Home » Warar »

Soomaaliya oo ka jawaabtey qoraalkii Washington Post ee sheegashada caruurta da’da yar ee ah in xuquuqdooda aas’aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya

Tr. May 11,2016
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga walwalsan tahay sheegashada caruurta da’da yar ee ah in xuquuqdooda aas’aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war lagu daabacay wargeyska The Washington Post , 7-da May 2016.

Annaga oo ka mid ah dowladaha saxiixay cahdiga Qaramada Midoobey ee xuquuqda caruurta , arrintaas waxa aan u eegi doonnaa si rasmi ah, sheegashooyinkaasi waxaa baari doona hey’adaha qaranka ee u xilsaaran, waxaanan soo saari doonnaa warbixin waqtiga ugu dhow ee suuragalka ah,iyadoo la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adeegsaneysaa qaabab kala duwan oo sharci ah dagaalkeeda guusha leh ee dhanka milatari iyo midka fikir ee ka dhanka ah argagixisada. Al shabaab waxaa ku tiirsan tahay mayal adayg iyo ciidammeynta caruurta si ay u fuliso rabshadaheeda fuleynimo ee ka dhanka ah dadka raidka ah ee Soomaaliya iyo waddamada deriska ah. Mid ka mid hababka ay dowladdu u maareyso arrinkani ayaa ah dhaqan celinta , waxaana ka dhab ah inay taageerto da’yarta ka fallaagowday, kana goosatay kooxdii ay ka tirsanaayeen si mar kale dib loogu dhex milo shacabka, ayna u noolaadaan nolol macna leh oo ka fog xadgudub iyo argagaxiso.

Xukuumadda Soomaaliya iyo dhammaan hey’adaheeda waxa ay leeyihiin sharci adag oo wax ilaaliya , iskaba daa in lagu xadgudbo xuquuqda aas’aasiga ee dhammaan muwaadiniinta , si gaar ah kuwa aadka u tabarta daran sida caruurta.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay tixgelineysaa dhammaan dhalinteeda da’da yar , waxaana ka go’an inay wanaajiso noloshooda si ay ugu suuragasho ka qeyb-qaadashada iyo ka faa’ideysiga horumarka iyo horusocodka ummaddooda. iyadoo taasi ay jirto, waa arrin aad looga xumaado waqtigan adag oo argagaxisadu iyo rabshaduhu ka jiraan dunida daafaheeda , caruurtu waa kooxda ugu horeysa ee dhibanayaasha ah oo waajib ay tahay in si degdeg ah oo dhammeystiran ay u taageeraan dowladaha iyo kuwa bah-wadaagga la ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si dhow ula shaqeyneysaa dhammaan ururada arrinkan ku shaqada leh si sare loogu qaado wacyi-gelinta ku saabsan xuquuqda carruurta iyo dhaqan-gelinta xaqqooda. Tani waxa ay sii xoojin doontaa ambaqaadka lagu xaqiijinayo yididiiladeena qaranka, loogana dhabeynayo horumarka guud ee joogtada ah.

▪ Dhammaad –

……………….

War Saxaafadeed
La xiriir: Jama Bulhan
Abdi Warsame ayaa idinku casumayso Shir looga Hadlaayo Isticmaalka Section 8ka

May 11, 2016 (MINNEAPOLIS) Shir looga hadlaayo isticmaalka waraaqaha Section 8ka ayaa lagu qabanaayaa hoolka shirarka xaafada Cedar Riverside ee Brian Coyle. Section 8 ayaa ah barnaamij lagu kaalmeeyo kira dhiibayaasha saboolka ah oo aan aboodin in ay la baxaan kiradooda.

DAAWO VIDEO:

Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame iyo madaxweyne kuxigeenka golaha degaanka Magaalada Minneapolis Marwo Elizabeth Glidden ayaa idin kusoo dhawaynaya, inaad fikradihiina ka dhiibataan isticmaalka waraaqaha Section 8ka gudaha Magaalada Minneapolis.

Kumanaan Somaali ayaa isticmaasha Section 8, iyagoo mararka qaarkood la kulmaan dhibaatooyin la xiriira isticmaalka Section 8ka. Fadlan kasoo qaybgala islamarkaana na ogaysiiya dhibaatooyinka aad la kulantaan, si aan idinkugu ololayno, dhibaatooyinkiinana aan u gudbino.

Date: Friday May, 13, 2016.
Time: 5:30 – 7:30pm
Location: Brian Coyle Center – 420 15th Ave S, Minneapolis, MN 55454

Jama Bulhan
Ward 6 Intern
Minneapolis City Council – 6th Ward
Jama.Bulhan@minneapolismn.gov

……………………..

