Markii Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Xasan Cali Khayre la sheegeyna in uu ka yimid Dalka Norway ayaa si aan wax Badan uga ogaado waxaan Teleefonka ka wacay Nin Odey ah oo degen Dalka Norway waxana u sheegey in Nin Dhinacooda ah loo magacaabey Raiisul Wasaare
Markii aan arrintaas u sheegey ayuu I yiri “ Ninka Raiisul Wasaaraha loo Magacaabey Magaciisa ii sheeg” markaas baan ku iri “ Waxaa la yiraahdaa Xasan Cali Khayre “inta Cabaar fakerey waayo waxaa uu soo dhifan waayey Magaciisa wuxuuna ku celceliyey “ Xasan Cali Khayre… Xasan Cali Khayre “
Markiiba Teleefoonka ayuu igu damiyeyCabaar markii uu maqnaa ayuu dib iigu soo garaacey Telefoonkii “ markaasuu isaga oo qaylinaya igu yiri “ Maad na tiraahdid Xasan Bile “War waa nin aan aqaan” waxaana magacaas looga yaqaan Dalalka Yurub markaasuu sii daba dhigey “ Aleylehe Soomaali Maanta ayey Madax Wanaagsan Heshey waxaana ku leeyahay igu salaan Xasan Bile
Si aan wax badan anigana aan uga Ogaado Raiisul Waswaaraha Cusub ayaa waxaan Wacay nin Saaxiibkey ah oo aan weydiiyey Garasho ahaan markaasuu yiri “ Amiinow waa nin aad taqaan weliba aad ka diyaarisey Qoraalo badan oo aad ku difaaceysey markii ay Been ka sheegeen Kooxda Morintiring Group waxaana ogaa Banaabxyo ka dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo, Kismaayo, Baydhabo iyo Kismaayo oo dhamaatood ay ahaayeen kuwo lagu lagu difaacayey Xasan Cali Khayre (Xasan Bile)
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaroo@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.