Home » Warar »

Prof Saciid Ciise Maxamuud oo Dowladda Faederaalka ku Tilmaamey Jamaamur oo Macnaheedu yahay Shey Muuqda oo waxtar lahayn

Munaasabad lagu soo dhaweynayey Gudoomiyaha Xisbiga Dadka  Prof Saciid Ciise Maxamuud markii uu dalka dib ugu  soo laabtey waxaana munaasbadii lagu so dhaweynayay lagu qabatey Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen Xisbiyada Siyaasada dalka , qaybaha kala duwan ee Bulshada Taageerayaasha Xisbiga, Wakiilada Xisbiga ee Gobolada Dalka iyo Marti Sharaf kale.
jamaamuur

Ugu horey waxaa Halkaa ka Hadley  Cabdirisaaq Axmed Maxamuud (Asmar) oo ka mid ah Wakiilka Xisbiga ee Gobolka Banaadir  mahadcelin ka dib  waxaana uu sheegey in Xisbiga  intii uu jirey uu ku talaabsadey  Horumar la taaban karo islamarkaa waxaa uu sheegey in Xisbiga  uu qabtey kulamo fara badan oo looga arrinsanayey Xaaladda dalka

Waxaa sidoo kale Kulankaas soo dhaweynta ka Hadley Gudoomiye ku xigeenka Koowaada ee Isbahaeysiga Xisbiyada Dalka Cali Maxamed Nuux waxaa uu sheegey in Xisbiyada Dalka ka jira ay dadaal u galeen sidoo loo ansaxin lahaa Xeerka Xisbiyada taasoo uu sheegey in aakhirkii uu golaha Wasiirada ay ansaxiyeen isagoo sheegey in Baarlamaanka  ay ka  filayaan in deg deg u Ansaxiyaan

Ugu Dambeyn waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Xisiga dadka Prof Sacid Ciise Maxamuud oo u mahadceliyey Dhamaan inti soo  abaabushey Munaasabada lagu soo dhaweynayey, wuxuuna ku dheeradey Xaalada Siyaasada  Dalka mar uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Dadka Koonfurta ku nool waagii hore waxay isticmaali jireen Erey la yiraahdo Jamaamur, ereygaa waxaa lagu micmneeyaa Shey Muuqda oo hadana waxtar lahayn , marka Dowladda Magaceedu waa jiraa laakiin wax tar ma leh” waxaa uu intaas ku darey

“Xisbiga waxaa uu doonayaa in la soo xulo  10 kun  oo ergo si ay u doortaan Madaxa Sare iyo Xubnaha Baarlamaanka, iyagoo  xilka haynaya muddo laba sono ah si Bulshada Soomaaliyeed loogu Gogol Xaaro Doorasho qof iyo Cod  sidoo kale Xisbiga dadka waxaa uu ka so horjeedaa Nidaamka 4.5 habka Federalka oo dadka soomaaliyeed u bisleyn Xiligaan  “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@ yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.