Home » Maqaallo »

Hooyo !!! ifka Hibo Ku Nooloow Aakhiro Halkii Roon !!!! | Saahid

Horudhac :

Cinwaanka Maqaalkayga waxaan ka soo Shaxaaday Heestii Hooyo ee Abwaanka weyn ee Mohamed Warsame Hadraawi ee uu ku luqeeyo Boqorka Codka Mohamed Saleemaan.
Waxay Qoraayaashu Dhahaan ( laa mushaaxaata fil Cinwaan) !!!
Haddii aan xoogaa ka soo Qaato Abwaanku wuxuu ka yiri Sifaha Hooyada :

Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo.
Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo.
Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,
Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee.
Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo.
Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo.
Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo.
Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee.
Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay.
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan

Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna
Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Hangal baan u xirayaa inta haada duushiyo idil habar dugaageed
IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON.

Akhristoow Haddadan Reer Xamar iska dhigayn sharax iigama baahnid ayaan filayaa,
se si aan Maqaalkayga u xoogeeyo aan sharax guud ka baxsho sida farsameysan ee Abwaanku u tilmaamay Lama huraanimada hooyada marka laga hadlaayo dhanka nolosha.
Ma uusan ka hadlin inta ay Uurka nagu waday taas oo uu Allaah Quraankiisa wax badan ku soo celceliyey markuu noo sheegaayo u baarinimo falka Waalidka siiba Hooyada.
Allaah Wuxuu Quraankiisa ku yiri :

( Waxaan kala dardaaranay Bani’adamka labadiisa Waalid, Waxay Hooyadiis ku qaaday Caloosha ayadoo lala qabo tabar daro tabar daro kale lagu daray…) 31:14
mar kale ( Allaah wuxuu ku tilmaamay mid dhiban markay Uurka ku waday iyo markay Dhaleysayba) 46:15.
SE Abwaanku wuxuu ka bilaabay in hadalka & hadaaqaba ay ayadu sabab noogu aheyd, islamarkaasna Ruux aysan kool koolin oo u heesin ooysan soo ababin uu wax weyn ka maqan yahay.Sidoo kale in tafteeda,Dhabteeda,dusheeda aan raaxo & dugsi ka helno.
Wuxuuna ku soo gunaanaday in hooyadu Adduunkana sharaf & xaqdhawr ay nagu leedahay markay dhimatana u duceyn iyo soo xasuusasho ay nagu leedahay.
Wuxaana ku soo gabagabeeyey Ifka in ay Sharaf iyo Xqadhawr ku noolaato ,Aakhirona Allaah makaan fiican uu dajiyo…ifka hibo ku nooloow Aakhirona halkii Roon oo Janada ah.

Dulucda Maqaalkayga :

Hooyada Sharaftaas iyo Xaq dhawkaas nagu leh ayaa maanta Magaallada Muqdisho ay Carruurteedii ku gumaadayaan, sharafteediina meel kaga dhaceen, Jiif u diideen, Nabad u diideen, Qaxaysa ilmo Gacmaha haysa,ilintu ka Qubanaysa,waxay cunta haysan, ilamaheedana u haynin, wixii yar ay heshana kuwa yar yar afka ugu aadinaysa markaasna markay hiinsadaan oo ka dhamaystaan Gaajo la soo kadaloobsanaysa.
Akhristoow waxaa ku dartaa ayadoo Sooman Maalintii Habeenkiina aan Seexan karin markay maqasho sawaxanka Madaafiicda lala Beegsanaayo, aydoo kuwii yar yaraa dhabta ku haysa, xagey u qaxdaa meel Allaah inta may u qaxdaa Meel Allaah !!!!
Yaa dilaaya Hooyadaan Sow kuwii ay dhashay ma ahan, Yaa Qaxinaaya Hooyadaan sow kuwii ay u Dhaxday maa han,Yaa dilaaya Hooyadaan sow kuwii in ay Badbaadiyaan ee Dawlad ku sheega ahaa maahan !!!! Ifka hibo ku nooloow Aakhiro halkii Roon !!!!

Aan mar kale jaleecsado Abwaan Hadraawi :

Abwaan Hadraawi asagoo Qiimaha Hooyada tilmaamaaya oo ka hadlaaya waxa Hooyada Fiican lagu garto, wuxuu yiri :

  • Marka aad Nin hoogiyo
  • ka Hortagga Dagaalkoo
  • Dabkaa Hura Bakhtiiyoo
  • Garta Hubin Yaqaanoo
  • Xaqa Hoos u Eegoo.
  • Halista & Colaadaha
  • Ku Hagoogto Dhiigoo
  • Dadka kala hagaajoo kala haga
  • Dhashaa Baa Hooyo Lagu Xasuustaa.

