Home » Warar »

Hay’addaha Haro oo deeq gaarsiisey Xeryaha Duleedka Xamar iyo Rahmah oo Gurmad Gaarsiisey Cisbtaal Martiini

Hay’adda Samafalka Rahmah oo gurmad degdeg ah gaarsiisay naafada Isbitaal Martiini iyo Hay,adda HARO oo fitro dan yarta u qeybisey xeryaha barakacayaasha……..

Hay,adda HARO ayaa raashin fitro ama zakaad ah gaarsiisey qaxootiga ku nool Xeryaha Qaxootiyada ee duleedka Magaalada Muqdisho

Fidradaas ay HARO bixisey ayaa ka koobnayd raashinka galayda ah oo aad ubadan waxaana ka faa’iideystay boqolaal Qoys oo halkaa ku dhaqan.

Halkan ka daawo Sawirada (HARO)

Deeqdan ayaa ku soo beegmeysa Xilli ay aad u yaraadeen Hay’adaha ama muxsiniinta ay dadka tabaaleysan wax kaheli jireen lakin hay’aadda HARO, waa marki afarad oo wax sogaarsiisay dadkaas deeqo kala duwan sida raashin iyo dhar iyo kaalmo kaladuwan barakacayaasha.

Kafaa’idays-tayaasha deeqdaan ayaa mahad weyn ucelinaya Hay’adda HARO kana codsanaya inay sii wadaan deeqdaas intii karankooda ah.

HARO waxay kahowl gasha dhamaan gobolada Dalka.

La xiriir:
mxuseen1010@hotmail.com


Hay’adda Samafalka Rahmah oo gurmad degdeg ah gaarsiisay naafada Isbitaal Martiini

Halkan ka daawo Sawirada (RAHMAH)

Hay’adda Samafalka aan dowliga ahayn ee Rahmah Lelief Foundation (RRF) oo ah NGO ay ku mideysan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ee Ingiriiska ayaa maanta gaarsiisay gurmad gargaar oo degdeg ah naafada Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Gurmadkaan oo ka koobnaa raashin isugu jira Bariis iyo Bur ayaa waxay hay’addu ugu talagashay in lagu gargaaro naafada Soomaaliyeed ee xilligan ku dhibaateysan dalka gudihiisa, gaar ahaanna isbitaalka Martiini, waana gurmadkii ugu horeeyay oo ay gaarsiiso naafada Soomaaliyeed.

Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee loo qeybiyay raashinka gurmadka ah ayaa waxay gaarayaan ilaa 96-qoys oo naafo ah, iyadoo gurmadkaanna ay hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief u wakiilatay inuu gaarsiiyo Md. Maxamuud Xasan Cumar oo ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho,iyadoo guddiga naafada Isbitaalka Martiini iyo qoysaskooda ay goob joog ka ahaayeen.

Afhayeenka Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Cabdi Mahad Cali ayaa ugu horeyn wuxuu mahad ballaaran u jeediyay isagoo ku hadlaayay dhammaan qoysaska ku jira isbitaalkaas maamulka hay’adda samafalka Rahmah gurmadka ay ka heleen, bacdamaa uu tilmaamay inay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn u qabeen.

“Hay’adda Samafalka Rahmah iyo maamulkeeda waxaan uga mahad celineynaa raashinka gurmadka ah oo ay noo soo dhiibeen maanta, anagoo ah dad naafo ah oo intooda badan lixaadkoodu maqan yahay, waxaana Alle uga baryeynaa bedel kheyr qaba inuu siiyo” ayuu yiri Afhayeenka naafada Isbitaalka Martiini oo sheegay inaysan jirin cid daryeesha xilligan, wuxuuna ka codsaday hay’adaha kale ee samafalka iyo jaaliyadaha Soomaalida qurbajoogta ah inay ku daydaan hay’adda samafalka Rahmah.

Naafada ku jirta isbitaalka Martiini ayaa ah qoysas xilligan u baahan in la gargaaro, kuwaasoo in muddo ahba ay duruufo adag ku heystaan halkaas.

Hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waa Hay’ad Samafal oo aan Dowli Ahayn “NGO”, taasi oo ay Muwaadiniin Soomaali ah oo Qurbo-joog ah ka fureen Caasimada dalka Britain ee London sanadkii 2000.

Iyadoo laga dareen qaadanayo Dhibaatooyinka iyo Masiibooyinka Colaaded ee ku habsatay Ummadda Soomaaliyed 20-kii sanadood ee la soo dhaafay, ayey waxay Xubno ka tirsan Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caasimadda dalka Britain ee London ka danqadeen Aafooyinkaasi.
Danqaashadaasi ma ahayn mid ku timid Laab-la-kac, laakiin, waxay ahayd mid dhaqaajisay Damiirkeena, kadib, markii aynu Warbaahinadda Caalamka, kuwa Maxaliga ka daawanay ama ka akhrisanay dhibaatooyinka ku habsaday Ummada Soomaalida.

Aasaaska Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay si xooggan u soo shaac-baxday, kadib, markii ay Maamulka Sare ee Hay’aadda qabanqaabiyeen Barnaamijyo Wacyi-gelin ah, taasi oo Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka UK loogu soo bandhigay dhacdooyinka dhabta ah ee ka taagan dalkenna Hooyo, gaar ahaan dhibaatooyinka Dadka Rayidka ka soo gaarayo Colaadaha ay hurinayaan Kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda Jiritaanka DFKMGS iyo Joogitaanka Ciidamada AMISOM.

