Home » Warar »

Masjid jaamicii ugu horreeyey degmaada Shibis (Bilaaja carab) oo dib loo dhisayo

Masjid jaamica Ibbi ee degmada Shibis markii ugu horeysay waxaa la dhisay sanadkii 1933kii, waxaana dib loo dhisay 1971kii.

Masjidku wuxuu ku fadhiyaa 900 m2, waxaana markiiba ku tukan kara 1000 qof, wuxuuna leeyahay qayb dumarka loogu talogalay iyo qayb kale oo isugu jirta maktabad, guriga mu’adinka, madaraso, hool muxaadarooyin, xamaamyo iyo meeshii weesada.
image
Masjidkaan oo ah mid taariikhi ah, kuna yaal bartamaha magaalada, isla markaasna noqon doona masjidka xaafada ugu weyn waxaa lugu qiimeeyey inuu ku kacayo lacag dhan 410 kun dollar, ilaa haddana waxaa lugu deeqay 260 kun dollar oo 120 kun oo ka mid ah uu hal nin bixiyey, waxaana wali dhiman lacag dhan 150 kun Dollar.
image
Masjidkaan oo ahmiyad weyn u leh magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis wuxuu u baahanyahay in si buuxda loogu wada gurmado dhamaystirkiisa gaar ahaan raggii reer Shibis iyo nin walba oo maalin maalmaha ka mid ah degmada Shibis dagay .

Waxaa hawsha dib u dhiska oday ka ah Sheekh Xuseen Xasan Cabdulle oo ka mid ah culimada iyo ducaada gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Shibis, isaga oo aan ku booqanay goobta dhismuhu ka socdo ayaana na siiyey warbixintaan faahfaahsan.

Ilaahay cid walba oo ka qaybgasha dhismaha masjidkaan haka aqbalo, hana uga dhigo sadaqo joogto ah, waxaana lagala xiriiri karaa telefoonada ku qoran boorka dhagan.

Sh. Axmad Cabdisamad

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.