Masha Allaah Nabigu wuxuu yiri NNKH ;

( ina minal Bayaani la sixraa) ama sidaas oo kale ayuu yiri;
oo Macnaheedu yahay Suugaanta oo wax lagu cadeeyaa soo jiidasho sixir oo kale ah ayey leedahay.
Bal Fiiri Akhristoow Hooyadu waa midda Dhasha Nin karmeedka Colaadda joojiya, dhiiga Muslimka ku Hagoogta , Dabka sharta ah ee Holcaaya Damiya,Dadka kala maslaxa oo kala hagaajiya, Xaqa u Hiilsha !!! Kaas ayaa Hooyo Lagu Xasuustaa !!!!

Maanta Reer Muqdisho ama aan Dhaho Soomaaliya oo dhan ma ka la’nahay Ninkaas Geesiga ah ee Dadka iyo Maatada ay Hooyada Xamar ugu Horeeysa Colaadda ka Baajiya oo Dhiiga Soomaalida ee 20 ka Sano Tifqaaya joojiya oo ku Hagoogta ma la’nahay.
Ma la’nahay mid u Gargaara Hooyadaas mar kasta la qaxinaayo ee Ilmaha qaar na dhabta ku sidda qaar na xanbaarsan, Qaar kalena gacanta haysa ee ooyeysa !!! ee leh
( Yaa Muctasamaah ) !!! Aaway Wadaadadii Diinta noogu Yeeri JIray, aaway Wax garadkii ,Aaaway Duqowdii, Aaway Islaanki,waberkii,Suldaankii, Ugaaskii,Imaamkii, Islaawgii,Malaaqii Aaway Aaway Aaaway Awaay Aaway Aaway Aaway Aaway Aaway….

ILeen Wax kasta Geesinimo ayaa Qurxisa :

Ileen Wax kasta Geesinimo ayaa Qurxisa , ileen Wadaad aan Geesi aheyn wax ma taro,Ileen Ugaas aan aan Geesi ahaeyn wax ma taro, ileen Caaqil aan Geesi ahayn wax ma taro, ileen Maalqabeen aan Geesi ahayn wax ma taro,ileen Waayeel aan Geesi ahayn Wax ma taro, ileen Nin aan Geesi ahayn wax ma taro sidiisaba, Wax kasta oo sifo ah uu leeyahay haddii geesinimo nin ka maqan tahay Ninba ma ahan.

Waxaan u Baahanahay 100 Nin oo Debedda ka tagta oo Xamar gasha oo Calan cad Qaadata oo dhiigaas joojisa…. ANIGA AYAA KA KOW AH ….(1)
Waxaan Rabaa 100 Nin ugu Yaraan oo Diasbaro ah oo debedda ka tagta oo Calan Cad Qaadata oo Dagaalka Xamar soo Joojisa, Hurtana in ay Qoyskooda Debedda uga Tagaan ooy ka hormariyaan Nolosha Hooyadaas ooyeysa ee Qaxaysa, Waxaan Rabaa 100 kaas Nin in ay Naftooda u huraan in Xamar lagu dilo ayagoo ku kala dhex Jira Hoobiyaasha la isku Ridaayo !!! Haddaan Dhimano Laa Qadara Laah waxaan Hubaa in uu Dagaalkaas joogsanaayo oon Dhiigeenaas Hooyadaas ooyeysa ku Badbaadino … Waxaaan Rabaa 99 Qof oo Naftooda ila hurta oo Xamar ila aada !!! Liiska E-mailkayga ku soo gudbi magacaaga iyo Meesha aad joogto !!! Sidoo kale Somalitalk u soo gudbi .

Maanta Hadal waa dhamaaday waxaan u Baahan nahay Ficil Adduunka ka wareeriya.

Waa in aan Hooyaddaas Sharafteeda Adduun soo Celinaa Soomaaliyey !!!!

IFKA HIBO KU NOOLOW AAKHIRO HALKII ROON !!!!

