Home » Faallo »

War Hilbaha Culimada waa Sun eh IsKa Ilaaliya. Q.2aad

War hibaha culimada waa sune iska ilaaliya (2)

Asalamu calaykum

Qeybtan waa qaybtii labaad oo raacsan ama ku xiran qormadii hore ee aan todobaadkii hore soo gudbinay ,  waxaana horay u balan qaaday in aan dhamaystiri doono inshlaah maxaa yeelay mowduuca ayaa aad muhiim u ah .

Waxuu taabanayaaa  marka ka koobaad waaqica iyo xaaladda aan maanta ku jirno oo amadda soomaaliyeed oo dhan ay ku jirto .

Marka labaadna waa arin ay dadkii waliba gaar ahaan intii lagu tuhmayay aqoonta diinta ay aad iskaga fududeysteen in ay ku xadgudbaan ixtiraamka culimada iyo qadarintoodaba ,

In badan oo naga mid ah oo akkhristayaasha ka mid ah jahli ayaa hayo oo aqoon diineed oo ay wax ku kala saaraanba mahyaaan marka waxay la mid yihiin tan  soomaalida yiraahdaan oo kale dameeri dhaan raacday marka qoladaas ayagu hadaba meeshii loo bato ama buuqu u badan yahay unbay iska raacaan .

Waxaa jira qolooyin kale oo fara badan oo ahdaaaf ama danooyin gaar ah leh kuwaas oo u shaqeynaya Dano shisheeye Gaalo iyo wax la mid ah  qoladaanna waa kuwa ugu xun marka cadawga ama gaalada ha noqoto ama islaamnimaba ha sheegtee markuu arkay culimada islaamka iyo saamaynta weyn ay ku leeeyihiin umadda dhaxdeeda ayuu billaabay ama guda galayba sidii uu culimadaas saamaynta weyn ee ay ku lee yihiin bulshada dhaxdeeda in ay dhimaan ama baabiyaanba hadii ay awoodi karaanba middaasna mid nagu cusub ma aha quraankana kariimakna ilaahbaa horay oogu xusay oo ku sheegay kitaabkiisa quraanka waxuuna yiri :

(ولن ترضي عنك اليهود ولا النصارى حتي تتبع ملتهم )

(ودو لو تدهن فيدهنون )

waXaa kaloo  iyagana aad u batay maalmahan danbe soomaalida dhaxdeeeda qolooyin  aan ku tilmaami karo( munaafiqiin ) ama cilmaaniyiin waana qolooyin diinta nagula abtirsada shacaairkiina ku dhaqmiya sida salaadii iyo soonkii iyo waxii la mmid ah laakiin islaamka iyo dadka culimada ahba aad u neceb kuwaas oo aad u fara badan waa kuwa intooda badan bogagga sooomaalida wax ku soo qora ee afkoodu ka dhamaanaynin aflagaaddo, jaaifooyin , iyo yasmo ay culimada islaamka yasayaan ,  yagoo ku gabanaya ku dacwoonaya arimo siyaasadeed iyo wax la mid ah kuwaas tilmaaamahaas leh quraanka ayeey aad ooga buxaaan suurad idil oo quraanka ka mid ah  ayaaba ayaga kaliya ka hadalayso oo dhowr magac culimada tafsiirka u bixxiyeen sida suuurat AL_Tawbah iyo AL_ faadixah  waxaana al faadixah loogu bixiyay waxay aad u fadaxeeyasy munaafiqiintab iyo arimahooda

waxaa ka mid ah tilmaamahooda

لا يألونكم خبالا ودو ما عنتم قد بدت البغضاء من أفواههم وما تخفي صدورهم أكبر )

(لو خرجو فيكم ما زازوكم إلا خبالا ولأضعواخلالكم يبغونكم الفتنة وفيكم سمّاعون لهم) ل

(  إن تصبكم حسنة تسؤهم وإن تصبكم سيّة يفرحوا بها وإن تصبروا وتتقو لا يضركم كيدهم شيا

Aaydahaas gabi ahaanba waxay cadeynayaan qoladaas uur ka gaallada ah iyo dowrkooda aad u fool xumaa ee ay nagiba iyo asxaabtiisaba kula dhaqmi jireen ilaa hadana ay ku dahqmaaan oo ah in markasta ka sahqeeyaan siday sida fitno iyo qas u dhaxdhigi lahaayeen mu miniinta dhaxdooda walibana ay caradii iyo nacaybka ay u qabaan dada wanaagsan sida culimada oo kale ay afkoodaba kaba soo baxayso markasta oo aysan qarsan Karin , laakiin ilaah waxuu yiri waxaaba taas ka sii daran inta ay qalbiga ku qarsanayaan oo nacaeyb iyo karaahiyo iyo cuqdad ay u qabaan ah dadkaas wan wanaagsan

