Home » Warar »

Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo Buug ka soo saaray Daraasad uu samaynayey 30 sano (Aragtida Reer Guuraaga ee Ninka Soomaaliyeed)

Madaxa Mac’hadka Culuunta siyaasada iyo Is-tiraatiijiyada dalka Jabuuti Dr. Cumar Cismaan Raabe oo Daraasad uu Sameynayey 30-sano Ka Qorey Buug Magaciisu Yahay Aragtida Reer Guuraaga ee Ninka Soomaaliyeed (La Mentalite Nomade)

Dr. Cumar Cismaan Raabe oo ah Madaxa Mac’hadka Culuunta siyaasada iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti oo aan dhowaan xafiiskiisa ku booqdey ayaa Buugg ka hadlaya Aragtida Reer Guuraaga ee Ninka Soomaaliyeed ka qorey, Buugan oo Afka Faransiiska ku soo baxay daabacaadiisa ugu horeysey oo Cinwaankiisuna yahay (La Mentalite Nomade) ayaa waxaan wax ka weydiiyey Dr. Cumar sababaha ku dhaliyey qorista buugiisa cusub, caqabadaha hortaagan dowladnimada soomaaliya, sida uu ufikiro shakhsiga Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah iyo sharaxaad kooban bal in uu ka bixiyo meelaha ugu muhiimsan dhibaatada dadka Soomaaliyeed haysata xiligan.

Dr. Cumar Cismaan Raabe oo aan ugu horeyn weydiiyey dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dadka Soomaaliyeed ee uu buugiisa ku xusey ayaa wuxuu yiri “wax kasta oo Qaranka Soomaaliyeed lagu hirgelinayo, horumarka, midnimada, dowladnimada iyo nabadda waxaa carqalad ku ah, Jeclaanta dhaqankeena ee aan aadka u jecelnahay, waana mushkilad weyn oo hortaagan fikirka saxda ah iyo aragtida xaqiiqada sida ay tahay, sababtoo ah aragtida reer guuraanimadu, waxay ka celineysaa ninka Soomaaliyeed , sidii ku habooneyd noloshiisa inuu u fikiro, maskaxduna waxay u baahan tahay in ay u fikirto hab ay miro ku dhalineyso, taasina waxaa hortaagan qabiilka, qaabka qabiilnimo siduu u habeysan yahay iyo dowladu sida ay u habaysan tahay waa laba kala kaan ah, markastana qaabkii qabiil baa dumiya dowladnimadii, waxaana arintan baarayey 30 sano, Waxaan doonayaa in dhowaan aan u soo bandhigo dadka Soomaaliyeed cilmigan oo sharciyadiisa la kala miiro oo la soo bandhigo, lana keeno hab dadku ay fahmikaraan”.

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaa ku darey “Bal eeg halkii loogu talo galey aqoontu in ay maamusho, waxaa laga dhigey nidaamka 4.5-ka, qabiil iyo dowladnimo meel ma wada galaan oo sidaan baa la yahay oo dagaal bey iskula jiraan, ninka aqoonta leh wuxuu baaraa cudurkii iyo dawadiisa, laakiin qabiilku wuxuu bur burinayaa garaadkii, aqoontii iyo xikmadii uu lahaa qofka bani’aadamka, waana nidaamka qabiilku uu u dhisan yahay, sababtoo ah, kan waligii iskuul iyo dugsi aan dhigan, kan Jaamacad ka soo baxay iyo goobo kale ee wax barasho, mid caafimaad qaba, mid xanuunsan, mid dhiman iyo mid jaahil ah buu meel wada fariisinayaa qabiilku, waxayna leeyihiin waan tashaneynaa!!, marka ninkii soo jeediya hab caafimaadka ku saabsan oo dadka lagu daweeyo, wax laga yeelayo ma leh ileyn ma fahmayaane oo meesha waxaa ku badan kuwo aan aqoon lahayn oo aqoontooda gaarsiisan tahay boqolkiiba labaatan, marka ninkii aqoonta lahaa waa inuu isaga tago meesha ama iska aamuso”.