FII AMAANI LAAH

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA, VA
sahidyusuf@yahoo.com
(1) Arrinkaan kaftan ma ahan haddii aanan naf hurin dagaal ma joojin karno Ruux kale oo aan Soomaali aheyn oo noo qabanaayana ma joogo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Hooyo !!! ifka Hibo Ku Nooloow Aakhiro Halkii Roon !!!! | Saahid "

  1. Mh Mohammed says:

    hahahahahahahaha Walaahi sxbkay Adam Abuzuhri aad buu iiga qosliyey,, waa run sheeg laakiin haddana tacliiiiqiisa markaan dhuuxay waxaa iiga muuqatay inuu Soomaaliya oo dhan ka calool goystay kolay Sheekhunaa aniga iyo Abuzuhri ma soconnee Ilaaahay hawshaadaan hakula garab galo.

  2. HORAAN UGALAY HOWSHAAN- 08-01-1991 10 AROORNIMO SAACADA MUQDISHA
    Ass. Alaykum. Waxaan sigooni ah usamalaamaya ninka maqaalkan
    qoray oo runtii kutuhmayo inuu qalbiga ka rimanyahay Somalinimo! Waxaan filaya inuu raadinaya meeshii uu naga soogali lahaa iyo qadiyad aan kamidaysanahay; wuxuuna doortay cunwaankan HOOYO IYO HOOBIN!
    Intii aan saakay usoo socday shaqada ayaan kadhagaystay Idaacada Qur’aanka (Qatar) inaay tahay kalmada ‘UMMEE’ hooyo kalmada ugu macaan ee qofka afkiisa ka soo baxda! Kadibna waxaan xasuustay sirta iyo sababta uu walaalkeen udoortay ‘HOOYO !!! IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON !!!! |’

    TIMIRTII HORABA DAB LOO WAA- waa hal-hays Somaliyeed oo dadka aan doonayn inaay wax isku dayaan ay isticmaalaan, anigana aad ayaan ugu helaa niyad jabka igu dhacay darteed laakinse igama ah inaan walaalkey barnaamijkiisa wadaniga ah hor istaagaya ee waxaan ka hadlaya wax isoo maray!
    Taariikhda aan kor kusoo sheegey sida ku aragtidba 8 beri iyo dhowr saacadood ayaa ka soo wareegey markii aan dabka qabadsiinay tuuladii ugu danbaysay Somalia- Muqdishu!

    Saacadu waxay ahayd 12:30 duhurnimo! Waxaa ii sawiran oo aan toos u eegayay goobtii ugu horaysay ee ay xabadaas ka soo dhaceysey; 15daqiiqo kadibna waxaan ila taagnaa gaarigii ugu horeeyey ee xabada lagu ridaayey saacadaas oo sicajiib ah kusoo badbaaday! Ma’aha riwaayad aan isku aad aadiyey!

    Maalintii 7aad ee dagaalka ayaa waxaa ka istaagay masaajid aan salaada duhur kutukunay- wiil dhalanyaro ah oo aan markii dambe ogaaday in la oronjirey CALI RAAGE! Kalmadyar oo Alle kacabsi ah kadib, wuxuu noo sheegey in beri lagu balansanyahay dhakhtarka Madiinah meel udhow kadibna aan udhaaqi doona meesha ay xabadu kadhacaysa si’aan ukala dhaxgalna dadkaan walaalaha ah ee dagaalamaya!

    WAXAN KAMID AHAA DHALANYARADII LOO DHIIBAY MAYKARAFOONKA AAN KAQAATAYNAY “ALLAHU AKBAR!”
    Aniga iyo wiil aan daris ahayn waxaan kasoo lugah xaafada madiinah, Xoosh!
    Mudo yar kadib waxan soo gaarnay goobtii balanta, kadibna waxaa gacanta nalaga saaray microphoneka nabada. Luuqada nada waa ALLAHU AKBAR… ALLAHU AKBAR….ALLAHU AKBAR! Qabiilka nagana waa wadaad, dumar iyo ciyaal somalinimo wado!
    Xaafadan soo marnaba, waxa nagu soo biira dad qiiraysan oo aaminsan waxa aan wadno! Waxanse xasuusta inay nasoo raaceen dad dana kale watay laakinse uma suurta galin!
    MAYKAROFOONKII oo gacantayda laga qaatay iyo anagoo khatartii ugu horaysay galnay!
    Anagoo isu jirna wadaado qiiraysan, dumar iyo ciyaal Takbiirta kudhaxwada oohin-ayaa waxan soo gaarnay saldhiga Howl-wadaag oo kamid ahaa meelaha laysku horfadhiyay maalmahaas!

