Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo sheegtey in Amaanka Garoonka Diyaaadaha Aadan Cadde uu uu yahay mid la isku haleyn karo.

Waxaa Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ee Magaaaladda Muqdisho Kormeer ku tagey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda  Federaalka kuwaa oo eegayey howlaha Baxaadadda leh ee Garoonka iyo Qaabka loo sugayo Amaanka ka dib markii dhawaan aiyaarad ay lahayd Shirkadda Diyaaraha ee Daalo Qarax loo geystey mar ay ka duushey Garoonka

diyaaradaha

Wasiirada soo booqdey Garoonka   waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Xayir Maareeye , Wasiir ku xigeenada  Gaadiidka iyo Duulista, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka , Wasiiru Dowlaha Maaliyada sidoo kale waxaa ku wehliyey Taliya Waaxada Socdaala iyo Jisiyadaha  Gen Cabdulaahi Gaafow waxayna  Masuuliyintaa soo eegeen Diyaarada weyn oo ay lahayd Shirkadda Jubba  Airways oo markaasi Qaadayesey Rakaab waxayna la hadleen Dadkii rakaabka ahaa ee Diyaarada Saarnaa iyagoo u sheegey in amaanka Garoonka  Baqolkiiba Boqol la isku Haleyn karo

Wasiirada ayaa  Warbxin ka dhageystey masuuliyiinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha kuwaa  sheegey in Howsha garoonka ay haatan tahay mid Caadi ah islamarkaana maalin iwalib ay ka soo degeyaan ma ka dhoofayaan Dad fara badan ka dib markii  si aad ah loo adkeeyey amaanka Garoonka Diyaaradha Aadan Cadde

Taliyaha Waaxda  Sacdaalkiyo Jnsiyadaha oo isna halkaa ka Hadley ayaa u mahdceliyey Dhamaan Shaqaalaha iyp Ciidamada  Amaanka oo uu sheegey  in ay waxa badan ka badeleen dhaqdhaqaaqii  garoonka  gaar ahaan isagoo sheegey in ay si Wanaagsan u socdaan Duulimaadyadii Caalamiga aha iyo  KuwII Gudaha isagoo u   soo jeediyey  dhamaan Shaqaalaha iyo Ciidamda amaanka in ay sii laba jibaaraan Howsha Garoonka

“ Aad baan ugu Mahadcelinayaa Shirkadaha Diyaaradaha Juba iyo Daalo sida ay uga go’a tahay in ay u shaqeeyaan Shacabkooda , Kaalintaasina Shacabka ma hilmaami doonaan waayo Xiliyo adag ayey Shacabkooda u soo shaqeeyeen marka waxaana leeyahay halkaas ka sii wada Howsha “ sidaa waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Xayir Maareeye oo u so jeediyey Shirkada Turkish iyo kuwa kale ee Caalami ah in ay dib u soo celiyaan Duulimaadkoodii maadaama haatan Amaanka Garoonka uu yahay mid la sku haleyn karo

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markii ay Booqanayeen   Masuuliyiinta Dowladda waxaa uu ahaa mid aad u Mashquul badnaa waxaana Garoonka Fadhiyey Diyaarado fara badan kuwaa oo garoonka ka qaadayey Rakaab kuwa kale ay keenayeen Rakaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@ yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.