Dr. Cumar Cusmaan Raabe

Dr. Cumar isagoo sharxaya buugiisan cusub wuxuu yiri “Qorista Buugan aan u bixiyey Aragtida Reer Guuraaga ee Ninka Soomaaliyeed waxaan bilaabey 1983-dii, kadib markaan arkey waxyaabo la xiriira habka ninka reer guuraaga Soomaaliyeed ee uu u fikiro ama uu u socdo ama la iiga sheekeeyey, baa igu dhaliyey inaan arintaasi dabagalo 30-kii sano ee ugu dambeeyey oo aan ka shaqeynayey, waxaana ku soo koobey si aragti fiican Ummadda Soomaaliyeed ay uga yeelato xaalada Bulshadeedu u habeysan tahay, sida uu u arko aduunka iyo sida uu u socdo shekhsiga reer guuraaga Soomaaliyeed oo ay wax ka khaldan yihiin, murtidaasoo dhan waxaan ku soo koobey Buugan, hadii alle idmo sanadkan aakhirkiisa waxaan doonayaa inaan tago dalalka Mareykanka, dowladaha Yurub iyo dalalka Khaliijka, Masar, Suudaan iyo meelaha kale ee ay Soomaalida qurbaha u badan tahay, si aan uga wadahadalno oo aan uga soo sameeyo dood cilmiyeedyo badan, maadaama iyagu aqoontii iyo il-baxnimadii ay leeyihiin, waxayna awood u leeyihiin in Ummadda Soomaaliyeed u gargaaraan, inkastoo ay haysato iyaguba aragtida reer guuraanimada, laakiin si kale ayey u haysataa oo waa waxa caruurtooda baadiyeeya, ra’yi usameysan la’yihiin, waa waxa iyagoo badan aan waxna anfacin oo isku fahmi la’yihiin oo Ururo u sameysan la’yihiin, sababtoo ah caqligii ilaahay ku abuurey boqolkiiba toban ayey ka is-ticmaaleen inta kale wey iska xireen”.

“Nimanka SomaliTalk si fiican bey iila shaqeeyeen, waana niman wadaniyiin ah oo daacad ah, waxaana doonayaa in arinta ay iyagu hogaamiyaan, islamarkaana wax garadkii iyo aqoonyahanadii soomaaliyeed ee joogey Minnesota, isugu yeeraan si waxa jira aan isula meel dhigno, bal in aan ku qancin karo daraasadan aan sameeyey ilaa ay aaminaan haddii loo arko xal wixii la soo jeediyo, waxaana leeyahay soomaalidu wax kasta oo ay xaaladu tahay ha is-dhiibin oo ha rajo dhigina” ayuu ugu dambeyn hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.

  • F.G;- qoraal uu ku faah faahinayo Qoraaga Buugga halkan ka eeg (Waa qormadan hoose):

Inta ku hawlan hurinta illeyska iyo iftiinka waqtiga mugdiga ah ee la gudeyo

1-    Aqoontu ma aha oo qudha nuur. Waa oxygen-ka nolosha iyo sankunneeflaha.

2-    Waa daawada (medication) cudurada bulshada.

3-    Run ahaan waa hogaamiyaha dhabta ah (guidance) ee taariikhda ummadaha, iyadoo aqoonta  la’aaanteed aysan jiri karin horumar, barwaaqo iyo badhaadhe, suurtagalna aysan noqon karin in Aadamuhu ka gudbo dhibaatooyinka iyo marxaladaha halista ah ee jiritaanka.

