Home » Maqaallo »

Qorshaha Horumarineed ee Puntland, 10 sano ee soo socota.


Hey’ada Somaliyeed Ee Darasaadka Arimaha Bulshada (HSDAB)

Horudhac

Ilaa iyo intii dowladdii dhexe ee somaliya ay burburtay , wuxuu dalka somaliya galay Marxalado xun oo ayka mid tahay dowladlaáan fowdo iyo jahwareer. Sidoo kale waxaa babarbar socday burburkaas dowlad gobaleedyo dalka  kadhismay kadbib burburkii dowladii dhexe ee Somalida. Dowlad goballeedyadaan oo ay kamid yahiin Puntland iyo Somaliland iyo kuwo kale. Kadib markii ay soo noqon weyday dowladii dhexe ee dalaka ka talineysay, ayaa waxaa lama huraan noqontay, in dowladaha aduunku sitoos ah ula xariiran dowlad gobaleed yadaan aan soo sheegnay, Si loo horumariyo dhaqaalaha loona adkeeyo xasiloonida iyo nabad ku wadanoolansha.

Sidaas darteed , waxaa iswydiin mudan maxay Puntland u baahan tahay in loo qabto?.

Waxaan rumeysanahay haddii aannu nahay ururka (HSDAB) waxaan  aminsanyahay in Puntland loo sameyo qorshe  dib u dhiska dhaqaalaha  tobanka sanno ee soo socota. Iyadoo si xeel dheer looga dooday sidii mudanaata loo kala siin lahaa howlaha baaxada weyn ee ay tahay in laqabto.

Mudnaata koowaad waxaa leh horumartinta kheyraadaka dabeeciga ah sida kaluumeysiga,  xoolaha nool,  iyo beeraha. Sidoo kale waxaa taas soo raaca horumarinta iyo wax barida dhalinyarta. Mudaanta labaad waxaa leh horumarinta hey’aadka dowliga sida kuwa siyaasida ( xibiyada), kuwa sharciga , kuwa waxbarsha iyo kuwa caafimaadka .

Iskaashatada kaluumeysiga Puntland   (Puntland fishing cooperative)

Puntland waxay hodan ku tahay kaluunka iyo Xoolaha nool, oo ay tahay in la` horumariyo.  Gaar ahaan kaluunka oo aan waligeed laga faa,iideysan.  Waxaa booba oo lacag badan ka sameya kaluumeysato ajaanib ah, iyo kuwa wadamada deriska ah. Kaluunkeenu waxaa lagu gadaa suuqyada Yurub iyo Asia iyo Ameerika, halka kumanaan Somaliya ay  ku jiraan xeryaha qaxootiga ee aduunka.

Lacagta laga sameeyo kaluunka Somalida sanad walaba, waxaa lagu qiyaasi karaa 4bilyan oo  US doolar.

Sidaas darted Puntland waxay u baahan tahay iney dib u xoreyso badadaheeda, oo ay sameyso shirkado xoogan oo kaluunka ka shaqeeya,  una dhoofiya suuqa aduunka. Haddii aannu nahay SIPPS waxaan soo jeedineynaa , in la dhiso iskaashatada ka luumeysatada Puntland. ( Puntland fishing cooperative) kuwaas oo ay shaqadoodu tahay;

  • iney marka hore, Horumariyaan guud ahaan kaluumeysiga ,  iskunna xiraan kaluumeysatada , una matalaan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.
  • Iney keenaan doonyo iyo qalab kalumeysi oo tayo leh, oo ay ufuraan tababar kaluumeysatda, oo ay dhisaan meelo lagu qaboojiyo laguna kaydiyo kaluunka iyo rugaha baayaca kaluunka.
  • iney siiyaan gaaddiid fiican oo tayo leh.  (Sida gaaddiidka Qaboojoyaal leh).
  • Iney suuq u raadiyaan  kaluunka Somalida.

Fund raising.

Worlad bank waxuu dhowaan  hirgaliyey barnaaamijka horumarinta xeebaha africada bari, somalia fankaas wali mahelin. Mareykanku waxuu sheegay,  inuu caawindoono baraamijka hormarinta gobalada nabada ahee soomaliyeed. spain waxay dooneysaa in ay somaliya ka caawiso horumarinta kaluumeysiga, Wadamada islaamka sida kuwait waxay diyaar u yahiin iney caawiyaan reer puntland, Sidaas darted HSDAB waxay ku talineysaa, in Dowlada puntland plan u sameeyo Horumarinta kaluumeysiga puntland ee 10 ka sano ee soo socota.

Kireynta bada

HSDAB waxay ku talinaysaa inaaney dani ugu jirin shacabka puntland in La kireeyo badaheeena, Arintasi waxay caqabad ku tahay guud ahaan horumarinta Kaluumeysiga puntiland, waxayna khatar gelineysaa inuu nabaad guuro kaluunku.

Sipps uma aragto iney danta shacabka ku jirto hishiisyadii la´galay xiligii dagaalka so keeye uu kululaa, waxayna hishiisyadaasi ku haboon yahiin in la so af jaro si dhakhso leh. Puntland waxay hadda fursad u heysataa iney hishiis la gasho dowladaha aduunka oo dhan,  oo ay kaluunkeeda si toos ugu dhoofiso suuqyada aduunka. Puntland waxaa ku haboon iney xoreyso ganacsigeeda.

HSDAB waxay Si xushmad ku jirto u codsaneysaa in dowlada Puntland Faafaahin ka bixiso,  shacabkana u cadeyso heshiiskii kaluumeysiga ee ay la gashey dowlada yemen.

Yaman waxay lacag ka heshey World bank, ay ku hirgelisey “ booming Yemen Fishery Industry ”, taas oo u suurta gelisey iney kaluunka u dhoofiyaan dalalka yurub, iyo America, kaluunkaas oo badankiisa laga keeno xeebaha somalida.

HSDAB waxay shacabka puntland ka codsaneysaa , gaar ahaan kaluumeysatada iney midooban oo soo celiyaan dareen kii qaranimo, oo ay dhisaana Iskaashatooyin kaluumeysi oo xor ah.

Horumarint Xoolaha nool iyo beeraha waxaa loo ga hadli doonaa , mawduucyada soo socda

Soosaare: Hey’ada Somaliyeed ee daraasaadka arimaha bulshada,

Dr- Abdullah Ali ,

Dr- Mahad Camal

Hashi72@hotmail.com

Mahad.camal@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qorshaha Horumarineed ee Puntland, 10 sano ee soo socota. "

  1. labada dr. oo maqaalkaan qoray waan u mahad celinayaa waana arin aad loogu baahan yahay fikirkooda saliimka ah oo ay ka hadleen waxaana reer puntland ugu baaqayaa in la sameeyo iskaashatadii kaluumaysiga

  2. Mahad says:

    waxaan aad uga mahad celinaya 2 DR faalado dheer ee kusaabsan meelmarinta vision 10yrs, xaqiiqdii waa wax loo baahan yahay waa waxa umadi ku horumarto, hadii aan maamulku lahayn ahdaaf taa mecnaheedu waxuu noqonaya magac iyo maal doon. waxaan ku dhiiri gallinaya 2 DR in ay advocay and lobbying badan ay arintaa u galan. wd mahadsantihiin. sidoo kale bahda Somalitalk waan u mahad celinaya