Home » Warar »

Madaxweyne Farmaajo oo Si Rasmi ah ula wareegay Xafiiska

Muqdisho (16ka febraayo, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuumaddiisa,

Mdaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaaliya oo loo baahanyahay wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladdu waa dowlad shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee aasaagooda ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda aan la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
nobleman254@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.