    Ninkii arkay ayaa xasuusta askartu waxay kujiraan saldhiga, mucaaradkana guryaha laamiga saaran ayay kugabanayaan oo xabada katuurayaan. Xageen marnaa? Nin kamid ahaa mucaaradka ayaa amar kusiiyey saaxibadiis inaay xabada joojiyaan inta ay dadka gudbayaan.

    Haddii aan dhaqaaqnay oo aan marayna saldhiga hortiisa ayaa waxaa naqabsaday rasaas(baas ah) oo aanan garanayn meesha laga soo ridaya. Waxa kuxigtay microphoneka oo lala wareegey iyo colkii oo jaha wareerey.
    Al-muhim, madoonaya inaan idinku dheereeya, arintii waxay kudhamaatay intii aan lasocday ilaa iyo 1da duhurkii- geerida 2qof Ka hor intaan lakala tagin maalintaas. Maalmihii kuxigay Aniga ma raacin oo waxaan kuqancay inaan mudaaharaad waxba looga badali karin wadanka ee loo baahanyahay in dabaqo aayada Qur’anka وَإِنْ طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِنْ بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِنْ فَاءَتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ .

  3. Shukri says:

    A.c Sh. Saahid adiga iyo inti kugu raacda Alle ha idinka abaal mariyo aduun iyo aakhiraba, allena ha idinku guuleeyo, aamiin. Waana ra’yi wanaagsan, waana wax loo baahna, oon islahaa talow Soomaali ma ka soo bixi doonaan rag dhexdhexad ah oo geesi ah o kala dhex gala … Marka allaa mahad leh, wax walbana waqti bay leeyihiin, inshallaah waad heli kuwa ku raaca oo kugu kaalmeya howshaas kheyrka leh. Sh. Saahid iyo inta wanaagsan e kheyrka ka shaqeynaya waxaan leeyahay u sabra dadka hadaladooda, hankiinanna yaan la jebin. Anagana ducadaan indinku kaalmeyneyna. Aaww

  4. Ruuxii kowaad ee ka soo jawaaba 99 Qofood aan Raadinaayey ayaa la helay !!!! Maasha llaah. Wallaal Rag ah ayaa ka soo jawaabay codsigii waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa sidatan:
    ( walaal waan ku salamay run ahaanti waxaa aad iyo aad ii soo jiitay maqaalkaagi aad ooga hadlaysay hooyada runtii diyaar ayaan u ahay in ka qayb qaato proposalki aad soo jeedisay si dabkaa hura aan kaga hor tagno aniga naf iyo maalba diyaar ayaan u ahay dalkayga in aan ugu adeego waliba dariiqa saxda ah ) !!!!
    Yaa seddexeeya oo sadexdiisa Magac Janada laga Naadiyaa ????
    waa Bilaabatay ……waa kuma 98.

  5. SCWXWB Kuligiin !!!!!
    waad mahadsantihiin kuligiin akhrinta aad akhriseen Maqaalkii Hooyo !!!
    Maqaalkaas oon Qoray 10 kii ugu danbeysay Bishii Ramadaan ayaa, waxaa igu bixiyey Hooyooyin ooyaaya oo laga soo bara kiciyey Xafadeydii Siigaale ayagoo leh guryaheenii waa kuwaas mana gali karno carruurtiina gacmaha daadihinaa ayagoo ka cabsanaaya hoobiyaalka soo dhacaaya.
    Markaan Maqaalka qoraayey ma ooyin se waxaan ooyey markaan Akhriyey tacliiqii Adam Abu Zuhri oo aheyd Sheeko Run ah oo la mid ah taan ka sheekeeyey oo kale..
    Wadaad u jawaabi maayo waxaa iga kafeeyey Jawaabta wallaalaha ragga ah & gabdhaha ah waana ku mahadsantihiin.
    Se waxaan idinka rabaa in laga hadlo sidaan Dhiigaas u joojin laheyn oon Xamar u aadi laheyn, 99 kii Qof wali waan sugayaa !!!!!

