Home » Announcements »

Tacsi: Cabdulahi Muxamed Yuusuf (Cabdulaahi Macaane) oo ku geeriyoodey Buula Xaawo

Khamiistii oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2010 waxaa magaalada Buula Xaawo ku geeriyooday C/laahi Maxamed Yuusuf. Waxaa marxuumka da’diisu ahayd 85 jir. Aaskii marxuumka waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u farabadan, waxaana salaaddii Janaasadda lagu tukaday masjidka Jaamaca ee B/Xaawo maalintii Khamiista. Allah ha u naxariisto ehelkiisiina samir iyo iimaan haka siiyo.

Marxuumku waxa uu 1925 tii ku dhashay aagga magaalada Luuq Ganaane GEDO (gibileey) – waa baadiyo(85) SANO ka hor.

Marxuumku waxa uu ahaa  nabadoon nabadda jecel oo aad looga yaqaan Gobolka Gedo, dadka aqoonta u lahaa waxay ku tilmaameen nin necbaa gumeesigii Soomaaliya iyo kii hore iyo kii cusbaa intaba. Waxana uu sanadihii 1960-naadkii ahaan jirey Ganacsade, markii dambena waxa uu ahaa nabaddoon.

Marxuumku waxa uu ifka kaga tegey ilaa 40-meeeyo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay dhaleen iyo waxay sii dhaleen. Dhammaan samir Allah haka siiyo, marxuumkana janatul fardowsa haka waraabiyo.

Bahda SomaliTalk.com waxay si gaar ah ugu tacsidaynayaan Axmed Sadiiq oo ah qoraaga barnaamijka ku soo baxa SomaliTalk ee (Soomaaliya waa iib) oo uu marxuumku aabbe u ahaa iyo dhammaan eheladii marxuumka oo ku sugan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika, Woqooyiga Ameerika, Yurub iyo dalalka Carabta.

Allah ha u naxariisto.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Tacsi: Cabdulahi Muxamed Yuusuf (Cabdulaahi Macaane) oo ku geeriyoodey Buula Xaawo "

  1. libaax says:

    ala ha u naxaristo waa wayeel aabe somaliyed ah aamiin yaa rabi