Waxaa kaloo inta ay idinla jiraaan waxay markasta sahqaeynayaan dhibkiina un iyo in aad iska hor imaataan , hadii wanaag aad heshaaan way ka baxayaan haddii ay dhibaato idinku dhacdana ama geero ama idinkkoo waa mu minniintiiye ay gaaladau idin jabiso haddey taas maqalaanna wayba ku farxayaaan oo dhamaashaad bay u tahay , laakiin alle hadana waxuu yiri waxba idinkuma dhibi karaan haddiii aad 2 sheyy la idinka helo oo kala 1. Sabar 2 iyo alle ka cabsi ( taqwa )

Hadaba hadii aan waaqica u soo daa dago  waxaa dhacday ilaa 3 goor ugu yaraaan in ay dad dano gaar ah leh ay shaaciyeen sh cumar Faaruuq ayaa dhintay xafaduhalulaah ilaah cimrigiisa hadheereeyee  markii ugu horaysayna waxay aheyd sanadkii 2004 tii markaas sheekhii meel walba tacsi loogasoo diray waa cajiibe qofkii sheekhu markaas waxuu joogay jabuuti qof kastoo tel kiisa soo garaaca oo rabo in uu u tacsiyeeyaba isaga ayaa ka qabta markaasuu qofkii naxaa oo yiraahdaa oo sheikh waxaaban maqalnay in aad dhimataye waa maxay ??!!   markaasuu yiraahdoo war hada ma dhimane isbuuc ka hor ayaanba dhintay ee waad la soo taahday tacsida !!!  isagoo kula kaftamaya dadka u tacsiyadeynaya

Markii ugu danbeysay ee aan arintaas kutiri kuteenka ah la shaaciyay waxay aheyd xajkii hore anaga oo joognay Muna oo subaxaaas duhurka dabadii isu diyaarinayna DHagaxtuurkii ama Ramyul Jimaarkii ayaa waxaa iigu soo gashay teendhadii aan ka daganaa muno Islaaan soomaaliyeed oo USA dagan oo oynayso  markaas ayeey tiri aa way xadiith sh cumar waa kan baa la yiri eedo maxaad la oynaysaa baan ku iri ?? markaasay iigu jawaabtay oo soomaadan maqlin warka ? oo maxuu yahay baan ku iri ? markaasay tiri sheekhii aaabahaa ahaa ayaa dhintay baaa lagu wada sheekaysanayaa ilaaa banaaanka iyo meelha soomaalidu fadhido oo dhan m?!!!  waan yaabay in uu warku been yahayna waa ban ogaa hadana bal waxaan is iri bal iska hubi sheekhii aabahay ahaa ayaan lahadlay isagii baaab iga qabtay oo markaaas makkah joogo waxuuna ii sheegay in meelo badan looga tacsiyadeeyay oo asaga uu tacsidii kawada jawaabay !!!!!

Hadaba intaa kadib maxuu yahay ahdaafta ay ka lee yihiin dadka warkaas  been abuuranaya ??

Maxaaa faa iido ah ama nafci ah oo ay ka helayaan sh cumar faaruuq geeridiisa ?

Maxaa dhib ah ama culays ah oo  ay ku haysaaa noloshiisa ileen waa ayaga 3 goor tamaninnaya oo baahiyaay waliba wararkaas been  abuurka ahe ??

Dadkaaas waa dad yar oo lagaranayo isla markaaan ku nool wadamadaas reer galbeeda ah marka waxaa iska cad sida aayadihii horaba tilmaameen dad nacaybkii iyo cadaawadii ay sheekha u qabeen ay aad u xad dhaaftay ilaa heer heer ay isagoo nool geeridiisa jaclaystaaan ama tamaniyaaan ??

Isaga sheekha aabahay laftiisa ah markii ay dad badan u soo dacsiyeeyeen ayeey ka cidsadeen bal in uu kalimo yar dadka u jeediyom kadibna laga duubo  maxaa yeelay dad badan ayaaan ku qanacsaneyn bay yiraahdeen in aadba sheekhoow nooshahayba ??

Waxuu sheekhu kalimadiisii ku yiri  waxaan weydiinayaa ddakaaas warkaaas been haawsaasaha ah  faafiyay 2 su aalood oo kaliya ??

1 :  Hadaaan dhinto yaaan dhib ku hayay oo dhimashadeyda ku farxaya ??!!

2 hadaanse noolaado yay nolosheydo awalba culaab iyo culaysa ku haysay ??!!

