Iyadoo Maxkamadaha Dalka intooda badan waxay mudooyinkii ugu Dambeeysey ay qaadayeen Dacwadaha la xiiriira Dhulalka iyo Guryaha la isku haysto maadaama Dalka Soomaaliya uu ka dhacay Dagaal Sokeeye kaasoo sababey in Xoog lagu haysto Dhulal iyo Guryo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa Xeer iaalinta Qaranka ee dalka ka furantey Dacwad la xiriirta laba Hotel oo Caan ahaa kuna yaala Magaaladda Muqdisho oo uu lahaa Ganacsade Soomaaliyeeed si aan wax badan uga ogaano ayaa waxaa wareysi la yeelanay Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo sheeganaya Milkiyada Labadaas Hotel. Wuxuuna Wareysigii u dhacay sidatan
Hotel Baariyow Two waxaa haysta Shirkadda Hormuud ,waana Gurigii ugu horeeyey ee ay Hormuud ku shaqo bilaawdo, Guriga kale waa Hotel Baariyow One waxaa haysta Haweeneyda Gudoomiye ku xigeenka ka ah Bangi-ga Dhexe waxaa la yiraahdaa Maryan Cabdulaahi Yuusuf , waxaana Shirkadeeda ugu shaqeeya nin la yiraahdo Maxamed Amiin oo isna la shirko ah nin ay walaalo yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu magacaabo Cali Shiikh sidaa darteed Marka ay dacwada soo dhawaato oo la rabo in Xukunka la rido ayey ragaas Madaxtooyada ka tirsan soo galaan maadaama Hormuud iyo Haweeneydaa ay Xiriir Dhow la leeyihiin Madaxtooada
Su’aal : Goormee ayaa Dacwadaan ka bilaabantey Xeer Ilaalinta Qaranka?
Jawaab: Dacwadaan Waxay Xeer Ilaalinta ka bilaabantey Waqti haatan laga joogo Sannad iyo Bar ilaa iyo maanta Dacwadaas waa socotaa waxaana Rajeynayaa in Guryahayga aan diib u hanto
Su’aal “ Maxaa Dacwadaan aad u bilaabi weydey Mar hore maadaaa aad sheeganeyso Milkiyadda Labadaas Horel ee Baariow One iyo Baariyow Two.
Jawaab: Waa Runtaa Mar hore ayey ahayd in aan Bilbaabo Dacwadda Guriyaha , waxaan kuu sheegayaa in Dalka ay soo mareen Dowlado ku meel gaar , waxaana mar waliba qalbigeyga ku taagnaa in Soomaaliya ay ka dhalato dowladda Sharci ah maanta waxaa Dalka ka jira Dowlad Rasmi iyo Garsoor marka maanta ayaa la joogaa waqtigii aan dib u soo ceshan lahaa Hantideyda waxaa kuu sii raacinayaa markaan dibadda tagay xanuuno I soo wajahay darteed iyo xaaladda dalka oo aan hadda ka hor saamaxeeyn in la is dacweeyo ayay dacwadeyda u daahday, hase yeeshee maanta waxaan ku kalsoonahay in garsoorka soomaaliyeed uu iI soo celiyo xaqeyga,.
Su’aal ; Waxaa la sheegey in Guryahaan ama Hoteladaas aad ku bixisey Damiin arrintaa maxaa ka jira “
Jawaab: Haa waa runtaa Guryahaas Damiin ayaa ku dhiibey maadaama Qof ehelkeyga ah lagu qabsadey Lacago, Xiliga aan damiinanayey Ruuxaas waxaa socdey Dagaaladii sokeeye dalkana kama jirin wax sharci marka Qasab bay igu noqtey in aan Ruuxaas damiinto oo aan Hantideyda ma guurtada ah ku Badbaadiyo
Sui’aal : Ruuxa aad Damiinatey muxuu Xiligaas hayey?
Jawaab Ruuxaas aan damiintey Waxaa uu dalka ka wadey Mashaariic , sidaa darteed Mashaariicdaa waxay Noqdeen kuwa fashillmey iyadoo dadkii loo fulinayey Mashaariicdaa ay qabsadeen Ruuxii aan ehelka ahayn.
Su’aal: Ruuxa Ehelkaada ee aad Damiinatey lacagta aad ka damiinatey Imise ayey Gaareysey?
Jawaab:: Maadaama aan Ganacsade ahaa oo hanti ma guurta ah lahaa waxay Lacagta aan damiintey gaareysey 250 Kun oo Doolar (Laba Boqol iyo Konton Kun oo Doolar) Hantidaas oo dacwadeeda hadda ay taal Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Qareennadeyduna ay u gudbiyeen xafiiskaas,dhammaan arrimaha caddeynaya in hantidaas la iiga dhacay marmarsiiyo Damaanad lacageed oo dhan $250.000 waxaana Ruuxaas aan ehelka ahayn aan damiintay.Bilowgii sanadkii 1992 sidaa darteed dagaalkii sokeeye awgii jeegagaas lama lacageyn, anigana waxaan isku dayay inaan Damaanadii Kabo, oo waxaan ka codsaday dadkii hantida lahaa iiney fursad I siiyaan si aan aniga dibadda uga raadiyo ee aan u bixiyo lacagtaas.
