayaga xuleen oo dhab ah macnaheeduna yahay cid aanan aheen gobolka in ay ka soo galin kaliya dadka udhasha gobolkaa mooyee.
    hadii lahelo intaa oo waliba aan aheen wadaad xaare aan diin wax ka aqoon iyo qabqale dagaal oo tacliin laheen somaliya way istaagi oo waxay ka fiicnaan afrika oo idil ee sedee loo xaqiijinkaraa arinkaa ?
    waa in la gaxulaa cadadkaa aan kor ku soo sheegay soomaali oo idil oo waliba qofwaliba uu heer jaamacadeed ay gaarsiisantahay tacliintiisa qabyaaladna uu saafi ka yahay laguna tuhunsaneen in uu yahay tuug ama dhuuni ama calooshii u shaqayste khaain ah dibusocod ah.
    mahadsanidin.
    wadani.

  12. abdirisaq says:

    Ilaahoow guuraa ma dege hannaga dhigin.
    Waa immisa jeer inta dawladaan dib u heshiisiin loo sameeynayo hal marna in madaxweyne caadi madaxweyne u beddelo miyaa naloo diiddanyahay.
    Inti dib u heshiisiin la qabtey marka laga reebo kii carta waa la ogyahay meesha laga soo abaabulay.iyo cidaa ergada xulaysay.qof walboow aad u xasuuso .
    ilaa ciddaas ay aragto dadkay wadatey oo saaxada si buuxda gacanta ugu wada haysa walle dib u heshiisiin iyo khilaaf baa jira inuusan dhamaanayn.
    waana la filayay tan .

  13. maxamed says:

    Anigu waxan kutalin lahaa inaan loo dhago taagin waxa doonayso Beesha caalamku waa in somali ayadu tashataa cid kale oo wdan keena wax kaqabankartaa majirto hadii aanay somali tashan waana in laga saaraa somalia ciidamadan shisheeye ee kawada xasuuqa ba’an waana lajihaadaynaa inta ciidamo shisheeye ay joogaan somalia waxana leeyahay Allaahu Akbar Gaaladu hajabto.
    Aamiin Aamiin

  14. waxa la dhaho beesha caalamka ma jecli waase fursad dahabi ah haddii aay runtahay shirka dib u heshiineed ee la sheegayo waxaan kula talin aqoonyahanka kuwooda damiirka leh ee u damqanaya dadkooda dalkooda iyo diintooda in markaan iyagu dadaal u galaan sidii aay dalka dowlad ugu noqon
    lahaayeen waayo shirarkii hore waxaa ka qeybgalay jaahil dambiile dagaald daneyste adeegayaal xabashi iyo waxkasii xun