Marka runtii waa arimo la yaab leh in sheekh ahlu cilmi ah juhdiga uu dacwada ku bixiyayna cidwalba iska garanayso codkiisana maanta meel walba lagawada dhagaysanayo oo aqal kasta oo soomaaliyeed coddkodkiisa yaallo oo waqtigiisa oo dhanna u huray dacwada iyo diiintaba faafinteeda soomaali oo dhanna kawada faa iidaysatay hadana wali in ay jiraaan dad aaan badneyn oo geeridiisa sugi la` iyo waqtigii ilaah oogu tala galay ayeeyba jeclaaan lahaayeen in uu ka soo hormaro subxaanalaah  !!!!!

Qoladaas waxaan xasuusinayaa 2 arimood

Waa midda horee cilmiga diinta waxuu ku dhamaadaa ama ku baaba`aa culimada geeeridooda marka ay geeriyoodaan ama dhamaadaan waxaa badali doono kuwa aan aqoonba diinta u laheyn oo ayagana lumay umadana lumiya sida kuwa maanta  haystoo kale oo uamdii marin habaabinaya ,arintaasna xadiith nabiga SCW laga wariyay ayaa tilmaamaya

Waa midda labaade qof kasta waqtigiisa saacad kuma darsanayo kamana nusqaamayso marka waxaan oran lahaa looma baahnaba in la buunbuuniyo sh hebel baa geeriyooday !!

Siday u arkeen aqristayaashu qormadii hore ??

Intaa kadib qormadeydiii hore kadib waxaa ila sooo xariiray qaar ka mid asxaabta akhristayaasha ah waxayna igu dhaleeceeyeen in in muhimada aan u soo qoray qormadan amaba laga fahmi karo in ay tahay oo kaliya in aan aabahay difaacayo oo fatwadii uu soo saaray aan ku difaacayo  hadaba waxaaan idiin sheegayaaa anigu hadafkayga awalna ma aheyn hadana ma aha sh cumar aad difaacdid 2 sababood awogoodna

1-waa midda hore eh difaac waxa u baahan qof wax ka dhiman yihiin una baahan in lakabo oo la xoojiyo meelaha naqsiga ooga ama ceebaha ooga imaan karaaan sh cumar faaruuq laakiin ma aha nin u baahan kabid iyo xoojin iyo  difaac toona ee wa  caaalim ku kalsoon aqoontiisa diintana umadduna ku kalsoon tahay , aqoontiisa hadana sidaas ay tahay khlad waa ka dhici karaa oo mas` alo waa diini ah waa ku siiban karaaa maxaa yeelay nabiga SCW oo ilaaah danbigiisa kii hore iyo kii danbaba dhaafay ayaaba dhiowr goor ilaahay quraaankiisa ku canaantay kadib markii uu sidii toosneyd asiibin wxaaana ka mid

markii iska xarimay malabkii uu ka soo cunay guriga safiya bintu cumar  oo hawqaankiisii ay ku dhibeen waxbaa kaa soo uraya afkaada . qisadaas waa macruuf waxaa allae kuu soo dajiyay suurat uuu ku canaananayo nabigiisa oo la yiraahdo suurat al taxriim

2-  markii taladiii  abuubakar RCanhu cazwadii badar oo aheyd in maxaabiista naga soo qabsaday jihaadkii aan la dilin ee fidya ama madax furasho laga qaaato  cumar binu khadhaabna uu ku taliyay in say u dhanyihiinba la laayo nabiga ilaah waa canaantay oo aayado aaayba ku soo dagay Rasuulka SCW

قال تعالي ( ما كا ن لنبي أن يكون له أسري حتي يثخن في الأرض تريدون عرض الدنيا والله يريد الأخرة والله سميع عليم ((

Marka labadaas ayaaan tusaale ahaan u soo qaadanay oo qaar kalaan waaa jiraaan

2-   Anigu maba difaaci karo oo aqoon iyo cilmi aan ku difaaco mahayo hadaan saas ay tahay waxaan  aniga lafteyda ku waafaqsaneyn mas`alaada ayadaa h maaxa yeelay ciidamo hor leh oo la keeeno dhibaato hor leh ma ahee wax natiijo ah o kale ma soo kordhinayaaan xaaaladda unbaa ka sii dari sida ah hada tahaay sheekhana taas isaguba wuu qiray wuuun aictiraafay oo hadalkiisa ayeey ku jirtay laakiin xaqiiqada dhabta ah ee aadna u kharar waxay tahay xataa haddii ay ciidamadan hada joogo wadanka ka baxaaan eee amisom ah ee gaalada ah kuwa kalana aysanba imaanin  xaaaldu sidan ay hadda tahaay ma dhaaamaysaa oo dhiigan socda saacad kasataba ma joogsanayaaa ? soomaalina danteeda intay garanato ooh al miis wada fadhiisato nidmaan iyo dowlad ay heshiis ku yihiin ma dhisan karaaan ??

