Home » Warar »

Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus

Muqdisho, Maarso 16, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya .”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Halkan ka akhri warsaxaafadeed hore ee wasaaradda caafimaadka

farmaajo

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.