  6. Sheekh Saahid, waad iga geesisantahay haddiiba aad xal soo jeedisey! Waxaan jeclaan lahaa inaan bilowno inaan talooyin soo jeedino iyo waxa uu xalka yahay!
    Aniga inta muda ah uurkan kaguuxayay! Qofka uhoreeye ee aan kusir-qarsadaba waa iquusiya isagoo leh:
    Waryaa ma Shariifka Mujrimka ayaad taageereysa…Waryaa ma Shabaabka waalan ee shacabka gaalaysiiyey ayaad lasafantahay!
    Maqaalkaada waxaan uqaatay inaad leedahay xabada ha lajoojiyo ee isma lahayn fiqikala ayaa kujira! Wadaada maxaa kuu geeyey oo baas haddiiba aad wadaad wax kasheegtey!
    Inta aanan Aayaadka gaarinba, heesta ayaa ixasuusay dagaal dagaalada kamid ah anigoo agoon ah oo ay hooyadey gacanta ijiideysa… wax iga yar iyo wax iga wayn intaba lawada yaryahay… keey lacarartaa… keey katagtaa… hoobiyaha! Dhanka ay rasaasta kasoo dhacaysa ayay naga xigsataa… marka ay garanwaydo si ay waxyeesho oohin ayay nala agfariisataa… … intaas marka aan maraya maqaalka inta kahartay ma akhrin oohin ayaan afka furtay…albaabkaan kabaxay anigoo kabaqaya inaay i arkaan dad ajaanib ah oo aan lashaqeeynayey… waxayna ahayd maalintii 1aad ee maqaalka lasoo qoray!
    Maanta oo aan dib ugu soo noqdayna misana shabaabkii Somaliyeed halkan ayay kudagaalamayan!
    Somaliyeey sidaan dan ma’aha…dadkiina waa dhamaadeen ee sideed rabtaan! Diin iyo dastuur intaba wax idinka badaliwaayeen ee madhiigaad xalmoodeen!
    Allahow Somali kala qabo, naguna badbaadi ducada masaakiinta!

  7. Abdinsir A says:

    Innaa lilaahi Wa innaa ileyhi raajicuun. War hadalka xigmada ayaa lagala baxaa, cadaaladana lagama tago. Aayad quraan ah ayaa muslimiinta ku amaant( Alladiina yastamicuunal qawla fayatabicuuna axsanah) Iyo hadaan u leexano dhanka cadaalad falida.(Walaa yajrimanakum shana aanu qowmin calaa allaa tacdiluu icdiluu huwa aqrabu littaqwaa). Tan kale culimada lama aflagaadeeyo, sidoo kale adigoo difaacaya diin inaad dambi faa’idaysato waa dhibaato. Hada sheekhu wuxuu cabiray xikma ahaan wixii u muuqday isagoo soo qaatay suugaan, sidoo kale qur’aan iyo xadiis. Maxaa keenay inta indhaheenu arki waayaan qur’aankii iyo xadiiskii inay arkaan suugaantii? Waxay ila tahay waa cadaalad darro. Laga yaabee inaan sheekh saahid wax ku khilaafo laakiin taasna igu keeni mayso inaan aflagaadeeyo ama aan cadaalada ka tago anigoo rag iska dhici igu jirto. Ogow markaas waxaad hilmaamaysaa Allaah ka cabso. Ilaahay ayaa xaqsoore ah oo dadka kala xukmin doona. Waxaase la yaableh dadkaan iska xaganaya screenada dhexdooda(muraayadaha computerka) waxay wada joogaan qurbaha oo waxay isdhaamaan ayaa iska yar. War Allaah ka cabsada oo wax iinan ahayn ha iska dhigina. Ilaahay wixii gef ah oo aan meeshaan ku qoray ha ii dhaafo anigoo haday iga dhacday aysan iga ahayn qof muslim ah ku xumee. Wixii aan asiibay Allaah ayaa mahadeeda leh,mar kastana isagaa mahada leh.

