Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? – Q.6aad | Al-Hasani


Waji kale oo ay Qatar leedahay!

Assalamu Alaykum akhayaarta shabakadan kuxiran. Aad iyo aad ayaan marka hore idinku mahad celinaya intiinii maqaaladii hore akhrisatay ee ila soo xariirtey oo waliba talooyinka fiican iyo dhiirigalinta ii soo direy!

Waxan wali bartamaha ugu jirnaa sidii aan usoo bandhigi lahayn fursadaha kajira Qatar iyo sida ugu wanaagsan ee shacabkeena ugu faa’idaysanlahaa walow aan wali qax iyo geedi  kutaaganahay! Intaas ciqaab noogu filan ee Allaha naga saara. Aamin.

Qatar waxay leedahay wajiya badan oo uu qofka kafiirin karo! Inteena badana waxaan ka eegna dhanka shaqada!Warbixintii  hore waxan  kudari lahaa inay jiraan fursado waxbarasha oo aan horay ugu jiri jirin.

Dabcan waa qaali, waana khaas oo lacag ah laakinse waa mowduuc khuseeya qofka doonaya inuu halkaan usoo guuro.

Qatar ka dowlad ahaan meelaha ucalaamadaysan ee ay doonayso inaay hogaanka uqabato gobolka- Khaliijka waa farabadan yihiin waxaase ugu muhiimsan dhanka waxbarashada, warbaahinta, sportiga iyo dhaxdhaxaadinta  khilaadka oo ay iminkaba gacanta kula jirto dhowr wadan heshiisiintooda!

Haddii ay Dubai caan kutahay dhaqaalaha iyo ganacsiga gobalka, Qatar waxay doonaysa inaay hogaanka waxbarashada gacanta kudhigta!

Waxaa sanadihii dhawaa ladhisay magaala dhan oo loogu magac daray ‘Education City’– magaaladii waxbarashada iyo tacliinta. Waxaa gacanta kuhaya hay’ad madax banaan oo layirahdo ‘Qatar foundation’ oo ayadu mas’uul ka ah jaamacadaha kala duwan ee meesha laga furay.

Mas’uulka ugu sareeya Qatar foundation waa marwada Amiirka Qatar oo ayadu horkacaysa isbadala badan oo wadanka kasocda, gaar ahaan arimaha waxbarashada iyo qoyska! Dad badan ayaa kabiyo diidsan sida ay wax uwado laakinse aniga haddii aan Somali ahay arintaas iimataal oo waxaan ka eegaya sida aan ugu faa’idaysankarno si lamid ah sida aan ihtimaam usiinayo jaanisyada aduunka intiisa kale kajira.

Jaamacadaha hada kafuran gabigood waa Maraykan marka laga reebo jaamacada layirahdo North Atlantic oo ayadu laga leeyahay Canada!

Haseyeesha, inta soo socota ayaa kabadan oo wadan waliba wuxuu soo bandhigaya jaamacadihiisa iyo sidii jaanis looga siinlahaa magaaladan! Xita India mardhow waxay kafuranaysa farac jaamacad aad looga jacelyahay India! http://www.qf.org.qa/output/page307.asp.

Magaaladan ‘Education City’ waxa laga furay  jaamacad qayb Islamic studies ah. Waxaa ka faa’idaysankara oo iminkaba dhigta dadka shaqeeya waayo duruusta waxaa ladhigtaa galabkii iyo habaynkii. Luuqadaha wax lagu dhigta waa English iyo Carabi, taas oo jaanis fiican u ah dadkiina Yurub iyo America jooga haddii aad shaqo kaheshaan halkan ama haddii aad scholarship kaheshaanba!

Wixii intaas ka baxsan fadlan kafiiri linkan hoose: http://www.qfis.edu.qa/output/Page162.asp

Magaaladan intii lafuray, waxaad ku arkaysa dhamaan jinsiyadaha aduunka oo dhan waxaan Somali ka ahayn. Inta aan ogahay waxan ku arkay hal wiil oo Somali ah laakinse kasoo galay Kenyan ahaan oo dhigta jaamacada Weill Cornell! Isagana sida uu iisheegey wuxuu kuheley baqtiya nasiib!

Calooshaa ixanuuntay markaan calaankii kawaayay…

Maalin aan booqasha kutagay mid kamid ah jaamacadahaas oo layirahdoGornegie Mellon University-QA . Jaamacadu maalintaas waxay lahayd ‘Cultural Day‘; ardayda dhigata oo tiradooda kor udhaaftay 600 arday oo meesha dhigata  ayaa laga  codsaday inay kusoo labista dharka hidaha iyo dhaqanka wadamadooda. Arday waliba wuxuu sharxaya dhaqanka wadankiisa iyo waxyaabaha uu caanka kuyahay isagoo miiska kuqurxinaya calanka wadankiisa!

