Home » Warar »

Aamin Ambulance waxay u Baahan tahay

Sida aan wada ognahay Aamin Ambulace waxay caan ku tahay u gargaarida Qof kasta oo u baahan gargaar Deg deg sida Dadka ku waxyeelooba Qaraxyada, dhaawacyada Xabadaha nool nool, Shilalka Gawaarida, Hooyooyinka Fooshu hayso, ilmaha Shubmaya iyo qof kasta oo ay la soo gudboonato xaalad Caafimaad oo deg deg ah Goob kasta iyo goor kasta.

Aamin Ambulance mudadii ay shaqeyneysay waxay u gargaartay 17645 qof si lacag la,aan ah. Aamin Ambulance si ay u sii joogteyso Adeegaas Bulshada ay u hayso waxay u baahan tahay Taageradaada Maskax, Muruq iyo maal.

Aamin Ambulace waxaa gabaabsi ka ah Gawaaridii oo Duqoobay una baahan in la bedalo madaama ay mudo shaqeynayeen.waxaa kale oo loo baahan yahay Kharash joogta ah si howsha loo sii wado maadaama ay Bulshada u shaqeyneyso

 

Mudane/Marwo maxaad nagu Caawin kartaa waxaan soo dhaweyneynaa wax kasta oo aad uga qayb qadan kartid sida

A) Haddii aad Gaari Ambulance ah noo gadi Iibin kartid

B) Haddii aad Darawal Mushaarkiisa bixin kartid

C) haddii Aad Taayar ama ka badan u iibin kartid

D) Haddii aad qaadan kartid Dayactirka hal ama laba Gaari

E) haddii aad Fuusto ama labo  Shidaal Iibin kartid

Wixii Faahfaahin ah kala Xiriir

Dr.Abdulkadir.A.Haji Adem
Oral and Dental Surgeon.
Founder of Aamin Ambulance.
Board President of Jazeera University.
Director of Real Dental Clinic
Tell: 00252615555209/0699969192

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.