Home » Warar »

Daryeelka Af-Soomaaliga iyo Dugsiga Hooyada

SIMINAAR AY SOO QABAN-QAABIYEEN AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA IYO HAWEENKA G/BANAADIR OO LAGU QABTEY MAGAALADA MUQDISHO.

Kulan aqooneed aad u balaaran oo lagu baranayay daryeelka af-Soomaaliga iyo kaalinta ay hooyadda ka qaadan karto horumarinta afka ayaa maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

daryeelsom

Madal aqooneedkaasi oo si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga iyo ururka Haweenka G/Banaadir ayaa furitaankiisii waxaa ka soo qeyb galey Madax ka kala socotey Dawaladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka G/Banaadir iyo Masuuliyiin mataleysey ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Munaasabaddii furitaanka siminaarkaasi ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale{ Madaale} ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaabulka iyo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftey inuu Maamulkiisa ay ka go’an tahay daryeelka iyo u hiilinta afka Soomaaliga, isagoo u soo jeediyay haweenka G/Banaadir inay noqdaan bud dhigayaashii afka Soomaaliga isla markaana ay Dadaal u galaan sidii loo bad Badaadin lahaa afkeena hoddonka ah.

Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleeddka af-Soomaaliga ahna Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya Prof. Maxamd Daahir Afrax oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey xaalada iyo marxalada u haatan ku sugan yahay afka Soomaaliga, wuxuuna tibaaxey inay jiraan af dilayaal aad u fara badan oo ku soo badanaya af Soomaaliga, isagoo ku nuux nuuxsadey in la iska kaashado sdii looga hortagi lahaa khatar walba oo ku soo fool leh afka hooyo ee aanu leenahay.

Mar u ka hadlayay hawalaha Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga ayaa hoosta ka xariiqey in Akadeemiyadaasi loo unkey sidii ay horseed uga noqon ahaeyd xoojinta, daryeelka iyo hal abuurka af-Soomaaliga, wuxuuna u soo jeediyay haweenka G/ Banaadir inay hiil u noqdaan Akadeemiyadaasi , isagoo dhanka kale u mahad celiayay Maamulka Gobolka Banaadir oo uu tilmaamay inuu xil gaar ah iska saaro horumarinta afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa furitaankii munaasabadaasi iyana haddalo kala duwan ka soo jeediyay Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Gudoomiye ku xigeenka ururka hHaweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Maxamed Baarqab, kuwaasi oo sheegey in haweenku ay horseed ka noqonayaan kor u qaadida afka Soomaaliga, iyagoo balan qaadey sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen waajib gudashada Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga.

Ka qeyb galayaashii saminaarkaasi oo ka kala socdey 18-ka Degmo ee G/Banaadir ayaa munaasabadaasi waxay ka soo bandhigeen tallo, guubaabo iyo su’aalo la xiriiray sida lagu hormarin karo afka hooyo, madashaasi oo ay ka faa’iideysteen in ku dhaw 100-xubnood oo haween ah ayaa gaba gabadeedii waxaa laga soo saarey qoddobo ay ka mid ahaayeen:-

1-In la badiyo lana joogteeyo Wacyi galinta ku aadan muhiimda u leeeyahay af-Soomaaliga ,lana gaarsiiyo Deegaan walba oo ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.
2-In la abaabulo olole la mid ah kii horumarinta reer Miyiga, iyadoo ololahaasi bulshada lagu barayo qorista iyo akhriska af-Soomaaliga.
3-In si deg deg ah loo furo xarumihii Waxbarashada dadka waaweyn ee af-Soomaalga lagu bari jirey.
4-In haweenku ay noqdaan difacayaasha koowaad ee afka hooyo
5- In xil gaar ah la iska saaro erey bixinta cusub ee af-Soomaaliga.
6- in Hay’adaha caalamka lala kaashado sidi loo baahin lahaa kulamda looga hadlayo illaalinta af-Soomaaliga, iyo qoddobo kale.

Madashii saminaarkaasi ayaa ku soo idlaaatey jawi aad wanaagsan,waxaana lagu balamey in loo dhaqaaqo sidii la isaga kaashan lahaa bad baadinta af-Soomaaliga.

Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Daryeelka Af-Soomaaliga iyo Dugsiga Hooyada "

  1. LAASHIN YARE says:

    Magaceygu waa Laashin Yare oo Ku nool Nairobi Kenya wexey ila tahay maadaama soomaalidii rag Iyo dumar ey fahmeen macnaha iyo muhimadda afkoodu leeyahay waa guul la gaarey oo bogaadin mudan.
    Somalitalkna waxaan leeyahay jiroo jooga