Isha haddii aan isha lawada maray ardayda oo dhan- TOLBEELEY calankii baluuga ahaa wuu kasuulay xitaa MADASHA waxbarashada aduunka! Yaab iyo amakaak, fara tag iyo isciil-kaabin kadib,waxaan isku qanciyay in wadankayga ay kajirto dhibaato iyo xasilooni la’aan LAAKINSE waxaan arkay in ardayda meesha dhigata ay ubadantahay falastiiniyiin ee arintu intaas kawayn tahay- intaan lahayn: xagee loo dhoofa, yaa qabsaday tuula habel ayay umadaha lahaayeen: xageen wax kabaranaa! Waayo waxay ogaadeen inaay waxbarashada noolasha uhorseeda isbadal dhib ah!

Al-Muhim waxaan baraarujinlahaa in jaamacadahaan laga wardoona, gaar ahaan wixii scholarship kusaabsan. Sida aan horay usoo sheegeyna Maxamad Warfa oo Somali Kenyan ah ayaa kaheley scholarship isagoo jooga Kenya, wuxuuna Allah usahlay jaamacad caafimaad.

Sidoo kale, dadka Yurub iyo America jooga ee caruurtooda udoonayn fasaadka jaamacadaha reer galbeed- waxaan kula talinlahaa inaay lasoo xariiraan jaamacadahan.

Jaamacadahan qaybta kafuran Qatar, inkasta oo ay reer galbeed iyo Maraykan yihiin, wali waxay ku jiraan xili kala guur oo fasaad badan lama soo sheegin.

Waxaa kale oo aan baraarujinlahaa inuu xariir dhexmaro jamacadahaan iyo jaamacadaha Somalia kajira iyo iskaashi dhanka waxbarashada ah iyo cilmi barista oo ay awoodan inaay kacaawiyaan. Waxan aaminsanahay haddii uu yimaado wafti kasocda jaamacadahaas oo midaysan inay wax kabadalikaran aragtida laga aaminsanyahay Somalia, jaanis badana heli lahaayeen ardayda Somalia mid lamid ah kuwa Falastiiniyiinta.

Magaaladan waxaa kale oo ay xarun utahay hay’adooyin kala duwan, kuwa baaritaan Sida Rand Corpation iyo kuwa kale cilmi baaris ah sida Qatar national research fund oo ayagu maal galiya cilmi barista meelkasta oo aad aduunka joogtid. Wixii intaas kabaxsan kala xariir halkan(http://www.qnrf.org/).

The Doha Debates

Education City, waxa kale oo ay hoy utahay hay’ada badan oo waxbarashada laxariira, maraakiz waxbaaris iyo xiwaarka iyo dood-wanaaga hormariya.

Barnaamijka caanka ah ‘The doha debates’ ee BBC TV laga daawada bishii labo jeer oo lagaga dooda arimo muhiim ah waxaa lagu qabta Education City. Waa goob furan oo lagaga doodi kara arimaha Somalia iyo cida hortaagan nabada Somalia. Waa barnaamij runtii aan dhowr jeer ka codsaday qolada isku soo duba rida in lagaga dooda arimaha wadankeyga!  Waa dariiqo sahlan oo aduunka lagu gaarsiinkaro aragtida dadka Somaliyeed.Waxay ubaahantahay in lahelo dad layaqaan oo arintaas kahadla oo lasoo xariira xafiiska the doha debates. http://www.thedohadebates.com/debates/magic.asp?d=17

International School debates- dooda ardayda aduunka iyo Somalia

Tartanka ardayda aduunka oo sanadkiiba mar laqabto. Sanadkan waxaa lagu qabtay Education City, Qatar. Tartankan oo ay kaqayb galeen arday isaga timid daafaha aduunka, doodii ugu horaysay  ee lasoo bandhigay waxay kusaabsanayd Somalia,mowduucana wuxuu ahaa ‘ That we should support military intervention into Somalia’– waxaan taageersanahay in Somalia faragalin military lagu sameeyo.

Nasiib daro, arday Somaliyeed kama qayb galin, xitaa umalayn mayo inaay goob joog ahaan loo yeerey. Doodan inkasta oo ay ahayd heer ardayda dugsiyada sare dhigata laakinse arimaha ay kahadlayeen ardaydaan aad ayuu ugu sareeyey dooda badan oo lagu soo bandhiga meelo badan oo aduunka ah.

http://www.schoolsdebate.com/years/2010/motions.pdf

Intaan isugu imaandoona maqaalkale, waxaan idinleeyay ‘Somali ha israacdo, rag badbaadiyana Allah usoo saaro!

Wasalaamu Alaykum.

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.