Home » Ramadan »

Ka Qeyb-Qaaado Mashaariicda Afurinta Soomanayaasha.

Munaasabada Bisha Barakeeysan Ramadaanka waxaan
Guud ahaanba Ummaddaha Muslimiinta gaar ahaan Shacabka ama
Ummada weynta Somaaliyeed Raxmaanka uga rajeeyeenaayaa:-
Kheeyr badan-Raxmadiisa,Barakadiisa,Cafiskiisa iyo guud
ahaanba kheeyraadka fara badan ee bisha barakeeysan inagu
maneeysto, nabadgelyo buuxda,walaalnimo,is-faham buuxa iyo
xal u helida khilaafyada,colaada iyo masiibooyinka taagan
oo Dad iyo Dalba ina naafeeyeey-aaamiin Alloow, sidoo kale
Gudooma hambalyadda Ramadaanka-Ramadaan Kariim.

Ramadaanku waa bisha:-raxmada,dembi-dhaafka iyo
Cadaab ka xoreeynta adoomaha Allah,Maasha Allah,Alloow
Raxmaankoow nagu maneeyso barakadaada aanu baahida weyn
u qabno, ramadaanku ama soonku ma aha oo kelia ka soomidda
Cunta,cabitaanka iyo Mucaasharada,laakiin waa ku dhaqmida
waajibaadka ama manhajka shareecadeed ee soonka-guud ahaan
ka fogaanshaha waxyaabaha xun oo dhan-la imaanshada camal
kheeyrka noocyadiisa kalla duwan-waxaana mudnaanteeda leh
Cibaadadda iyo Sadaqadda.

Sida la wadda ogyahay dalkeenii hooyo waxaa ka
jirra xaalado adag iyo duruufo culeeyskooda leh dhib weyna
ku hayo Bulshadda dan-yarta ah-waana dhaqaalle xumada iyo
noloosha oo adag,waxaa buuxa;-Agoomo,dad naafo ah,dan yar
iyo kumayaal iyo kumayaal qoys oo dalka gudihiisa qaxooti
ku ah(barac-kacsanayaasha),hadaba munaasabadaas awgeed
waxaan halkan uga soo jeedinaayaa guud ahaanba Jaaliyadda
Somaaliyeed qurba jooga ah, dadka ehel kheeyrka ah in eey
ku dadaalaan munaasabada Ramadaanka awgeed caawinta,gacan
u fidiinta ama u gar-gaarida Walaalahooda tabaaleeysan,
waxaa mudnaanteeda leh ka qeyb-qaadashada Mashaariicdda
afurinta Soomanayaasha Somaaliyeed oo intii mudo ah laga
wadeey Dalka gudihiisa gobollo kala duwan, runtiina la
oran karo waa Mashruuc amaan iyo bogaadin mudan.

Walaalayaal-is-caawintu waa waajib muslimiinta saaran,
waana camal kheeyrkiisa leh,sadaqaduna waa camal abaal-
maritiinsu laban-laabantu if iyo aakhiroba kuu yaal, wax
yar oo aad bixisay faa’iido weyn ayeey keentaa,fadlan ka
faa’iideeysta kana qeyb qaata Mashraaciid afurinta Soomane
idiinkoo kala xiriir karaaya Masaajidyadda degaankiina
Meel walba oo aad aduunka ka joogtaan-Fadlan caawiya oo
u gar-gaar Walaalaheena Somaaliyeed oo baahida weyn u
helida luqmad xalaal Bishan Barakeeysan iyo Waqti Walba,
Caruurta agaanta waa ubadkeena oo kalle,Qoysaska dan-yarta
ah walaalaheen,Naafauna dadkeeni(walaalaheen)dhammaantood
masuuliyad weyn ayaa inaga saaran oo Diinteena Islaamka ina
fareeyso,dhaqan Somaaliyeed wanaagsan ku saleeysan iyo damiirka
Bani-aadaminiba.

-RAMADAAN KARIIM-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-England-UK- 15/08/2009-
-sharifhassan50@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.