R.wasaaraha oo la kulmay ururada dhalinyarada kalana hadlay ka qeybgalka dhalinta ee siyaasada

Muqdisho, May 10, 2016—–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta qaabilay dhalinyaro mataleysay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, waxaana kulankan ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diirada lagu saaray sidii loo dhiiragelin lahaa dhalinyarada si ay qeyb uga noqdaan hanaanka geedi socodka doorashada dalka ee 2016 iyo sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa faah faahin dheer ka siiyay dhalinyarada geeddi socodka 2016, aragtina ka siiyay habka ay dhalinyaradu kaalin uga geysan karaan sidii loo heli lahaa isbadal ku yimaada si Dimuqraadi ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhalinyarada la’aanteed aaney suurtagal aheyn in la gaaro hiigsiga iyo isbadalka dhabta ah.

“Dhalinyarada waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isbadal, dhexdoodana ay is kaashadaan isna aaminaan, waana in aadnaan cidna ka sugin masiirkiina” ayuu yiri R.wasaaraha oo tilmaamay in dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday gobanimada ay duruufo adag ku soo beegantay halgankoodii, isla markaana aysan helin fursadaha maanta ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, dhanka aqoonta, Teknoliyada iyo dhamaamba adeegyada aas aaska u ahaa abaabulka.

“Xukuumadeyda waa xukuumada ugu dhalinyarada badan xukuumadihii dalka soo maray, waxayna hayaan Wasaaraddaha ugu muhiimsan, sidoo kalena waad la socotaan shaqaalaha dowladda boqolkiiba sideetan waa dhalinyaro, weliba kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay” ayuu yiri

Sidoo kale, intii ay socotay wadahadalka dhalinta iyo Ra’iisal Wasaaraha ayay su’aalo weydiiyeen R.wasaaraha, waxaana u badnaa, habka xulista Baarlamaanka soo socda, aqalka sare, iyo sida ugu haboon ee loo heli karo cid la xisaabtanta oo saxda khaladaadka dhici kara.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay la yimaadaan dadaal iyo karti, si ay ugu suurtagasho inay helaan waxa ay u qalmaan, waxaana sidoo kale dadka su’aalaha weydiiyay ka mid ahaa shaqsiyaad matalayay bulshada baahiyaha gaarka ah qaba, sida dhalinyaro ka socotay Dugsiga dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ee Al Basiir, waxayna ka codsadeen in dadka naafada iyo indhoolayaasha ah lagu daro shaqaalaha dowladda.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka waaniyay dhalinyarada inay dalka ka Tahriibaan, ayna dulqaad yeeshaan, isaga oo xusay in shirkii ka dhacay Malta, lagu diyaariyay qorshe guud oo waxbarid iyo shaqo abuur isugu jira lagu diyaariyay, lana filayo inay dhowaan dhaqan gasho, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in golaha Wasiiradu ay diyaariyeen waxa loo yaqaano siyaada dhalinyarada (Youth Policy), taasoo dhowaan ay meel marin doonaan.

—-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaaliya oo ka jawaabtey qoraalkii Washington Post ee sheegashada caruurta da’da yar ee ah in xuquuqdooda aas’aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya "

  1. Soomaaliya laba argagixiso ayaa ka jira:

    1- Alshabaab iyo inta ku tiirsan oo faka duubta

    2- NISA oo lagu magacaabo ciidanka ammaanka oo iyana
    afka duubta.
    Marka la eego lana miisaamo dhibaatada iyo tacadiga ay ummadda soomaaliyeed ku hayaan, goonni ahaan da’yarta dhallinyarada soomaaliyeed, farqi weynu uma dhaxeeyo, oo labaduba si naxariis daran ayay ummadda ugu xad gudbaan, dawlad tacadigaas baahay ummadda ka badbaadiyaana dalka kama jirto.
    Taana waxaa sii dheer, iyadoo dawladaha shisheeye ee xabsiyada iyaga u’ gaarka ah Muqdisho iyo Villa Soomaaliya dhexdeeda ka samaystay, ay da’yarta soomaaliyeed inta loo soo qab-qabto, ay godadkooda xeebta ku dilaan dhallinyaro farabadanuna sidaa ku maqantahay.

    Washington Post been ma sheegin, ee tacadi baahay, oo ciidamada CIA ee America ay qaybweyn ka yihiin ayey in yar ka taabatay!!!

  2. Af been bartay oo ay beentu dhaqan u’ tahay, runta sheeg laguma karo.
    Muddo dheer, haba ugu darnaadeen 4tii sano ee ugu dambaye, waxaa caado ahayd, inta ay xagjirku dhallinyaro (carruur) marin habaabiyaan in aad uga badan in, gaar ahaan, magaalada Muqdisho, ciidamada booliska iyo kuwa afka duuban oo loogu magacdaray CIIDANKA AMMAANKU oo iyana sida argagixisada afka duubta, inay caadeysteen carruur dugsi waxbarasho loo diray, waddada inay ka afduubtaan, kadibna waalidkood lagu qasbo inay xabsiga ka soo iibsadaan!!!