Hawlaha lagu wacyi-gelinayo Jaalliyada Soomaalida ku nool dalka UK, gaar ahaan Caasimadda London, waxay tahy mid xirir ah, taasi oo Madaxda iyo Hawlwadeenada Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” isku mashquliyaan sidii ay Soomaalida Qurbo-joogto ah ugu soo bandhigi lahaayeen Filimo iyo Qoraallo lagu soo bandhigayo Dhibaatooyinka haysta Barakacayaasha ku nool Deegaanada Celasha Biyaha, Siimanka Dheer, KM13, Gubadley iyo Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle.

Warbixinnada Muqaalladda aynu Jaalliyadda Soomaalida ku baraarujino, waxaynu inta badan ka helnaa Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku sugan gudaha dalka Somalida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Suxufiyiin, Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyo Ururadda Xuquqda Aadanaha iyo kuwa Bulshada Rayidka, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeya Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”.

Muddadii ay Hay’adan Samafal hawlgalladdan bilowday, waxaa u surto-gashay inay Kaalmooyin Samafal oo isugu jiray Lacago, Daawooyin, Cunto iyo Dhar gaarsiiyaan Kumanaan Qoys oo ka mid ah Barakacayaasha ku dacdaraysan gudaha iyo daafaha Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho.

Kaalmooyinka Samafalka ee ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” u dirto Barakacayaasha Dhibaataysan, waxay la kaashataa Shirkadaha Xawaaladaha iyo xubno ka tirsan Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada iyo 0dayaasha Dhaqanka, kuwaasi oo si toos ah Kaalmooyinka lagu aaminay u gaarsiiyaa Dadka dhibaataysan ee loogu talagalay in Kaalmooyinkaasi la gaarsiiyo.
Sidoo kale, waxaan Kaalmooyin Lacageed, Cunto iyo Daawo gaarsiinay Bukaannadda ku dhaawacmay Colaadaha ee haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalladda Madiina, Kaysaney iyo Banaadir.

Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay kaloo gacan ka qaadataa sidii Kaalmooyin loo gaarsiin lahaa Geesiyayaasha Ciidamaddii X.D.S. ee ku naafoowday Dagalladii Somalia iyo Ethiopia dhex maray Sanadkii 1977-kii ilaa 1978-kii, kuwaasi oo haatan ku dac-daraysan Isbitaalka Martiini ee Degmada Xamar Weyne ee magaalladda Muqdisho.

Kharaj-Lacageedka ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ilaa iyo haatan ay Kaalmo ahaan u gaarsiisay Barakacayaasha iyo Dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia, waxay gaaraysaa In ka badan Konton Kun oo Dollar, iyadoo Nidaamka Kharajkaasi loo soo ururiyey iyo qaabkii loo qeybiyey ay Maamulka Hay’addan Samafalka u diiwaan gashan tahay.

Mas’uliyiinta ka tirsan Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ee lagu ammaani karo Waxqabadkooda waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Hay’adan, Md. Cali Maxamed Jimcaale iyo Xubnaha ay ka midka yihiin C/qaadir Koronto, Axmed Galbeyte iyo C/llaahi Yabarow iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka UK, siiba magaallooyinka London, Streethom iyo Tothnham.

Sidoo kale, Mas’uliyiinta ka tirsan Golaha Ahlu-suna Wal-Jameca ee aan la kaashanay qeybinta Kaalmooyinkaasi, waxaan ka xusi karnaa Afhayeenka Golaahaasi, Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow iyo Sheekh Muse Macallim Caga-weyne, kuwaasi oo aan uga mahad celinayno Daacaadnimada ay Kaalmooyinka lagu aamino u gaarsiiyaan dadkii loogu tala galay.

Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay, waxay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” mas’ul uga dhigtay Mashaa’iqdaasi lacag loo qeybinayey Barakacayaasha ku nool Deegaanada Gubadley iyo Sheekh Cali Cabdulle ee duleedka Waqooyiga magaallada Muqdisho.

Xaqiiq ahaan, Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxaa heerka Wanaagsan e lagu ammaanayo gaarsiiyey Isla-shaqaynta joogtada ee Madaxda Hay’adda iyo Jaalliyada Soomaalida Qurbo-joogto ah, kuwaasi oo Dareen Waddanimo iyo Daacadnimo ka muujiya Hawlaha loogu gargaarayo Ummada Soomaalida ee Barakacayaasha ee ku dacdaraysan gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Hal-ku-dhegga ay ku hawlgalaan Aasaasayaasha Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay tahay “Kaalmeey Walaalahaaga Soomaali iyo Ka-qeyb qaado Hawlaha lagu horumarinayo Nolosha Nabadda Bulshada iyo Dadaalka lagu taageerayo Jiritaanka DFKMGS ee uu Hoggaanka u hayo Madaxweyne Sheekh Shariif Shekh Axmed.

HORUMAR, NABAD IYO TAAGEERADA HAWLAHA DFKMGS.
Md. Cali Maxamed Jimcaale “Cali 0yaaye”
= Guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”
La xiriir:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.