Home » Cilmibaaris »

Baarlamaanka Soomaaliya hasoo saaro dastuur ka yimid una adeegaya shacabka

Maaddaama baarlamaanka 10-aad uu howshiisa bilaabay horraanta 2017 islamarkaana madaxweyne u doortay Maxamed Cabdullahi ‘Farmaajo’, Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda waxa uu rajeynayaa xildhibaannada cusub, siyaasiyiinta heer federaal iyo heer gobol iyo bulshada rayidka ah in ay ahmiyad siin doonaan dhamaystirka dastuurka. Machadka waxa uu soo bandhigayaa qormadii ugu horreysay warbixinno taxane ah ee faaqidi doona su’aalo dastuuri ah. Warbixintan waxa ay sharraxaad iyo qiimaynba ka bixinaysaa taariikhda iyo hannaanka uu soo maray dastuur-sameynta Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale faaqideysaa qaar kamid ah arrimaha loollanka badan kajiro ee la xiriira nuxurka iyo hannaanka dastuur-sameynta. Waxa ay warbixinta si gaar ah u faaqididoontaa afar arrimood: hannaanka federaalka, xiriirka u dhexeeya hayadaha fulinta, labada aqal ee baarlamaanka, iyo maqaamka caasimadda Muqdisho. Warbixinta waxa ay kusoo gunaanadi doontaa talooyin kusocda inta ay taladu ka go’do oo baarlamaanku ugu horreeyo iyo guud ahaan dadka Soomaaliiyeed.
Soo rogo warbixinta oo dhan.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.