Home » Warar »

Madaxweynahii hore ee Dalka Ghana oo Midowga Afrika u magacaabeen Ergeyga Gaarka ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Jean Ping ayaa madaxweynahii hore ee Ghana, Jerry Rawlings, waxa uu u magacaabay ergeygagiisa gaarka ah ee u qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya, sidaas waxaa magaalada Addis Ababa kaga dhawaaqay Midowga Afrika, Sabtidii October 9, 2010.

Ping waxa uu sheegay in madaxda Afrikaanku ay weydiisteen in Soomaaliya loo magacaabo qof “derejo saro leh” oo maarayn kara in uu isku dubarido taageero iyo sidii fiiro dheeraad ah loogu yeesho xasarada ka aloosan dalka Geeska Afrika dalkaas oo aan dawlad shaqaynasa lahayn laga soo bilaabo 1991.

Rawlings, waa 63-jir, waxaana arrimaha Soomaaliya ee loo xilsaaray ka mid ah “in uu isku dubarido qaarada Afrika iyo inta kale ee beesha caalamka si ay u qaataan masuuliyadda ka saaran, isla markaasna wax ku biiriyaan sidii loo gaari lahaa nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin ka dhacda Soomaaliya,” sidaas waxay ku qornayd warsaxaafadeedka Midowga Afrika, sida ay faafisay AP oo warka ka soo tebisey magaalada Addis Ababa.

Wararka AP waxa uu intaas raaciyey, magacaabista Rawlings, oo dalka Ghana xakumayey 20 sano (1981-2001), markii hore qaab keli talisnimo, markii dambena doorasho, waxaa magcaabistiisa ergeyga Soomaaliya ay ku soo beegantahay xilli ay Ciidamada Midowga Afrika (AU) ay dagaal xoogan kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ee qarka u saaran in ay xukunka ka tuuraan maamulka Muqdisho ee ay taageerto beesha caalamku, waa sida warka AP u dhigay’e. Waxana warbixintu intaas raacisay in Isniintii (Oct 4) ay Ciidamada Midowga Afrika iyo DFKMG ay qabsadeen goobo ay haysteen kooxaha ka soo horjeeda, waxaana dagaalkaas ku dhintay 15 qof.

Rawlings  ergeyga cusub ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa (AU), waxa uu December 31, 1981 inqilaab ku qabsay xukunka dalka Ghana, waxana markaas u bilaabatay 10 sano oo keli-talisnimo ku xakumayey (1981-1992), iyo kaddib uu uu dalka Ghana sii haystey 10 sano oo kale kaddib markii uu doorasho uu qabtay dabayaaqadii 1992 uu ku guulastey, waxana uu xilka sii hayey ilaa 7 January 2001.

Sawirka Rawlings, AP

Magacaabista Rawlings ee Arrimaha Soomaaliya waxay daba socotaa habkii loogu magac daray “Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ee lagu go’aamiyey kulankii 15aad ee Midowga Afrikaanku ku yeesheen magaalada Kampala.

Bishii June 2010 ayey ahayd markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon uu ergey Cusub u magacaabay Soomaaliya, oo lagu magacaabo Mahiga una dhashay dalka Tanzaniya. Taas oo jirta ayaa ergeygan cusub ay Midowga Afrika u magacaabeen Soomaaliya.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mahiga, waxa uu ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xafiiska cusub ee Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Rawlings, warbixinada hordhaca ahi ma sheegin halka laga furi doono.

Soomaaliya waa dal ku yaal geeska Afrika kaas oo gumaystayaashii reer Yurub u qabiyeen 5 qabood. Waxaa weli gumaysi ku haray laba qaybood oo dhul Soomaaliyeed ah oo reer Yurub ay gacanta u geliyeen Afrikaan, Afrikaankaas gumeysta dhul Soomaaliyeed oo xubno ka ah Midowga Afrika (AU).

Xilligan, sida warbixinadu sheegayaan, waxaa Soomaaliya xeebeheeda looga kalluumaysto si xad dhaaf ah, Ayadoo ay xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin maraakib militari oo ay leeyihiin dalal badan oo caalamka ah kuwaas oo u muuqda in ay dhanka kale uga jeestaan maraakiibta kalluumaysiga sharci darrada ah.. AKHRI Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego, taas oo aan cidna lagu ciqaabin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynahii hore ee Dalka Ghana oo Midowga Afrika u magacaabeen Ergeyga Gaarka ee Soomaaliya "

  1. abdirisaq says:

    ASC.
    Ninkan marka aad la sheekeysato dadka aqoonta u leh.
    waxay ku leeyihiin waa nin siddiisaba af qabeen ah,oo hadalkiisa dadka aad ugu soo jiita, sidoo kale waa nin iska dhal ah oo luqada ingiriiska aad u yaqaan amaba ay ula mid tahay afkiisa hooyo.sidaas awgeed marka uu dadka la hadlo aad usoo jiita oo ku qanciya rayigiisa.
    Wuxuu kale oo aad ugu yaha caan in uu jecelyahay inuu iska dhigo nin aan dadka iska weyneeyn oo tusaale ahaan haddii uu soo maro waddo markuu madax weynaha ahaa oo uu arko nin dhallinyaro ah oo gacanta ku sita xabbad sabuul galley ah oo cunaya inta uu u istaago ayuu cad ii jebi dhihi jirey oo la cuni jirey ama xabbad sigaar ah ayuu qof leeyahay keen aan dhammaystiree walaal. Markaasaa dadki u qaataan nin miskiin ah oo dadka aad ugu jajaban.
    Laakiin xilligi uu asaga oo ah laba xiddigle diyaarad dagaal duuliye ka ah uu qabsadey dalka; wuxuu laaya in badan oo ka mid ah saraakiishi ugu qiimaha badnayd dalka oo ay ku jiraan saraakiishi ugu sareeysey ee jananada ahaa ee lagu tabarey kulliyadda ciidamada dalka ingiriiska ugu sarreeysa.
    waxaa kaloo meydkooda duur laga helay ama la waayay xataa meel ay jaan iyo cirib dhigeen dad badan oo lagu tuhmayay inay mucaarad ku noqdeen ama lagu tuhmay mucaarad dawladdisa kuwaas oo dadka qaar ay ku leeyihiin waxa lagu qaaday helkobtar ciidan oo lagu tuurey intad dhagax ama bir culus lagu xirey badda atlantika bartamaheeda dad badan ayaana la toogtey ayadoon maxkamad lasoo taagin.
    waxaa sidoo kale xilligaas gurigooda lagala baxay saddex garsoore sare oo ka mid ahaa ragga ugu sarreeya golaha garsoorka dalkaas oo la dilay habeen madow.
    Dadka yaqaan waxay ku tilamaaman ninkaan ma naxe dhiig yacab ah oo jecel dhiigga iyo qalalaasaha haddana dusha iska dhiga nin maskiin ah.
    Haddaba waxan isweydiinayaa dadka dhiigga jecel maxaa loola soo doontaa dalkaan ma habaar hore u dhacaybaa, mise wax kas cad loo sameynayo.