  8. Suuban says:

    Sheekh Saahid Allah kaa abaal mariyo wanagaaga talo fican ayaad soo jeedisay waxan rajaynayaa in aad hesho dad kugu taageera inshalah..

    hees iyo gabayba waa la soo daliishan karaa mar hadeey taabanayaan mowduuca laga hadlayo , qasabna maaha qofku inuu dhagaysto iyagoo qoraal ah ayay jiraan

    somalida dhibaatada ugu weyn ee haysataa waa waxba ma hubsadaan wixii wanagasana waxay u qataan dhinaca xun sheekh saahid mujaahidin kama soo horjeeda ee xaqiiqda ka jirta dalkeena ayuu taabtaa mar walba waliba si cilmiyaysan soomaliyeey aan wanaaga naloo soo jeediyo qaadano xumaantana iska deyno iyo mucaaradnimo aan booskeedii oolin

    Ilaahay waxan ka baryayaa inuu xaqiijiyo fikradan walalkeen sheekh saahid soo jeediyay inshalah mar kale jazaka lahu khayran

  9. wadaad says:

    dadku waxaad moodaa in ruuxii u heesaba uu wanaag u wado ama fikir qaldan usoo gudbiya
    sheekh meel ka heesay waxaa ugu horeeyey janaqow asagoo dal xoreeyayaasha ku tilmaamay qawaarij, dadbaana qabiil ku taageerey oo markaas ay la qumanayd maanta waa kan meelaha qaxooti ku ah.
    sh saahid sheekha la yiraahdo kolay aniga ma aqaano laakin dhowr jeer baan qoraal uu qoray ka aqriyey somalitalk dhamaantood nin caqli leh wuxuu qoro uma ekeyn sababtoo ah kiwii hore mujaahidiin buu ku durayay waxaan is lahaa waa kuwa salafiya jadiida labaxay ee maalintii ilaa 5 jeer is radiya ayaga laftooda, laakin sheekh nusuus ka aqriso iyo adillo cad cad baanu lahayn laakin markii uu noo qaaday heestii boqorka codka bay arintu fashilantay oo sheekhnimadii meeshaas ayay ku hadhay marka aduunka maanta aan joogno waxaa yar inta diinta sida daacada ah u sheegeysa ilaahay hana asturo

    mideeda kale sh saahid waxaan su’aalayaa AMISOM gaalada africanka ah ee wadanka joogta ee suuqa bakaaraha dadka ku xasuuqaysa iyo kuwa la shaqeeya xukunkooda wuxuu yahay??

  10. faizah says:

    ascww walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaantiin waxana idin leeyahay allah haydinka abaal mariyo wixii wanaga wixii gef ahana cafiyo aaaaaaaamiiin dhamaanteenba .

    Tan kale shiikh saahid waad ku mahadsantahay waaci nimadaada iyo wanaaga aad la dooneeyso hooyooyinka iyo ma yeeraanka ku dhibaataysan dalkoodii iyo ciidoodii .

    allah waxaan ka baryeeynaa inuuu inaka qaado dhibkaaan aaaaaaaaaaaaaamiin , hadafkiina kuwii ku guuleeysto allah haydinka dhigo ,

    Akhristayaasha waxaan leeyahay walalayaaal ahaada kuwii intay aqrikyaan amaba dhegaystaaan wixii cilmi ah maadi iyo diiniba qata kiisa wanaagsan

    waayo diinteenu waa shaamil waa mid shamystiran isla mar ahaantaaana kuu ogol inaad wax aqriso ama dhegaysto oo raacdo hadalka kiisa wanaagsan
    waxaan uga gol leeyahay intaan dhalanteed dul meeraysanayno yaan macdanta gacmahaaga ku jirtaa cadaw ad leedahay hadhaageeda kaa siibin ,
    oo ah intaad eray ku dul wareegayso waxaa ka haboon inaan fal la timaado oo wax qabato maanta somalia uma baahna waxa danbaska dib u afuufa si uu markale u hudho haseyeeshee wuxuu u baahanyahay dad ka qaada danbaska oo maatada iyo mayeedhaanka ka maydha rafaadkii soo maraya ee 20 iyo dhawr jirsaday ku dhawaaday rubucqarni

    waad mahadsantihiin walaalahay ku waara wanaag iyo fikir wanaagsan +ve

    ALLAH HAYDIN DHAWRO

  11. cabdinasir says:

    waxaa aad umahadasan “shekha” hoyada ahmiyada ayledahay buu ino ifiyay anigu waxaan islahaa heesta macnaheda un buu ku ekanaya lakiin si xaragoleh buu ugahadlay,ayado quran ah bu sodlishaday”wawaseyna al insana biwalideyhi” bani adbmka inu ixsan ufalo labadi dhashay baala,faray, aftahanimadu waa cajiib,qof mar ha,du gabyaa yahay si wanagsan bu u qexaya waxa udono,Hooyo waa mida, nadhashayna,nuujisay xaqeda magudikarno.marlabad iyo martsadaxdba waxaanleyahay qoraga wu mahadsanyahay..

