Home » Warar »

Dr M.C. Ibrahim: Agoonta waxaa loo sameeyaa Magaalo Warshadeed

Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Dhaqan Celinta DKMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Ibraahim “…waxaa la balan qaadey in la sameeyo Magaalo Warshadeed oo ay Agoonta leedahay…”

Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Dhaqan Celinta DKMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo u waramayey Somalitalk ayaa ka warbixiyey Shir looga hadlayo arimaha Agoonta, Naafada iyo Haweenka Carmalka ah oo loogu qabtey dalka Yaman, islamarkaana loogu balan qaadey in la sameynayo magaalo warshado leh oo ay yeelan doonaan Agoonta Muslimiinta iyo kuwa kale ee Caalamka.

“Waxaan ka imid shir ay maalgelisey Hay’ad u qaabilsan Agoonta oo hoostagta xafiiska madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax, shirkan oo ahaa shirkii labaad oo looga hadlayey arimaha daryeelka Agoonta caalamka oo ka dhacay dalka Yaman dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubney ee Luuliyo iyo Xaflad loo sameynayey 2000 wiilall iyo gabdho agoon ah oo mar qura xaflad aroos loogu sameeyey dalkaasi Yaman oo uu maalgeliyey Amiir Suldaan Bin Cabdull casiis, waxaana shirka ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotey dalallka Sucuudi Carabiya, Kuweynt, Baxreyn, Imaaraadka, Qadhar, Urdun, Falastiin, lubnaan, Turkiya iyo Soomaaliya oo aan matalayey, waxaana lagu heshiiyey in la sameeyo Hay’ad caalami ah oo daryeesha Agoonta caalamka oo dhan, una sameysa dhaqan celin, islamarkaana saldhiga ugu weyn ay noqoto dalka Yaman, waxaa kale oo laysku raacey in loo gudbiyo Hay’adaha Caalamiga ah ee dalallka Islaamka kuwooda waaweyn, kadibna Qaramada midoobey, si loo daryeelo Agoonta caalamka, iyadoo aan loo eegeyn Jinsiyad”. Ayuu yiri Dr. Maxamed cali Ibraahim oo u waramayey Somalitalk.

Mar uu ka hadlaayey balan qaadka soomaaliya ay ka heshey kulankaasi ayaa wuxuu yiri “anagu waan bandhigney dhibaatada Agoonta Soomaaliya, waxaana ku sheegney kumanaan kun in ay yihiin, ayna jiraan Naafo badan iyo dadd dhaawac uu ka soo gaarey dagaaladii dalka ka socdey mudada dheer, sidoo kale ay jiraan Dumar badan oo Carmal ah, waxayna balan qaadeen in Agoon badan ay kafaala qaadi doonaan oo wax badana loo qabandoono dadkaas, waxa keliya oo walbahaarka ku haya xaga Amniga, waxaana dhici karta bisha ramadaan in dalka ay yimaadaan wafdi kala duwan oo u kuurgalaya arimahaas”.

Mar aan weydiiyey 2000 Agoonta ah ee arooska loo sameeyey in ay ku jireen wiilall iyo gabdho soomaali ah ayaa wuxuu yiri “Xafladu wax soomaali ah oo ka dhex muuqdey ma lahayn, waxay ahaayeen Yamaniyiin, kulankaasi dhexdiisa waxaa la balan qaadey in la sameeyo Magaalo Warshadeed oo ay Agoonta leedahay, anagu waxay inoo ahayd fursad aan ku bandhigno baahideena, waana ku guulaysaney inaan kusoo jeedino Indhaha caalamka, inkastoo shardiga ugu weyn ee nalagu xirey uu ahaa Amniga, anaguna waxaan balan qaadeynaa dadka Naafada ah iyo Agoonta wax qabadka u baahan waan u dadaaleynaa Al-baabo badan ayaan u garaaceynaa ee waa iney samraan dadka soomaaliyeed oo ay dajiyaan dalka”.

Wasaiirku mar uu ka hadlaayey wasaaradiDr_Maxamed Cali Ibraahimisu waxa ay kaga duwan tahay wasaaradihii hore ee ku hawlanaann jirey Agoonta iyo Naafada, maadaama ay tahay Wasaaradiisu mid cusub ayaa wuxuu ku jawaabey “wasaaradan waxaa loo sameeyey dadkan masaakiinta ah, markii aan meelo badan ka qayliney wax badan ayaa inoo qabsomey, Is-bitaalkan Madiino ee hada la dhisayo, waxa uu ku yimid qayladeena, inkastoo ay naga horeeyeen Hay’ado kale, Wasaaraduna waxay noqon doontaa wasaarada ugu shaqada badan, waxaana hada hawl-geliney dadd badan oo ka shaqeyn jirey Caruurta darbi jiifka oo la shaqeyn jirey Hay’adaha maxaliga ah”.

Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dr M.C. Ibrahim: Agoonta waxaa loo sameeyaa Magaalo Warshadeed "

  1. abdi says:

    dr maxamed wali ma arkin ee xoogaa xayi ha iska dhiga waa noolyahay mooyee meyd wax ma dhaamo

  2. ABOKAR says:

    waa arin aad u fiican sida uu Dr sheegay waaan nin u muuqda,haddia aan soomali nahay waxa aan u baahanahay in dad indhe qaba ay na hogaamiyaan sida Dr oo kale , waaxa aan ilaah ka baryayya in aan helno rag isaga oo kale ah

  3. Waxaan horantii salaamahayaa walaalkeey Dr maxamed cali ibrahim oo dhabtii ah walaall aan aad u jeclahay,waxaan qabaa in hadii somaliya 4 sida Dr ka oo kalle ah hogaanka wadanka loo gacangalin lahaa, in somaliya ay soo noqon laheeyd,oon ulla jeedo ka dhabeeynta camalka iyo shafaafiyada ay u muujiyaan shacabkan kalsoonida laga lumiyey intaan arkahayey gumeeysigii marka laga soo bilLaabo illa iyo hada musuq masuq iyo nin jecleeysigana ay noqotoy wax cado u noqdo mid walbo oo xukunka umada loo dhiibo .
    MAHADSANIDIIN
    SULDAN SWEDEN-SKÖVDE