Home » Warar »

Khudbaddii R.Wasaare K/Xigeenka ee Kulanka Horu-marka iyo Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka (SDRF)

Muqdisho, February 15, 2016——Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii Horu-marinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda guud ahaan dalka Somaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Benadir waxa kale oo goob joog ahaa Xubnaha Golaha Wasiiradda ee ku jira SDRFka, Baarlamaanka, Hay’adaha UN, EU, iyo World Bank.

Hadal uu furitaankii shirkaasi ka jeediyay Mudane Carte waxa uu ugu horayn ka hadlay falalkii ugu danbeeyey ee kooxaha Argagixisadu ka geysteen magaalada Muqdisho, isagoona dhaleeceeyay weerarkii bishii hore Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Liido.

Sidoo kale, RW ku Xigeenka XFS waxa uu ka warbixiyay qaabkii ay u wajaheen baaritaankii Qaraxii diyaaradii Daallo Airline, waxaanu cadeeyay inuu qaraxaasi ahaa talaabo arga-gixiso oo loo soo diyaariyay hab farsmo oo casriyaysan, waxaanu Ra’isal W/Ku xigeenku xusay in baadhista ay kala qayb-qaateen saaraakiil dambi baadhis oo kala socda Dalka Maraykanka iyo Hay’ada Bancroft, baadhitaankaasina wuxuu si isku mid ah u cadeeyay in uu ahaa fal arga-gixiso.

“weerarkaa ka dib waxaanu kor u qaadnay amniga Airport ka Magaalada Muqdisho si uu adeeggii bulshada ee soo degida iyo dhoofidda Madaarku uu si habsami leh u socdo,ayuu yidhi Carte, oo intaas raaciyey “sidaad la wada socotaan todobaad ka dibna waxaa furmaya shirkii guud ee HLPF maantana waxaynu ka rajaynaynaa Hay’adda isku xidhka deeqaha (ACU) inay inooga waramaan halka uu marayo diyaargarawgii shirkaasi, waxaanan filayaa in wada hadalka shirkaasi ay ka soo baxaan wax cad oo Somaaliya iyo dadka la shaqeeyaba qiimo u yeesha”.

Waxa kale oo Mudane Carte ka warbixiyey sida ay uga shaqayn lahaayeen dhisidda maamul goboleedyada dhiman sida Shabellaha Dhexe iyo hiiraan oo hada gacanta lagu hayo, taasi oo saldhiggeedu yahay dhamaystirka maamul goboleedyada, siyaasada dawladda federaalku waxay keentay in ay ku kulmaan Muqdisho Madaxda DFS iyo hogaamiyeyaashe Goboladu kaasi oo ka dhacay Muqdisho January 10-16, si go’aan looga gaadho qaabka doorasho ee dalku qaadan lahaa sanadka 2016.

Waxaanu soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay kulankaasi si gaarana wuxuu uga hadlay muhiimada kootada haweenka ee boqolkiiba soddonka (30%) ahi ay u leedahay dhismaha qaranka iyo sawirka guud dimuqraadiyada dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisal W/ku Xigeenka XFS Mudane Carte wuxuu iftiimiyay dib-u-eegista Dastuurka Qaranka isagoo tixraacaya qaraarkii Baarlamaanka ee 27 july 2015, taasi oo Dawladda Federaalku ay horu-mar ka gaadhay dhinaca dib-u-eegista iyo horu-marinta Dastuurka Federaalka Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu cadeeyey u kuur galida dhinaca Cadaaladda iyo hawlaha wax ku oolka ah ee laga qabtay si loo adkeeyo awood siinta qaab dhismeedka Cadaaladda iyo xoojinta sharciga.

Mudane Carte wuxuu madasha si cad uga sheegay inuu diyaar yahay qabyo-qoraalkii ugu danbeeyay ee Siyaasadda Amniga Qaranka (NSP) waxana uu sheegay in qoridda NSP-gu ay qiimo ugu fadhiyo hagidda go’aaminta qaran ee dalka iyo ficilada nidaamka dawliga ah, waxa kale oo dawladu dhawaan horumar wax ku ool ah ka gaadhay Amaanka iyo Ilaalinta Xeebaha Badda Soomaaliyeed, taas oo guddi wasiiro ah loo aas-aasay si loo dhaqan galiyo hawl-galka amaanka Xeebaha Badda Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay Ra’iisal W/ku-Xigeenku dhinaca maaliyada waxa uu yidhi “miisaaniyad sanadeedka 2016ka waxay ahayd mid maan-gal ah, iyadoo kor loo qaaday heerkii waaxda cashuurta ee kastamiska lana dhaqan galiyay cashuurta hay’adaha muhiimka ah sida Isgaadhsiinta, Hotellada, iyo horu-marinta ururinta cashuuraha wadooyinka”

Gabagabadii Ra’iisal W/ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday in uu dalku ku waajahan yahay horu-mar iyo degenaansho muuqda, isagoo tusaale u soo qaatay in la dhamystirayo Qorshaha Horu-marinta Qaranka (NDP), dhaqan galinta siyaasada Amniga Qaranka (NSP) ka qayb-qaadashada Kor u qaadida Arrimaha Bani-aadamnimada (Universal periodic Review-UPR).

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.