Home » Warar »

Xisbi Cusub oo Muqdisho lagu Daahfuray

Magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqey ama lagu Daahfurey Xisbi SIyaasadeed oo lagu Magacaabo Xisbiga WADAJIR oo Haldhigiisu yahay Asal iyo Iftiin waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro,, Madaxda Xisbiyada Siyaasada Dalka, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada’udiin, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale
image
“Xisbiga Mabaa’iidiisa waa Dhowrista Madaxbanaanida Wadajirka si loo soo celiyo Hayabadii Qaranimada,, La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Cadaalad-darada , Eexda, Qabyaalada, Jahliga iyo Faqriga, Dhiiragelinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan Horumarka, Dib u dhiska Siyaasada Dalka, iyo in la helo Dhismaha Garsoor Hufan oo Cadaalad ku dhisan “ sidoo waxaa yiri laba ka mid ah Aaasaayaashi Xisbiga Wadajir oo kala ah Nuur Shiikh Cali Diinaari iyo Cabdinaasir Geele

Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga Kamaal Daahir Guutaale oo ka Hadley Munaasabadii lagu Daahfurayey ayaa waxaa uu yiri “ Sababtaan u dooraney Halku dhigga Asal iyo Iftiin, waxay tahay in la dhiso Dowlad ay shacabku leeyihiin si looga maarmo Gacan shisheeye, magaca Iftiina waa in Ummadda Soomaaliyeed Dhinac waliba laga dhiso ha noqoto Waxbarashada , Caafimaadka, iyo Adeegyada kale ee Bullshadda si loo gaaro dal isku filan

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Gudoomiyaha isbaheysiga Xisbiyadda Siyaasadda Saciid Jaamac Cali Qoorsheel waxaa uu sheegey in Isbaheysigiisu uu soo dhaweynayo Xisbiga Wadajirka Soomaaliyeed isagoo sheegey In Madaxda Xisbiga ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay in ay ka mira dhaliyaan yoolkooda oo isku keenida Ummadda Soomaaliyeed sida ka muuqata astaanka Xisbiga

Xubnihii kale ee ka Hadley Munaasabadaas Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyayayaasha Xisbiyada Daljir iyo Kulan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Barnaamij waxayna labadoodu ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Xisbiiga WADAJIR waxayna ka Codsadeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka in ay dedejiyo Saxiixa Xeerka Xisbiga oo ay sheegeen in uu saldhig u yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Xor ah oo Dimoqoraadi ah.

“Xisbiga WADAJIR aad baan u soo dhaweynayaa waana Xisbiga aan dhihi karo mid dhibaatada ka saari kara umadda Soomaaliyed sidoo kale waa uu u soo jeediyey Xisbiyada kale in ay soo dhaweeyaan Xisbigaan “ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Axmmed Dhuxulow (Dhegdheer )

Waxaa kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xidhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xilldhibaan Cabdalla Boos waxayna Labadooda hoosta ka xariiqeen in Dalka uusan Xor ahayn loona baahan yahay in Xisbiga Wadajir uu horseed u noqdo sidii loo soo celin lahaa Sharaftii iyo Karaaamadii ummadda Soomaaliyeed

Nuur Diinaari Safiirkii hore ee Soomaaliya IGAD, kana mid ah xubnaha asaasayaasha xisbiga WADAJIR, ayaa yiri: Shir ay ku yeesheen xubnaha asaasayaashu Muqdisho waxa ay ku go’aansadeen in loo doortay guddoomiye kumeel gar ah Muddo sanad ah mudane Kamaal Daahir Guutaale, si uu u soo dhammeystiro golayaasha iyo garbaha xisbiga, sidaas oo kale waxa uu u rajeeyey Guddoomiyaha in uu u gudan doono xilkaas si kalsooni, howlkarnimo iyo daacidnimo ay ku jirto

Sidaas oo kale waxaa madasha ka hadlay Avv. Craxmaan Cshakuur Warsame, oo ahaa wasiirka xiriirka iyo qorsheynta caalamiga ah ee dowladdi Sheekh Shariif SH. Axmed, Cshakuur waxa uu kamid yahay asaasayaasha xibsiga WADAJIR, muddooyinkii dambana ahaa la taliyaha gaarka ah ee wakiilka QM ee Soomaaliya, kalana taliyey dhanka siyaasadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.