Farxaan Xuseen Maxamed waa 12 jir Bishii Ogoosto 2013 waxaa Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom ku jiirey agagaarka Dugsiga Sare ee Booliiska , waxaana Dhaawac Culus uu ka soo gaarey Qaarka Dambe ee Jirkiisa,
Waxaa Gacanta ku dhigey Sucdi Daahir Diiriye (Qajaf weyn) markii ay aragtey in uu ku Dayacan yahay magaaladda Muqdisho waxay Geed Dheer iyo Geed Gaaban u fuushey sidii ay Farxaan ula Tacaali lahayd waxayna Muddo Sannad ku dhow ku Baxnaanineysey Isbitaaladda Digfeer iyo Aadan Cadde si ay u hesho Kharashkii ay Dalka dibadiisa ugu qaadi lahayd si Qaliin loogu soo sameeyo .
Waxay Rafato oo Kharash u ururiso waxay Sucdi ku Guuleysatey in Farxaan ay u qaado Dalka Hindia, Qaliin saacado badan qaatey ka dib waxaa lagu guuleystey in uu farxaan helo waxay ku hamineysey Sucdi Daahir Diiriye oo ahaa in uu Farxaan Maalin Maalmaha Ka mid ah ku Istaago Lugihiisa, waxaana haatan Tababar dhinaca Jirka ah uga socdaa Isbitaalka uu kaga jiro ee Dalka Hindia
Mar aan la xiriirey Sucdi oo ku sugan Dalka Hindia waxay ii sheegtey in ay aad u faraxdey markii ay Dhaqatiirta u sheegeen in Farxaan wax laga qaban karo taasoo Aakhirki lagu guuleystey Qalinkiisii oo uu ku baxay Kharash fara badan, waxayna Sucdi u Mahadcelisey intii ku gacan siisey Faraxaan in uu helo Caafimaad.
Sucdi Daahir oo Caqabado fara badan la Kulantey intii ay wadey qabanqaabada Caafimaadka Farxaan,ayaa tiri “Dhibaatooyinkii I soo marey waxaan uga gudubtey Samir iyo Dulqaad, waayo waxaa qalbigeyga ku weynaa in mar uun uu Farxaan Caafimaad helo” waxayna ii sheegtey in ay aad ugu Faraxsan tahay Caafimaadka uu ilaah ugu deeqey Farxaan .
Gabagabadii aniga ah Qoraha Warkaan waxaan leeyahay Sucdi oo aan in badan isla soo shaqeyney waxna ka ogaa Xaaladii Farxaan halkaas ka sii wad Howsha Baniaadanimo ee aad hayso Ummadda Soomaaliyed Gaar ahaan Caruurta oo ah Mustaqbalka Beritto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.