  12. Mh Mohammed says:

    ASC Sheikh Saahid,,

    Baarakallaaah, Ilaahay waqtigii aad galisay wanaagiisa hakaaga abal mariyo mid adduun iyo mid aakhiraba, waana wax aad u sareeya in suugaan wax lagu cabiro marba hadaysan fasaad keeneyn waayo culumaduba gabyo way raacin jireen marka ay diinta faafinaayaan. DEG-DEGGU MA FIICNEE DIINTA HUBAAL HA LOO YEESHO, Culumadana yaan loo gefin hadday wax idin tusaaleeyaan.

  13. Shiikh Saahid says:

    Waddaad :
    Waxaan filayaa in aadan wada Akhrin Maqaalka se haddii aad wada Akhrisay maxaad qaarna u xustay qaarna aad Daboolka u saartay.
    Hees kaliyah ma soo Dalliishan ee Aayadahan Quraanka ah ayaan soo Daliilsaday ( Waxaan kala dardaaranay Bani’adamka labadiisa Waalid, Waxay Hooyadiis ku qaaday Caloosha ayadoo lala qabo tabar daro tabar daro kale lagu daray…) 31:14
    Mar kale ( Allaah wuxuu ku tilmaamay mid dhiban markay Uurka ku waday iyo markay Dhaleysayba) 46:15.
    Sidoo kale waxaan Xikmada Hadraawi u Soo Daliilsaday Xadiis Nabiga ka sugnaaday NNKH ( ina minal Bayaani la sixraa) !!!
    Se waxaan filayaa taas waa dabeecaddii Ahlu Kitaabka oo Qaar Towraad ka mid ahna sacabka saara qaarna Daliilsada.
    Midda kale yaa diiday in Hooyo Samafalkeeda in Gabay Ama Hees loo Daliilsado haddii uu Sharafta Hooyada Muujinaay ( Ifka Hibo ku nooloow Aakhirona Halkii Roon).
    Anigu Shiikh Waanba ahay se adigu armaad wadaad yare tahay kkkkkkkk.
    Haddaan u Soo noqdo yaa hooyooyinka Xamar Xasuuqaaya waa Ragga aad mujaahidiinta ku tilmaamayso oo fidnada haatan socota Bilaabay May,2010 markii ay Diideen Talladii Culumaddii Soomaaliyeed ee 50 ahaa ee ku taliyey in Amison Nabaddii ay ku yimaadeen ku saarno.
    Labo sano ku dhawaad ayaa Talladdii Culumda ka soo wareegtay se dhibka ka dhashay Maanta Ruux kasta oo Soomaali ahi waa u jeedaa.
    Wuxuu Nabigu yiri NNKH asagoo Fidnada ka hadlaaya ( Lacanalaahu man Ayqadahaa ) oo macnaheedu yahay Allaah Naxariistiisa ha ka fogeeyo Ruuxa Fidnada Bilaaba oo ah kuwa aan maanta u jeedno.

  14. maymuna sakariya xuseen says:

    shiikh sahid wadaad waa waalan yahay. adigana shiiriifka ka har. aad baan uga helay waa ku mahadsantahay qorida hooyada somaliyeed sey u fiicantahay ilaah ha kaa abaal mariyo

  15. wadaad says:

    kkkkkkkkkk sheekh saahid waxaan kumoodi jiray sheekh ileen fanaan baad ahayd heesaha dhagaysta in badan baan is weydiiyey maxaa mujaahidiinta daba dhigay ileen ninka sheekh noo soo qaatay waa reero heeso ma xuma xikmada in lagala baxo laakin inaad xayaysiiso ayaa qalad ah..
    mida xigta xamar waxaa dhiiga ka daadinaya gaalo kusoo duushey magaca ay wataana anaa kuu sheegaya maadaama aadan arkin waxaa la dhahaa gaalada hooyooyinka laynaysa AMISOM
    marka hadaadan garan karin oodan arag gaaladaas kana hadal sidii looga xorayn lahaa hoobiye unbaa kugu dhici adoo marna boqorka codka heestiisa qaadaya marna calan wata oo gumaysi iyo xornimo doon dhexdhexaadinaya,
    sheekh hees u soo qaatay waalid sama falkii. iyo gaal aaayad quraan ah usoo qaatay khiyaanada muslimiinta ayaan maanta haynaa……….