Su’aal: Halkee ayey waqtigaan Xaadirka ah Dacwada ay Mareysaa?
Jawaab” Dacwada Labada Hotel waxaa ku jira Qareeno aan qabsadey oo aan ku kolsoonahay waqti aan sidaa u dheereyn in ay Doodaas galaan, waxaana Socda Baaritaan ku saabsan Guryahaas aan leeyahay waxaana ku sheegayaa in marka lagu dhawaaqi rabo Dacwada waxaa soo dhexgala Madaxyoyadda.
Su’aal: Muddo dheer ayey Dacwadaan Hortaalaa Xee Ilaalinta maxay tahay Sababata ilaa iyo haatan ay Dacwada ugu gudbi la’dahay Maxkamadaha”
Jawaab: Xeer Ilaalinta Qaranka Muddo ayey Dacwadaan Hortaalaa ma garan karo sababta ay u dhaqaaqi la’dahay , hase yeeshee waxaa tirsanayaa Cadaaladaro waayo waxaan dareemayaa in uu Jiro Xiriir dhinaca Madaxtooyada iyo Xeer ilaalinta , waxaana kuu sheegayaa in aan haysto Marqaatiyaal iyo Cadeymo igu filan sidoo kale waxaa soo bandhigi doonaa waqti dhow Dukumentiyo ku saabsan Madaxweynaha iyo Xeer ilaaliya sida ay ugu dhex Milmeen Dacwadaas
Su’aal|: Dacwaddaan Xeer ilaalinta ayey taalaa Maxay tahay Sababta ay Madaxtooyada u soo dhex gashey ?
Jawaab : Waa Su’aal aad Muhiim u ah Baariyow Hotels oo ku kala yaalo Waddada Howlwadaag ama Cali Caliyoow iyo Guriga kale oo ku yaal halka loo yaqaan Waddada Mariixaanka oo cabirkoodu kala yahay13.5×13.5mq kana dhisan yahay guri 4 dabaq ah iyo 13.5 x 27 waxaana ka dhisan shan dabaq. Hadii aan kuu sii faahfaahiyo Guryaha Hotel Baariyow Two waxaa haysta Shirkadda Hormuud ,waana Gurigii ugu horeeyey ee ay Hormuud ku shaqo bilaawdo, Guriga kale waa Hotel Baariyow One waxaa haysta Haweeneyda Gudoomiye ku xigeenka ka ah Bangi-ga Dhexe waxaa la yiraahdaa Maryan Cabdulaahi Yuusuf , waxaana Shirkadeeda ugu shaqeeya nin la yiraahdo Maxamed Amiin oo isna la shirko ah nin ay walaalo yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu magacaabo Cali Shiikh sidaa darteed Marka ay dacwada soo dhawaato oo la rabo in Xukunka la rido ayey ragaas Madaxtooyada ka tirsan soo galaan maadaama Hormuud iyo Haweeneydaa ay Xiriir Dhow la leeyihiin Madaxtooada
Su’aal : Diyaar ma u tahay in aad Dib u celiso 250 Kun ee Doolar ee aad Damiinatey .
Jawaab: Waxaan kuu sheegayaa in muddo 25 Sanno Guryaheyga lagu shaqeysanayey marka maanta aniga ayaa u baahan in Guryaheyga la ii Celiyo wailba waxaan u baahanay in magdhow la iga siiyo Mudadaas 25 sano ah ee lagu shaqeysanyey
Su’aal : Ugu dambeyn Maxaa ka rajeyneysaa Dacwadaan?
Jawaab: aniga oo ku kalsoon Qareenadeyda, waxaan rajeynayaa in Dib la igu soo celiyo Guryaheyga weliba aan helo Magdhow waayo sida la wada garan karo, hantideydii waa ka qiima badneyd qaanta damaanadeed ee la ii haystay, iyadoo aan la i siin fursad aan ku bixiyo lacagtaas ama la ii qiimeeyn hantideeydii ayaa guryahaygii qoray caaradiis la iigaga qaatay lacagtii aan damaanada ka ahaa aawadeed, sidoo kale waxaan u sheegayaa Shacabka Soomaaliyeed inaan marnaba ka hari doonin guryaheyga sida Sharcidarada ah loo haysto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmailco.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Halkaan ka Daawo Wareysigii Baariyow
https://www.youtube.com/watch?v=rnd6BbwcnWU
https://www.youtube.com/watch?v=mP1Lx8SYnmI
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.