Home » Warar »

Sucdi Daahir oo ku Guuleysatey Caafimaadka Wiilkii yaraa ee AMISOM Dhaawaceen

Farxaan  Xuseen Maxamed  waa 12 jir Bishii  Ogoosto  2013 waxaa Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom ku jiirey agagaarka  Dugsiga Sare ee Booliiska , waxaana Dhaawac Culus uu ka soo gaarey Qaarka Dambe ee Jirkiisa,

farxaan2

Waxaa Gacanta ku dhigey Sucdi Daahir  Diiriye (Qajaf weyn) markii ay aragtey in uu ku Dayacan yahay magaaladda Muqdisho  waxay Geed Dheer iyo Geed Gaaban u fuushey sidii ay  Farxaan  ula Tacaali lahayd waxayna Muddo Sannad ku dhow ku Baxnaanineysey Isbitaaladda  Digfeer iyo Aadan Cadde si ay u hesho Kharashkii ay Dalka dibadiisa ugu qaadi lahayd si Qaliin loogu soo sameeyo  .

Waxay Rafato oo Kharash u ururiso  waxay Sucdi  ku Guuleysatey in Farxaan ay u qaado Dalka Hindia, Qaliin saacado badan qaatey ka dib  waxaa  lagu guuleystey in uu farxaan helo  waxay ku hamineysey Sucdi Daahir Diiriye oo ahaa in uu Farxaan Maalin Maalmaha Ka mid ah ku  Istaago Lugihiisa, waxaana haatan  Tababar dhinaca Jirka  ah uga socdaa Isbitaalka uu kaga jiro  ee Dalka Hindia

Mar aan la xiriirey Sucdi  oo ku sugan Dalka Hindia waxay ii sheegtey in ay aad u faraxdey markii ay Dhaqatiirta u sheegeen in Farxaan wax  laga qaban karo  taasoo Aakhirki lagu guuleystey Qalinkiisii oo uu   ku baxay Kharash fara badan, waxayna Sucdi u Mahadcelisey intii ku gacan siisey  Faraxaan in uu helo Caafimaad.

farxaan1

Sucdi Daahir oo Caqabado fara badan la Kulantey intii ay wadey qabanqaabada Caafimaadka Farxaan,ayaa tiri “Dhibaatooyinkii I soo marey waxaan uga gudubtey Samir iyo Dulqaad, waayo waxaa qalbigeyga  ku weynaa in mar uun uu Farxaan Caafimaad helo” waxayna  ii sheegtey in ay aad ugu Faraxsan tahay Caafimaadka uu ilaah ugu  deeqey  Farxaan .

Gabagabadii aniga ah Qoraha Warkaan waxaan leeyahay Sucdi oo aan in badan isla soo shaqeyney waxna ka ogaa Xaaladii Farxaan halkaas ka sii wad Howsha Baniaadanimo ee aad hayso Ummadda Soomaaliyed Gaar ahaan Caruurta oo ah Mustaqbalka Beritto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.