Home » Warar »

Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Uganda oo si aan horey loo arag uga qeyb qaatay xuska maalinta Nabada

Munaasabadani oo ahayd mid si weyn ay u soo maamuustay dawldaa dalka Uganda ayaa waxaa lagu xuseyey maalinta Nabada aduunka ee ku beegan 21 September 2010 taasi oo meelo faro badan oo ka mid ah dalalka africa si weyn looga xusey waxaana ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo ka socday dawladda dalka Uganda iyo hay,addo faro badan oo caalami ah iyo weliba ururada bulshada ee ku dhaqan dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah,

Halkan ka daawo sawirada

Xafladani oo ahayd mid aad u weyn ayaa waxaa ugu horeynba socod laga bilaabay wadada weyn ee Kampala Roud iyadoona lug lagu tagay Isbartiimada weyn ee magaalada Kampala ee Caasumadda Dalka Uganda,

Munaasabadani oo lagu maamuusayey maalinta nabada adunka ee ku beegan 21 September 2010 ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax faro badan oo iyada ka socotay dawlada Uganda sida Wasiirka Warfaafinta Dalka Uganda iyo weliba Wasiirka Qaxootiga dalka Uganda iyo marti sharaf kala duwan oo iyaga lagu xasuumay xafladaasi, waxaa kaloo iyana halkaasi lagu soo bandhigay bandhig faneedyo lagaga turjumayo ahmiyada gaarka ah ee ay u leedahay maalintani oo kale aduunka oo iyadoona kooxaha halkaasi bandhig faneedyada ku soo bandhigay ay ka koobnaayeen sida dadka ka soo jeeda dalka Kongo iyo Burndi oo iyaga qaxooti ku ah dalka Uganda iyo weliba dadka soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalkani, iyadoona ay maal geliyeeen xuskani hay,addo faro badan sida hay,adda UNHCR,UNICEF iyo weliba United Religions Intiative

Ugu danbeyntii xafladani oo qaatay wakhtigii loogu talogalay islamarkaasna si wanaagsan ay ula riyaaqeen dadkii daawanayey amaba ka soo qeybgalay ciyaaraha iyo bandhig faneedyada oo ah kuwo aan horey loo arag islamarkaasna uu qof weliba i weyn ugu riyaaqay iyadoona ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin faro badan oo iyaga ka tirsan Dawladda Dalka Uganda ayna ka soo jeediyeen qudbado dhaadheer oo ay uga golleeyihiin maalinta Nabada ee ku beegan 21 September,2010

Ma ahan oo keliya meelaha sida weyn looga xusey maalinta nabada aduunka ee ku beegan 21 September,2010 waxaa iyana si aan kala har lahayn looga xusey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo weliba qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Xuseen Cabdulaahi Xasan

E-Mail Xuseen339@hotmail.com

Kampala Uganda

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.