Home » Badda, Warar »

Soomaaliya oo sheegtay in Arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay inta aanay ka dhoofin magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wadahadalada uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aanay qayb ka ahayn arrinta muranka badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale cadeysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedyadii Soomaaliya ka soo saartay kulamadii Soomaaliya iyo Kenya dhemaray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne Uhuru kenyatta

Mombasa, 10 Agoosto 2021- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo Lagu Soo Dhoweeyey Dalka Kenya

Muqdisho, 10 Agoosto 2021- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si maqaam sare ah loogu soo dhoweeyey dalka Kenya, waxana magaalada Mombasa wadahadal kula yeelanayaa madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Safarkan Ra’iisul Wasaare Rooble ku joogo dalka Kenya ayaa ujeedadiisu tahay adkaynta iyo xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay inta aanay ka dhoofin magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wadahadalada uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aanay qayb ka ahayn arrinta muranka badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Kenya

Muqdisho, 08,Agoosto 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaan Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa soo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale cadeysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.