4-    Aqliga (oo ah intelligence-ka markay aadana joogto, iyo instinct marka xayawaanka ay tahay) wuxuu u yahay wixii nool sharuudda 1aad ee jiritaanka. Soomaaliduna, waa dhaqankeede, wax tixgelin ah oo gaar ah ma siiso (aqoonta iyo aqliga saliimka ah ee sarreeya)…

5-    Sidaas awgeed buu Kittaab u tilmaamay kuwa uu ku sifeeyey « ulil albaab » iyo « uulul baqiyah », kuwaas oo doorka Allah u xilsaarey uu yahay inay ummadaha uga digaan, kana horjoogsadaan inay ogaansha la’aan iyo indhalaa-dhegali, uga qubtaan jararka jiritaanka. Waxaanay ugu yaboohaan waddada ay ku nabadgaleyaan ee ay ku noolaayaan

Waxa ayaan iyo hoodaba leh ummadaha uu Allah ku mannaysto dadka noocaas ah (« uulul albaab » iyo « uulul baqiyah »), niyadwanaag iyo nuurba xambaarsan, ee laga maalo xogta iyo xikmadda nolosha. (oo aanan la ugaadhsan, sida maanta ka taagan ummada soomaaliyeed…)


LIBRAIRIE VICTOR HUGO … Cumar Cusman Raabe
Rue de Rome BP 2560, Djibouti Ville,
Tél.  35 67 57 / Fax  35 20 76

1- Kaddib markii uu u kuurgaley, muddo 30 sano ku dhowaad ah, Qoraagu (Cumar Cusmaan Raabe) wuxa uu qiimayn lagama-maarmaan ah ku sameeyey dhaqanka Soomaaliyeed. Dhaqankaas oo soo jirey waqti aad u dheer oo ah, ugu yaraan, 4 000 sano…

2- Waa dhaqan da’ weyn ; aanan weligiis laga fekerin in la kala miiro, la cusboonaysiiyo, waxna lagu biirin, balse kumanyaal sano loo isticmaalayey siduu yahay uun ; iyadoon marna loo fiirsan faa’iido iyo dhibaato waxa uu leeyahay amase ku soo kordhay.

3- Waa dhaqan mar horeba uga gudheen wixii dhuux iyo dheef u lahaa, naf iyo nolol ahaa ee uu ku hirgalay : taasoo ay ugu wacan yihiin isbeddelka iyo horumarka taariikheed, ee ballaaran ee aadamahu gaarey dhinac walba ! Adduunku maaha kii qarniyadii tegay, innaguna isla kuwii umbaan weli nahay, isla sidii hore umbaynu u noollahay !…

4- Waxaanu (dhaqankaasi) isu rogay dabar adag oo liddi ku ah kobcinta tayada iyo tamarta caqliga iyo cududda Ummadda Soomaaliyeed, iyo xakama yaab leh, oon la dhaafi karin oo u diidan bulshadeenna inay gaarto horumar, wixii qaranku nolosha ka ka kasbadeyna (qalab iyo aqoon, hanti iyo maal, farsamo iyo waaya’arag) ku fara’adaygto, xusuusnaato oo ay xajisato…

5- Habka dhaqaale iyo dhismabulshadeedka gaarka ah awgood, danta guud iyo maamulkeedu waa wax gabaabsi iyo gaaraabildhaan ah, waxaanay ku sugan yihiin heerka ugu hooseeya ee suuragalka ah ; waxaanu dhaqankaasi bulshada Soomaaliyeed ku musmaaray dambeyn taariikheed iyo saboolnimo joogta ah oo dhinac walba ah.

6- Wuxuu dhaqankaasi gaar ahaan u hortaagan yahay, ula dagaalamaa intuu Ilaahay ku mannaystey maskax gooni ah iyo hibooyin qayra caadi ah sida genius-ka, nimanka waaweyn (Greatmen, Statesmen) iyo habdhismeedka horumarinta bulshada (state institutions).