Jawaaabtu waa laa wa alf laa waxayna noqon doontaa ka daroo dibi dhal oo magacyan farada badan ee hada saaxada soomaalida isku haysta iyaga unbaa hadana dib iskugu soo jeedsan doona kadibna is warjeefi doona  xaqiiqadu waa taaas wayna iska muuqataaba ?

Marka hadii ay Ciidamo yimaadaaan iyo haddii aysan imanba dhiigan daadanaya sidaa unbuuu u daadan macaluushan umadda ay ku jirta hadana 20 sano ee la soo dhaafay way un ku si jiri ilaaa in uu in uu ilaahay naxariistiisa nagu soo dajiyo ma aheee oo ilaah muwaafaqo iyo is maqal nasiiyo ,

Ilaahoow taaas nawaan a waafaji umaddana boggooda burcad isu mari aamiin aamiin aamiin

Maxamed Sh Cumar Faaruuq

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " War Hilbaha Culimada waa Sun eh IsKa Ilaaliya. Q.2aad "

  1. jibriil says:

    walalow waad ku mahadsantahay wanadaada.
    arinka in culumada wax lashageego waxaan qabaa waa fuulxumo ,maxaayeelay waa macalimiinteyn diinta islamka nakutarbiyeeyay,waxey mudanyihiin in ladifaaco culumada somalida ah oo islamka .
    qof walbow muslim ahow somalina ahow faraha kalabax culumada somaliyeyd

  2. Ali says:

    Walaal, waxaad ka hadleysaa waa jarxi iyo tacdiil kumana habboona ruux aabbihiis wax ka qorayaa in laga maarmi waayo maahee.

    Marka, caadifadu yeysan kulategine waxyaaba kale wax ka qor. Aabahaana hadda waxaa moodaa inuu geesmaray xoogaa. wabillaahi towfiiq!

  3. Hersi says:

    Hilbaha culimada waas sun !! …waa cinwaanka maqaalka qoraaga …kheyr allaha ku siiyo …laakiin waxaa loo baahan yahay in aad shabaabka kaga digto culimada iyo lafahooda eey lasoo baxyaan ..oo eey waliba si kibir kujiro ugu faanayaan ineey qabriyada awliyada ilaaheey burus iyo yaanbo la dhacahayaan iyagoo saa ilaah ugu dhawaanahaya ….haddaad caqiido dhab ah heysato kuwa falkaa sameeynaya talo sii ..oo u nasteexee kuwaasaa u baahan wax u nasteexeeya.

  4. Geeddoow says:

    Haduu hilibka culimadu sumeysan yahay hilibkee sixin(subag) marsan yahay?????????????.

    caalimku haduu qaldamo oo la dhaho caalimkaas wuu qaldamay in hilibkiisa la cunay ma keeneysaa?

    sheekh cumar faaruuq haduu labo hadal oo is qilaafsan ka kala yiri labo xukuumadood oo isku mid ah midna uu takfiiriyay midna uu yiri waa dawla islaamiyah yaa arintaas ku qaldan???????????

    Dhiiga amisom waa xaraan sida kan muslimka haduu caalimku dhaho ma laga yeeli?

  5. walaal maxamed waad ku maahdfsan tahay su aashaada aad soo weydiisay qoraaga (ina sh cumar) waxaana kuugu jawaabayaa waxaa horay loo yiri qofka daafka qaba qorraxda iftiinkeeda si fiican uma arki karo marka hadiiba aad ka shakisan tahay amaba aad lee dahay culimada soomaaliyeed sumacadda ay ku lee yihiin bulshada kaligaa umbaa difaaco ?? taas waxaan ka fahmay in aadanba aheyn qof culimo ku xiran ama wax ka dhagaysto oo caalam kale ku nool maxaa yeelay hadaad culimo ku xiran tahay sida qoraxda iftiinkeeda ay u caddahay ayeey walala culimada kaalintooda bulshada dhaxdeeda ay ku lee yihiin ay u caddahay ??
    marka walaal ilaah aniga iyo adiga iyo inteena kalaba xaqqa hana wada fahamsiiyo aamiin

  6. mohamed says:

    ina cumar faaruuqoow hadii aabbahaa sumcad fiican ku dhex leeyahay ummadda soomaaliyeed maxaa loo heli waayey cid aan adiga ahayn oo difaacda?????????