7- Dareenka qabiil (tribalism) waa « resultant »-ga wajiyada kala duwan, ee isu maran, ee dhaqankaasi oo ka horjeeda qaranimada

8- Waxa arrimahaasoo dhan ka sii daran in, ilaa haatan, marka laga reebo gabayaaal dhif ah oo garaad badan, aysan Dowlad iyo Dadweyne cidina war ka hayn in mashkalad intaa le’eg oo jiritaankeenna halisgelinaysaa ay ka soo jeedo dhaqankeenna aan ku faanno ee aan fekerla’aan ku dheggan nahay !... Waana sababtaas awgeed waxa maanta xal loogu la’yahay Masiibada Soomaaliyeed (« somali Crisis ») sababtaasoo kolka horeba ay curisay, dhiigga iyo dhuuxuna u qubanayo 20 sano…

9- Ummaddani inay sii jirto waxa shuruud sine qua non u ah inuu dhacdo kacaan weyn oo dhinaca fekerka, dhaqanka, dhismaha bulshada iyo aragtida « haraadiga »-ga ah ee aan adduunka iyo Taariikhda ka haysano.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo Buug ka soo saaray Daraasad uu samaynayey 30 sano (Aragtida Reer Guuraaga ee Ninka Soomaaliyeed) "

  1. Cumar says:

    Asc,
    Dr. Raabbi waan ku jecelnahay, Allaah (SWT) haku jeclaado.
    Kal hore wareysigii Somalitalk aad siisay ayaa xusuustiisu raad weyn nagu reebay sida ay u saxnayd aragtidaada Soomaalinimo iyo muslinimaba.
    Waxaan dareemayaa bilowga dawada xanuunka na aafeeyey ee aan weligeenna iyo haddeetaba la il daranahay waa aafada (aragtida reer guuraga) in ay bilowdeen abaabulka bandhigyo dareen fog leh, aqoon ku laga baaraandegey ku saleysan taasoo lagu bixiyay waqti badan iyo wax qabad qorshe fayow lihi ku xigo kaasoo aan ku hanweynahay inuu caafimaad keeni doono.
    Quruum badan ayaa ibtilooyin soo maray balse kuwa dareen fog leh oo cilmi xanbaarsan ayaa ka saaray rafaadkii ay ku jireen sida Germany eeg taariikhda dalkaa (1945-2010).
    Haddaba waxaa igu weyn taageerada wax kastoo ku habboon inay taabba gal noqdaan si looga badbaado marin habawga nagu abaadey ee na silciyay
    Ugu danbeyn waxaan ra’iyi ku soo jeedin lahaa inaan afafka noogu muhiimsan lagu sii turjumo buuggaan

  2. runsheeg says:

    Qoraagu kheyr RABBI ha siiyo wixii danteena ku jirtana ha waafajiyo, laakiin waxaa ugu dari lahaa dadka soomaaliyeed waa sedex qaybood:
    1- Geeleey
    2- Beeraleey
    3- iyo kaluumeysato
    marka waxa uu ka hadlay kuwa guur-guura ama reer-guuraaga ah waa geeleeyda oo mar kasta raaca meeshii ROOBka ka da’o.
    marka qoraayoow bal dib ugu noqo oo fiiri ee keen beeraley ama kaluumeysato guu-guurta, waxa soomaliya ka dagi la’dahayna waa geeleey ama waqooyi ha joogo ama koofur ha jooga amaba bari waa isku mid ee dhibkooda RABBI hanaga qabto, aniga waxaan ka soo jeedaa qoys beeraleey ah oo subaxdii beerta ayaan ku dheelmanaa habeenkiina waan ka soo hoyanaa oo war uma hayno meel wax ka dhaceen iyo meel kale.
    mahadsanidiin

  3. Jananka says:

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim…

    Waa buug aad u qiimo badan oo u baahan in la gato lana akhriyo. Run ahaantii buuggan aad baan u xiisaynayaa in aan gato, haddii Eebbe idmo. Haddaba Qoraaga maqaalkan iyo SomaliTalka-ba waxaan weydiinayaa intee Buuggan laga leyahaa hadii loo baahdo in la iibsado? Suurto-gal ma tahay in Online-ka laga heli karo?

    SomaliTalk staff and the writer of this article aad baa u mahadsan tihiin.